SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA

Maxamed Xaaji (Ingiriis)

EPFC, University of Brussels

E-mail: Ingiriis@yahoo.com

 


Soomaaliya iyo Qabqablayaasha Dagaalka

Waxaa cad in adduunku ku daalay inuu fahmo masiibada Soomaaliya ka taagan meesha ay ka soo unkuntay. Waxaad kalood mooddaa in dadka Soomaalidu badankood quus ka taagan yihiin arrimaha dalkooda. Soomaaliya waxa ay noqotay unique marka loo fiiriyo wadammada adduunka ee colaaduhu aafeeyeen.

Wax aan dhicin taariikhda casriga ah (modern history) ayaa ka dhacay Soomaaliya. 14 shirweyne Qaran ayaa ku dhammaaday hal bacaad lagu lisay. Sababtu waxa ay tahay marnaba gadaal looma eegin wixii la soo maray. La isma weydiinin maxaa burburiyey dowladnimadeenna, maxaa sababay daaduunka nagu dhacay?

Shir kasta waxaa laga billaabaa oo mawduuca ugu horreeya looga hadlaa dhisme dowladeed iyo sideen wax ku qaybsannaa. Xitaa la isma weydiiyo sideen dowlad ku dhisi karnaa, nooca dowladda aan dhisanaynaa waa tee? Qaran burburka nagu dhacay waxa ugu weyn ee uu ina baday waxaa ka mid ah in xalka Soomaaliya marti loogu wada noqday qabqableyaal arxan daran oo cid ay u turayaan iyo cid ay ka turayaan aysan jirin.

Qabiil walba waxaa sutiga u haya kii ugu aqoon yaraa, ugu caqli xumaa, ugu jaahilsanaa, ugu macangagsanaa, ugu naxariista darnaa. Aqoonyahankii waddanka intoodii badnaa waxay ku daba fayleen qabqablihii ku qabiilka ahaa, waxaana ku dhacay maskax-shuban (brain drain).

Dhismuhu waxa uu ka billowdaa aasaaska, haddii aasaasku qaldamo way adag tahay xaqiiqo ahaan sida dhismahaasi isu hayn lahaa. Wax walba oo la dhisayo waxaa muhiim ah in la waafajiyo runta gudaha taalla [reality on the ground]. Shirkii Carta dad badan ayaa ku dooda inaan la waafajinin 'runta gudaha.' Shirkan hadda ka socda Kenya wuxuu isna u muuqdaa in la hor boodaayo xaqiiqada, laakiin waa fursad weli dhiman.

Marka laga hadlayo conflict resolution, culumadu dhibaato uma arkaan in bulsho lagu heshiisiiyo isir isir ama qabiil qabiil. Soomaaliya waxaa dhici weyday in qabiilladu xitaa ku heshiiyaan maamul dhexe, sida Imaaraadka Carabta, Rwanda, Burundi iyo wadammo kale oo dunida ku yaalla.

Taas, waxa ay caddeysay in waxa dalka isku haya aysan ahayn qabiilladii dalka deggenaa, balse ay yihiin qabqablayaal shufto ah oo ku owrkacsanaya qabiilkoodii oo ka dhigtay dadkii ay ka dhasheen xaabo ay dabka ku shitaan, kuna gaaraan hankooda hoggaaminta waddanka.  Qabqablayaashu waa nimankii uu Nuuraddiin Faarax, novelistaha Soomaaliyeed ku tilmaamay inay la mid yihiin maafiyada Talyaaniga.

Maxkamadeyntooda

Meelo badan oo ka mid ah dunida waxaa laga sameeyey maxkamado qaada dambiyadii dagaalka, sida Sierra Leone, South Africa, Rwanda, Cambodia iyo kuwo kale. Waxay u eg tahay in Qaramada Midoobay ay aqbali doonto in sida Sierra Leone loo furo Soomaaliya maxkamad qaada dambiyada dagaalka, kaddib markii muddo ay u xayirnayd la sugitaanka waqtiga la helo dowlad awooddeedu ay waddanka oo dhan ku baahsan tahay.

Qabqablayaasha dagaalka Soomaaliya, waxaa la yaab leh inaysan ka welwelsanayn in falalka ay gacmaha kula jiraan ay yihiin wax ay maxkamad ku muteysan karaan. Dambiyada u kaydsan waxaa ka mid ah; dambiyo dagaal, gumaadka dadweynaha, xasuuq, qaarajin, barakicin, ka ganacsiba hubka iyo daroogada, bixinta waraaqaha oggolaanshaha xaalufinta badda, sunta qashinka warshadaha nuclear-ka, sameynta lacagaha macmalka iyo etc.

"Qabqablayaasha dagaalku waa kuwa ugu xun ee cadowga ku ah nabadda iyo dib u heshiisiinta dalka, waxayna qaadi doonaan mas'uuliyadda koowaad ee xanuunka Soomaaliya," sidaas waxaa yiri Prof. Cabdulqawi Axmed Yuusuf, Tifatiraha buugga African Yearbook of International Law, fadhigiisuna yahay Paris, horeyna lecturer uga ahaan jiray Jaamacadda Ummadda Soomaaliya.

"Qabqablayaashu waxay maja-xaabinayaan dadaal kasta oo lagu dejinayo waddanka, laguna unkayo dowlad Qaran, maliishiyadooda hubeysanna waxay dileen boqolaal kun oo Soomaali ah, hal milyanna waxay ku qasbeen inay dibadaha soo miciinbidaan" ayuu yiri Professor-ka oo dhowaan qoray qormada Preying for a failed state.

Kursidoon

Xaqiiqada ah in qabqablayaashu aysan lahayn wax ajande siyaasadeed ah oo aan ka ahayn kursi-doon waxaa run ka dhigaya ficilladooda la xiriira horumarinta ganacsiga aan sharciga ahayn (illicit enrichment) iyo bililiqada dagaalka (war booty). Sida ay qortay dhowaan jariiradda New York Times, qabqablayaashu waxa ay ka soo horjeedaan inay dhisanto dowlad waxtar leh (effective government), sababtoo ah waxa ay ka walaacsan yihiin qatarta arrintaasi ay ku keeni karto awooddooda aan xadka iyo sharciga waafaqsanayn.

Haddii loogu yabooho midkood inuu madax ka noqdo dowlad la dhisayo ma diidi lahayn, laakiin midna ma oggolaanayo dowlad kan kale madaxweyne ka yahay. Sida la ogyahay "mar kasta oo ay damcaan inay dhexdooda hoggaamiye iska doortaan waxay doortaan shan hoggaamiye." Qaabka noocaas ah waa kan hal-beegga u ah ama ay wax ku xushaan qabqablayaasha dagaalku.

Dambiyada dagaal waxaa qabqablayaasha la wadaaga xulufadooda ganacsiga. Waa nimanka u haya qabqablayaasha raamusaalka ay ku faanaan, sida garoomada diyaaradaha, dekedaha, kuwa ula xiriira shirkadaha kalluumeysiga iyo muuska. Ganacsatada dagaalku, waa kuwa dhowrkii sanaba mar soo daabaca lacagaha beenta ah. Qaska oo idlaada iyo qabqablayaasha oo meesha ka baxa waxa ay uga dhigan tahay gaba-gabada noloshooda.

Qabweynidooda

Caydiid, waxa uu dhihi jiray "Waxaan metelaa 75% dadka Soomaaliyeed." Cali Mahdi, waxa uu hadda ka hor yiri "Waxaan wakiil u ahay 98% dadka Soomaalida." Cigaal, waxa uu dhihi jiray "Dadka aan metelo waa 2 milyan." Cabdullaahi Yuusuf, waxa uu yiraahdaa "Puntland dadkeedu waa 2.5 milyan." Raajis, waxa uu dhihi jiray "Dadka Soomaalida 24% waa reer Banaadir." Mowliid Macaan, waxa uu yiraahdaa "Jileec iyo Jareer waxaa badan Jareer."

Qoraaga Haaruun Macruuf Xasan oo London jooga, waxa uu yiri "haddii la isu geeyo tirooyinkaas iyo sheegashooyinkaas, 8-da milyan ee Soomaalidu waxa ay noqonayaan 80 milyuun, taasoo macnaheedu yahay in Soomaalidu ka badan tahay dhammaan ummadaha ku nool bariga iyo bartamaha Africa."

Qabqablihii ugu horreeyey ee dumar ah

"Magaalada Muqdisho keligeed ayaa waxa ay leedahay lix qabqable dagaal, mid kastana waxa uu koontaroolaa qayb yar oo uu deggan yahay, laakiin waxa uu sheegtaa inuu dad badan iyo dhul badan metelo," sidaas waxaa yiri weriye reer galbeed ah oo dhowaan Soomaaliya booqday.

Toddobaadyadii la soo dhaafay is bedellada dhacay waxaa ka mid ah inay soo baxday gabadhii ugu horreysay ee qabqable dagaal ah. Waa Mina Xuseen Shibis oo dagaal la gashay Bashiir Raage. Labaduba darajadoodu waa qab-qableyaal khadka dhexe. Labadoodu gaar gaar waxa ay u sheegeen inay is difaacayaan.

Waxaa kaloo jira qabqableyaal kale oo cusub oo sidooda ah, sida Sheekh Yuusuf Indha-cadde, Cabdulqaadir Beebe, Saciid Bulbul, Shariif Xaaraan-ku-naax, Faarax Garam-garam, Faataa-dhug-harawsi iyo kuwa kale. Guud ahaan, qabqableyaasha cusub tiradoodu waa toban, waana sii kordhayaan marba marka ka dambaysa.

Shirka Kenya

Isku dayga ku saabsan soo jeedinta shirka Kenya ee ah in la sameeyo madaxtinimo wareegta oo dhex marta qabqablayaasha ayaa ah qaab mucjiso ah (magic formula) oo aan dunida horey u soo marin. Shir ergadiisu tahay 361 ayaa waxaa ka soo baxay 60 musharrax, taas oo macnaheedu yahay in lix meelood ay hal meel iska sharraxeen ka qayb galayaashu.

Badankood musharrixiintu waa qabqablayaashii xukun-jaceylku madax maray iyo kuwii ka soo hoos shaqeeyey Maxamed Siyaad Barre. "Waxa ay ku haminayaan madaxtinimo waarta (life-time presidency) iyo hanti degdeg lagu helo (instant health)" ayuu yiri Cabdulqawi Yuusuf.

David Shinn oo ahaan jiray Isuduwaha Soomaaliya u qaabilsan Waaxda Dibadda ee Mareykanka, waxa uu yiri "Isku dayga hadda socda (Kenya) ee baarlamaan lagu dhisayo ayaa muujinaya in horumar la sameeyey, tallaabna horey loo qaaday, inkastoo aan la fulin heshiisyo horey loo saxiixay haddana Mareykanku kuma qasbayo kooxaha is haya inay fuliyaan."

Prof. Cabdi Ismaaciil Samater oo u warramayey barnaamijka Africa Journal ee idaacadda layska arko ee VOA, waxa uu yiri "Runtu waxay tahay aniga aragtideyda in awoodaha gobolka aysan qayb ka noqon karin xalka Soomaaliya sababtoo ah dano qeexan ayay ka leeyihiin arrimaha Soomaaliya."

Burcadnimada qabqablayaasha

Waxyaabihii iigu yaabka badnaa ee aan kala kulmay shirka Kenya waxaa ka mid ahaa nin ka mid ah qabqablayaasha dagaalka ayaa goor shir laga soo baxay waxaan la yeelanayey xog-wareysi. Waxaan u dhaqaaqnay inaan fariisanno kuraas tiillay meel cidlo ah. Waxaa na wehliyey nin gacan-yare u ah. Meeshii kuraasta markaan tagnay qabqablihii wuxuu dareemay inuu ku fadhiyo wax uu u maleeyey koob.

Hadduu soo qabtay waa cell phone (telephone-ka gacanta). Gacan-yarihiisii ayuu isla markiiba u dhiibay oo uu ku yiri "noo demi, kaarkana ka tuur, cidna yeysan arag." Kaarku waa simcard chip-ka uu ku shaqeeyo mobile-ka GSM-ka ah. Dhacdadu waa qabqable mobile xaday.

"Qabqablayaasha dagaalku weligood kuma heshiinayaan dowlad, hubkana ma dhigayaan haddaan la qasbin," sidaas waxaa qoray wargeyska maalinlaha ah ee Herald Tribune oo talo ahaan ku soo jeediyey in la qaado tallaabooyin adag sida xayiraadda raasumaalka u yaalla dibadda, in la saaro xayiraad dhanka socdaalka ah oo aysan dalka kaga soo bixi karin, qoysaskooda jooga Europe iyo North America in dib loogu celiyo waddanka iyo in cunaqabateyn la saaro shirkadaha heshiisyada la saxiixda qabqablayaasha.

Tallaabooyinkan, waa hubaal inay dhabbaha u xaarayso nabad rasmi ah oo Soomaaliya ay hesho. Waxaa kaloo ay yareyn kartaa cabsida laga qabo in argagixisadu ay sii dhaafto oo soo dhaafto Soomaaliya iyo dadka qaxaya ee ku le'anaya badaha. Dadka qaar waxa ay la tahay inaysan dhici karin qabqablayaasha oo qoorta la soo qabto ama qoysaskooda oo dib loogu celiyo waddanka. Mareykanku, waxa ay yiraahdaan "ereyga 'macquul ma aha' mararka qaar wuxuu noqdaa 'macquul'."

Dhacdo dhab ah

Sannadkii 1995-kii ayaa Maxamed Faarax Caydiid marwadiisii rasmiga ahayd, Khadiijo Saciid Gurxan waxa ay wareysi siisay wargeys tabloid ah oo ka soo baxa Toronto. Tabloids, waa wargeysada wax ka qora xumaha dadka. Crew-gii wargeysku intii ay jidka ku soo jireen, marwada Caydiid waxa ay mashquul ku ahayd inay guriga si aad ah u gogosho, sawirada seygeedana ay darbiyada ku dhejiso. Waxaa kaloo ay u lebbistay carruurteedii, miiskana waxa ay u soo dhigtay cunno, caano, chocolate, etc. Wargeyskii, waxa uu subixii dambe soo sawiray laba sawir. Sawir waa carruur joogta Baydhabo oo cunaysa kab maqaar ah iyo harag, sawirna waa carruurtii Caydiid oo Toronto joogta oo cunaysa cornflakes (waa qamadi mararka qaar malab lagu dhex daro oo caano lagu isticmaalo). Arrintan, waxa ay kalliftay in dowladda Canada ay dalkeeda ka saarto marwadii Caydiid oo iyada iyo carruurtiiba ay aabbahood Xamar ugu tagaan.

Dhinaca Soomaalida

Soomaalida dhankeeda waxaa laga rabaa inay xal u helaan xaaladda adag ee xanuunka leh ee ay adkaatay ka baxsigeedu (sorrowful predicament) oo ay iska ridaan kuwa xoogga ku cadaadinaya ee iyaga ku dhex abuurmay (homegrown oppressors). Waxaa run ah in dadka Soomaalidu aysan ku dhiiran karin arrintan haddii aysan gacan ka helin Mareykanka iyo Yurub.

"Taageerada Mareykanka iyo Midowga Yurub waa inaysan sii ahaanin mid ku wajahan shirar dib u heshiisiineed oo aan macne sameynayn (futile reconciliation conferences) ee waa inay diiradda saartaa sidii dacwad loogu soo oogi lahaa dambiilayaasha dagaalka, lana go'doomiyaa kuwa mas'uulka ka ah qalalaasaha aan dhammaadka lahayn ee Soomaaliya" ayuu yiri Prof. Cabdulqawi.

Tribune, waxa ay tiri "maadaama Soomaaliya aysan lahayn hab sharci ah oo macquul ah (credible legal system) waxaa caawin kara in la soo afjaro dambiyada iyo dilalka qabqablayaasha in adduunku qaado tallaabo xoog loogu fuliyo (co-ercive measure), qabqablayaasha oo daaqadda ka baxana waxay meesha ka saaraysaa Soomaaliya baylah u ah argagixisada."

Maxamed Xaaji (Ingiriis)
EPFC, University of Brussels
E-mail: Ingiriis@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa lehqoraaga ku saxiixan.

Faafin: SomaliTalk.com | July 8, 2003

HORUMARKA SHIRKA IYO HAABASHADA DAWLADNIMO
Faalladii Ibraahim Maxameddeeq ee maanta
Guji

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

 



HTML CD