SomaliTalk.com
ALLAH IS GREAT

 RAMADAAN

| QURAAN | SIIRO | SAXAABO | SALAAT | XAJJ | ZAKAAT |

ramadan
SOONKA IYO TAARIKU SALAADKA

Qaybta: 2aad ee Taxanaha Ramadaanka

Waxaa jira dad badan oo muslimiinta ka mid ah oo sooma laakiin aan tukan, sidaa awgeed ayaa waxaa laga yaabaa in dadka qaarkood ay iswaydiiyaan sidee ayuu noqonayaa dadkaa soonkoodu, ma soon dhamaystiran oo Ilaaheey aqbalayaa mase...? Su'aashaa waxaaan leenahay: Islaamku waa mid is-haysta oo aan kala goo-go'i karin, sidaa awgeed waxaa ruuxa muslimka ah ku waajib ah inuu waajibaadka oo dhan ula yimaado sida ay yihiin, si uu u helo Ilaaheey raalli ahaanshihiisa, uguna guulaysto naxariistiisa. Tiirarka Islaamka oo shanta ahina waxay la mid yihiin dhisme dhamaystiran, wuxuuna Rasuulka SCW ku tilmaamay salaadda in ay tahay dhismahaa tiir-dhexaadkiisa ama laf-dhabartiisa, waxayna cibaadooyinka kale dheertahay ahmiyad wayn oo dheeraad ah, qofkii iyada ka tagaana wuxuu noqonayaa qof dhismahaa dumiyey. [Akhri ahmiyadda Salaadda

Qofkii salaadda ka tageyna haddii uu rumaysan yahay inaysan salaaddu waajib ku ahayn uusana ahayn qof Islaamka dhowaan soo galay oo ka jaahil ah iwm, wuxuu noqonayaa mid gaaloobay, oo xerada Islaamka ka baxay, laakiin haddii uu aaminsan yahay in salaaddu waajib ku tahay laakiin uusan xaqqeeda ka soo bixin wuxuu noqonayaa mid faasiq ah, oo iimaankiisu daciif yahay, Islaam-nimadiisuna kala dhiman tahay, haddii uu markaa la yimaado soonka waxaa ka dhacaya soonkii laga rabey, oo aakhiro loo ciqaabi mayo soon la'aan awgeed.

Laakiin wax ajar iyo fadli ah oo uu sugayaa ma jiraan, in Ilaaheey uu isaga naxariisto uun ma ahane. Ilaaheeyna ha ka cabsadeen dadka soomaya oo aan salaadda tukanaynin, hana xasuusteen ciqaabka wayn oo loo diyaariyey dadka salaadda ka taga, waxaana lagama maarmaan ah in la ogaado in qofku wax kasta oo wanaag ama xumaan ah oo uu la yimaado in mid walba buug gooni ah loogu qorayo, oo uu ajar ka helayo wixii uu sifiican u guto, wixii uu ku xad gudbaana dushiisa ay noqonayaan, sida uu Ilaaheeyba u yiri: "Qofkii camal fala oo sameeya wax la'eg Atamka (amaba ka sii yar) oo khayr ah wuu arkayaa (aakhiro oo waxba la duudsiin mayo), qofkii sameeya intaa wax la'eg oo xumaan ahna wuu arkayaa, oo waa la soo hor-dhigayaa".

 kulaabo Qaybta 1aad | Akhri Qaybta 3aad.... Guji

WQ. OsmanBilad osmanbilad@hotmail.com 

-------Asalaamu caleykum--------

Waxaan Kuu Dardaarmayaa Ku Dhaqanka Diinta Islaamka oo ah Jidka Badbaadada Aduun iyo Aakhiro  

Oct 25, 2002 | Oct 18, 2003


www.Somalitalk.com/ramadan    

somalia



HTML CD