SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SIIRADII - RASUULKA (scw)

<><><> 

Casharka 78aad ee Kitaabka Siirada Nebiga Muhammed SCW

XAJKII ABUUBAKAR-SADDIIQ

Rasuulku SCW markii uu ka soo noqday duullaankii Tabuuk oo uu joogay labo bilood, laguna jiro bishii Dul-Qacda ayuu direy Abuubakar Al-siddiiq oo uu madax uga dhigay xajka si dadka muslimiinta ahi u soo gutaan camalkooda xajka.

Abuubakar iyo dadkii la socday markii ay bexeen ayaa waxaa soo degay bilowga Suuratu-Tawbax oo ka hadlaysa xirir u goynta gaalada, markaas ayuu Rasuulku SCW ka daba diray Cali binu Abuu-Dhaalib si uu u gaarsiiyo arrimaha ay suuraddu ka hadashay. Cali wuxuu Abuubakar iyo dadkii la socday ku gaaray meesha la yiraahdo Caraj, markaas ayaa Abuubakar ku yiri "ma madax baad tahay (lagaa soo dhigay) mise wax baa lagula soo diray", Cali wuxuu yiri "wax baa la ila soo diray", ka dibna way baxeen, Makka markii la gaarayna Abuubakar dadkii ayuu xajisiiyey. 

Markii la gaaray maalinkii gowraca (Yawmu-Naxri) ayaa Cali binu Abii-Dhaalib istaagay meesha la yiraahdo Jamratul-Caqaba oo dadkii ogeysiiyey wixii la soo amray oo ahaa in gaalada oo dhan xiriirka loo jaro, lana siiyo muddo afar bilood ah, kuwii heshiis la lahaa muslimiinta iyo kuwii aan la lahaynba, waxaa keliya oo laga soo reebay kuwii aan heshiiskii muslimiinta waxba ka nusqaamin, cid kale oo muslimiinta cadow u ahna aan kaalmayn. Abuubakar wuxuu sidoo kale diray rag dadkii ku dhex naadiya in uusan sannadkaas wixii ka dambeeya mushrik soo xajin karin, qof qaawanna xaramka dawaafi karin. Xajkaas ayaana ugu dambeeeyey in mushrikiin gaalnimo muujisanaysay ay dawaafaan Beytka Alle, ka dib Abuubakar Madiina ayuu ku soo noqday. 

Xajkii ku xigey ee sannadkii 10aad ee hijriga waxaa la oran jirey Xajatul-Wadaac waxaana soo xajiyey Rasuulka SCW iyo muslimiinta oo keliya sidaas ayaana waxaa ku baab'ay shirkigii iyo kufrigii Jasiiratul-Carab.

 

Daabacad: 2003-02-08  | bog cusub: June 26, 2004

CASHARKA HORE CASHARKA XIGA


URL: www.SomaliTalk.com/siiro

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

 



HTML CD