#43
DUULLAANKII
DII AMAR
Wardoonkii Madiina ayaa wuxuu
soo gudbiyey in qabiilooyinka la kala yiraahdo banii
Thaclaba iyo Muxaarib ay isu urursadeen sidii ay Madiina
duullaan ugu soo qaadi lahaayeen. Rasuulku SCW markii uu
arrintaa ka war helay wuxuu diyaariyey ciidan dhan Afar
boqol iyo kontan nin, waxayna taariikhdu ahayd bishii
Muxarram, sannadkii 3aad ee hijriga. Rasuulku SCW magaalada
Madiina wuxuu madax uga dhigay Cusmaan ibnu Cafaan,
dabadeedna ciidankii ayuu la baxay.
Dhex markii la sii marayo ayaa
waxaa la qabtay nin u dhashay qabiilkii lagu socday ee reer
banii Thaclaba, ninkaas, waxa uu ugu yeeray islaamka, isna
waa aqbalay oo waa islaamay. Dabadeedna wuxuu horkacay
ciidankii si uu u tuso fariisimaha uu cadowga daggan yahay.
Qabiilooyinkii markii ay
maqleen soo bixitaanka Rasuulka SCW ayey ka carareen meeshii
ay joogeen oo hawdka galeen.
Rasuulku SCW wuxuu tegey
meeshii ay isku urursanayeen, wuxuuna degganaa halkaas
bishii Safar oo dhan, si reer baadiyaha jihadaas deggan oo
dhan u ogaadaan awoodda muslimiinta. Ka dibna Rasuulka SCW
iyo ciidankiisii waxa ay ku soo laabteen Madiina.
<><><>
#44
DUULLAANKII
BAXRAAN
Bishii Rabbiicul Aakhir,
sannadkii 3aad ee hijriga ayaa Rasuulka SCW iyo Saddex boqol
oo nin oo uu hogaaminayo u bexeen meesha la yiraahdo Baxraan,
oo Xijaas ka mid ah. Wuxuuna u baxay qureysh, meeshii ayuu
tegey wuxuuna joogey intii ka dhimanayd bishii Rabbiicul
Aakhir iyo bishii ku xigtey ee Jamaadul Uulaa, ka dibna
Madiina ayuu ku soo laabtay isaga oo aan wax dagaal ah soo
gelin.
|