SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SIIRADII - RASUULKA (scw)

<><><> 

Casharka 53aad ee Kitaabka Siirada Nebiga Muhammed SCW

DUULLAANKII DUUMATUL-JUNDUL

Markuu Rasuulku SCW ka soo laabtay Badartii labaad, waxaa la arkay awooddii muslimiinta, mandiqaddiina waxa ay noqotay amni iyo nabadgelyo, cid walbana candhuuftay dib u liqday. Hase yeeshee markii lix bilood laga joogo Badartii labaad ayaa waxaa Rasuulka SCW loo soo gudbiyey in qabiilooyin degganaa meesha la yiraahdo Duumatul-Jnudul oo dhinaca Shaam xigta, loogana socod Madiina 15 beri, ay jid gooyayaal (burcad) noqdeen oo ciddii jidkaa martaba dhacaan isla markaasna ay isu diyaarinayaan sidii ay duullaan Madiina ugu soo qaadi lahaayeen. Wuxuu markaas Rasuulku SCW la baxay ciidan gaaraya 10000 nin, wuxuuna Madiina madax uga dhigay Subaac binu Curfada, waqtigaas oo ahaa 25kii bishii Rabbiicul-Awa, sannadkii 5ad ee hijiriga. Intii uu jidka ku sii jirey, Rasuulku SCW wuxuu qabtay nin reer banii Cudra ah oo la oran jirey Madkuur, wuxuu kaxaystay si uu waddada u tusiyo.

Rasuulka SCW iyo ciidankiisu waxa ay soconayeen habeenkii, maalinkiina way degayeen si ay acdaa'daa Ilaahay u qabtaan iyaga oo khabardaar ah. Hase yeeshee markii ay muslimiintu u soo dhow yihiin ayey maqleen oo kala yaaceen. Rasuuulku SCW meeshii ayuu gaaray oo maalmo degganaa, wuxuu dhinacyada u kala diray ciidamo laakiinse waxba lama soo helin, ka dibna Rasuulku SCW Madiina ayuu ku soo laabtay.

Rasuulka SCW iyo ciidankiisii markii la arkay in ay Shaam ku duuleen oo cid kasta o rabsho laga dareemo meesheeda loogu tegayo ayaa qabiil walba edeb yeeshay oo aamusay, in uu hoos ka guuxo maahee, mandiqaddiina  waxay noqotay nabadgelyo iyo amaan, waxaana fududaaday mashaakilkii muslimiinta ka heysta gudaha iyo dibedda, munaafiqiintii muslimiinta ku dhex jirteyna way aamuseen. Sidoo kale qabiiilkii yahuudda ahaa ee haray wuxuu ku dadaalay ilaalintii ballantii ka dhexeysay iyaga iyo muslimiinta. Reer baadiyihii awal Madiina ku soo qamaamayeyna waxa ay qaateen dersi oo waa degeen. Sidoo kale nimankii qureysh ee awal kibirka iyo isla weynidu ku jirteyna waxa ay joojiyeen duullaamadii, muslimiintiina waxa ay heleen fursad ay ku fidiyaan dacwadoodii islaamka, degaankiina iyaga ayaa hogaanka u qabtay.

Daabacad: 2003-01-21  | bog cusub: June 26, 2004

CASHARKA HORE CASHARKA XIGA


URL: www.SomaliTalk.com/siiro

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

 



HTML CD