SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK-BAAQ
B   A    A    Q
KU:-Madaxweynaha Somaliland
Og:-Qaramada Midoobay
Og:-Jaamicadda carabta
Og:-Midowga Afrika
Og:-Amnesty International
Og:-Warbaahinta Caalamka
  
Waxaan halkaan ku soo gudbinayaa anigoo ka mid ah odayaasha beelaha la hayb sooco ee ku dhaqan Waqooyiga America inaan aad uga xun nahay dhibka isdaba jooga ah ee maamulka Somaliland ay ku hayso beelaha la hayb sooco, oo ay u danbeysay dilkii loo geystay Marxuum Khadar Cismaan Dhabar iyo xarigii loo geystay dadkii ka mudaharaaday dilkiisa waxaanan soo jeedinaynaa:- 
  1. In si deg deg sharciga loo horkeeno ninkii dilay Marxuum Khadar.
  2. In xabsiyada laga sii daayo dadkii mudaharaadyada lagu xir xiray.
Haddii aan dawlada Somaliland aysan wax ka qaban arrinkaas inta ka horreysa 01/06/2005 waxaan u soo jeedinaynaa caalamka:-
  1. Inaan wax aqoonsi ah la siin Somaliland.
  2. In lagu cambaareeyo ku tumashada lagu hayo dadka laga tiro badan yahay.
  3. In dadkaan la dejeyo meelo kale oo ay nabad ku heli karaan, waana inaan caalamku indhaha ka qarsan tacadiyadaan soo noq noqonaya maalin walba.
  4. In laga joojiyo macaawinaadka la siinayo
WABILLAAHI  TOWFIIQ 
 
SACIID CABDULLAAHI ISMAACIIL
       SACIID  TUMAAL

Minneapolis, MN USA

E-mail: saciidtumaal@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com |  May 29, 2005


Baaq: Dhibta Haysata Beesha Gabooyuhu Waa Maxay? Maxaase Inagu Waajib ah?
Iyada oo aynaan xaashiyo yar kusoo koobi karin dhibaatada culus ee beeshaas haysata hadana bal aynu.. Guji... May 23

MPLS: Habeenka Soomaalida iyo Sharciga | Goorma: June 4

 Waraysi: Garaadka Beesha Gabooyaha
Nin u Dhashay Beesha Gabooyaha ayaa Hargeysa Lagu Diley, Dadkii Arintaas Ka Mudaharaadayna Xabsi ayaa la dhigay, waxaana arintaas ka waraysanay Garaad Axmed Diiriye Geylan... Guji...

LINK: www.somalitalk.com/quursi


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD