SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MALAYSIA

Waxaa diyaariyay Gudida Ardayda Soomaaliyeed ee reer Malaysia
Qaybta Warfaafinta.
head@sssmalaysia.org


Habeenkii ardayga soomaaliyeed ee reer Malaysia  
arday1
Daawo Sawirada Habeenkii Ardayda Soomaaliyeed ee reer malaysia

Habeenkii jimcaha ay bishu ahayd sideed iyo toban ayaa xaflad aad ubalaadhan kadhacday wadanka Malaysia .Xafladan waxaa soo abaabulay ururka ardayda soomaaliyeed ee reer malayisa. Xafladan waxaa loogu talagalay in lagu soo dhaweeyo ardayda sanadkan la aqbalay jaamacadaha Malaysia islamarkaana lagu sii sagootiyo ardayda waxbarashadooda kadhamaysatay wadankan malayisa, kuwaasoo uu horkacaayay madaxwaynihii hore ee ururka ardayda soomaaliyeed ee reer Malaysia mudane mubarik ibrahaim aar.

Hadaba xafladan oo uu soo abaabulay ururku, waxaa lagu qabtay hool kamida hoolalka waawayn ee jaamacada islaamka ,waxaana  kasoo qaybgalay tiro aad ubadan.Uguhorayntii waxaa  lagu bilaabay xaflada aayado quraana ,kadibna waxaa makarafoonka lawareegay xidhiidhiyaha barnaamijka, mudane cabdi rasaaq Nashaad oo dikrooraa kadiyaariya wadankan Malaysia .

Kadibna waxaa lugusoo dhaweeyay mikrafoonka qabanqaabiyaha xaflada mudane Axmed Maxamad Nuur .Mudane Axmed wuxuu umahadnaqay dadkii kasoo qaybqaatay soo diyaarinta xafladan iyo dadka kasoo qaybgalayba, waxaa intaa kabacdi kalamad kajeeday  madasha  xaflada madaxwaynaha ururka mudane Abdi qani Maxamuud, waxaanu kawaramay ururka ardayda iyo waxqabadkiisa.Mudane abdiqani wuxuu tilmaamay heerka uumaraayo ururka ardayda soomaaliyreed  iyo in loo baahanyahay in waxlawada qabsado.

Sidoo kale waxaa isna meesha kalmad kajeediyay  mudane Mubarik Ibrahim Aar , mudane Aar wuxuu aad uuga waramay bulshada soomaaliyeed ee qurbaha dagan iyo dibaatooyinka haysta ,waxaanu halkaa kusoo bandhigay baadhitaan lagu sameeyay soomalida dagan qurbaha.Hadaladaa kadib waxaa lagu soo bandhigay barnaamijyo kaladuwan waxaa kamid ahaa  ,waxaa looyaqaano multimedia presentation oo kakoobnaa muuqaalo kusaabsan ardayda cusub,  ardayda qalinjabiyay.iyo Somalia , waxaa iyana aan meesha kamadhnayn qosolqosol iyo waxyaalo lamida.Ugudambayntii waxaa iyana meesha kahadashay Dr Sahara Awad oo ah  gabadhii uugu horaysay ee ka dhameysata aqoonta caafimaadka wadanka Malaysia .

 Kadinbna waxaa xaflada soo gunaanaday mudane Xasan sheekh Nuur Imaam, mudane Imaam oo kalmadiisa aad looladhacay ,wuxuu kawaramay  ahmiyada  ay waxbarshadu leedahay iyo inuu noqdo aqoonyahanku mid anfaca dalkiisa, dadkiisa iyo diintiisa. .waxaa halkaa lagu bixiyay shahaadoon lagudoonsiiyay ardaydii qalinjabisay . 

 Waxaa diyaariyay Gudida Ardayda Soomaaliyeed ee reer Malaysia
Qaybta Warfaafinta.
head@sssmalaysia.org

Faafin: SomaliTalk.com | June 21, 2004

DHISMAHA QOYSKA MUSLIMKA AH.... GUJI

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

SHIFO

BARNAAMIJKA CAAFIMAADKA... GUJI  

Sarrifka Lacagaha Adduunka
Waa meeqa sarifku maanta
Guji


FAAQIDAADA CIYAARAHA
AXAD | TALAADA | KHAMIIS

 



HTML CD