SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SIIRADII - RASUULKA (scw)

<><><> 

Casharka 47aad ee Kitaabka Siirada Nebiga Muhammed SCW

DUULLAAMADII CIIDAMEED EE KU XIGEY UXUD

Markii dadkii muslimiinta ahaa dhaawac ku soo gaaray Uxud ayaa waxaa yaraaday cabsidii iyo baqdintii laga biqi jirey muslimiinta, waxaana bilaabmay guux iyo cadaawad loo muujinayo dadkii muslimiinta ahaa. Guuxaas wuxuu ka imaanayey gudaha muslimiinta, sida munaafiqiinta, iyo dibedda sida yuhuuddii Madiina wax ka degganayd iyo qabiilladii reer baadiyaha ee hareeraha Madiina ku noolaa.

Qolooyinkaas oo dhammi markii ay arkeen in muslimiinta dhaawaca soo gaaray ayey doobbida listeen, qaarkoodna waxa ay ku hammiyeen in ay muslimiinta duullaan ku soo qaadaan sida reer banuu Asad oo labo bilood ka dib (Uxud) isu diyaariyey in ay duullaan Madiina ku soo qaadaan. Sidoo kale qabiilooyinka kala ah Cadal iyo Qaara waxay afar bilood ka dib sameeyeen shirqool ay ku dileen 10 nin oo asxaabtii Rasuulka SCW ah. Qabiillada banuu Caamir iyo banuu Suleym ayaa iyaguna sidoo kale waxa ay si khiyaamo ah u dileen 70 nin oo asxaabtii Rasuulka SCW ah. Sidoo kale qabiiloyinkii reer Qadafaan waxa ay ku hammiyeen in ay Madiina soo weeraraan.

Haddaba arrimahaas iyo kuwo kaleba waxaa sameyey qabiilooyinkii reer baadiyaha ahaa oo degganaa Xijaas ilaa Najdi iyagoo doonayey in a islaamka iyo muslimiinta cirib tiraan maxaa yeelay waxa ay u arkayeen in muslimiintu yihiin khatar ku soo socata Khaliijiul-carab.

Waxaa iyaguna sidoo kale cadaawad daran muujiyey, har iyo habeenna ku fekerayey sidii ay Rasuulka SCW iyo asxaabtiisa dhib u gaarsiin lahaayeen yahuuddii reer banii Qaynuqaac oo Rasuulku SCW ka raray Madiina iyo yahuuddii kale oo Madiina ku hartay (banuu Nadiir iyo banuu Qureyda), siiba banuu Nadiir oo maleegay shirqol ay rabeen in ay ku dilaan Nabiga SCW.

Markii arrimahaas oo dhan gudaha iyo dibeddaba ah ay soo food saareen muslimiintii ayaa Rasuulku SCW la qaabbilay xikmadiisii iyo kaartadiisii dagaalka ee wanaagsanayd, wuxuuna muslimiintii ka saaray ciriirigii iyo dhibtii, Acdaadii Ilaahayna xumaatadoodii iyo makrigoodii ayuu ku celiyey, wuxuuna soo celiyey cisigii iyo heybaddii muslimiinta.

Tallaabooyinkii uu qaaday Rasuulku SCW waxaa ugu horreeyey duullaankii Xamraa-ul-Asad oo uu uga daba tegey ciidankii qureysheed ee Uxud ka laabtay, halkaas oo uu deggenaa saddex maalmood. Waxaa ayna dhammaan acdaadii Ilaah ogaadeen awoodda iyo geesinnimada muslimiinta iyo sida aysan marnaba u jixinjixeyn. Haddaba waxa aynu mid mid u xoo qaadanaynaa arrimihii iyo dhacdooyinkii dhacay intii u dhexeysey dagaalkii horeeyeen inkastoo qaarkood la isku khilaafo siday ukala horreeyeyn haddaana waxaan qaadanaynaa sida loo badan yahay.

1) ILLAALADII ABUU SALAMA

Markii uu dhammaaday dagaalkii Uxud oo la joogey labo bilood iyo bar, ayaa wardoonkii Madiina wuxuu soo gudbiyey in labada nin oo la kala oran jirey Dhalxa iyo Abuu Salama oo ilma Khuweylid ahaa ay ciddoodii iyo wixii kale oo raacayba ugu yeereen la dagaallanka Rasuulka SCW. Rasuulku SCW markii uu arrinkaa maqlay ayuu sidii caadadiisa ahaydba wuxuu diray ciidan gaaraya 150 nin, wuxuuna madax uga dhigey Abuu Salama. Waqtigaas wuxuu ahaa kowdii bishii Muxarram, sannadkii 4aad ee higriga.

Abuu Salama iyo ciidankiisii markii ay tageen guryihii reer banuu Asad, oo ahaa qabiilkii duullaanka soo waday, ayaa qabiilkii Ilaahay wuxuu ku ridey rucbi iyo baqdin meeshiina way ka carareen. Muslimiintii waxa ay meeshaas ka soo kaxeysteen geel iyo ari ay qabiilkaasu lahaayeen, waxayna soo laabteen iyaga oo aan dagaal gelin soona qaniimeystey. Abuu Salama oo ciidanka watay, markuu Madiina ku soo laabtay, ayaa waxaa ku soo kacay nabar ku dhacay dagaalkii Uxud, muddo yar ka dibna waa uu shahiiday.

2) DILITAANKII KHAALID BINU SUFYAAN AL-HUDALI

Sidoo kale isla bishii Muxarram 5teedii ayaa waxaa Rasuulka SCW loo soo gudbiyey in ninkii la oran jirey Khaalid binu Sufyaan Al-hudali uu ciidan u ururinayo la dagaallanka muslimiinta, markaas ayaa Rasuulku SCW wuxuu direy Cabdullaahi binu Uneys si uu ninkaas uga soo takhalluso. Cabdullaahi wuxuu Madiina ka maqnaa 18 habeen, wuxuuna Madiina ku soo laabtay iyada oo ay 7 habeen ka dhiman tahay Muxarram isagoo soo diley Khaalid binu Sufyaan oo madaxiisii wada, wuxuuna madaxii dhigay Rasuulka SCW hortiisa. Rasuulku SCW arrinkaa wuu ku farxay, wuxuuna Cabdullaahi siiyey ul uu yiri "tani waa inoocalaamad aniga iyo adiga maalinka qiyaamaha". Cabdullaahi ushii wuu hastay jirey ugu dambayntiina markii uu dhimanayey wuxuu dardaarmay in usha kafantiisa lala geliyo.

Daabacad: 2003-01-21  | bog cusub: June 26, 2004

CASHARKA HORE CASHARKA XIGA


URL: www.SomaliTalk.com/siiro

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

 



HTML CD