SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QISO

Maxamuud Nuur Wardheere
mnwardere@yahoo.com  


Hooyo Soomaaliyeed oo gabdhaheeda cafis weydiisatay. 

Gudniinka qaldan ama jaahilga ah ee Fircooniga. 

OGEYSIIS
 
Waxaa Somalida Minnesota la ogeysiinayaa in ay u soo daawasho tagaan documentrygii -The Letter.
 
Waa film run ah oo laga sameeyay arrin qabsatay Somalida ku nool magaalada Lewiston, Maine USA.  Ka dib markii uu duqa magaalada qoray warqad uu ku boorinayo inay joojiyaan soo guuridda ay u soo guurayaan iyo banaanbaxyo ay iskaga hor yimaadeen qolooyinka white power ku dooda iyo Soomaalida iyo dad taageersan Soomaalida oo aad u badan.
 
Filimkan waxaa laga faa'iideysanayaa sida Soomalida Lewston isu abaabuleen oo isugu duubteen oo isu habeeyeen.
 
Goobta:  Bell Museum Auditorium
              17th iyo University Ave SE Minneapolis
 
Waqtiga:  July 9th  ilaa July 15th 
 
               Saacadaha 07:15pm & 09:15pm habeen walba
                Sabtida iyo Axadda 05:15pm
 
Qiimaha waa qofka caadiga ah $6 ardayga haysta ID $4

Hooyo Soomaaliyeed oo degan Minnesota ayaa si rasmi ah gabdhaheeda cafis u weydiisatay ka dib markii ay ogaatay waxa ay gabdhaheeda kula kacday (Gudniinka Fircooniga ah) inay khalad ahayd.  Gabdhaheedana waa ka ogolaadeen inkastoo mid ka mid ah gabdhahaas xanuunkii ka soo gaaray ilaa hadda qaliinkaas waxashnimada ah weli la liidato.  “Weligay ma iloobayo subaxii aan gabdhahayga gudayay oohintii ka baxday iyo sida naxariis la’aanta ahayd oo aan u qasbay” ayay tiri hooyadaas.  

Hooyadan oo aanan fasaxin in magaceeda la isticmaalo ayadoo hadalkeeda sii wadata waxay raacisay “waxaan u malaynayey in diinta islaamku fartay oo haddii aan gabdhahayga gudin waxaan ka baqayay in aan caado islaam gooyo”.  Hooyadaas Soomaaliyeed ayaa hadalkeeda  sii raacisay “intii aanan Sacuudiga tegin waxaan u malayn jiray in muslimiinta addunka oo dhan sameeyaan balse waxaan arkay gabdho islaam ah oo aan weligood la gudin caku jaahilnimo”!  

Hooyadan Soomaaliyeed ayaa waxay hadalkeedii ku soo gabo gabaysay “waa in waalidka Soomaaliyeed ay u naxaan caruurtooda oo ay joojiyaan caadada xun ee ciqaabta gabdhaha yar yar oo aan waxba galabsan oo aan diinta islaamka shaqaba ku lahayn”. 

Hooyadan Soomaaliyeed keli kuma  ah  ciqaabta gabdhaha aan waxba galabsan weliba ayagoo u malaynaya inay diintu farayso ama islaamka ugu dhowaanayaan.  Waalidiintaas markay tagaan dunida muslimka kale sida dhulka barakaysan ee xaramka ayaa waagu ku baryaa oo ay ogadaan in jahli hayay.   

Waxaan shaki ku jirin in dawladihii Soomaaliya ka jiray ay dhamaan tood ku fashilmeen in ay joojiyaan gudniinka fircooniga ah.  Wiil Soomaaliyeed oo aan weydiiyay waxa ay la tahay sida loo joojin karo gudniinka jaahiliga ah ee fircooniga ayaa yiri “ Haddii ay dadka maqlaan qof reer galbeed ah ama reer galbeed iska dhige ah oo yiraahda gudniinka aad samaysaan waa xun tahay waxaa loo qaadanayaa in dhaqankaaga waa xun yahay uu leeyahay marka lagama dhageysanayo.  Laakiin haddii uu qof diinta yaqaan yiraahdo Nebigeena SCW  gudniinka fircooniga ah ma samayn haweenkiisana ma dili jirin  in laga dhegeysto ayay u badan tahay. Muslimiin badan oo adduunka joogaan ma sameeyaan gudniinka fircooniga ah haddii ay xaq tahay diinta ayaa na fari lahayd.. 

Fircoon wuxuu ahaa nin diiday oo ka madax-adaygay aayadaha iyo xujooyinka Alle (S.W.) uu lasoo diray Nabi Muuse (S.C.W.). GUJI

Waa hawl u taal wax garadka Soomaaliyeed iyo waalidka Soomaaliyeed sidii loo soo af jari lahaa caadadan jahliga ah ee gaamurtay.  Haddiiba dawlad Soomaaliyeed la helo waa in qasab looga dhigaa in ay ku dhaqaaqdo olole sanad socdo oo baadiyaha loo baxo oo la yiraahdo ololaha cirib tirka gudniinka fircooniga ah oo u dhigma ololahii horumarinta reer miyiga ee waa hore la qaaday. 

1)      Dawladdu (haddiiba lahelo dawlad) waa in ay sharci mamnuucaya ka dejisaa gudniinka fircooniga ah haddii ay wax ka qaban weyso waa in lagu qasbaa.

2)      Culimada Soomaaliyeed waa inay dadka u xaqiijiyaan gudniinka fircooniga ah.  qalabka warbaahintu Soomaaliyeed Radiyo, Joornaal, TV, Internet iwm ahba waa in olole la qaadaa lagula dagaalamayo jaahilnimada gudniinka fircooniga ah.

3)      Waalidiinta iyo walaalaha gabdhaha yar yar ee Soomaaliyeed waa in ay safka hore ka galaan difaaca iyo u hiilinta gabdhaha Soomaaliyeed.

4)      Dhaqaatiirta, macalimiinta, iyo madaxda dawladda mustaqbalkuba waa in si geesinimo leh ay afka ugu balaariyaan dhibaatada gudniinka jaahiliga ee fircooniga iyo in uusan diinta islaamku shaqo ku lahayn.

5)      Aqristow haddii aadan difaacin gabdhaaas yar yar ee Soomaaliyeed oo aan isdifaaci karin oo sidaas loo ciqaabo mararka qaarkood qalab qatar ah lagu qalo yaa u hadlaya? Yaa difaacaya? In qofkii aan isdifaaci karin sidii la rabo laga yeelo ma xaqbaa? Xaaladu ma maskiinbaa misko la fuulo leh baa?

6)      Yaa u maqan gabdhaha yar yar ee Soomaaliyeed oo ay ka sugayaan inuu difaaco? Cidna!  

Ogow halgankii xornimada Soomaaliyeed gabdho Soomaaliyeed baa maal geliyay oo maal gashaday ayagoo ragga kala sinaa naf huridda iyo dhiirigelintaba maxaa loogu abaal gudi karaa?  Waa in mudo yar gudaheed Soomaaliya laga suuliyaa gudniinka fircooniga ah insha alla waa la arki doonaa gabdhaha Soomaaliyeed oo ka badbaada ciqaabtaas! 

Maxamuud Nuur Wardheere


mnwardere@yahoo.com 

Minneapolis, MN, USA

Faafin: SomaliTalk.com | July 12, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

 



HTML CD