SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SIIRADII - RASUULKA (scw)

<><><> 

Casharka 29aad ee Kitaabka Siirada Nebiga Muhammed SCW

HIJRADII ASXAABTA EE MADIINA

Rasuulka SCW wuxuu 13 sano ka waday kacwadii islaamka Makka hase yeeshee reer Makka dacwadii way qaadan waayeen in yar maahane, dhib aad u tiro badan ayuu Nabigu SCW kala kulmay, isku day badanna wuu sameeyey oo ay ka mid ahaayeen inuu reer Daa'if tegey si ay diinta Alle ugu gargaaraan hase yeeshee iyagana dhib weyn ayuu kala soo kulmay, dabadeedna juhdi iyo dadaal ayuu saaray wafdiyadii Makka imaanayey si uu u helo dad xaqa qaata iyo meel dacwada sal u noqota, maxaa yeelay reer Makka loogama rajo qabin in xoog lagu qabto mooyee wax kale, sidaa darteed waxaa Ilaahay islaamkii ku hanuuniyey oo diintiisa iyo Rasuulkiisa u doortay reer Madiina kuwaas oo Rasuulka SCW kula mubaayacooday in ay Ilaahay, Rasuulkiisa SCW iyo diintiisaba u gargaari doonaan. Haddaba markii Ilaahay nasrigaa uu u soo hooyey diintiisa, muslimiintiina ay heleen dhul sal u ah ayaa Rasuulku SCW amray asxaabtii inay u hijroodaan Madiina qof kastana siduu ku bixi karo uu ku baxo. 

Hijradu runtii waa shey adag oo qof iimaanku qalbigiisa dagay maahee qof kale uusan ku dhiirraneyn, maxaa yeelay wuxuu qofku Ilaahay dartiis uga hijroonayaa dhulkiisii, dadkiisii, maalkiisii, xaaskiisii, iyo carruurtiisii.

Asxaabtii Rasuulka SCW iyagoo fulinayaa amarkaas Alle iyo Rasuulkiisu SCW ay amreen, diintoodana ay ku dhowrsanayaan, ayey bilaabeen hijro ay ka hijroonayaan Makka una hijroonayaan Madiina iyagoo ku baxaya si qarsoodi ah una bareeraya masaafadaas dheer ee kuleylka iy dhibka badan wax walba oo ku soo gaara Alle dartiisna ku sabraya.

Ma soo koobi karno asxaabtii Rasuulka SCW qof walba oo ka mid ihi siduu u hijrooday balse aan soo qaadanno qaar ka mid ah siday u hijroodeen.

Ummu Salama, oo markii dambe ka mid noqotay xaasaskii Rasuulka SCW, ayaa iyada, ninkeedii (abuu salama) iyo wiil yar oo ay dhashay oo ka baxaya Makka waxaa ka war helay reerkii ay ka dhalatay, markaasay ka daba tageen oo la soo hareen Ummu Salama iyo wiilkeedii kuna yiraahdeen Abuu Salama "adigu haddaad tegaysid tag laakiin noo soo reeb gabadhayada". Abuu Salama hore ayuu isaga sii socday maxaa yeelay waxba kama qaban karin. Reerkii markay Ummu Salama iyo wiilkeedii la soo hareen ayaa waxaa ka war helay oo u yimid reerkii kale ee Abuu Salama ka dhashay oo ku yiri "haddaad wiilkaygaii gabdhiinnii kala soo harteen, annagaa ilmahan yar dhalnaye na siiya" sidaas ayey kuwaasina wiilkii yaraa ku qaateen. Ummu Salama oo maxbuusad ku ahayd reerkoodii oo mushrikiin ah, wiilkeediina ay reer kale haystaan, ninkeediina uu hijroday waxay bilowday oohin iyo murugo ay ku jirtey muddo hal sano ah. 

Sannad ka dib ayaa nin ehelkeeda ka mid ahi wuxuu yiri 'iska sii daaya qoftaan miskiinta ah ee dhibaateysan', sidaas ayeyna ku sii daayeen. Markii la sii daayey ayey reerkii kale u tagtay oo wiilkeedii ka qaadatay, ratigeediina rartay ka dibna Madiina u hijrootay. Goor ay dhexda sii marayso ayaa waxaa arkay nin la oran jiray Cismaan ibnu dalxa ibnu abii Dalxa, oo mushrik ahaa, markaasuu yiri "ma aha in ay qoftaan oo kale masaafadaan dheer marto", markaasuu u yimid oo ku yiri "anigaak ku kaxaynaya".

Ummu Salama waxay tiri iyadoo ka sheekaynaysa akhlaaq wanaaggii ninkaas "ratiga markuu ii raro ayuu intuu ka durko oraneyey "fuul", markaan fuulana wuu igu waadayey, markii meel la degana intuu meel har leh ratiga arumo oo qarqarsiiyo (jilib xiro) ayuu ka durkayey, markaan ka degana intuu rarka ka dejiyo oo ratiga seeteeyo ayuu geed kale seexanayey. Markaan Madiina tagnayna wuxuu yiri "magaaladaas ayaa ninkaagii joogaa ee orod u tag" isna halkii ayuu ka laabtay". Ummu Salama iyadoo hadalkeedii sii wadata waxay tiri "ninkaas nin aan muslim ahayn oo ka akhlaaq wanaasan ma arag".

Dadkii ugu horeeyay hijradii madiina waxaa iyana kamid ahaa Muscab binu Cumayr iyo Cabdullaahi ibnu umi Maktuum waxay qur'aanka barayeen dadkii muslimiinta ahaa (ee reer Madiina).

Sidoo kale Suheybu-ruumi markuu hijroonayey waxaa u yimid gaaladii qureysh waxayna ku yiraahdeen "adigoo faqiir ah oo xaqiir ah ayaad noo timid, maal ayaadna naga tabcatay ee haddaad dooneysid inaad tagto, maalkaaga ayaannu qaadanaynaa" Suheyb wuxu yiri "Haddaan malka idiinka tago ma iska kay deyneysaan?" "haa" ayey jawaabtoodii noqotay. Markaas ayuu Suheyb maalkii oo dhan uga tegey Ilaahay dartiis.

Markii ay sidoo kale hijroonayeen Cumar binu Khadhaab, Cayaash ibnu abii Rabbiica iyo Hishaam ibnu Caas waxay ku ballameen iney saddexdoodu is raacaan. Hase yeeshee Hishaam ibnu Caas ayaa laga war helay waana la xiray, laakiin Cumar binu Khadaab iyo Cayaash ibnu abii Rabbiica way wada hijroodeen waxayna tageen Madiina. 

Ka dib waxaa ka daba tegey Abii Jahal iyo Xaarith oo ay labadoodaba Cayaash isku hooyo ahaayeen, iyagoo doonaya iney Cayaash soo celiyaan. Waxay u degeen khidad ay rabaan inay ku soo kexeeyaan o waxay ku dhaheen markay Madiina ugu tageen "Cayaashow hooyadaa waxay ku dhaaratay ineysan timaha shanlaysan oo aysan qorraxda ka harsan ilaa ay ku aragto'. Cayaash markii arrintaa loo sheegay, naxariis ayaa qabatay wuxuuna go'aansaday inuu Makka ku laabto oo hooyadiis u tago. Cumar binu Khadhaab ayaa markaa la taliyey oo ku yiri "hooyadaa hadday injirtu dhibi lahayd way shanlaysan lahayd, hadday qorraxdu dhibi lahaydna way harsan lahayd, ee anigu waxaan kuu sheegayaa ujeeddada nimankani ay wataan waa inay diintaada kaa fitneeyaan ee ka joog" hase yeeshee Cayaash wuxuu ku adkaystay go'aankiisii ahaa inuu hooyadiis u tago. Cumar binu Khadhaab ayaa mar kale ku yiri "haddaad go'aankaagii kolley ku adkaysatay kaxayso hashaydan dheeraysa oo haddaad wax dareento, ama aad shakido, ku carar". Cayaas sidii ayuu nimankii ku raacay laakiinse markii dhex la sii marayo ayay arrintii sidi Cumar uga digayey noqotay Cayaashna laga caqli badiyey oo Abii Jahal ayaa ku yiri "Cayaashow ratigan aan saarnahay sidaa uma leylisna oo wuu i dhibay ee ii beddel aan hashaada xoogaa sii saarnaadee". Cayaash markuu arrinkaa yeelay o hashii fariisiyey ayaa la qabtay oo la xirxiray, waxaana la geeyey Makka isagoo xirxiran. 

Abii Jahal iyo Xaarith markay Makka tageen ayey iyaga oo faanaya waxay dadkii reer Makka ku yiraahdeen "sidaas ayaan maangaabkayagii ku soo samaynaye, idinkuna sidoo kale maangaabyadiinna ku soo sameeya". Cayaash sidaa ayaa xabsi lagu geliyey isaga iyo saaxiibkiis hore loo reebay ee Hishaam binu Caas.

Ka dib markuu Rasuulka SCW Madiina u hijroodey ayuu ku yiri asxaabtii "yaa Hishaam iyo Cayaash arrintooda wax ka qabanaya?". Waxaa istaagay Waliid ibnu Waliid oo yiri "aniga ayaa waxa ka qabanaya". Waliid wuxuu si dhuumahso ah ku tegey Makka, wuxuuna ogaadey meeshe ay ku xiran yihiin oo ah guri aan saqaf lahayn. Habeenkii markii la seexday ayuu meeshii ugu dhacay oo xargihii ka furay, xabsigiina kasoo saaray, ka dibna wuxuu ku soo noqday Madiina isagoo wada Cayaash iyo Hishaam.

Siyaabahaas iyo siyaabo la mid ah ayey asxaabta Rasuulku uga hijroodeen Makka oo ugu kicitimeen Madiina. Waxayna raggii asxaabta ahaa Makka uga wada bexeen muddo ` laba bilood gudohood ah, marka laga reebo Abuubakar iyo Cali oo Rasuulku SCW la haray maahee.

Daabacad: 2001-12-06  | bog cusub: June 26, 2004

CASHARKA HORE CASHARKA XIGA


URL: www.SomaliTalk.com/siiro

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

 



HTML CD