Horta waxaa
mahad leh ilaahay abuuray khalqiga ee inaga
dhigay dad islaam ah oo uu ugu nimceeyey
diinta muqadaska ah ee islaamka, waa marka
xigta eh waxaa wax walba ka muhiimsan
isfahamka iyo isqadarinta.
waxaa jirta in taariikhda umadda afsoomaliga
ku hadasha oo aad iskaga gaaban ay hadana
soo martay mawjado coladeed, siyaasadeed
dhaqaale iyo weliba kelitalinimo oo aad u
qoto dheer oo run ahaantii salka ku haysa
dhibaatada haatan ka taagan somalia markaan
leeyahay somalia uma jeedo dadka iyo dalka
somaliland ee waxaan u jeeda waa dadka dega
somalia ( farmer italian protectorate
capital mogadisho).
Akhristayaal waxaa taariikhda cidina ma
qorto eh jirta oo la wada xasuusanyahay in
wixii soomaliya la odhan jiray ee qiirada
lagu sameeyey ay aabe u ahaayen oo ay
sameeyen ummaddda iyo shacbiga reer
somaliland waxaa ka soo bilaw sannadahii
kontomeeyadii ilaa laga soo gaadhay markii
xorriyadda ay qaadatay jamhuuriyadda
somaliland waxaa ummadda somaliland u
heelanayd xorriyad iyo wada jir ay maruun ku
faanan oo ay kula midooban wixii ay filayeen
ee ahayd qiirada israaca oo ay ku walooloban
calan xanbaarsan shan xidigood oo ka
turjumaya shantii soomaliyeed ee kala
firidhsana.
Akhriste
qormadani oo soo baxday muddo hal sanno laga
joogo ka hor ah waxaan jecelahay inaan
xusuusiyo umadda afka soomaaliga ku hadasha
marlabaad, waxaan jecelahay inaan
qoraalkayga ku bilaabo Juhdi xorriyadda,
heelankii siyaasadeed ee Somalilanderka, iyo
karaahiyaddii shakhsiga Soomaliga.
DEDAALKII SOMALILANDERKA EE MIDAWGA SHANTA
SOOMAALIYEED EE HUNGOWDAY
waxaa
magaalooyinka hargeysa burco iyo berbera ka
bilaabmay abaabul xoogbadna oo ay sameeyen
ururo iska abaabulay bulshada reer
somaliland oo aqoon aad u xanbarsanayd watay.
Waxaa la
soo gaadhay goortii iyo amintii dawladda
mustacmaradda ahayd ee ingiriisku ( british
protectorate) ay wareejin lahayd xorriyadda
gacantana u gelin lahayd dadka iyo ummadda
somaliland waxaa 12:00 habeenimo kumanaan
qof oo iskaga yimid lixda gobol ee
somaliland u qaybsantahay ku soo xoonmeen
meel badhtamaha magaalada hargeysa ku taalla
oo aan haatan wax sidaasa ka durugsanayn
goobta ay ku taallo fagaaraha kheyriyada ee
ay siyaasiyiinta iyo dawladda somaliland uga
qudbadeeyan shacbiga somaliland, akhristow
xaqiiqdii shacabka somaliland kuma uu
fikirayn oo qudha xoriyadd ay keligood ku
taaman iyagoon shacabka somaliland u dhalan
xisdi iyo keli talinimo ayaa waxa maankooga
ku weyna goormad dadka afka soomaliga ku
hadla la midayn doona isla markii ay
dawladda ingiriisku ku wareejisay calanka
siyaasiyiintii reer somaliland oo uu hor
kacayey siyaasigii weynaa madaxweynihii
somaliland ee geeriyooday marxuum mudane
maxamed ibraahim cigaal.!
Siyaasi
cumar carte qaalib iyo rag kale oo fara
badan ayaa waxaa la soo gaadhay aroornimadii
iyada oo aan habeenka laga seexan dhamaan
gobolada iyo magalooyinka dalka somaliland
oo dhan waxay ay dadku ku tiraabayeen
somaliya ha is raacdo" waxaa habeenkii danbe
la iskugu yimid beerta xorriyadda ee
magaalada hargeysa waxaa halkaa ka soo
jeediyey geerar aad u dheer oo run ahaantii
halhays weyn noqday gebyayaagii weyna ee
suldaan cabdilaahi timacade oo gabaygiisi
dheera uu hal ku dhig u ahaa " SAREEYOW MA
NUSQAMOW BAL SIDUU YAHAY EEGNE KANA SIIB
KANA SAAREY" waxaa goobtaasi ka hadlay
rasa'isal wasaarahii ugu horeeyey ee
somaliland oo ahaa alla ha u naxariistee
maxamed ibraahim cigaal madaxweynahii
geeriyooday ee somaliland kelmadahii halkaa
uu ka yidhi ee aanay xita shacbiga reer
somaliland weli iloobin waxaa ka mid ahaa "
shacabkayga qaaliga ahow umusha waa la
todoba bixiyaaye aynu todoba cisho la sugno"
laakiin mudane cigaal ilaahay naxariistii
jan! no ha siiye wuxuu taa kala kulmay buuq
isla aroortina waxaa la dhegax tuuray
gurigii uu ka degena magaalada hargeysa
iyada oo dadku ku eedaynayeen inuu ula dan
leeyahay inuu walaalahayo somaliya naga
reebo, nasiib darro waxaa la soo gaadhay 1
july sannadii 1960 oo ahayd markii uu
talyaanigu ( italian protectorate)
xorriyadda siiyey somalia.
Iyada oo
shacabka somaliland ay u ahayd rayn-rayn iyo
tamaashad ayaa waxaa lagu beegay in labada
dal waa somaliland eh iyo somalia la mideeyo
si bila shuruud (un conditional unification)
ah waxaa waraaqo digniin ah ka soo
gaadhayeen siyaasiyiinta reer somaliland
wadanka ingiriiska oo looga digayey inaan
midawga lagu degdegin ee loo yeelo xikmad
balse taasi may dhicin ee waxaa dhabowday
hamigii ay qabeen shacabka somaliland intaan
hadaba akhristow labada dal la isku darin
ayaa waxaa golahii wasiirada ee dalka
somaliland oo madax uu u ahaa maxamed
ibraahim cigaal warqad u soo direen
barlamaankii uu talyaanigu u sameeyey
somalia oo uu madax u ahaa aadam cabdalle
cismaan Aadan cadde taas oo loogu sheegayey
in labada dal midooban isla maalinta
xorriyadda la siinayo somalia oo ku beegnayd
1 july balse nasiib darro waxaa loogu soo
jawaabay maxaa shuruud aad la imanaysaan,
yaa idinka wakiil ah" ha ku degdegina
midawga"!!!!! iyo hadala noocasi ah yaabka
yaabkii laakiin umadda iy! o shacabka
somaliland oo aad u jibaysna may dareemin
hadalada waxay ka soo qaadeen hadalo
walaalnimo iyada oo somalidu hore ugu
maahmaahday " gacal isma cidhiidhyo" waxaa
ay dadka iyo shacabka somaliland oo ay ka
wakiil ahaayeen maamulkii uu ingiriisku ku
wareejiyey xorriyadda uu madax u ahaa alla
ha u naxariiste maxamed ibraahim cigaal si
bilaa shuruud ah oo xitaa aan jamiciyadda
quruumaha ka dhexaysa ( united nations) aan
lala socodsiinin ula midoobin goboladii
koonfurta ee somalia waxaa si bila shuruud
ah loogu doortay caasimad magaalada muqdisho
oo ahayd caasimadii somalia ee italian
protectorate ka, akhristow xasuusnow
kharashaadkii dawladda lagu midoobay ama aan
idhaahde misaaniyaddii (the budget) waxaa
boqolkiiba sideetan ( 80%) laga keenay
somaliland, xagga somalia oo talyaanigu
caydh kaga tegay boqolkiiba labaatan laga
keenay, waxaa isla markiiba la gelay
doorasho iyada sidan wax loo qorsheeyey:-
|
RA'IISULWASAARAYAAL |
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
26 Jun 1960 - 12 Jul 1960
------------------------------
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
12 Jul 1960 - 14 Jun 1964
--------------------------
Cabdulrasaaq Xaji Xuseen
14 Jun 1964 - 15 Jul 1967
-------------------------
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
15 Jul 1967 - 1 Nov 1969
-------------------------
Maxamad Siyaad Barre
1 Nov 1969 - Mar 1970
-----------------------
Maxamad Cali Samatar
1 Feb 1987 - 3 Sep 1990
-----------------------
Maxamad Xawaadle Madar
3 Sep 1990 - 24 Jan 1991
-----------------------
Cumar Carte Qaalib
24 Jan 1991 - 3 Jan 1997
-----------------------
...............
--------------------
Cali Khaliif Galaydh
8 Oct 2000 - 28 Oct 2001
-----------------------
Xasan Abshir Faarax
12 Nov , 2001 -
...
|
1. in uu
madaxweynahu ahaado ( koonfur) AADAN CADDE
2 . in ra,isal wasaaraha laga dhigo (koonfur)
cabdirisaaq xaaji xuseen
3. golaha baarlamanka oo ka koobna 99
xubnood somaliland waxa laga siiyey 33
xubnood.
4. golaha
wasiirada oo ka koobna 21 wasiir somaliland
waxaa laga siiyey afar wasiir.
5.
caasimada waxaa laga dhigay muqdisho oo
ahayd koonfur
akhriste
waxaa shacabka somaliland oo sidaa aan kor
ku soo sheegay u oleeyey miyadnta loogu
abaal guday cabudhin yasitaan iyo in laga
dhigo dad aan waxba ahayn waxa ka mid ahaa
kelmadaha halhayska u noqday ee aan weligood
iyo allahood shacbiga reer somaliland
maankooga iyo maskaxdooda ka faaruqayn
markii ay reer somaliland kalgacalkay u
qabeen ugu tageen muqdisho si ay
walaalnimada iyo soomalinimada ula wadaagan
koonfur kelmado ay ka mid ahaayeen " SOOMALI
KHALDAAN, QUDHMIS, XUNYAHOW XUNKU DHALAY"
iyo kuwa kale oo aanan halkan ku soo koobi
karayn oo run ahaantii iska daa inta jirta
ee reer somaliland ahe ka uurka ku jira ka
sii damqado, waxaa akhriste la soo gaadhay
sannadahii 1969 kii waxaa ka dhacay dalka
afgambi militery, iyada oo run ahaantii
hargeysa waa caasimadda somaliland eh aan
sidaasiba looga dareensanayn oo ahayd goob
yasan oo aan hanaanka dawladnimaba ka jirin,
oo ay dawladda la sheegayaba ku koobnayd
muqdisho, waxaa 1969 21 oct! ober afgambi
militery ku qabsaday dalka gacanku
dhiiglahii hubaysnaa ee afweyne barre, waxaa
u bilaabmay shacabkii reer somaliland ee
masaakiinta ahaa hoog iyo balanbal waxaa
dhegta dhiiga loo daray kumanaan iyo
kumanaan qof oo iskugu jira caruur hooyoyin
gabdho iyo wayeelba hargeysa waxaa ay
noqotay hoyga xasuuqa iyo dhawaaca, waxaa
shacabka somaliland loo gooyoy gaar ahaan
kuwii ku noola magalada hargeysa qodobadan.
1.
in dadka ku nool somaliland aanay dhisan
karin wax ka dheer laba dabaq dhisme ah.
2.
in aan haba yaraate lagala soo degi karin
wax alaab ah dekedda berbera albaabadana loo
.xidho iyadoo la adeegsanayo dekedda
magaalada jibouti oo ugu dhawayd somaliland.
3.
gawaadhida nooca lala dhex maro magalooyinka
hargeysa waxaa loo bixiyey ( isaaq ma gayo)
oo aynu fahmi karo macnaha iyo murtida ka
danbaysa.
4.
dadka degen gobolada somaliland waxaa lagu
amray in aan haba yaraate shanta galabnimo
albaabada loo laabo goobaha ganacsiga
shakhsina lagu arkayn meel ka mid ah
magalooyinka.
5.
Saacadu markay gaadho 12:00 habeenimo ee
saqda dhexe ayaa waxaa guryaha magaalooyinka
Hargeysa, Burco, iyo Berbera, ku garaaci
jiray ciidamo loogu yeedhi jiray dhabar
jabinta kuwaasi oo cidii xoogleh ee ay
guriga ugu tagaan la bixi jiray
HALGANKII HUBAYSNA EE KA DHEX BILAWDAY
GUDAHA IYO DIBADDA SOMALILAND IYO SABABAHII
DHALIYEY
Waxaa
hubaal ah in marka xuska iyo xasuusta
taariikhda Mujahidiinta SNM la bildhaamiyo
ay haboontahay in ay xusuus mudanyahiin
maanta oo kale.
waxaa la
soo gaadhay sannadahii 1988 kii waxaa ka
bilaabmay magalooyinka hargeysa, burco,
berbera, halgan hubaysan oo lagu jihaadayey
xoraynta gobolada somaliland waxaa ku daatay
dhiig fara badan waxa ku naf waayey
geesiyaal naftooda u huray xoraynta
dhulkooga hooyo, nasiib wanaag waxaa
sannadkii 1991 ciidamadii ! halyayayada ahaa
ee xaqu dirirkii SNM ( somaliland national
movement) ay gacanta kaga dhigeen xukunki
kacankii hanti wadaaga ee cunsiriga ahaa ee
siyaad barre gacanta dhamaan gobolada
iyo dhulka uu ka koobanyahay somaliland
akhristow waxba yaanan hadal kugu daaline
waxaa la soo gaadhay 18 MAY 1991 waxaa
beelaha wada dega lixda gobol ee somaliland
wax garadkoogi cuqaashoodi iyo
siyaasiyiintoodi isku urureen magaalada
burco oo ay kaga hadleen aayaha iyo
mustaqbalka somaliland waxaa aroornimadii 10
barqanimo 18 MAY 1991 madaxweynahii
somaliland ee hore ahaan gudoomiyahii
ururkii SNM uu ku dhawaaqay dib ula soo
noqoshada xorriyadii luntay ee somaliland
waxaa u bilaabmay shacabka somaliland oo ay
u dhamaadeen tiif dhibaato hoog iyo balanbal
xagga akhristow muqdisho lagu raaxaysanayey
jiifka, iftiin iyo saansaad xoriyadeed oo
run ahaantii ay lumiyeen balse ay ku heleen
dhiigoodi oo ay daadsheen, seddex milyan oo
qof oo hantidooda iyo maalkooga iyo
dhiigooga geliyey sidii ay xorriyad mar uun
ugu taami lahaayeen ayaa waxaa maanta ay
Umadda reer Somaliland nasiib u heleen inay
ayaankeed hayaan.
Aan ku soo
gunaanado docda guud iyo dareenkaan
xanbaarsanahay:-
Marka
hore dad baan ahay
dad dad reebay baan ahay
dunji dhalan rogtaan ahay
hadba fadal durkaan ahay
Qof dooran baan ahay
han dareersan baan ahay
hiyi durugsan baan ahay
da'da'deeed u talisoo
ugu damac fog baan ahay
Dunidaannu wada naal
Noloshaannu deris nahay
Dalandoolka geeddiga
Dan qudhaan u jeedaa
Haddii taas mid lagu daro
Ama daadku halis yahay
Iinta mudan wax doorshaan
Inta daran u leeyahay
Dab waxa ku guban kara
Intuu daaro mooyee
Nimaan xeel ku damin Karin
Docse aniga way wehel
Iyo dulucda guulaha
Intaan daw ku laalla.
Damdamtiyo shirqoollada
Dirashada dhufaannada
Shaxda dalagta lawlaban
Waa laygu dagayaa
Xadhig qoob la duulaa
marba lay debcinayaa
nin I deydeyaayow
dhulka qaar ha iga deyin
nin dorraad ogsoonaa
halkii Daado lala maray
jidh dubaaxi maayee
nin gar iigu dudayow
dermno haygu kala bixin
duhur lays hor-joogaa
la'I deedafeeyoo
duqaydiyo wax garadkii
dhulka ugu da'weyneyd
dunbukh baan u dhiiboo
meyd bay dul yaallee
miyaan geedka damalka
dooyaysan karayaa.
Laba duni ku kala mudan
Doqonkaba u kala mida
Waxaan doortay taydee
Dirgan waaga hurisada
Maqashaa is dadabtoo
Dalanbaabi noqotee
Dib u guuri maayee!!!!!!!!!!!
Nin da' furay kalkiisow
Dalka waan aqaannaa
Bahal iga da'weynoo
Dad cunii ma joogee
Ma didee hargoolow
Haygu tumin durbaannada
Iyo daasadaa madhan.