SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - RIBO

Ribo Soomaali !!!!

Qore: shiikh saahid maxamed yusuf
E-mail: gacamay@hotmail.com

August 25, 2001

 
Maanta waxaan casharkeena ku soo qaadaneynaa Beec la yiraahdo( Beec Qeyb Qeyb loo bixiyo) ama ( installments or financial) Beecaas oo soomaalidu u taqaan Ribo se aan Ribo aheyn sida culumadda badankoodu aaminsan yihiin. 

Marka hore aan Sharaxno waxaa Ribo loo yaqaano luqad ahaan iyo Sharci ahaanba, 

1) Luqad ahaan Ribo waxaa la yiraahdaa waa koritaanka iyo siyaadada iyo kor ahaanta ama sareynta , Afka carabiga haddii la yiraahdo sheygaasi waa riboobay waxaa loo jeedaa waa siyaaday ama waa kor noqday.

2)xagg Sharciga waa siyaadinta labo shay oo la isku bedelanaayo midkood asagoon siyaadadaasi wax bedel u ah uusan jirin,sharaxaasina wuu koobayaa labada nooc ee Ribada oo kala ah :
A) Ribada kala fadalidda  iyo B) Ribada Dib u dhigidda.

Haddii aan Sharaxa Sharciga yara jilciyo waxaa weeye: Ribo waxay timaadaa marka la isku bedelanaayo labo shey oo isku mid ah Sida: Timir fiican & Timir Xun oo aad tiraahdo labo kiilo oo timirtan xun ah iigaga bedelo 1kiilo oo timirtan fiican ah, taasi sharciga kuma bannaano oo waa Ribadda kowaad ee aan ku magacawnay Ribadda kala fadalidda!!!

Timirta oo kaliya ma ahee lix shey ayuu nabigu sheegay in ay Ribada fadalidu soo galeyso waana : Dahabka , Qalinka , Burka , Galeyda , Timirta , cusbadda iwm. Intaas oo shey markii la kala bedelanaayo waa in ay ahaadaan isku mid isku miisaan ayaga oon loo kala fiirineynin in ay kala fadli badan yihiin.

Midda labaad Ribada Dib u dhigiddu waa tan caadiga ah ee aan naqaano ee ah Boqol Dollar i deymi kadibna lix bilood kadin waxaan kaaga dhigayaa 150 dollar ama tan aan u naqaano ( Interest) taas oo kontanka Dollar ee dheeraadka ahi malaha Bedel u dhigma ee waxaa laguu saaray mudada lagaa sugaayo !!!!!.

Haddaan halkaas uga baxo Ribadda Sharxeeda iyo noocyadeeda , haatanna aan u galo ribadda Xaaraantimeynteeda :

wuxuu Allah yiri: ( ... Allaah wuu xalaaleeyey beeca , wuuna xaaraantimeeyey Ribadda.)2:275
 ( ... Allah has permitted Trading and forbidden Riba ...) 2: 275.
wuxuu kaloo Allah yiri;( kuwa Allaah iyo Nabi Muxamed NNKH Rumeeyayow Allaah ka cabsada kana tagga wixii Ribada ka haray haddii aad tihiin Mu'miniin).2:278
( Haddii aad kategitaankaas sameyn weysaan u diyaar garooba la dagaalam allah xaggiisa iyo Rasuulkiisa xaggiisa , Haddiise aad toobad keentaan waxaad leedihiin Raasamaalka xoolihiina adinka ooaan waxba dulmineynin adinkana la idin dulmineynin)  2:279

278. O you who believe! Be afraid of allah and give up what remains( due to you) from the Riba ( from now onward) if you are really believers.

279. and if you do not do it , then take a notice of war from Allah and his messenger but if you repent,you shall have your Capital sums. deal not unjustly ( by asking more than your Capital sums ), and you shall not be dealt with unjustly ( by receiving less than your Capital sums) 2:279.

Haddii aan haatanna u soo noqdo Ribbada aan ku tilmaamay ( Ribbo Soomaali) loona yaqaano ( Beec Qeyb Qeyb loo bixinaayo) waana kan noociisu:

Haddii aad iga gadaneyso Baabuurkan oo aad i siineyso lacag cadaan ah ( cash ) waa 2000 Dollar , Haddiise aad lix bilood kadib igu siineyso kharashka  Baabuurkan waa 2500 Dollar.

Beecaasi waa beec sax ah oon Ribbo ku jirin sida ay Soomaalidu u taqaano sababtuna waxa weeye Beecani wuxuu u dan yahay gataha oo la siiyey muddo lix bilood ah in uu iskaga bixiyo  Baabuurkii uu gatay meeshii uu ka bixin lahaa lacag caddaan ah.

Beecani waxay dadka qaarkood u maleeyaan in uu u egyahay Ribbada marka laga fiiriyo waqtiga dib u dhigista iyo lacagta la saartay sidaas darteed ayey culumada qaarkood u xaaraantimeeyaan waana meesha ay Soomaalidu ka Duuleyso Se sida Culumada inteeda badani ay qabto ( waa jamhuurka'e) beecani waa xalaal sababtoo ah:

1) Wax xaaraantimeeyey ma jiro sababtuna waa Asalka Beecu waa xalaal ilaa laga helo wax xaaraantimeynaaya, taasna lama haayo(1).
2) Beecani Ribadda uguma eka dhinac kasta, oo Ribaddu waxay ku timaadaa sidaan soo sheegnay ( DEYN ).
Waxaa jirta Qaacido Fiqhi ah oo oroneysa Ribadu waxay ka timaadaa:
( Deyn kasta oo soo jiidda Nafci waa Ribbo) ayey Qaacidadaasi oroneysaa(2).

Marka haddii Ruux uu ku deymiyo lacag caddaan ah ( Cash ) kuma saaran karo ( Interest) oo Ribo ayey noqoneysaa, Se haddii uu kaa ( GATO ) beec Baabuur ama Dhar ama cunto uuna kugula heshiiyo haddii aad haatan iska dhiibeyso waa ( 500) boqol hadiise aad bishiiba aad kis i siineyso waa ( 600 ) wax dhibaato ah ma leh ileen waa ( BEEC ) ee Deyn ma ahee!!

Mar labaad Ribbadu waxay ka timaadaa ( Deyn ) ee kama timaado ( Beec ) !!!!!!!!!!.

 

Masa'ladan oo uu ka hadlay Shiikh Maxamed ibnu Saalix Al- cuthaymiin Allaah ha u naxariistee wuxuu yiri:
Waxaa idiin sheegayaa Qaaciddo sharci ah oo ah : [ Allaah wuxuu xalaaleeyey Beeca wuxuuna xaaraantimeeyey Ribbada] 2:275
Marka haddii aan Baabuur kaaga gado 20.000 oo Caddan ah ( cash)  ma banaan tahay? Ardadiisii waxay ugu jawaabeen: Haa , maxaa Daliil ah ayuu weydiiyey, Waxay ugu jawaabeen Aayadii [ Allaah beeca wuu xalaaleeyey].
Haddana wuxuu yiri ma banaantahay in aan baabuurkaas oo suuqa ka joogga 20.000 in aan kaaga gado 25.000 oo caddan ah ( cash) waxay yiraahdeen Haa , maxaa daliil u ah isla aayadii [ Alaah wuu xalaaleeyey Beeca ].
Haddana wuxuu yiri : Ma banaan tahay in aan isla Baabuurkaas kaaga gado 25.000 oo aan kaa sugaayo sannad, waxay yiraahdeen haa waa banaan tahay. waa maxay Daliilku waxay yiraahdeen isla Aayadii.
Markaas ayuu weydiiyey keebaa fiican in aan kaaga iibiyo 25.000 ( Cash) ah iyo in aan kaaga iibiyo 25.000 oo aan Sannad kaa sugaayo waxay ugu jawaabeen : 25.000  aad sanad iga sugayso.Markaas ayuu yiri haddiiba ay banaan tahay in aan haatan kaa siiyo 25.000 oo ( cash) maxaa diiday in aan kaa siiyo 25.000 oo aan sanad kaa sugaayo.
Maxaayeelay taas ayaa ah in aan kuu naxariisanaayo kaana sugaayo lacagtii ilaa waqti.
Haddaba wuxuu Shiikhu yiri:[ waxaan shaki nooga jirin in uu Beecaasi Xalaal yahay waliba wuxuu ku sii daray in Shiikhu Ibnu Tiimiyah in uu ku sheegay Kitaabkiisa Fataawigiisa in Mas'alladas ay culumada oo idili ay isku raaceen oo ay tahay ( Ijmaac)!!!!.(3)

Haatanna waxaa madaxaaga ka guuxaaya Guri iyo Baabuur ma lagu qaadan karaa ( Morgage) Sida deynta ay bixiyaan Bangigu ama hay'adda kale( Trustee)?!!!

Jawaabtu waa Maya!!! maxaayeelay labo shardi ayeyna ka soo baxeynin si uu beecaasi u noqdo mid waafaqsan Sharciga Islaamiga, Labdaas shardina waxay kala yihiin :

1) Waa in Guriga iyo baabuurkuba ay ku jiraan Mulkiyadda Bangiga ama Hay'adaha Deynta bixiyaayi, haddiise wuu baabuurka iska leeyahay Shirkad kale se uu Bangigu ku ( Finance) gareynaayo taasi waxay noqoneysaa in uu bangigu ku siinaayo lacag deyn ah taas oo uu ku dul saaranaayo ( interest) Ribo 9.9 % -18,9% taasina waa Ribaddii saxa aheyd ee aan Qaacidada u soo qaadanay ( Deyn kasta oo nafci kuu soo jiideysaayi waa Ribbo)!!!!.ee beec ma ahan.

2) In uusan jirin Ruux ama hay'ad kale uu dhexdhexaad ah oo ayadu lacagta shubeysa kadibna Dulsaar ku saaraneysa, taas oo badanaaba ay qabtaan bangiyadu iyo Hay'adaha ( trustee) ga ah ee badanaaba Deynta Dulsaarka leh wataayi.

Haddiise Bangigu Guriga leeyahay ama hay'addu Baabuurka leedahay oo aad ku heshiisaan muddo go'an in aan intaas bixiso kadibna aad Guriga la wareegto ama baabuurkaba oo taasi waa Beecii aan soo sheegnay oo waxaa la yiraahdaa ( beec Kiskis loo bixinaayo) waqti kadib, Dhanka Baabuurtana waxaa igu maqaallo ah waxaa bixisa Shirkadda ( Suzuki) inkastoon markaan warsaday ay ii sheegeen in ay ayagu suuqa ka qaalisan yihiin oo ay kuu soo bandhigaayaan in aad bangi ka deynsato taas ayaa kuu raqiis ah ayey leeyihiin.

Dhanka Guryaha Bankiyadu xataa haddii ay leeyihiin waxa ay wax ku kor dhisaan Beec ma ahan ee waa Deyn ( Interest). haddiise la helo bangi Islaami ah oo intuu guri kuu gado masalan 240.000 oo doolar oo uu lacagta shubo marka ay Mulkiyaddu u soo wareegto uu kaa gado 280.000 oo doollar in aan ku bixiso muddo shan sano ah ama waxa aad ku heshiisaanba taas weeye beeca sida saxa ah u waafaqsan shareecadda ee la yiraahdo ( Beec kis kis loo bixiyo in muddo ah) waana ka ay Soomaalidu Ribadda u taqaan ee aan Ribbo aheyn.

Haatanna waxaan Maqaalkeyga ku soo Gabagabeynaayaa Su'aal aan weydiiyey macallinkeyga Jaamicadda oo ah ( credit card) deyntiisa ka waran? waxa uuna iigu jawaabay waa: Xaaraan, markaan weydiiyey waxa uu xaaraan u yahay wuxuu si fudud iigu jawaabay Hay'ad seddexaad ayaa lacagta kaa sugeysa meehaas ayeyna ka imaneysaa Ribbadu.

Haddana waxaan weydiiyey ka waran haddii Shirkaddu ay leedahay ( card)ka ayaduna wax kaa gaday wuxuu markaas igu yiri markaas dhib ma leh, se xataa markaas shirkaddu waxay ku tiirsan tahay shirkad kale oo ayadu ku deymineysa lacagtaas oo isla shirkadan u shubeysa, taasina sida ku cad Qaacidadeenii waa Ribbo iska cad ee ma ahan Ribo soomaali.
Kolley Casharkan su,aalo wey ka imanayaan ee waxa dhiman Su'aalaha ayaan u deyneynaa!!
 
                                                        Wabilaahi Towfiiq.
 
1) Ma is tiri Gaaladdu oraahdan waxay ka soo qaateen Islaamka: ( every body is innocent unless it proved guilty).
2) Qaaciddadan qaar culumada ka mid ah waxay dahaan waxaa laga soo qaatay xadiis daciif ah oo oranaaya ( Deyn kasta oo nafci soo jiidaayi waa Ribbo).
3) Shiikh cutheymiin oo sanadkii hore Dhintay Alaah ha u naxariistee wuxuu ahaa Caalim weyn cajalado uu Xaramka uu ka duubay ayuu arrintaas uga hadlay.

Qore: shiikh saahid maxamed yusuf
E-mail: gacamay@hotmail.com
TORONTO, CANADA 

Faafin: SomaliTalk.com | August 25, 2001

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD