SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SAYNIS

Waxaa isku soo dubaridey:
Cabdulfataax Maxamed Cabdulle

Ottawa, Ont. Canada

abdulfatah@yahoo.com


Dayaxgacmeedka Cassini oo Sawirro kasoo Diray Meeraha Raage

 

Hawlgalka sahanka caalamiga ah ee Maraykanka iyo reer Yurub ay iska kaashadeen si ay baaritaan cilmiyeysan ugu sameeyaan meeraha lixaad ee garaangarta leh oo Soomaalidu u taqaanno Raage ama Saxal, af Ingiriisigana lagu yiraahdo Saturn, ayaa soo bandhigay sawirro aad u muujinaya garaangarooyinka (rings) xal-xalleefsan ee meerahaasi leeyahay.

 

Dayaxgacmeedka Cassini oo Maraykanku sameeyay wuxuu meeraha  Raage ku gaaray safar toddoba sano qaatay. Waxaana lagu wadaa in uu halkaas baaritaan ka sameeyo muddo afar sano ah. Dayaxgacmeedka Cassini ayaa si gudub ah u maray dusha sare ee garaangarada meeraha Raage, masaafo dhan 158,500km (una dhiganta 98,500 mayl).  Markaas ayaa matoorka dayaxgacmeedka Cassini oo wajahaddiisu u jeedo dhinaca safarka ayaa la qarxiyay muddo 96 daqiiqadood ah si hoos loogu dhigo dayaxgacmeedka oo sawirro halkaas kasoo qaadayey. Dayaxgacmeedka Cassine ayaa markaas kadib ka dul gudbay dhammaan garaangarooyinka meerahaas masaafo kale oo dhan 20,000km (una dhiganta 12,400 mayl).  Waa markii ugu horeysay ee la gaaro jawiga ku xeeran meeraha Raage.

 

“Arrintaasi indhahayga ayay illin (tears) ka keentay. Waa wax qurux badan oo loo riyaaqo” sidaas waxaa yiri hogaamiyaha kooxda sawir-samaynta ee dayaxgacmeedka Cassini, Mr. Carolyn Porco, kaddib markii uu indhihiisa ku arkay sawirrada muuqaalkoodu aad u wacan yahay ee laga soo qaaday garaangarooyinka meeraha Raage.

 

Nasa/JPL/Space Science Institute
Sawirrada intooda badan waxay muujinayaan wax u eg hir-biyood (ripple) ku dhex jira garaangarooyinka meeraha Raage. Sawirradu waxa kale oo ay muujinayaan hir weec-weecanaya oo kor u galoolan.

 

Labada nooc ee hirarka la arkay ayaa la sheegayaa in ay sameeyeen bilo (moons) ka baxsan meeraha Raage oo garaangaroonkiisa dul jooga.

 

Nasa/JPL/Space Science Institute
Mr. Ed Weiler
oo ah maareeyaha hey’adda Nasa ayaa isaguna sheegay in sawirrada iyo xogta laga helay halkaas ay saynisyahannada u sheegayaan wax badan oo ku saabsan habka garaangarooyinka ku xeeran meeraha Raage ay u sameeyaan meerayaal iyo xiddigo kale.  Mr. Ed Weiler oo hadalkiisa sii wata ayaa yir: “…waxani ma ah sheeko saynis-beeneed ah (science fiction); xaqiiqdii waa (sanco) aannu samaynay”.

 

Hawlgalka sahankani wuxuu ka kooban yahay labo dayax-gacmeed oo wada socda, kan hore oo ah Cassini Maraykanka ayaa sameeyay, kan kalena waa mid ay sameeyeen reer Yurub oo la yiraahdo Huygens; kaas oo bisha January ee sannadka 2005, ku dul degi doona bisha ugu weyn ee meeraha Raage oo la yiraahdo Titan.

 

Haddaba, hawlgalkan labada dayax-gacmeed ee Cassini-Huygens wuxuu ka mid yahay hawlgallada ugu ballaaran, ugu kharash badan, uguna dhibka badan ee abid hore loo sameeyey. Waxay cir-bixiyeennadu si aan samir lahayn u sugayaan waxa ay dayax-gacmeedyadaasi nooga sheegi karaan meeraha Raage iyo guud ahaan habka meereyaasha kale ee qorraxda ku wareega.

 

Cirbixiyeennada ku taqasusay cilmiga xiddigiska (xiddiga’aqoonta), meereyaasha sarsare iyo wixii soo raaca oo cirka dhexdiisa ku sugan (waxa ay yihiin, inta ay le’egyihiin, socodkooda, iwm.) ayaa aad isugu hawla in ay darsaan oo wax badan ka ogaadaan meereyaasha dhulalka noqday. Meereyaashaasi qorraxda ayay la socdaan oo kusoo wareegaan waxayna qayb ka yihiin habka bah-cadceedeedka oo ka kooban qorraxda, meereyaasha sagaalka ah, iyo in ka badan 130 cirmeereyaal oo sayaariinta (meereyaasha) la socda, tiro aad u badan oo ka kooban walxo yaryar oo xiddigo ah iyo cirmeereyaal kale (planetary satellites) oo aan ilaa iyo hadda la ogaan.
  

MEEREYAASHA SAGAALKA AH EE QORRAXDA KU WAREEGA:

 

1.                 Dusaa (Mercury) – waa meeraha koobaad oo ka mid ah meereyaasha qorraxda ku wareega. Waa meeraha ugu sukeeya haddii xagga qorraxda laga eego; sidoo kale wuxuu noqonayaa kan sideedaad haddii dhinaca weynaanta laga eego; waxa kale oo Soomaalidu u taqaannaa Cuddaar; wuxuu u dhexeeyaa qorraxda iyo waxaraxirta.

2.                 Waxaraxir (Venus) – waa meeraha labaad oo ka mid ah meereyaasha qorraxda ku wareega; waxa kale oo Soomaalidu u taqaannaa magacyada Sahra; Xiddigta Waaberi; Bakaal; iyo Bakool; wuxuu u dhexeeyaa Dusaa iyo Dhulka aan ku noolnahay.

3.                 Dhul (Earth) – waa meeraha saddexaad oo ka mid ah meereyaasha qorraxda ku wareega; wuxuu noqonayaa kan saddexaad haddii xagga qorraxda laga eego; sidoo kale wuxuu noqonayaa kan shanaad haddii dhinaca weynaanta laga eego. Wuxuu u dhexeeyaa Waxaraxirta (Sahra) iyo Farraarre (Mariikh). Dhulku waa meeraha dadku ku nool yahay waana meere ka samaysan dhagax; ciid; geedo; buuro iyo boholo; bad iyo biyo; togag iyo webiyo, iyo macdanno fara badan oo kala duwan, iyo walxo kale oo aan weli la ogaan.

4.                 Farraare (Mars) – waa meeraha afaraad oo ka mid ah meereyaasha qorraxda ku wareega; waxa kale oo Soomaalidu u taqaannaa Marriikh; wuxuu u dhexeeyaa dhulka iyo Mushtarka (Cirjeexda).

5.                 Cirjeex (Jupiter) – waa meeraha shanaad oo ka mid ah meereyaasha qorraxda ku wareega; waxa kale oo Soomaalidu u taqaanna Cirjiir iyo Mushtar; wuxuu u dhexeeyaa mariikha (Farraarre) iyo Saxalka (Raage). 

6.                 Raage (Saturn) – waa meeraha lixaad oo ka mid ah meereyaasha qorraxda ku wareega; waxa kale oo Soomaalidu u taqaannaa Saxal; wuxuuna u dhexeeyaa Mushtarka (Cirjeexda) iyo Uraano. Waxaa ku wareega saddex garangarood oo xal-xalleefsan oo ifaya. Maalintiisu waxay le’egtahay toban (10) saacadood iyo afar-iyo-toban (14) daqiiqadood oo kuweenna ah. Sannadiisa ama inta jeer ee uu qorraxda ku wareego waxay u dhegantaa sagaal-iyo-labaatan (29) sannadood iyo boqol toddoba iyo lixdan (167) maalmood oo kuweenna ah; wuxuu leeyahay sagaal xiddigood oo ku wareega.

7.                 Uraano (Uranus) – waa meeraha toddobaad oo ka mid ah meereyaasha qorraxda ku wareega; wuxuuna u dhexeeyaa Raage (Saxal) iyo Netuun. 

8.                 Netuun (Neptune) – waa meeraha siddeedaad oo ka mid ah meereyaasha qorraxda ku wareega; wuxuuna u dhexeeyaa Uraano iyo Buluto. Lixdan jeer buu dhulka ka weyn yahay.

9.                 Buluto (Pluto) – waa meeraha sagaalaad oo ka mid ah meereyaasha qorraxda ku wareega, waana kan ugu dambeeya dhammaan meereyaasha sagaalka ah; waa kan ugu fog haddii xagga qorraxda laga eego. Wuxuu qorraxda u jiraa lix kun oo malyuun oo km (6000 million km.).

 

W.Q. C/fataax M. Cabdulle

Ottawa, Ont. Canada
abdulfatah@yahoo.com

 

.Yaa Sameeyay Diyaarad Matoor leh tii ugu horeysay?

Faafin: SomaliTalk.com | July 2, 2004

. Science & Technology News & Macluumaadka Engineering

 

.Nayjeeriya oo Hawada u Dirtay Dayaxgacmeed

.Dayaxgacmeed Cusub oo Loo Diray Hawada

.Cirbixiyeenkii Shiinaha oo Dhulka ku soo Noqday

Dayax Gacmeedkii Columbia ee Maraykanka oo Burburay
Toddobadii cirbixiyeen ee saarnaa dayaxgacmeedkaas waa dhinteen kadib markii uu ku burburay hawada Texas GUJI

Sawirada: Google Search

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

 



HTML CD