SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
CILMI BAARIS::: - SUNTA SOOMAALIYA

Adduunka oo Hadda Kusoo Baraarugey Halista Sunta Lagu Duugey Soomaaliya

Warbixin Ku Saabsan Halista Sunta ku Duugan Soomaaliya oo ay Soo Saartay Hay'adda Qaraamada Midoobey u Qaabilsan Degaanka....

Warbixin ay toddobaadkan soo saartay Qaramada Midoobey ayaa shaaca ka qaaday halistaas ay sunta lagu aasay xeebaha iyo badda Soomaaliya. Halistaas aadka oo Soomaalida dugsaneysey ilaa markii uu dagaalka ahliga ahi ka bilowday dalka.


Klaus Toepfer (bidix) oo ah agaasime sare oo ka tirsan UNEP iyo  Rachmad Witoelar (midig) oo ah wasiirka Indonesia u qaabilsan deegaanka oo ka hadlayey xarunta UNEP ee Nairobi, February 22, 2005. Warbixinta Qaramada midoobey waxa ay sheegtay in badgariirkii uu sababay suntii ku duugnay badaha Soomaaliya oo dabooladii ka qaadameen ama haamihii ay ku jireen baddu soo tuurtay kuwaas oo halis gelisay caafimaadka Soomaalida
Sawirka: REUTERS

Warbixinta Qaramada midoobey waxa ay sheegtay in aafadii badgariirka ee soo gaartey xeebaha Soomaaliya in ay firdhisay sunta Nukliyeerka iyo waxyaahaba halista ah ee ku duugnaa xeebaha Soomaaliya. Arintaas oo dhalisay khatar caafimaad oo aad u baaxad weyn oo soo food saaray mujtamaca Soomaaliyeed.

Nick Nuttall  oo ah Afhayeen u hadlayey hay'adda Qaramada midoobey u qaabilsaan deegaanka ee loo yaqaan UNEP ayaa VOA u sheegay in 15-kii sano ee la soo dhaafay ay shirkado reer Yurub ah iyo kuwo kaleba ay Soomaaliya u isticmaali jireen goobta lagu duugo qaybo aad u kala duwan oo ah sunta nooca loo yaqaan nukliyeer "nuclear" iyo qashinka loo yaqaan "hazardous wastes".

Afhayeenka UNEP waxa uu yiri "Waxaa halkaas kujira sunta shucaaca ah ee uranium, sunta maduulk aah ee leads, sunta biraha ay kamid yihiin cadmium & mercury, qashinka wershedaha, qashinka cisbitaalada, qashinka kimikada, iyo sun kasta oo la magcaabo".. Waxana uu intaas ku daray "Khabiir qamara sanaaciga yaqaan ma ahan in aad tahay si aad u fahamtid sababta ay sidaas u samaaynayaan, waa in ay tahay deganaansha la'aanta halkaas ka jirta awgeed"

Afhayeenka UNEP waxa uu yiri shirkadaaha reer Yurub wax halkii Tan oo soo sun ah oo lagu duugayo Soomaaliya ku bixiyaan khaarash ah $2.50, halka ay ku bixi lahayd $250 tankiiba haddii lagu aasi lahaa Yurub.

Waxana uu afhayeenka UNEP intaas ku daray in badgariirkii ka soo bilowday Aasiya uu burburiyey ama kala furfuray haamiha, fuustooyinka iyo waxyaabaha kale ee suntaasi kujirtey, kaddibna waxaa hirarkii baddu aay sunta u xambaareen ilaa 10 kiloomiter oo gudaha dalka ah (ama berriga ah). Waxana uu sheegay in aysan macquul ahayn in la ogaado inta tan ama tirada waxyaabaha ay suntaasi kujirto ee yaala xeebaha Soomaaliya, laakiin waxa uu sheegay in arintu ay 'halis weyn tahay".

Raadka ay suntaasi ku yeelatay mujtamaca deggan xeebaah Soomaaliya waa arin masuubo ah ayuu yiri afhayeenka hay'adda Qaraamada midoobey u qaabilsan Degaanka. Waxana uu sheegay dhibaatooyinka ay dadkaasi la kulmeen in ay kamid yihiin "cuduro halis ah oo qalajinaya sambabaada, qufac aad u xoogan, afka oo dhiig ka soo baxayo, dhiig ku furmaaya gudaha caloosha, maqaarka oo diidaya kimiko aan la aqoon" ayuu yiri, asagoo ku daray "Waxaa jira cuduro badan oo laga soo sheegayo tuulooyin kuwaas oo ah inta aan fursada u helay in aan eego. Laakiin waa in baaritaan dheer arinta lagu sameeyo si loo ogaado baaxada dhibaatadan".

Aafadii badgariirku waxa ay bisihii december ee sannadkii tegey ka dhacday meelo badan oo kulaalaya badweynta Hindiya oo ay Soomaaliya kamid tahay. Mowjadahaas soo gaarey Soomaaliya ayaa lagu soo waraamay in ay badda ka soo  saareen ama dabooladii ka jejebiyeen waxyaabihii lagu soo qaaday sunta lagu duugey xeebha Soomaaliya.

Soomaaliya oo aan dawlad lahayn ilaa 1991 waxaa ilaa waqtigaas lagu soo waraamayey in sun lagu duugayey xeebta dheer ee dalka, Qoraalada arintaas horay looga qoray waxa mid kamid ah cilmi baarisyadii uu ka sameeyey Bashir Sh. Mohamed (PhD) .... Guji.....

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 24, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD