SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SIR FAKATAY
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
May 8, 2004

Sirtii Qarsoonayd ee Quixtar oo La Fashiliyay ... Q.1aad

  • TV-ga NBC oo Dabagal Dheer Ku sameeyey Shirkada Quixtar



Kumayaal qof oo si xaqiiqo ah u rumaysan Quixtar ayaa isugu soo ururay goobo ka tirsan daafaha dalka Maraykanka, dhammaan dadkaasi waxay rumaysan yihiin in ay heleen wadadii saxda ahayd ee guusha ay ku gaari lahaayeen riyadii ugu weynayd ee taajirnimada. Ballan qaadka loo fidiyey waa fursad dahabi ah oo gaarsiineysa riyadooda -- guryo qurux badan, gawaari casri ah, doonyo iyo diyaarado khaas ah. Haddaba waa kuwee dadkaasi, waase maxay waxa ay sidaas ugu shaqaynayaan?

Dadkaasi waa kuwo wax usii iibinaya shirkadda lagu magcaabo Quixtar, shirkadaas oo sheegtay waxyaabaha ay iibisey ilaa sannadkii 1999 in qiimohoodu uu gaarayo $3 billion, dadka shirkadaas leh waxa ay sheegeen in qaab dhismeedka shirkadaasi ay ka dhigtay taajiriin. Laakiin ujeeda ugu weyn ee shirkadaasi waa in ay dadka alaabta u iibinaya u sheegto in ay sidaas oo kale ayaguna sameeyaan si ay u lacagaystaan. Sidaas waxaa ku bilaabmay barnaamij dheer oo May 7, 2004 laga soo daayey Telefishanka Maraykanka ee NBC, barnaamijkaas oo baaritaan iyo dabagal qoto dheer ku sameeyeey Quixtar oo ah shirkad dadka u ballan qaada in ay si fudud ku taajirayaan.

Quixtar waxa ay dadka u sheegtaa in ay iibiyaan waxyaabaha ay shirkadu soo saarto (sida: saabuunta, waxyaabaha biyaha lagu safeeyo, waxyaabaha la isku qurxiyo, Fiitamiinada iwm), taas oo qofka alaabtaas sii iibinaya loo sheegayo in uu ka helayo faa'iido boqolkiiba waxa uu iibiyo. Waxa kale oo dadka ay Quixtar u sheegtaa in qofku ka faa'iidayo haddii uu dad kale soo xera geliyo oo ku qanciyo in ay shirkada kusoo biiraan oo ay alaabta shirkada u sii iibiyaan, taas oo qofkaasi dadka uu keenay uu lacag kasii helayo. Halkaas marka uu marayey ayaa Telefeshinka NBC waxa uu is weydiiyey su'aasha ah: arintaasi ma kuula muuqataqaa mid xaqiiqo ah? waxana uu TV-gu raaciyey: waa u malaynay sidaas, xaqiiqadiise waxa uu noola muuqday shirkad hore oo dhawr sano ka hor wararka lagu soo qaatay, taas oo lagu magcaabi jirey Amway, shirkadaas hore oo dawlada Maraykanku ay ganaaxdey kun aamartay in ay joojiso ballan qaadka aan caqliga gelikarayn ee ay u samayneysey dadka alaabta u sii gadi jirey.

Haddaba inta aynaan xusin waxyaabihii uu daah furay ama soo ogaadey TV-ga NBC, aan akhristayaasha xusuusino qaabka ay u shaqayso shirkada Quixtar: Ugu horayn si aad uga mid noqotid Quixtar waxa aad bixineysaa lacag hor marin ah, marka aad ka mid noqotid waxaa markiiba lagugu soo dhoweynayaa shirkada ayadoo laguu sheegayo in aad iibsatid cajalado ay ku duuban yihiin siyaabaha aad markiiba u faa'iidi lahayd, waxaana markiiba soo dhoweynta hore kaaga baxaya ugu yaraan $200. Taas marka aad bixisidna waxa aad ku dhacday dabinkii u horreeyey, waayo waxaa markiiba laguu tilmaamayaa in aad sannad gudihiis ku taajiri doontid haddii aad soo xera gelisid dad kale, isla mar ahaantaasna aad iibisid waxyaabaha ay soo saarto shirkadu. Waxaana markiiba si qeyru caadi ah laguugu ballan qaadayaa taajirnimo kuula muuqaneysa riyo. Waxaa lagugu casumayaa in aad timaadid goobo ay ku shiraan dhammaan dadka shirkada kujira ee deggan aagga ama gobolka aad deggan tahay, waxaana dhici karta in meesha kulankaas lagu qabanayo ay aad kaaga fogtayay oo ay tahay in aad baaruur u qaadatid ama diyaarad u raacdid, kaddibna aad degtid hoteel hoos yimaada shirkadaas ama ay gacan saar leeyihiin: u fiirso halkaas:- waxaa dhici karta in lagugu qanciyo in aad raacdid bas ay shirkadu leedahay, kaddibna aad seexatid hoteel shirkada u kiraysan, marka aad halkaas tagtidna in marka shucuurta dadka aad aratid in lagugu hago sidii aad u iibsan lahayd cajalado kale oo laguugu sheego in aad ka heli doontid furihii guusha: Dhammaan arimahaas adiga ayaa kharashka iska bixinaya - baska, hoteelka, cuntada iyo cajaladaha iyo buugaagta.

1
10
100
1,000
10,000
100,000
1,000,000
10,000,000
100,000,000
1,000,000,000
10,000,000,000

Waxaa taas ka daran in lagugu qanciyo haddii aad toban qof keentid in aad muddo gaaban ku taajiri doontid, oo aad gaari doontid waxa loogu yeero heerka qalinka (bronze), kaddibna haddii dadkaasi ay keenaan kuwo kale ay dhici karto in aad u qalin jebisid derejada dahabka (gold), oo aad sidaas ku taajireysid. Ufiirso: waxaa lagugu qancinayaa in nidaamkani uu u shaqeeyo qaab xisaab ahaan u dhigma Saddex-xagalka Ahraamta sida ka muuqata sawirka dhanka midig ee boggan; Marka aad keentid toban qof, oo qof kasta oo tobankaas ka mid ah uu keeno toban kale, muddo gaaban ayaad ku gaari kartaa kumayaal qof oo kuu shaqaynaya; sidaas ayaa lagaa dhaadhicinayaa, taas oo weliba laguu sheegi doono in ay taasi tahay furaha guusha ee taajirnimada habeenka gudihiisa lagu gaari karo ee u eg riyada. Xaqiiqaduse waxay tahay in aad u shaqayneysid shirkadaas oo alaabta la iibsanayaa ay leedahay shirkadu, haddiiba la helo tiro intaas le'eg oo dad ah ay lacagtaasi ku dhici doonto jeebka shirkada, adiguna aad waqtigaagii ku lumisay in aad dad ku baridid in ay ka mid noqdaan shirkadaas, adigoo lacagta kaa baxday ka sokow ay kaaga baxdo maskax badan in aad daba orodid dad si ay uga mid noqdaan shirkadda.

Waxaa aad u cajaa'ib badnaa markii TV-gu waraystay dhakhtarad haysata shahaado sare, isla mar ahaantaana dhakhtarnimadeeda ku qaadata lacag heer wanaagsan, laakiin sheegtay in ay meelaha makhaayadaha tagto maalmaha sabtida si ay dadka ugu qanciso in ay ku biiraan Quixtar ama ay gadeyso alaabta Quixtar. Gabadhaas dhakhtarada ah ayada ayaa isla yaabtay sida loo hodey.

Su'aashu waxay tahay: Soomaalidu deggan Maraykanka iyo canada dabinkaas ma ku dheceen? Soomaali shirkaasi xero gashatay ma la heli karaa? meeqa ayey arintaasi Soomaalida saamayn ku leedahay?. Jawaabta arintaan waxaan ku soo qaadan doonaa qormade dambe ee qoraalkan. Balse hadda aan dib ugu laabano xaqiiqada uu daah furay barnaamijkiisa caanka ah ee Dateline kaas oo May 7, 2004 laga sii daayey TV-ga NBC.

Waxyaabihii uu NBC shaaca ka qaaday waxaa kamid ahaa in:

  • Waxa ay Quixtar lacagta ka sameeyaan cajaladaha iyo qalabka kale ee la mid ah ee dadka loogu sheego in ay ka heli doonaan furaha guusha taajirnimada. Waxana TV-gu ogaadey in lacagta qalabkaas ka soo baxda aysan gaarin dadka caadi ah ee kusoo biira shirkada, waxa lacagtaasi u khaas tahay in gaar ah oo shirkada leh.
  • Waraysiyaal kala duwan oo TV-gu qaaday waxa uu ku ogaadey ama dadkii waraysiga bixiyey ay sheegeen in Quixtar qaabka ay u shaqayso uu yahay hab khiyaamo bareer ah oo dadka la sirayo, loona ballan qaadayo wax aan caqliga gelayn. Ganacsiga rasmiga ah ma ahan kan dadka loo sheegayo. Qof uu TV-gu arrintaas si gaar ah wax uga weydiiyey waxa uu yiri lacagta uu qof caadi ah oo xubin ka ah Quixtar uu samaynkaraa waa $1,400 sannadkii oo dhan (waa haddiiba ay dhacdo'e), taasna waxaa cadayn u ah qoraal ku qoran far yaryar oo xagga hoose lagaga qoray foomka ka mid noqoshada Quixtar, lacagtaas oo aad uga yar $248,600 ee naloo ballan qaaday ayaa qofkaasi yiri.
  • Waxa TV-gu soo ogaadey in sannadihii sagaashanadkii (90-naadkii) daroogo lagu qabtay nin ka mid ah kuwa ugu sareeya Quixtar, lana xiray oo xilligaas dacwad lagu soo oogey, dacwadaas oo ilaa hadda ka oogan Gobolka North Carolina.
  • Waxa kale oo NBC daah fureen in hadda uu baaritaan ku socdo Quixtar, baaritaankaas oo ay wadaan FBI iyo qaybta dembibaarista u qaabilsan IRS.
  • Dad ka mid ahaa kuwa ugu sareeya ee wax u sii iibin jirey Quixtar ayaa dacwad ku oogey shirkadaas dacwadaas oo ay ka fureen maxkamada dawlada dhexe ee Maraykanka.
  • Quixtar waa shirkadii Amway oo magacaas u xuub-siibatey, waxaana Quixtar maamula badanaa dadkii maamuli jirey Amway oo sida kor ku xusan horay looga manuucay in ay dadka u ballan qaado balamo aan waxba ka soo bixi doonin.
KHIYAAMADII NAYJEERIYA OO LA OGAADEY
The Nigerian Scam Defined 

Sharaxaad dheer ayaa laga bixiyey khiyamadii 419 ee Nayjeeraya, waa hab qofka loo soo xeragelinayo ayadoo si khiyaamo ah looga qaadayo lacag hormaris ah,  taas oo ahayd khiyaamo aad u weyn oo soo foodsaartay caalamka...

Taasi waa digniin in siweyn looga taxadaro qoraalo ku andacoonaya in ay hayaan maaliyad weyn, kuwaas oo ka imanaya dalka Nayjeeriya, waxaana ay qofka kusoo xeragelinayaan in ay u sheegeen lacag madaxiisa ka wareerisa. Si aad wax badan arintaas uga ogaatid GUJI. [English]

Barnaamijka TV-ga NBC waxa lagu soo khatimay erayo ay yiraahdeen dad uu TV-gu waraystay, erayaas oo ahaa: Dadka badankiis si rasi ah ayey u aamineen Quixtar. Boqolaal iyo kumaynyaal qof ayaa sannad walba lagu soo dumaa Quixtar, kuwaas oo loo ballan qaadayo in ay ku noolaan doonaan nolol heer sare ah. Haddii aan arintaas wax laga bedelin, taasi waa ballan qaad jaban taas oo qalbi jab ku ah dad badan.

Wax laga faa'iido Quixtar iska daaye, waxa uu NBC tusaale ahaan u soo qaatay qoys kharash gareeyey lacag dhan $35,000 lacagtaas oo ay ku bixiyeen cajaladaha QUixtar iyo safarada ay u galaan goobaha ay ka dhacayaan kulamada Quixtar. Waxaana soo shaacbaxay in lagu baraarugayo sirtii qarsoonayd ee Quixtar iyo ballan qaadyadeeda aan waxba ka soo baxayn.

Quixtar saamayn intee le'eg ayey ku yeelatay Soomaalida daggan Maraykanka iyo Kanada, jawaabta waxaad ka heli doontaa qormada xigta... AKHRI HALKAN >>> [Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"...]


Halkan ka akhri Dateline: MSNBC

Tarjumadii SomaliTalk.com | May 8, 2004


 


Fadeexadii Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil
Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Xaggee ayuu ku Dambeeyey Madhoodhow Sannadkii 2004 waxa uu ku Casheynjirey Ciidda, Haddase..

Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.