SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SIIRADII - RASUULKA (scw)

<><><> 

Casharka 34aad ee Kitaabka Siirada Nebiga Muhammed SCW

HESHIISKII IBNU UBAY IYO QURAYSH

Nimankii qureysh ahaa waxay aad uga xumaadeen muslimiinta iyo dhulka ay heleen iyo iney ka hoos bexeen cadaadiskoodii, sidaa darteed waxay mar walba ku dadaalayeen sidii ay muslimiinta dhib ugu geysan lahaayeen. Waxayna sameeyeen handadaado badan oo ay muslimiinta ku leeyihiin "ha moodina haddaad naga fakateen oo aam Madiina tagteen inaad ku nabad gelaysaan". 

Sidaa darteed waxay warqad u soo direen Cabdullaahi ibnu Ubay oo ay ku leeyihiin "waan ognahay inaad soo dhooweyseen Maxammed iyo dadkii la socday oo aad u ballan qaaddeen inaad u hiilineysaan, haddaba ama iska saara dadkaas ama duullaan ayaan idinku soo qaadaynaa oo iyaga iyo idinkaba waan idin dabar goynaynaa'. Cabdullaahi ibnu Ubay, oo aan weli muujisan islaamka, ayaa jawaab degdeg ah ku celiyey qureysh wuxuuna u sheegay in uu Rasuulka SCW iyo asxaabtiisa la dagaallamayo, qureyshna la jiro.

Rasuulka SCW markuu arrintaa maqlay, khudbad ayuu u jeediyey muslimiintii, wuxuuna ku yiri "dhagarta iyo khiyaamada ay qureysh idinku waddo waxaa ka daran tan aad idinka dhexdiinna isku waddaan (Aws iyo Khasraj)". 

Markaas ayaa muslimiintii ansaar ka hortageen arrintii Cabdullaahi ibnu Ubay, halkaas ayaana arrintiisii ku fashilantay, maxaa yeelay wuxuu rabay inuu qabiil ahaan u kiciyo Aws iy Khasraj oo Rasuulka SCW iyo muhaajiriinta ka horgeeyo. Sidoo kale qureysh waxay soo saareen go'aan ay xaramka uga joojinayaan dadkii reer Madiina. 

Xaalka oo sidaas ah ayaa waxaa baxay Sacad binu Mucaad oo muslimiita ka tirsanaa, ahaana odeygii Aws, wuxuuna aaday Makka si uu u soo cumreysto. Markuu tegey Makka ayuu wuxuu ku degay Umaya ibnu Khalaf oo ay jaahiligii saaxiibo ahaan jireen, oo markuu Umaya Madiina tago wuxuu ku dagi jirey Sacad, sido kale markuu sacad Makka tago wuxuu ku dagi jirey Umaya. 

Wuxuu Sacad Umaya ku yiri "waxaad ii eegtaa waqti ay kacbadu firaaqo tahay si aan u dawaafo". Markii ay kacbadii firaaqo noqotay ayey is raaceen oo kacbadii tageen. Goor ay dawaafayaan ayaa waxaa arkay Abii Jahal, markaasuu yiri "Umayow waa kuma ninkan kula socda", Umaya wuxuu yiri "waa Sacad binu Macaad". Markaas ayuu Abii Jahal ku yiri Sacad "Ilaah baan ku dhaartaye hadduusan Abuu Safwaan (Umaya) kula socon lahayn inaadan nabad ku laabateen maxaa yeelay intaad dadkayagii iishey (bidcoobey) u yeerateen oo dejiseen miyaad haddana dooneysaan inaad kacbada dhawaaftaan". 

Sacad ayaa marka hadlay oo ku yiri 'haddaad kacbada ii diiddo wax ka daran ayaan anna kuu diidayaa oo ah safarkiinna Shaam oo dhaqaalihiinnu ku xiran yahay ayaan waddada ka goyn doonaa", Umaya ayaa markaas Sacad ku yiri "Sacadow codka kor ha ugu dhigin abal xakam waa sayidka dadka toggan jooga'e" markaasaa Sacad ku yiri "na dhaaf Umaya Ilaah ayaan ku dhaartaye waxaan maqlay Rasuulkii Alle oo sheegaya in ay ku dili doonaan (muslimiinta), Umaya waxa uu yiri: "ma makay (igu dili doonaan)?" Sacad ayaa yiri: "ma ogi", Umaya hadalkaas si daran ayuu uga argagaxay, markuu reerkiisii u laabtayna waxa uu xaaskiisii ku yiri: "ma waadan ogayn waxa u Sacad igu yiri? waxay tiri muxuu kugu yiri? waxa uu yiri Maxamed ayaa u sheegay in ay i dili doonaan, markaasaan ku iri Makka miyaa, wuxuu yiri ma ogi. Ka dib Umaya wuxuu yiri: "Ilaahbaan ku dhaartaye inaanan Makka meelna uga baxayn, hase yeeshee dagaalkii badar ayaa Abii Jahal soo khasbay isagoo ka-hanaya, waxay haweentisii ku tiri: 'ma hilmaantay wixii walaalkaagii reer yathrib kugu yiri, wuxuu yiri meel dhow ayaan uga soo harayaa, dabadeedna ciidankii ayuu raacay intii dhex la sii socdayna gaadiidkiisu diyaar ayuu u ahaa ilaa uu badar tagay oo uu dagaalkii ka qaby galay laguna dilay.

Daabacad: 2002-07-9  | bog cusub: June 26, 2004

CASHARKA HORE CASHARKA XIGA


URL: www.SomaliTalk.com/siiro

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

 



HTML CD