CABDULLAAHI BINU
CABBAAS
(4)
Cabdullaahi Binu Cabbaas waxay ilmo adeer ahaayeen Nebiga (scw), wuxuuna
ahaa Saxaabigii ugu aqoonta badnaa sida tusaale ahaan marka la eegayo
tafsiirka iyo macnaha xeesha dheer ee qur’aanka oo Rasuulka (scw) ayaaba
arrinkaa ugu duceeyay. Wuxuu caan ku ahaa Alle ka cabsiga, wuxuu badin jiray
soonka, salaadda habeenka isagoo khaaliqa weyn (sw) ee abuuray mar kasta
weydiisanaya denbi dhaaf iyo raalli ahaanshahiisa. Cabdullaahi wuxuu ka mid
ahaa saxaabada ugu da’da yar oo wuxuu dhashay 3 sanno ka hor hijriga, markii
uu Rasuulka (scw) dhintayna waxay da’diisu ahayd 13 jir.
Sidaas oo ay tahay wuxuu Cabdullaahi binu Cabbaas ka xafiday Rasuulka (scw)
1660 xaddiis oo ay Imaamyada Bukhaari iyo Muslim ay ku sugeen kutubtooda.
Cabdullaahi Binu Cabbaas Allaha ka raalli noqdee markii uu toddobo (7) jir-ka
ahaa wuxuu u adeegi jiray Rasuulka (scw) sida marka uu doonayo Salaadda oo uu
u diyaariyo weysada iwm. Marka uu Rasaalka (scw) galayo salaadda wuxuu ku
tukan jiray Rasuulka gadaashiisa. Nebiga aad ayuu u jeclaan jiray la jirka
iyo la joogista Cabdullaahi Binu Cabbaas, saa darteed wuu raaci jiray kolka
uu Rasuulka qabanayo safar. Cabdullaahi wuxuu ahaa saxaabi uu Illaah ku
mannaystay xikmad iyo aragti xeel dheer. Arrinkaana waxaa ugu duceeyay
Rasuulka, oo wuxuu Illaah uga baryay inuu siiyo xikmad, Illaahna wuu ka
aqbalay ducada Nebigiisa.
Xikmaddii Cabdullaahi iyo dooddii
Khawaarjta:
Waxaan hal tusaale ka soo qaadanaynaa mid ka mid ah xikmadihii Cabdullaahi
Binu Cabbaas. Markii qaar ka mid ah raciyadii iyo asxaabtii Cali Binu Abii
Dhaalib (rc) ay ka madax taageen amarkii Cali ee la xiriiray khilaafkii isaga
iyo Mucaawiya dhexmaray ayaa wuxuu Cabdullaahi Binu Cabbaas ku yiri Cali: "Amiirkii
mu’miniintoow maad ii fasaxdid si aan ula soo hadlo oo markaa aan soo
dhageysto waxay leeyihiin". Cali ayaa ku yiri: "waan kaaga cabsanayaa".
Cabdullaahi ayaa u celiyay waxaan ahay nin leh akhlaaq suubban oo aan cidna
dhibin, sidiina ayuu ugu tagay. Markii uu u yimi khawaarijtii waxay
weydiiyeen sababta uu u yimid, wuxuuna u sheegay inuu doonayo inuu wareysto.
Qaar ka mid ah ayaa soo jeediyay inaan lala hadlin, qaarna waxay
yiraahdeen la hadla. Wuxuu yiri waxaan weydiiyay sababta ay ula dagaalamayaan
Rasuulka Alle (scw) ina adeerkii, marna uu u yahay sodog sidoo kalena ka mid
ah qof rumeeya Rasuulka kii ugu horeeyay. Waxay yiraahdeen waxaan ku haysanaa
saddex qodob. Waa tan koowaade waa isagii oo xukunkii Islaamka siiyay dad
gaar ah. Waa tan labaad’e wuxuu la dagaalamay Caa’isha (rc) iyo Mucaawiya,
mana ka qaadan qaniimooyin oo ma qabqabsan dumarkiina. Tan saddexaad wuxuu
ogolaaday inaanan la oran Amiiral mu’miniin iyadoo ay muslimiinta oo dhammi u
doorteen magacaas.
Markii ay dhammeysteen hadalkooda, ayaa Cabdullaahi Binu Cabbaas ku yiri:
"Ka warama haddii aan idinku dul aqriyo aayado qur’aan ah iyo axaadiista
Rasuulka (scw) ma ka noqonaysaan waxaad hadda ku sugan tihiin?". Waxay
yiraahdeen: "Haa". Haddaba, Cabdullaahi Binu Cabbaas ayaa ka jawaabay
qodobkoodii koowaad ee ay ku haysateen Cali ee ahaa oraahdoodii ahayd in uu
Cali uu siiyay xukunka dad gaar ah, wuxuuna Cabdullaahi arrintaa ugu jawaabay
oraahda Alle (sw) ee leh: "U dira xaq soore ehelkiisa ah iyo xaqsoore
ehelkeeda ah.." Suuradda Al-Nisaa aayadda 35. Wuxuu Cabdullaahi weydiiyay
kooxdii su’aashan ah:"Illaah baa idinku dhaariye ma waxaa fadli badan xukunka
ninka iyo afadiisa iyo addoonka mise xukunka ummad dhiiggeeda la badbaadinayo,
dhaawaceedana la dhayayo? Waxay yiraahdeen khawaarijtii haa oo waxaa fadli
badan xukunka ummadda.
Arrinta kale ee la xiriirta inuu Cali la dagaalamay Mucaawiya iyo Caa’isha,
laakiinse uusan addoonsan dumarkooda isla markaana qaniimaysan maalkooda.
Cabdullaahi wuxuu weydiiyay su’aashan ah: " Ma waxaad banaysan lahaydeen
hooyidiin Caa’isha iyo wixii aad dumarka kale ka banneysateen, haddaad
tiraahdaan "haa" waad gaalowdeen, sidoo kalena haddaad tiraahdaan ma aha
hooyadeen iyadana waad gaaloowdeen oo waxaad ku kufriseen aayadda uu Alle ku
oronayo: "Nebiga ayaa uga roon (turid badan) Mu’miniinta naftooda,
haweenkiisuna waa hooyooyinkoo".
Faa’iidadii iyo midhihii ka soo baxay kulankii Cabdullaahi Binu Cabbaas uu
la yeeshay khawaarijta ayaa waxaa ka mid ahayd in tiro aad u badan oo ka mid
ah khawaarijta ay ka soo laabteen khilaafkoodii iyo madax taagoodii ay ka
madax taagayeen amarka Cali (rc), kuwaasoo tiradooda gaarayay ilaa labaatan
kun (20.000) oo qof, halka kuwa kale ee ku adkeystay khilaafka Cali ay
gaarayeen tiradooda 4 kun oo keliya. Cabdullaahi Binu Cabbaas wuxuu ahaa kii
aad u qaddariya oo u weyneeya doonista barashada waddada cilmiga.
Intii uu Rasuulka (scw) ifka saarnaa wuxuu Cabdullaahi cilmiga ka biyo
cabbi jiray Rasuulka (scw), hase ahaatee kolkii uu Rasuulka (scw) haleelay
saaxiibkii sareeyay waa Alle’e wuxuu u jiheestay xagga saxaabada culumadeeda
isagoo ka baranayay aqoonta iyo barashada diinta Islaamka. Cabdullaahi Binu
Cabbaas isagoo ka hadlaya sidii uu u dalbi jiray waddada cilmiga wuxuu yiri:
"haddii aan maqlo nin ka mid ah asxaabta Rasuulka (scw) waxaan aadi jiray
iridka gurigiisa wakhtiyada duhurka kolkaasaan barkan jiray go’a aan wato,
annigoo seexan jiray albaabka agtiisa, haddii aan doonana waxaan weydiisan
jiray inaan u soo galo guriga oo markaa wuu ii fasixi jiray, wuxuu i weydiin
jiray sababta aan ugu imid, markaasaan ku oran jiray inaan ka aqoon kororsado,
waayo cilmigu waa loo tagaa ee isagu iskama yimaado, dabadeedna waxaan
weydiin jiray xaddiiska aan doonayo inaan ogaado.. Sidaa ayuu uugu weynaa
cilmiga Cabdullaahi Binu Cabbaas (rc) oo wuxuu u huri jiray helista barashada
cilmiga.
Sida uu Cabdullaahi u qaddarin jiray barashada cilmiga ayaa misna u
weynayn jiray culumada aqoonta u leh Islaamka. Matalan hal tusaale haddaan ka
soo qaadano arrintaas, waxaa la ogsoon yahay in Zeyd Binu Thaabit uu ahaa
qoraagii Waxyiga, dhinaca kale wuxuu ahaa kan ugu aqoonta badan magaalada
Madiina marka laga hadlayo cilmiga garsoorka, fiq-higa, qiraa’ada (akhrinta
toosan ee tajwiidka) iyo cilmiga dhaxalka. Haddaba, maalin maalmaha ka mid ah
ayaa Saxaabiga la yiraahdo Zayd Binu Thaabit oo doonaya inuu fuulo ratigiisa
ayaa waxaa is hor istaagay Cabdullaahi Binu Cabbaas oo doonaya markaas inuu
hogaanka u qabto ratigii uu saarnaa. Markaa ayaa Zeyd ku yiri: "faraha isaga
qaad kii ay Rasuulka (scw) ay ilmo adeerada ahaayeene". Cabdullaahi ayaa yiri:
"Sidan oo kale ayaa nala faray inaan u wanaajino culumadeena". Zeyd ayaa isna
yiri: "ii soo laac gacantaada". Cabdullaahi wuxuu u fidiyay gacantiisa,
dabadeedna Zeyd ayaa dhunkaday gacantii Cabdullaahi isagoo leh: "sidatan ayaa
nala faray inaan ula dhaqano Aalu-beytka Nebigeena (scw).
Cabdullaahi Binu Cabbaas wuxuu caado ka dhigan jiray doonista iyo dalabka
cilmiga ilaa uu meel sare ka gaaray. Masruuq Binu Ajdac oo ka mid ah madaxda
Taabiciyiinta (ardaydii saxaabada) ayaa mar uu ka faaloonayay Cabdullaahi
Binu Cabbaas wuxuu yiri: " Haddaad aragto Cabdullaahi waxaad ogaanaysaa inuu
yahay ninka ugu quruxda badan, hadduu dhawaaqaana waa ninka ugu fasaaxad
badan xagga hadalka, marka uu sheekeenayana waxaad ogaanaysaa inuu yahay
ninka ugu cilmi badan".
Cabdullaahi markii uu dhammeystirtay waxbarashdiisa diinta, ayaa waxa uu
bilaabay inuu dadka baro diinta. Guriga Cabdullaahi wuxuu isu baddelay
Jaamacad ay ka soo baxaan Muslimiinta. Haa, waa Jaamacad marka dhinac kasta
laga eego. Waxaynu ognahay in jaamacadaha maanta ay dhigaan macalimiin fara
badan oo kala duwan, kuwaasoo dhiga maadooyin kala duwan. Hase ahaatee
Jaamacadda Cabdullaahi waxaa dhigayay Cabdullaahi oo keliya, iyadoo
maadooyinka cilmiga ay kala duwanaayeen. Mid ka mid ah ardayda dhigtay
jaamacaddaas ayaa yiri: " waxaan arkay fadhiga ama xalqada Cabdullaahi oo
haddii aad Qureysh oo dhan ay ku faani lahayd ay u noqon lahayd faan, wuxuu
yiri waxaan arkay dadkii oo buuxiyay gurigiisa ilaa ay meeshu ka ciriirsanto,
waxaan u talaabay ilinka guriga Cabdullaahi, dabadeedna wuxuu igu yiri waxaad
ii soo dhigtaa biyo aan ku weyso qaato, wuu weyso qaatay ka dibna wuxuu isu
diyaariyay inuu ka jawaabo su’aalaha kala duwan ee ay dadka weydiinayeen.
Cabdullaahi Binu Cabbaas Allaha ka raalli noqdee wuxuu dunida kaga tagey
cilmi, faham, dhowrsanaan iyo xikmad xeel dheer. Markii uu dhintay
Cabdullaahi Binu Cabbaas da’diisu waxay ahayd 71 sanno. Waxaa janaasada
Cabdullaahi ku tukaday Muxammed Binu Al-Xanafiya oo uu dhalay Cali Binu
Dhaalib (rc), saxaabo iyo taabiciyiin fara badan. Illaah ha weyneeyo abaal
marinta Cabdullaahi Binu Cabbaas aamiin
###
Qore: Ibraahim Saalax Aaden
Email:
ibra88@hotmail.com
SomaliTalk |
Odense | Denmark
Daabacaad:
Isniin May 8, 2000