SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

W/d Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Waa yaabka yaabkiis ; warbixin ku saabsan warqaddi Nabi Muxamed u qorey boqorkii Hiraqle

Qoraalo sir ah ayaa daaha ka rogey doodo ka dhex jirey dowladda Ingiriiska oo ku saabsan iibinta warqaddii Nebi Muxamed  uu u qorey Boqorkii Hiraqle , ka dibna loo gudbiyy Boqor Faysalkii  ee Sucuudiga

WARAAQIHII UU NEBI MUXAMED (SCW) U DIRAY BOQORRADA Guji...

Fayl aad u yar oo ka mid ah waxyaabaha sirta ah ee dalka Ingirisku leeyahay oo horaantii sanadkan la soo bandhigay ayaa wuxuu xambaarsanaa magac la yaab leh waxaana  ku jiray qoraalo la yaab leh magaca Faykaasi oo ay ku jireen 4-document oo kaliya ayaa gaarayay 700-eray, kaa soo ah baaris document-tiyo gacanta lagu qoray oo la sheegay inay ka mid  tahay warqadii Nabigeena (NNKH) uu u qoray boqorkii Hiraqle, document-tiyadii ku   jiray faylkaan ee la yaabka badan ayaa la sheegay in uu daaha ka rogay  Lord John Kerrry isagoo  macluumaadkaas ay ka soo gaartay ama uu ka helay Naagtii uu ka geeriyooday Boqor Faysalkii 2-aad ee dalka Ciraaq mar uu u talin jiray, waxaana qoraalkaasi ugu weynaa warqaddii  Nebigeena (NNKH) uu u qoray boqorkii  mar dunida ugu xoogga weynaa ee  Hiraqle ee madaxda u ahaa boqortooyadii Roomaanka waxaana dhacday in helitaanka warqaddaasi ay noqotay mid dagaal badan loo galay iyadoo loo adeegsanayey dhanka siyaasadda, isla markaasna ay dowladda Ingiriiska ku doonaysay in ay ku hanato Boqorkii Sacuudiga  Boqor Faysal Bin C/Casiis  si ay dawladda ingiriiska uga badbaaddo carabta oo markaas shidaalkooda u isticmaalayay sidii hubkii  oo cuno –qabateyn ka saaray dadka Israa’iil iyo waddamadii  gacanta siinayay, kaddibna ay ku wareejiyeen dalka Ingiriiska Boqorkii Sucuudiga Boqor Faysal iyadoo weliba document-tiyada ku jira Faylka yarka ah ay xusayeen in dowladda Masar iyo waliba dowladda Imaaraadka ay labadunba dhinacooda ka doonayeen inay warqaddaasi helaan.

Dhinaca kale, Documentiga hore ayaa qoraalkii ku qornaa  ayaa sidan u dhignaa:

  • Document-tiyadii Ingiriiska
  • Document Lambar 1
  • Ku taariikhaysan 15, November 1973-kii
  • Ku socota Mr.Wright
  • Ka timid A.D. Parsons (Sir Culus)
  • Ujeeddo:     Warqaddii Nebi Muxamed (NNKH)

Waxaam shalay wada hadalnay Lord John Kerry madaxda maamulka kutubta qaddiimiga ah, wuxuuna hadalkiisii  u dhacayay sidan: “Waxaa cad in ay  illaa iyo hadda  jiraan 4-document oo lagu sheego inay yihiin warqadihii Original-ka ahaa kuwaasoo Qeyb ka ah ilaa 70-warqadood oo uu Nabi Muxamed (NNKH) uu u kala diray shaqsiyaad magac ku lahaa dunida xiligaasi, kuwaas oo uu ugu yeerayay inay ku soo biiraan oo ay qaataan diinta islaamka labo ka mid ah warqadahaasi uu Nebigu (NNKH) diray ayaa lagu tilmaamaa inay yihiin kuwo dhabnimadooda lagu kalsoonaan karo, waxaa la sheegaa in mid ay haysato Dawladda Turkey warqadda labaadna uu gacanta ku hayo qof caadi ah oo lagu sheegay inuu deggan yahay Magaalada Beirut, iyadoo la sheego in warqadda seddexaad ay tahay been abuur halka warqadda afaraad la sheegay inay tahay middii tooska loogu diray boqorkii Roomaanka ee  Hiraqle, taasoo la sheegay inay haysay Haweenadii uu ka geeriyooday Boqor Faysalkii Labaad oo ayadu doonaysay inay iska iibiso

Dowladii Masar ayaa isku daydey warqadaas iyadoo Islaanta uu ka geeriyoodey Boqor Faysal labaad ay u sheegeen lacag balse ay diidey sidaa si la mid ah ayaa Sheekh Zayd – ka Imaaraadka uu isna isku dayey inuu Haweenaydaas  kala wareego balse way ka gows adeegtay

W/d Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

July 12, 2004

DHISMAHA QOYSKA MUSLIMKA AH.... GUJI

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

 



HTML CD