SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
CILMI BAARIS::: - SUNTA SOOMAALIYA

XAQIIQADA IYO XOGTA QASHINKA IYO SUNTA LOO DHOOFIYO SOOMAALIYA

Daabacaad: December 10, 2000

Qaybta 6aad

3. MASHRUUCII URANO
(Progetto Urano)

Sannaddii 1987-kii dalka talyaaniga isagana mashruuc kale caalami ah baa laga qabanqaabiyey oo saldhigiisu ahaa magaalooyinka Roma iyo Milano. Mashruucaas oo la oran jiray URANO waxaa ujeedadiisu ahayd in saddex meelood oo lama-degaanka Saxaaraha, Somalia iyo meel kale oo Asia ka mida lagu aaso caddad aad iyo aad u farabadan oo qashin suna iyo haraa chemicals ah oo noocyo badan isugu jira. 15-kii Agoosto ee isla sanadkaas ayuu dhacay ansaxinta mashruucaas oo ay saxiixeen niman khaa’imiin ah oo kala yiraahdo: Elio Sacchetto oo ka socday shirkada Minera Rio de Oro oo saldhigeedu yahay magaalada Lugano ee dalka Swizerland iyo Luciano Spada oo ka socday shirkadda Instrumag isla markaasna ahaa ninka u qaabilsan arrimaha kobcinta dhaqaalaha ee xisbigii waayahaas ugu weynaa Talyaaniga ee shuuciga ahaa ee PSI (Partito Socialista Italiano) ee madaxda ka ahaa Bettino Craxi..

Dhanka kalana, ninka mashruuca calanka u siday oo xayaysiiska u samaynayey waxaa la yirahdaa Guido Garelli oo ah nin ka mida kuwa ugu khaa’insan inta maxkamadaha talyaanigu daba-joogaan dhawr jeernna loo xabbisay inuu dhoofiyo qashinka suntaa iyo hub uu ugu bedelo dadka uu jaalka kala yahay waddamada afrikaanka. sida baaritaan lagu helay ninkani wuxuu ku shaqaysanjiray saddex Identity ama aqoonsi (saddex wajiile) oo kala ah: Mid Soomaali ah, mid Talyaani ah iyo mid Muwaadin Saxaaraha Galbeed (Polisario).

Arrinta mashruucani maahayn mid qarsoodi ah, sida documents-ka laga akhriyeyna dhoofinta wasakhdaasi waxay ahayd mid waafaqsan (ama waraaqaha lagu waafajiyey) sharciga Talyaaniga iyo kan adduunkaba (International Law). Waxyaalaha lagu taxay inay meelahaa u dhoofinayaan waxaa ka mid ahaa sunta cayayaanka oo dhacday, haraa daawoowyin iyo qashinka warshadaha iyo waliba, bay yiraahdeen, qashin haraa ah oo aan noocisa la aqoon ama isku-jir ah. 

Laga yaabee in akhristuhu is-yiraahdo sidee taasi sharciga u waafaqsantahay: xilligaas (1987-kii) ma jirin mana dhaqan galin wax sharci ah oo caynkaas ah oo caalamku isku-raacay oo dhibkan oo kale hor-istaagi karey. Markii ugu horraysay 1989-kii ayaa Qaramada midoobay kaladhigii 44-aad ee Golaha loo dhanyahay (UN General Assembly) ayaa dhibaatooyinka caynkan ah ee dalalka soo koraya laga dooday. Isla halkaas waxaa lagu guddoonsday resolution-kii lambarkiisu ahaa 44/226 kaasoo lagu xaddidayey “traffic in toxic and dangerous products and wastes”. Sidoo kale Axdiga Basel oo ah heshiiska ugu weyn ee heer caalami loogu talagalay in dhoofinta qashinka suntaa lagu xakameeyo ayaan xilliga mashruuca Urano la jaan-dhigayey isna jirin. Heshiisyada kale sida kii Bamako ee Ururka Midowga Afrika ayaa iyagu ahaa goordambe inkastoo, sida muuqata, intuba ku guuldarraysteen joojinta suntaas. 

Sidoo kale sharci kasta oo la dejiyaa dal-dalool ma waayo. Gaar ahaan dalka Talyaaniga oo kamida saldhigyada waaweyn oo arrimahani ka duulaan ayaa caan ku ah inaan sharciga inta badan siduu yahay loo fulin oo aalaaba qof/shirkad waliba intay suuf iyo xanjo isku dhejiso wixii oo sharciga aan waafaqsanayn haddana kuu tusaya inaysan sidaas ahayn. Tusaale marka qashinka la dhoofinayo cidina/shirkadna ma qirato inay qashin halis ah dhoofinayaan ee waxaa dekedda lagu saara tusaale ahaan in ay tahay daawooyinka lagu nafaqeeyo ama bacriminta ciidda, daawooyin kaalmo ban’aadannimo loo wado, iwm. 

Waxaa hubaal ah in waxa farqiga sameeyaana aanay ahayn qaynuunka ama sharciga oo kaliya ee waa inay jirto u heellanaan iyo rabitaan siyaasadeed oo dhab ah sidii shuruucdaas la dhaqangelin lahaa. Waxaa tani keentaa in la xoojiyo ka hortagga dambiyadan iyo in aad loo adkeeyo kontoroolka iyadoo si ku habboon loo qalabaynayo loona tababarayo cidda hadba arrimahaas u xilsaaran. Dhanka kalese dhaqanka muwaadinka iyo bulshada sharcigaasi khuseeyo ayaa iyana qayb qaata bilidda ama baajinta hirgalinta sharciga hadba meeshaas ka jira. Run ahaantii waxay u muuqataa in dhaqanka talyaaniga iyo kan soomaalidu xagga ku tumashada sharciga iyo fududaysiga xilka iyo waajibaadka aad bay isaga shaabbahaan lagana yaabo inaan in badan iyaga ka barannay. Dabcan taasi waa sawir guud ee loogama jeedo in soomaalida ama xitaa talyaaniga aan laga helin dad daacad ah. 

Sida ay qabaan documents kale oo aan hellay ayaa tilmaamaya in mashruucaas Urano aan markiisii hore loogu talagelin Somalia ee loola jeeday oo kaliya Saxaaraha Galbeed. Jabhadda Polisario oo gacanta ku haysay gobolkaas ayaa loogu ballan-qaaday hub farabadan oo ay u adeegsadaan halganka ay kaga soo horjeedaan xukuumadda dawladda Marooko. 

waraysi

Arrintu waxay xagga Somalia u jan-jeersatay, sida uu dhawaan waraysi ku sheegay nin kamida hawl-wadeennadii mashruucaas Sig. Giampiero Sebri , kaddib markii Dawladda Marooko arrintii ka warheshay oo ay xagga Faransiiska ka cadaadisay in la xannibo qorshahaas (FC: Gli Affari Sporchi dalle Facce Pulite).

Ninkan Sebri ayaa isagu ahaa ninka boorsooyinka u qaada oo u khidmeeya (portaborse) Luciano Spada oo aynnu soo sheegnay ahaana nin geesnna ganacsade weyn ka ah geesna xagga maaliyadda iyo lacag uruurinta (fund raising) u qaabilsanaa xisbigii markaa Talyaaniga u talinayey. Sig. Sebri wuxuu kaloo isla waraysigaas oo uu dhawaan (1/10/2000) saxaafadda siiyey ku sheegay in Sig. Spada uu kor ka sii Xukumay ninka qanigaa ee u dhashay Maraykanka asalkiisuna Talyaanni ka soo jeedo ee la yiraahdo Nickolas Bizzio

bizio  

Ninkan dambe oo isagu deggan Monaco shirkadana ku leh Talyaaniga, Swizerland iyo Ireland ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa dadkii lugta weyn ku lahaa mashruuca Urano isagoo maafiyada caalamiga ahna xarka badan iyo xiriir la leh. Wuxuu kaloo isaga iyo Spada in badan ka shaqaysan jireen Qaaradda Latin America gaar ahaan waddamada Haiti iyo San Domingo oo ay sannado badan qashinkaas u dhoofinayeen halkaasoo Sig. Sebri in badan goob joog ka ahaa. Sannadkii 1989-kii ayaa waxaa “kooxda” gabay Spada oo geeriyi haleeshay. Deednna Sebri oo halkaas ku agoomoobay ayaa waxaa la wareegay Nickolas Bizzio. 

Waxaa kaloo kooxda (maamulka sare) ka mid ahaa Guido Garelli oo ka masuul ahaa Polisaario (saddex wajiile) iyo shirkad la oranjiray Odino Valperga oo talyaanni ah oo maraakiibta dhista. Sebri wuxuu boss-kiisii hore ka soo xigtay in Bizzio uu sidoo kale qandaraas kaga qaato qashinka ciidamada badda ee maraykanka oo intuu talyaaniga keeno haddana u rari jirey Yurubta Bari siiba xudduudda u dhaxaysa Polland iyo Ruushka. Arrintan waxaa kaloo caddeeyey Maxkamad ku taal magaalada Torino iyo weliba Bizzio laftiisa oo sheegay inuu Maraykanka ka qaato qandaraasyadaas halkii tan oo qashin ahna uu ka dheefo kun dollar (US$ 1000 per ton) iyadoo buu yiri waliba ay iyagu konteenarrada ku alxamayaan markabkana kuu saarayaan. Urano ayaa isna asalkiisii aan loo askumay in meel loo helo qashinka talyaanniga ee loola jeeday kan ciidamada maraykanka. 

Waxaan ilaa hadda si fiican u caddayn kaalinta hay’adaha sirdoonka talyaaniga iyo weliba cutubyo ciidanka qalabka sida ka tirsan oo mar kasta saraakiil iyo dad ka masuul ahi fadhiyeen miis kasta oo mashruuca Urano looga dooday ama lagu gorfeeyay. Segri wuu ka gaabsaday inuu saraakiishaas magacyadooda sheego isagoo naftiisa u baqay awgeed. Tan kaliya oo la hubaa sida Sebri tebinayo waa in siyaasiyiintii waagaas ugu sarreeyey uguna awoodda badnaa dalka Talyaaniga ee ka tirsanaa xisbiga hantiwadaagga ee PSI ay arrintan aad lug ugu lahaayeen. Waxaa deedna halkaas laga qiyaasi karaa in sirdoonka iyo ciidamada Dawladda ama hay’adaha kale ay isla siyaasiyiintaas u adeegayeeya. Xiriirka Spada iyo siyaasiyiintaasi kuma ekayn oo kaliya xagga xisbiga iyo hanti-raadinta ee wuxuu ahaa oo kale “Longa Manus” oo waqtigaa PSI u qaabilsanaa xagga iskaashiga dhaqaalaha caalamigaa iyo arrimaha kaalmada (International Cooperation ama Cooperazione allo Sviluppo).

 Mashaariicda qorshahan dambbe Soomaaliya ka fuliyey kuwii ugu waaweynaa uguna dambeeyey ee waagii Siyaad Barre ayaa  waxaa ka mid ahaa dhismaha jidka isku xira Garoowe iyo Boosaaso dhammaadkii sanadihii sideetannadii oo ku beegan xilliga qorshaha. Sida ay qireen Sebri, Marocchino iyo nin kale oo u shaqayn jirey Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Talyaaniga oo mashaariicdani hoos-tagto, Sig. Franco Oliva, markii waddadaas la dhisayey waxaa dhulkaas loo adeegsaday in qashinkaas suntaa lagu aaso. 

Oliva wuxuu ahaa sarkaal sare ee Wasaaradda arrimaha Dibedda ee Talyaaniga uga shaqaynayey Xamar intii u dhaxaysay 1986 – 1990-kii markaas oo uu ahaa maareeyaha guud ee maashaariicda kaalmada talyaaniga ee Soomaaliya. Wuxuu caddeeyey Oliva in intii u dhexaysay 1986 – 1988-kii uu Xamar kula kulmay Guido Garelli oo u sheegay inuu halkaas u joogey oo sugayey maraakiib ay xambaarsan qashinka haraaga nukliyeerka. Sidoo kale barnaamijka kaalmada dibedda ee talyaanigu wuxuu ku lug-lahaa hubka soomaaliya ku qul-qulayey xilli dagaal sokeeye ka socday. Waxaa taas loo adeegsaday sida Mr. Oliva sheegay maraakiibtii barnaamijkaasi u siiyey Soomaaliya inay u adeegsato kalluumaysiga casrigaa. Maraakiibtan oo intii ay dhacday Dawladdii militariga ahayd uu ku shaqaysto ninka isna aadka loogu muransanyahay oo la yiraahdo Injiyeer Muunye ayaa sida la tuhunsanyahay ilaa hadda loo adeegsadaa daabulidda hubka iyo qashinka inkasta oo ninkani taas beeniyey sida uu u beeniyey isaga walaalkiis oo ah Amiraalyo Saciid Marino oo ahaa taliyihii Ciidankii Badda ee Soomaaliya oo isagu aaminsan in maraakiibtaasi ilaa hadda Qaranka iyo dadka Soomaaliyeed u shaqeeyaan cayshad-na siiyaan ilaa laba kun oo qoys oo soomaali ah. 

Mr. Oliva wuxuu haddana Soomaaliya iyo Muqdisho ku noqday 1993-ki si uu mar kale u hago hawlaha samafalka talyaaniga. Saddex asbuuc oo kaliya markuu halkaas joogey ayaa la weeraray si looga takhaluso hase yeeshee si ba’an buu shilkaas ugu dhaawacmay umase dhiman taasoo uu aaminsanayahay in talyaanigu ka dambeeyey (halkan ka tix raac marag-kaca Oliva [www.stpauls.it] ).

Akhri Bogga Xiga....



Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD