SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SAXAABADA

Qore: Ibrahim Salah Aden
Email: ibra88@hotmail.com
SomaliTalk.com | Odense| Denmark


AL-BARAA BINU MAALIK AL-ANSAARI

"BARAA MADAX HA UGA DHIGINA MID KA MID AH CIIDAMADA MUSLIMIINTA CABSI LAGA CABSANAYO INUU GEESINIMADIISA KU JEBIYO CIIDANKIISA" CUMAR BINU KHADAAB

(20)

Wuxuu ahaa nin booreysan oo basaasan, una dhashay baryari ay adagtahay inay isha si fiican u qabato jirkiisa. Hase ahaatee iyadoo ay taasi jirto, wuxuu haddana laayay boqol ka mid ah mushrikiinta/gaallada isu-soo-bax-dagaaleed, iyadoo aynan ku jirin kuwa kale ee uu ku laayay bartamaha dagaallada. Waa geesigii uu arrintiisa awgeed u qoray Cumar Binu Al-khadaab, dhambaalkiisii uu u qorayay shaqaalihiisa iyo guddoomiye-goboleedyadiisa markuu lahaa "yaan Baraa madax looga dhigin ciidan ka mid ah ciidamada muslimiinta, cabsi laga qabo in geesinimadiisa awgeed ciidankaas la jebiyo". 

Anas ayeey walaalo ahaayeen

Qofkaas aynu ka hadlayno waa Al-Baraa Binu Al-Maalik Al-Ansaari Ilaah ha ka raalli noqdee, waa Anas Binu Maalik walaalkiis ee ahaa adeegihii Rasuulka (scw). Haddeynu xoogaa milicsano si aan halkan uga soo gudbino sheekadii la xiriiray geesinimadii Al-Baraa Binu Maalik Al-Ansaari waxaa hubaal ah inay sheekadu nagu dheeraanayso, hase ahaatee waxaan soo gudbinaynaa mid ka mid ah sheekooyinkiisii ku saabsanayd geesinimadii Al-Baraa Binu Maalik Allaha ka raalli noqdee, sheekadaas oo kaa deeqsiinaysa kuwa kale.

Fidnadii ugu horeysay ee soo waajaha islaamka

Sheekadan waxay billaabanaysaa saacadihii ugu horeeyay kadib markii uu geeriyooday Rasuulka (scw), markii ay qaar ka mid ah qabiilooyinka carbeed ay ka laabteen diintii islaamka iyagoo koox-koox ah, siday markii horeba ay u soo galeen diinta islaamka iyagoo koox-koox ah, jeer ay diintii islaamka isugu soo hareen oo keliya muslimiintii degganayd Makka, Madiina, Daa'if iyo kuwo kale oo uu Eebbe (sw) ku sugay laabtooda iimaanka iyo diinta islaamka.

Maalintii Abuubakar

Intaas kadib waxaa sugnaaday geesigii runta badnaa ee Abuubakar Assiddiiq Ilaah ha ka raalli noqdee, isagoo is hortaagay fidnadan wax baabi'inaysay ee indhaha la'ayd, wuxuu sugnaaday sugnaanshaha buurihii sugsugnaa ee qotomay oo kale, wuxuuna muhaajiriinta iyo ansaarta ka diyaariyay 11 ciidan, isagoo ciidan kasta oo ka mid ah ciidamadaas u guntay oo u dhiibay calankoodii, wuxuuna u kala diray dacallada dhulka Jasiiradda Carabta, si ay kuwii diinta islaamka ka laabtay ay ugu soo dabaalaan diintii hanuunka iyo xaqa ahayd, iyo inay ku soo qasbaan kuwii ka weecday wadiiqadii toosneyd seefta afkeeda. Waxaa Abuubakar Ilaahay ha ka raallo noqdee uu yiri maalintaas hadal taariikhda meel fiican ka galay, hadalkaasoo ahaa “ma waxaa nuqsaamaysa diinta annigoo nool”, dabadeedna wuxuu ogeysiiyay muslimiinta in dagaal lagu qaado kuwii diinta ka riddoobay, iyadoo saxaabadiina ay aqbaleen ijtihaadkiisii toosnaa.

Kuwii ugu xoogga badnaa ee ka mid ahaa qabiilooyinkii ka laabtay diinta islaamka, uguna tirada badnaa ayaa waxay ahaayeen qoyska reer Banuu Xaniifa, qabiilkaasoo uu ka dhashay ninka la yiraahdo Musaylamata Al-kadaab. Waxaa Musaylamata u soo saftay oo u hiiliyay tolkiisa iyo xulafadiisuba oo gaarayay afartan kun oo dagaalyahaniin ah, waxayna intooda badan u raaceen ficillo qabyaaladeed, ee ma aynan u raacin rumeyn ay rumeynayaan. Maxaa yeelay qaar ka mid ah kuwaas ayaa waxay oran jireen "waxaan qiraynaa in Musaylamata uu beenaale yahay, Muxammad-na uu runloow yahay.., hase ahaatee beenlowga Musaylamata ayaan ka jecelnahay runlowga Muxammad".

Cabsida laga qabo haddii la jebiyo ciidamada muslimiinta

Wuxuu Musaylamata jebiyay ciidankii ugu horeeyay ee u soo baxay ee ka mid ahaa ciidamada muslimiinta, waxaana ciidankaas hoggaaminayay Cikramata Binu Abii Jahal. Hase ahaatee, Abuubakar Ilaah ha ka raalli noqdee ayaa wuxuu markale diray ciidan, wuxuuna ciidankaas madax uga dhigay Khalid Binu Al-Walid. Waxaa ciidamada la isugu soo aruuriyay madaxdii asxaabta oo isugu jiray muhaajiriinta iyo ansaarta, waxaana asxaabtaas safka hore kaga jiray Al-Baraa Binu Maalik Al-Ansaari iyo qaar ka mid ah halyeeyada muslimiinta.

Waxaa dhulkii Yamaama foodda isku-jaray labadii ciidan, ciidankii muslmiinta ee uu hoggaaminayay Khalid Binu Al-Walid, iyo ciidankii gaallada ee uu hoggaaminayay Musaylamata Al-Kadaab. Waqti yar kamaba soo wareegan, jeer durbadiiba ay xooggaysato dhinacii Musaylamata iyo ciidankiisa, halka ciidamadii muslimiinta-na ay ka billaabaan dib-u-gurasho, dhinaca kale waxay ciidankii Musaylamata cagta mariyeen teendhadii weyneyd ee uu lahaa Khalid Binu Al-Walid, wayna siibeen, waxayna sigeen inay dilaan xaaskii Khalid Binu Al-Walid hadduusan badbaadin nin iyaga ka mid ahaa. Runtii waxay ahayd waqti aad u adag, waxayna muslimiintii dareemeen xaalad aad u qadhaadh oo aad u weyn, oo waxay muslimiinta yaqiinsadeen in haddii ciidamada Musylamata ay jebiyaan oo uu ka adkaado ciidanka muslimiinta inaynan jiraynin qof u istaaga gargaarka diinta Islaamka wixii maanta ka danbeeya, iyo sidoo kale inaan la arki doonin qof ku caabudaya Eebbe (sw) kelligiis dhulka Jasiiradda Carabta.

Xeelad milateri oo sareysa

Intaa dabadeed waxaa booday Khalid Binu Al-Walid, isagoo isu keenay dhammaan ciidamadiisa, wuxuuna muhaajiriintii ka soocay ansaartii, sidoo kalena kuwii reer miyiga ahaa ayuu iyagana ka soocay kuwii kale. Wuxuu qabiil kasta u dhiibay hal calan, bal si loo garto wacdaraha koox kasta ay muujiyaan, sidoo kale si loo ogaado halka iyo goobta lagaga imaanayo muslimiinta, dabadeedna waxaa billaabatay dagaalkii. Labadii ciidan waxaa dhex maray dagaal ba'an oo ayna muslimiinta weligood arkin mid la mid ah. Kooxdii Musaylamata waxay goobtii dagaalka ku muujiyeen adkeysi weyn, iyagoo aanan u aaba-yeelin tirada faraha badan ee kaga dhimanaya dagaalka, dhinaca kale waxay sidoo kale muslimiintana dhinacooda ka muujiyeen geesinimo aad u weyn, waxaana tusaale uga soo qaadanaynaa qaar ka mid ah halyeeyadii muslimiinta ee dagaalkaas.

Tusaalihii geesinimo ee saxaabada

Waxaynu arkaynaa Thabit Binu Qays oo sida calankii Ansaarta oo isu diyaarinaya geeri iyo dhimmasho, isagoo xirtayna kafantii meydka. Wuxuu qotay godkii lagu aasi lahaa, dabadeedna wuxuu labadiisii dhudhun ku aasay godkii, isagoo ku sugnaaday goobtaas. Sidaas ayuu ahaa oo ugu dagaalamayay ilaa markii danbe laga dilay isagoo shahiid ah. Sidoo kale waxaynu kaloo arkaynaa Zeyd Binu Cumar Binu Al-Khadaab oo ahaa Cumar Binu Al-Khadaab walaalkiis oo u dhawaaqaya muslimiinta isagoo leh "dadyahoow goowsihiina qaniina, laayana cadoowgiina, horeyna u sii socda.., dadyahoow, wallaahi ayaan ku dhaartaye hadli maayo wixii oraahdaydan ka dambeeya jeer laga jebiyo ciidmada Musaylamata ama aan Eebbe kala kulmo, annigoo wata xujadayda iyo markhaatigayga". Intaa dabadeed wuxuu rogaal celin ku sameeyay gaalladii isagoo dagaalamaya, jeer markii danbe isna laga dilo isagoo shahiid ah. Waxaan kaloo isla goobtii dagaalka ka arkaynaa misna Salim oo ahaa mowlihii (kii la lahaa) Xudeyfa Ilaah ha ka raalli noqdee, isagoo sida calankii muhaajiriinta. Waxaa u cabsaday tolkiisii muhaajiriinta, waxayna ku yiraahdeen "waxaan ka cabsanaynaa in nalooga yimaado dhinacaaga", wuxuuna ugu jawaabay hadalkan qiimaha leh "haddii la idinkaga yimaado dhinacayga waxaan ahaanayaa qof xambaarsan (xifsadan) qur'aanka kan ugu xun", dabadeedna si geesinimo ku jirta ayaa wuxuu rogaal celin geesinimo oo ba'an ku celiyay gaalladii, jeer isna laga dilo isagoo shahiid ah. Hase ahaatee, halyeeyadaas aynu soo aragnay dhammaantood waxay ahaanayaan wax yar marka loo barbardhigo halyeeynimada iyo geesinimada Al-Baraa Binu Al-Ansaari Ilaah ha ka raalli noqdee.

Al-Baraa oo looga fursan waayay hoggaaminta ciidamada

Markii uu Khalid Binu Al-Walid arkay dagaalkii oo sii kululaanaya, oo maraya meel daran ayaa wuxuu jaleecay oo eegay xaggii Al-Baraa Binu Malik Al-Ansaari, wuxuuna ku yiri "xaggooda u kac wiilkii Ansaaroow", dabadeedna wuxuu Al-Baraa Binu Malik isna eegay dhinacii tolkiisa, isagoo leh "ansaareey yuusan qof idinka ka mid ihi ku fekerin inuu ku laabto magaalladii Madiina, wixii maanta ka danbeeya ma lihidin magaallada Madiina.., waxaad leedihiin Eebbe (sw) kelligii iyo Jannada".

Gaallada oo magangalay beertii geerida

Wuxuu Al-Baraa iyo asxaabtiisa durbadiiba ay ku qaadqaadeen mushrikiinta, wuxuuna Al-Baraa billaabay inuu kala beero safafklii gaallada, seeftiisana wuxuu kaga shaqeeyay oo uu ku laayay cadoowga Ilaahay qoortooda, jeer ay markii danbe ka ligligato gummadihii ciidamada Musaylamata, waxayna iyagoo cararaya ku magangaleen beer, taasoo taariikhda u aqoonsatay wixii maalintaas ka danbeeyay magacan “beertii geerida”, dadka faraha badan ee lagu laayay awgeed.

Beertan waxay ahayd mid dacalladeedu ay waasic tahay, lehna derbiyo dhaadheer. Musaylamata iyo ciidankiisa gaarayay kumanaanka kun waxay isku soo xireen albaabadeedii, iyagoo derbiyadaas isku ilaalinaya. Ciidamadii Musaylamata waxay billaabeen inay leebabkoodii kaga soo tuuraan muslimiinta, iyagoo ku jira dhufeysyadooda.

Taladii Al-Baraa

Muslimiintii waxay galeen khatar kale oo hor leh, waxayna billaabeen inay tashadaan. Muslimiinta geesigooda iyo halyeygooda ayaa haddana soo baxay ee ahaa Al-Baraa Binu Malik, isagoo ku leh muslimiinta "waxaad i saartaan gaashaan korkiisa (wuxuu ahaa nin baryar), dabadeedna waxaad gaashaanka kor ugu qaaddaan warmaha, sidaasna waxaad igu tuurtaan meel u dhow iridka beerta, labo midkood ayaa dhacaya, waa in la i dilo oo aan shahiido, iyo in aan iridka idinka furo". Ilbiriqsi kamaba soo wareegan jeer ay muslimiintii qaataan taladii Al-Baraa, waxayna saareen gaashaankii, maxaa yeelay markii horeba wuxuu ahaa nin baryar, waxay kor ugu qaadeen tobaneeyo warmood, dabadeedna waxayna ku dhex  tuureen dhinacii beerta isagoo dhexda uga galay ciidamadii kumanaanka kun ahaa ee uu hoggaaminayay Musaylamata.

Wuxuu Al-Baraa sidii baarashuudka oo kale ku soo kor-degay ciidamada Musaylamata dhexdooda, wuxuuna billaabay inuu la dagaalamo gaallada, isagoo seeftiisa ku laayay toban ka mid ah gaalladii jeer uu markii danbe ka furo iridkii, iyadoo jirkiisa ku yaaliin dhowr iyo toddobaatan dhaawac oo isugu jiray leebab iyo warmo. Muslimiintii ayaa hal meer ku soo butaacay beertii geerida, iyagoo ka soo galaya beerta derbiyadeeda iyo albaabadeeda, waxayna seefahoodii kaga shaqeeyeen gaalladii ka riddowday/laabatay islaamka, kuwaasoo ku dhuuntay beerta derbiyadeeda jeer laga laayo wax ku dhow labaatan kun, waxayna muslimiintii gaareen ninkii Musaylamata ahaa, isna markii danbe way dileen, wuxuuna ahaa ninkii ugu horeeyay ee iska sheegta nebinnimo kadib Nebinnimada Nebi Muxammad (scw).

Al-Baraa oo jeclaa markasta shahaado

Waxaa la soo qaaday Al-Baraa Binu Malik  si loo daaweeyo, Khalid Binu Walid ayaa daaweenayay muddo bil ah ilaa uu Eebbe (sw) ka siiyo caafimaad, isaga sababtiisa ayeey muslimiinta guul ugu heleen. Al-Baraa Binu Malik Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu markasta u hiloobi jiray in Alle dartii loo dilo (shahiido), taasoo ka tagtay maalintii loogu magac daray "beerta geerida".

Furashada Tustur

Wixii intaa ka danbeeyay wuxuu Al-Baraa Binu Maalik ku taami jiray hilowgiisii weynaa ee ahayd inuu haleelo oo uu ka daba tago Nebigii (scw) qiimaha badnaa, jeer markii danbe laga soo gaaro maalintii loogu magac daray "maalintii furashada Tustur" ee ku taalay gobolka reer Faris. Gaalladii reer Furus waxay ku dhuunteen mid ka mid ah dhufeysyada sibsibka ah. Muslimiintii waxay go'doomiyeen gaalladii, iyagoo isku soo wareejiyay hareeraha dhufeysyadaas. Markii ay ku dheeraatay gaalladii reer Furus go’doonkaas waxay billaabeen inay ka soo raariciyaan dhufeyskii ay ku jireen derbiyadeeda silsilado bir ah, laguna sii xiray kalbado birlab ah oo lagu shiday dab, taasoo ka kulul dhuxusha dabka ah. Kalbaddaas birlabta ahayd waxay galaysay muslimiinta jirkooda, kadibna way ku dhageysay, dabadeedna waxay u sii qaadaysay xaggii gaallada Furuska iyagoo markaas amaba dhintay, amaba qarka u saaran inay dhintaan.

Haddaba, kalbadihii mid ka mid ah ayaa ku dhegtay Anas Binu Malik oo ay walaalo ahaayeen Al-Baraa Binu Malik. Maba uusan arag Al-Baraa walaalkiis anas jeer uu durbadiiba ku booday derbigii sibsibka ahaa, wuxuuna qabtay silsiladdii sidatay walaalkiis Anas, wuxuuna billaabay inuu kalbadihii kululaa ka furfuro si uu uga saaro jirka walaalkiis, gacantiisii ayaa gubatay, waxaana ka baxay qiiq. Al-Baraa dan kama gelin xanuunka gubashada jeer uu markii danbe ka badbaadiyay walaalkiis, wuxuu dhulka u soo daadegay iyadoo gacantiisa noqotay lafo aan saarnayn wax hilib ah.

Haddaba, dagaalkan wuxuu Al-Baraa Binu Malik baryay Eebbe (sw), isagoo Alla weydiisanaya inuu ku shahiido dagaalka, Ilaahayna wuu aqbalay ducadiisii, kadib markii uu goobtii dagaalka dhulka ku dhacay isagoo la dilay, una hilowsan la kulanka Eebbe (sw).

Ilaahay ha iftiimiyo wejigii Al-Baraa Jannada dhexdeeda, ishiisana Allaha ku qaboojiyo la jirka iyo u dhowaanshaha Nebi Muxammad (scw), Ilaahayna ha ka raalli noqdo, aamiin.

###

Qore: Ibraahim Saalax Aaden
Email: ibra88@hotmail.com
SomaliTalk | Odense | Denmark
Daabacaad:
April 1, 2002 

CASHARKA HORE

CASHARKA XIGA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
SAXAABADII RASUULKA
SOO BOOQO



HTML CD