SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
TAARIIKHDA - ISLAAMKA


Silsiladda Taariikhda Islaamka

Qaybta 7aad:::

QUREYSH OO U FADHIDA WADA TASHI ILAA HEER GOBOL AH IYO GO’AANNO KULUL OO LA ISLA GAARAY 

Muddadaan dhexdeeda waxaa Qureysh soo food saartay mushkilo kale oo ay aad ugu wareereen kana walwaleen taasina waxay ahayd, markii Nabigu (scw) dacwadiisa kor u muujiyay bila yar lagama joogin in ay soo hareysay gudashadii wareegtada sannadlaha ah ee Xajjka, waxayna ogaadeen in wufuudda carbeed ee Xajjka gudaynaysa ay dhinac walba kaga imaan doonto, waa lagama maarmaan hadaba in ay jirto oraah ay isku ogyihiin oo ay ugu macneeyaan wafdiyaasha carbeed Muxamed (scw) iyo arrimihiisa si looga hortago wax raad ah oo dacwadiisu ku yeelato dadkaas, markii ay figradahooda isdhaafsadeen waxay isku waafaqeen in hawshaan ka talinteeda lala kaashado dadka indheer garadka ah, waxay marka isugu soo urureen guriga Alwaliid Ibnul Mughiira si oraahdaas la isula meel dhigo.

 Marka Alwaliid wuxuu yiri, hal aragti ah isku waafaqa, hana is khilaafina si aan qaarkiin qaarka kale u beenin ama hadalkiinnu isaga hor imaan, markaas ayey dheheen adugu marka hore dheh adaa tala fiicane, suuye maya idinku marka hore dhahaya aniguna waan idin dhagaysanayaaye, markaas ayey yiraahdeen waxaan oranaynaa waa xiddiga sheeg (1) markaas ayuu yiri, maya wallaahay inuusan ahayn xiddiga sheeg, waan aragnay xiddiga sheegyada mana laha nuhnuhdoodii(2) iyo hadalladooda isku aaddan ee googo’an, markaas waxay dheheen, aan oranno waa nin waalan, suuye macquul ma ahan waan aragnay dadka waalan waana naqaan, mana laha neef ku xirankoodii,(3) isku darankoodii iyo waswaaskoodii midna, markaas ayay dheheen aan oranno gabyaa, markaas ayuu yiri, gabyaa ma ahan wallee waan naqaan gabayaaga kulligiis geeraarkiisa, tixdiisa dheer, buraanburkiisa, kiisa fidsan iyo kiisa dabran, waxa uu akhrinayaana gabay ma’ahan, markaas ayey dheheen aan oranno sixirroole, markaas ayuu yiri, sixirroole ma ahan waan aragnay sixirrooleyaasha iyo sixirkooda labadaba, mana laha candhuuf tuftufiddoodii iyo guntimahoodii midna, markaas ayay yiraahdeen, maxaan hadaba dhahnaa?. 

Marka Alwaliid wuxuu yiri, wallaahay hadalkiisu waa macaan badan yahay, asalkiisuna waa laan hareeri ah(4) faraciisuna waa ubax janno, wax walba oo aad ku sheegtaanna waa la ogaanayaa inaan waxba ka jirin, hasayeeshee hadalka ugu dhaw waa inaad tiraahdaan waa sixirroole, la yimid hadal kala gaynaya qofka iyo aabihiis, qofka iyo walaalkiis, qofka iyo xaaskiisa, qaraabadiisa, marka sixirroole ayay isku afgarteen oo ku kala tageen.

 Qisadaan dacalladeeda qaarkood waxay kordhinayaan in markii Waliid hadalladooda oo dhan ku diiday ay ku yiraahdeen, hadaba na tus taladaada aan nuqsaantu ku jirin, markaas inuu yiri, bal iikaadiya maalmo si aan uga fakaro, marka Waliid maalmo ayuu fakaray oo fakaray kadibna wuxuu soo jeediyay figradiisa aan sheegnay.



Quran: 74:11-26 | Dhegeyso

Alwaliid waxaa hadaba Alle subxaanah kusoo dajiyay lix iyo toban aayadood oo kamida suuradda Mudathir laga bilaabo aayadda (11—26) halkaas oo Alle kaga waramay sidii xumayd ee uu u fakaray isagoo garan la’ wax uu qur’aanka ku sheego waxaana Alle yiri, (( Isu kaaya daa Aniga iyo kii aan abuuray isagoo kaligiis ah: Aanna u yeelay maal fara badan: Iyo wiilal hareero jooga: Una goglay risqiga u waasicin: Kadibna sii damcaya inaan u kordhiyo: Maya sidaas ma ahan, ee wuxuu ahaa mid aayadahayaga ku madax adag: Waxaan ku daalin doonaa dalcad cadaab: (sida la yiri waxaa jira buur dheer oo sisib ah oo naarta ku taal taas lagu kallifi doono inuu koro) Wuu fakaray oo jaan gooyay: Lacnadi haku dhacdo sidii uu wax u jaan gooyay: Haddana lacnadi haku dhacdo sidii uu wax u jaan gooyay: Kadibna wuu eegay (ka fiirsaday): Kadibna wajiguu duubay: Markaasuu jeestay oo isla waynaaday: Markaas ayuu yiri ma ahan waxaani (qur’aanka) sixir lasoo guuriyay un mooyaane))

 Aayadahaan cadcadi waxyaalaha ay gaalkaan qisadiisa ka sheegeen waxaa kamida afar murtiyood oo waawayn oo macnahooda guud ahaaneed uu ku dul wareegayo, waxayna kala yihiin.

1- In Alwaliid Ibnul Mughiira uu ahaa nin Alle nicmooyinka aduunyadaan korkeeda yaal wax wayn ka siiyay sida abuuris wanaagsan, hanti fara badan, wiilal gaashaan qaad ah oo hareeraha ka taagan iyo risqiga oo arlada korkeeda loo goglay, islamarkaana uu hurguri xumadiisa wali sii damac wayn yahay, hasayeeshee inuusan ka mahadnaqin abaalkaas Alle ee wayn ee uu

2- Inuu kasii qaaday cinaad, madax adayg, inuusan xaqa maqli karin iyo isla wayni uu khayrka dhagaysigiisa iskala wayn yahay

 3- In uu isku dayay macne been abuur ah oo uu qur’aanka iyo sidihiisa ku magacaabo, magacyo badan oo loo soo jeediyay inuu liqi waayay oo ay u cuntami waayeen, inkastoo uu wax badan fakaray oo dhinacyo kala duwan arrinta ka fiiriyay inuu ku guul darraystay magac uu ku qanco markasta oo uu daalana in nacaybka iyo kufriga qalbigiisa daboolay dartiis uu hadana caro wajiga la duubayay, ugu dambayntiina isagoo dareenkiisa khilaafsan uu ku adkaystay inuu kalaamka Alle ku sheego hadal aadane oo lasoo minguuriyay Rasuulka Allana (scw) sixirroole ummadda kala gaynaya, sidaa darteedna

 4-  In uu ku mutaystay cadaab Alle oo kulul, waxaana aayadahaan laga fahmayaa sidii uu isaguba isugu kallifay inuu rumaysto dadkana u sheego been abuur dareenkiisu khilaafsan yahay oo aan caqligiisu ku qanacsanayn in aakharo lagu kallifayo wax uusan awoodin oo ah inuu fuulo buur naareed sidbad ah oo uusan kori karin hasayeeshee lagu khasbayo inuu fuulo, Acuudu Billaahi Minhaa. 

Kadib markii fadhigaani ku dhamaaday in la isku waafaqay go’aankaan waxay bilaabeen fulintiisa, waxay hadaba fariisteen dhamaan wadooyinka magaalada soo gala dhinac walba ee dadku ku imaanayo ayagoo qof walba oo soo mara uga digaya Nabiga (scw) oo uga sheekaynaya arrimihiisa, hawshaan inteeda badan ninka dhabarka u ritayna wuxuu ahaa Abullahab, Rasuulka Alle (scw) wuxuu dadka ugu tagi jiray marka xajjku galo meelaha ay dagaan iyo suuqyada waawayn ee Cukaath, Majanna iyo Diimajaaz, isagoo ugu yeeraya xagga Alle, Abullahabna waa daba gali jiray isagoo leh ha yeelina waa nin gaaloobay waa beenloow.

Inkastoo go’aanadaan Qureysh isla gaartay ay qallafsanaayeen sida loo fuliyayna ay darnayd, hadana waxaa ka dhalatay in dadkii carbeed ee xajjka sanadkaas yimidi ay la noqdeen hadalhaynta Rasuulka Alle (scw) sidoo kale in wararkiisu gaareen dhamaan daafaha dhulalka carbeed ee fogfog.

QAABAB IYO USLUUBYO CUSUB OO  LA ADEEGSADAY LA DAGAALANKA DIINTA 

Markii Qureysh aragtay inaan Rasuulka Alle (scw) dacwadiisa ka jeedin karin go’aan la qaato iyo oday loo tago toona, mar kale ayey dib u fakareen ayagoo markaan sare u qaaday heerka dagaalkooda amase dhiiranaantooda, adeegsanayana usluubyo hor leh oo u badan sumcad dil iyo dacaayadda dagaalka xagga nafsiga ah, waxay hadaba doorteen –si loo cadaadiyo dacwadaan- qaabab iyo usluubyo lagu soo koobi karo sida: 

1- Bahdilid iyo xaqirid, ku jeesjeesid, beenin iyo ku qosqoslid, ayagoo uga jeeda in lagu liido muslimiinta, lagu niyad jabiyo laguna tirtiro nuxurkooda iyo awoodooda qarsoon, sidoo kale waxay Nabiga Alle (scw) la beegsadeen tuhmooyin riqiis ah, aflagaadooyin sakhiif ah oo xaqiiqada ka fog, waxay ugu yeeri jireen ninka waalan (( Waxay dheheen kan –nabiga- qur’aanka lagu soo dajiyoow waad waalan adugu)) 15:6.

Waxay kaloo ku magacaabi jireen sixirroolow ama nin waalan ((Waxay la yaabeen in uu u yimid digniinbixiye ayaga kamida, waxay gaaladii dheheen kani waa sixirroole been badane ah)) 38:4.

Sidoo kale waxay kusoo eegi jireen amase kala hor imaan jireen indhahooda oo caro iyo cadownimo la ololaya, iyo caadifooyin kacsan oo ficilo ka muuqato ((waxay ku siganayaan –qarka u saaran yihiin—kuwii gaaloobay inay daymadooda kugu lagdaan markay maqlaan qur’aanka, waxayna oranayaan wuu waalan yahay)) 68:51.

Sidoo kale markay arkaan Nabiga (scw) oo ay dhinacyadiisa fadhiyaan muslimiinta ay liidaan, way ku aflagaadayn jireen ayagoo leh kuwaasaa saaxiibo u ah oo uu fadhiga la wadaagaa (( ma kuwaasaa Alla naga doortay)) 6:53.

Waxayna ku sifaysnaayeen sida Alla nooga sheegay ((Kuwii gaaloobayi waxay ahaayeen kuwa duulka xaqa rumeeya ku qosla: Hadday soo maraanna way isqandhuufan jireey: Markay guryahooda u laabtaanna –gaaladu- waxay laaban jireen ayagoo ku faakahaysanaya: Markay arkaanna waxay oran jireen kuwaasi waa dhunsan yihiin: Loomana dirin inay korkooda ilaaliyaan)) Almudafifiin 83:29—33.

 2- Dhalandil, fidin shubhooyin iyo faafin dacaayado been abuur ah oo lagu hareeyo tacliimta Islamka, in lasoo arooriyo kutirikuteenno itaal daran oo lala beegsanayo mabaadiida diinta, qur’aanka iyo shakhsiyadda Nabiga (scw) intaba, ayadoo si baaxad wayn loo fidinayo ilaa heer aan qofka caamada ahi fursad u heli karin uu ku fakaro dacwadaan amase caqligiisa iyo dareenkiisa u madax bannaannaado, waxay qur’aanka ku tilmaami jireen:

((Sheekooyin dadkii hore oo uu iska qoray, iyadaana loo yeeriyaa subax hore iyo galabba)) 25:5.

 ((Kani ma ahan been abuur un mooyee, ayna ugu kaalmeeyeen dad kale)) 25:4.

((Waxaa baray un bashar)) 16:103.

Waxay kaloo Nabiga (scw) ka dheheen ((Muxuu yahay rasuulkaani cunaya cuntada oo suuqa soconaya)) 25:7 sidoo kale qur’aanku meelo badan ayuu dacaayadahaan ku riddiyay isagoo soo aroorinaya tusaalayaal hadalladooda kamid ah amase aan lasoo aroorin. 

3- In la dajiyo sheekooyin lagala hortagayo qur’aanka ayadoo dadka lagaga mashquulinayo dhagaysigiisa, Cabdullahi Ibn Cabbaas wuxuu yiri, waxaa istaagay Nadar Ibn Xaarith In Kalda Alcabdari, markaasuu yiri, bulsha waynta qureysheedeed, wallaahay waxaa idin qabsatay mushkilo aan hore ayadoo kale idiinku dhicin aydaanna wali xeelad aad kaga baxdaan u helin, Muxamed wuxuu dhexdiina ahaa wiil yar kan aad ugu kalsoon tihiin, ugu runta badan, ugu ammaanada wayn, ilaa aad dhafoorradiisa cirrada ku aragteen, uuna idiinla yimid waxa uu idiinla yimid, markaas ayaad leedihiin waa sixirroole, wallaahay inuusan ahayn sixirroole, waan aragnay sixirrooleyaasha iyo tuftufiddooda iyo guntimahooda, waxaad leedihiin xiddiga sheeg, maya wallaahay inuusan ahayn xiddiga sheeg, waan aragnay xiddiga sheegyada iyo isku darankooda waanna maqalay hadalladooda googo’an, waxaad leedihiin gabyaa, maya wallaahay inuusan ahayn gabyaa, waan aragnay gabayga waanna maqallay,dhamaan noocyadiisa tixdiisa dheer iyo jiiftadiisa, waxaad leedihiin nin waalan, maya wallaahay, waan aragnay waallida mana laha booc xirankiisa, waswaaskiisa, iyo isku darankiisa midna, bulsha waynta qureysheedeey, war arrintaan si fiican uga fiirsada, wallaahay waxaa idin ku habsatay mushkilo wayne. 

Islamarkiiba Nadar Ibn Xaarith wuxuu aaday Xiira (ciraaq), halkaas oo uu kasoo bartay sheekooyinkii boqorradii Furus (Persia) sida Rustum iyo Isfandiyar, kadibna markii Nabigu (scw) meel fariisto oo uu dadka xusuusiyo Allihii abuuray ugana digo caradiisa, waxaa uga dambeeya Nadar Ibn Xaarith isagoo leh, wallaahay inuusan Muxamed iga sheeko fiicnayn, markaas ayuu u taxaa sheekooyinkii madaxdii Furus iyo Rustum iyo Isfandiyaar, markaas ayuu dhahaa, muxuu Muxamed igaga sheeko fiican yahay. 

Sheekadaan dacalladeeda kale waxay kordhinayaan inuu Nadar soo gatay gabdho fannaanniin ah oo qurxa badan, markaas ninkii uu ku maqlo inuu u jinjeersaday xagga Nabiga (scw) gabdhahaas middood ayuu ku salladaa, ayadoo khamro cabsiinaysa, cunta siinaysa, u heesaysa ugu dambayntiina xumaan la samaynaysa, ilaa aan qalbigiisa wax khayr ah ama nuur Islam ahi ku harin, ninkaan iyo arrintiisaana waxaa Alle ku sheegay qowlkiisa ((Dadka waxaa kamida kuwa soo gadanaya hadallada maalaayacniga ah, si uu uga dhumiyo jidka Alle-dadka)). 

4- Gorgorooyin ay isku dayeen bal in Islamka iyo jaahiliyadda ay haystaan meel dhexe la isugu keeno, ayadoo la isku dayayo in mushrikiintuna qaar ka tagaan wixii ay caabudayeen Nabigu (scw) uu qaar ka tago wixii uu haystay ((Waxay jeclaysteen inaad usoo dhawaan lahayd, ayanna ay kusoo dhawaadaan))[68:9]. Waxaa hadaba qisadaan qaybteeda Imamu Dabari soo saarey kusoo arooray inay Nabiga (scw) u soo jeediyeen inuu ilaahyadooda sannad la caabudo ayaguna ay rabbigiis sannad la caabudaan, qaybta uu Cabdi Ibn Xumayd soo saarayna waxay sheegaysaa inay Nabiga (scw) ku dheheen haddaad ilaahyadayada dhunkato waan caabudaynaa allahaaga.

Ibn Isxaaq isagu wuxuu wariyay in Rasuulka Alle (scw) isagoo Kacbada dawaafaya ay joojiyeen odayaal qureysheed, Aswad Ibnul Mudalib Ibn Cabdilcuza, Alwaliid Ibnul Mughiira, Umaya Ibn Khalaf iyo Caas Ibn waail Assahmi, waxay ahaayeen odayaasha cidahooda ugu waawayn, markaas ayay dheheen, Muxamedow kaalay aan kula caabudnee cidda aad caabudayso, aduguna nala caabud waxa aan caabudayno markaa aan wada wadaagno adiga iyo annaguba arrintaan, haddii cidda aad caabudaysaa ka khayr badan tahay waxa aan caabudayno qaybtayadii baan ka qaadanaynaa, haddii waxa aan caabudaynaa ka khayr badan yihiin cidda aad caabudaysana qaybtaadii baad ka qaadanaysaa, markaas ayaa Alle soo dajiyay ((Qul yaa ayuhal kaafiruun: Laa acbudu maa tacbuduun)) Waxaad dhahdaa gaalooy: Ma caabudayo waxa aad caabudaysaan. Suurada oo dhan, waxaana Alle ku afgooyay gorgortankooda riqiiska ah aayadahaas kala saarista ah ee xoogga badan illayn xaqa iyo baadilku meel ma wada gali karaane. 

 CIQAABID IYO JIRDIL

 Dhammaan qaababkaas iyo usluubyadaas aan soo sheegnay ayey mushrikiintu hirgaliyeen oo adeegsadeen mid walbaba markiisa si ay ugu dabar gooyaan dacwada Islamka ee curdanka ah markii ay shaacbaxday bilowgii sannadka afraad ee nabinimada, sidaas waxaa hadaba ku gudbay usbuucyo iyo bilo aan dhibkoodu heerkaas dhaafsiisnayn aysanna gaarsiin heer jirdil iyo ciqaabid, hasayeeshee markay arkeen inaysan qaababkaan wax faa’iido ah ka gaarin, sidoo kale inaysan wax caqabad ah ku noqon fidinta dacwada Islamka, markale ayey kulmeen ayadoo carada iyo xanaaqu intii hore ka badan yahay, waxayna dhiseen gudi –xaalad dagdag—ah oo ka kooban shan & labaatan xubnood kulligoodna madaxda iyo mudanayaasha qureysheed ah, waxaana hoggaanka guddigaan loo doortay Abullahab, Rasuulka shafarta leh (scw) adeerkiis, waxaana lagu amray inay soo dajiyaan go’aanno aad u qallafsan oo ka dhan ah Nabiga (scw), asxaabtiisa iyo diintiisa curdanka ah. 

Wadatashi, faaqidaad iyo falanqayn badan kadib, waxay isla qarrireen go’aanno kulul oo naxariis daran la dagaallanka Islamka, waxaana ka mid ah

- In aan addin iyo af ha ahaato amase muruq iyo maale wax awood ah dib loola harin la dagaallanka Islamka

- In cadaadin, ciqaabid iyo dhib wayn loo gaysto Rasuulka (scw)

- In la jirdilo lana silicdilyeeyo dadka galaya diintaan cusub ilaa ay ama ka laabtaan ama ku dhintaan

- In dadkaas la marsiiyo nooc nooc silicdilyaynta, laf walba oo qureysheedna ay xilgaar ah iska saarto dadka laftooda u dhashay amase ayaga addoon u ah amase ay isbahaysiga leeyihiin.

 Hawl Galkii Jirdilka 

Go’aannadaan ayaa la isla gaaray, islamarkiibana waxay guda galeen hirgalintooda iyo fulintooda, hadaba hirgalinta jirdilkaani marka loo fiiriyo muslimiinta -gaar ahaanna kuwooda tabarta daran ama aan qabiil xoog leh ku tiirsanayn- waxay ahayd ku fulintiisu mid aad u sahlan, markase loo fiiriyo Rasuulka Alle (scw) waxay ahayd mid aad u adag, inuu ahaa nin aad u sumcad iyo qadarin wayn, gaaray heerka mudnaanta koowaad, laga haybaysanayo shakhsiyaddiisa cadow iyo saaxiib labaduba, aysan suuroobi karin in lala soo qaabilo isagoo kale wax aan ixtiraam, waynayn iyo sharfid ahayn amase aysan kula dhiirran karin foolxumayn qaballuusyada iyo kuwa sharafta beelay mooyaane, waxaana intaas usii dheer in uu Abutalib ammaankiisa isu xilsaaray oo aan loo mari karin, Abutalibna waa oday kamida indheergaradka Makko ee farakutiriska ah –kasoo jeeda sinji la qadariyo isaguna ah farac mudnaan wayn leh-- sidaa darteed qofina kuma dhici karo inuu xeerkiisa ammaanka jabiyo amase wadeecadiisa bannaysto, run ahaantii xaaladaani qureysh waa wareerisay oo inta fariisisay istaajisay, laakiinse ilaa goorma ayuu sabarkaani sii socon karaa ilaayo goormayse sii dhawran karaan dacwo u muuqata inay ka takhalusayso hormuud nimadoodii diineed, u hanqaltaagaysa inay meesha ka saarto damacoodii aduunyo!!

Waxay bilaabeen xadgudubyo ka dhan ah Nabiga (scw), waxaana dadka gaysanaya horkacaya Abullahab, mowqifkiisaan cadow nimada iyo xumaatada ah ayuu ka qaatay Rasuulka Alle (scw) laga soo bilaabo maalintiisii ugu horreysay intaan Qureyshi arrimahaan kuba fakarin, waxaan soo marnay hadalkii xumaa ee uu ka gaystay fadhigii Nabigu (scw) Bani-hashim u qabtay, sidoo kale wixii uu sameeyay markii uu buurta Safa fuulay, waxaa waliba Tarmidi kusoo arooray inuu maalintii buurta Safa dhagax wayn qaatay si uu Nabiga (scw) ugu dhufto.

Abullahab Islamka ka hor wuxuu Nabiga ka doonay labadiisa gabdhood ee Ruqaya iyo Umu kalthum oo u guuriyay labadiisa wiil ee Cutba iyo Cutayba, markii Nabiga (scw) lasoo dirayna wuxuu wiilashiisa khasbay inay gabdhaha furaan halkaas oo markii dambe uu si xoog ah oo fool xun kaga furay, sidoo kale markuu maqlay dhimashada wiilka labaad ee Nabiga (scw) Cabdullahi, waa bishaaraystay oo farxad darteed ku orday saaxiibadiis isagoo ugu bishaaraynaya in Muxamed noqday gablan aan wiil lahayn, waxaan kaloo soo marnay inuu Nabiga (scw) daba socon jiray markuu Xajjku galo si uu u beeniyo, waxaana Tirmidi ku soo arooray inuusan beeninta ku gaabsan jirin ee uu dhagax ku tuuryayn jiray ilaa anqowyadiisa dhiiggu hayraamo.

Sidoo kale haweenaydiisa –Umujamiil Arwa Bint Xarbi Ibn Umaya—ayaan iyana ninkeeda ka yaraysan cadaawadda ay Rasuulka sharafta leh (scw) kaga soo horjeedo, waxay soo qaadi jirtay qodaxda iyo turaanturrada ayadoo xilli habayn ah dhigaysa wadada Nabigu (scw) maro iyo irridda gurigiisa, waxaa intaas usii dheeraa inay ahayd haweenay afxun oo carrab dheer sidaa darteed carrabkeeda ku aflagaadaysa Nabiga (scw), waxay kaloo ku soo qaaday dagaal hoose oo been abuur iyo isku dir ah ilaa ay marar badan ku hurisay dambaaburada colaadda fidnada, hadaba dagaalkaas aysan waxba iskula harin awgiis ayaa Qur’aanku ku sifeeyay ((Xammaalatal Xadab)) Xaabo gur badan, waxaase kasii darraa

 Markii ay maqashay aayadaha qur’aanka ah ee kusoo dagay ayada iyo ninkeeda, si dhaqso ah ayey usoo dhaqaaqday ilaa ay soo kor istaagtay Rasuulka Alle (scw) isagoo la fadhiya saaxiibkiis Abubakar hooska Kacbada, waxaana gacanta ugu jira dhagax gacan buuxis ah, markay soo kor joogsatay indhaheeda ayaa Alle ka qabtay Nabiga (scw), sidaa darteed waxay un u jeeddaa Abubakar, markaas ayay tiri, Abubakaroow aaway saaxiibkaa!! Waxaa isoo gaaray inuu gabaygiisa igu caayaye, wallaahay haddaan maanta arko dhagaxaas ayaan afka kala dhici lahaa, wallaahayse aniguba gabyaa ayaan ahay! Markaasay tiri,  

Mulluugane aan mir deennay: Amarkiisana aan abaynay: Diintiisana ku diidnay(5).

Kadibna way iska laabatay, Abubakar oo yaabban ayaa yiri, Rasuulka Alloow miyaadan u jeedin inay ku aragtay? Markaas ayuu Nabigu (scw) yiri, iimaysan jeedin, Alle ayaa indhaheeda iga xijaabayoo ima aysan arkayn.

 Qisadaan dacalkeeda uu Albazar soo saaray wuxuu ku sheegay, in markii ay Abubakar soo kor istaagtay ay tiri, Abubakaroow saaxiibkaa ayaa gabaygiisa nagu caayay, markaas ayuu Abubakar yiri, maya Allaha dhismahaan leh –Kacbada- ayaan ku dhaartaye inuusan gabay tixin afkiisana soo marsiin, markaasay tiri, nin runlow ah baad tahay”

 Abullahab waxaas oo dhibaato ah ayuu Nabiga (scw) u gaystay isagoo adeerkiis ah  oo gurigiisu ku dhaggan yahay, sidoo kale dariskaas waxaa jiray koox isku bahaysatay xumaatadooda ka dhan ka ah Nabiga Alle (scw),

 Ibn Isxaaq wuxuu sheegay isagoo ka waramaya kooxdaas, waxay ahaayeen kooxda Rasuulka Alle (scw) gurigiisa ku dibindaabyeeya Abullahab, Xakam Ibn Abilcaas Ibn Umaya, Cuqbata Ibn Abimucayd, Cidiyi Ibn Xamraa Athaqafi iyo Ibn Asdaa Alhudali kulligoodna waxay ahaayeen dariskiisa midna kama islaamin Xakam Ibn Abilcaas mooyee, marka midkood wuxuu ku tuuri jiray mandheerta ariga isagoo tukanaya, midkoodna wuxuu ku tuuri jiray digsigiisa markii dabka la saaro, ilaa Nabigu (scw) uu dhistay dhisme yar oo dhagax ah si uu isagaga qariyo markii uu tukanayo, markii ay digsigiisa ku ridaan mandheertaas ayuu Nabigu (scw) inta qori caadariis kusoo qabto oo illinka gurigiisa istaago ayuu oran “war reer Cabdimanaafoow! Waa maxay darisnimada sidaanihi,? Markaas ayuu qashinka ku tuuri jiray. 

Cuqbata Ibn Abimucayd sare ayuu usii laba laabay ayaan darradiisii iyo xumaantiisii, sida uu Bukhaari ka wariyay Cabdullahi Ibn Mascuud oo goobjoog ahaa wuxuu yiri, Nabiga (scw) ayaa salaad ku jiray Kacbada agteeda Abujahal iyo koox saaxiibadiis ahina meesha ayay fadhiyaan, marka raggaas midkood ayaa wuxuu yiri, waryaara kiinneebaa soo qaadaya mandheerta hashii reer hebel qasheen oo Muxamed dusha ka saaraya markii uu sujuudo, marka waxaa iskii u booday kii ugu ayaan darraa –Cuqbata Ibn Abimucayd- markaas ayuu inta soo xambaartay oo Nabiga (scw) ag istaagay sugay ilaa Nabigu (scw) sujuuday, markaas ayuu dhabarka u saaray garbaha dhexdooda, anniguna waa fiirinayaa, waxna uma qaban karo Alla haddaan awood lahaan lahaa –aan ku difaaco—markaas ayay wada qosqosleen oo isku dul dhecdheceen qosol iyo kibir dartiis, Rasuulka Allana (scw) wali waa sujuudsan yahay madaxiisana qaadi mayo, ilaa ay timid Faadima, oo ay dushiisa ka tuurtay, markaas ayuu madaxiisa kor u qaaday oo yiri, Alloow Qureysh qabo –halaag- sadex goor, arrintaas ayaa hadaba raggii ku cuslaatay markii uu habaaray, waxayna aaminsanaayeen ducada baladkaas –Makko- lagula yimaado inay mustajaabo tahay, kadibna Nabigu (scw) wuxuu magacaabay raggaas, Alloow Abujahal qabo –halaag- oo Cutbata Ibn Rabiica qabo, Shayba Ibn Rabiica qabo, Waliid Ibn Cutba qabo, Umaya Inb Khalaf qabo, Cuqbata Ibn Abimucayd qabo, kan todobaadna wuu sheegay maananse xafidin, --Cabdullahi Ibn Mascud wuxuu yiri—Allaha naftaydu gacantiisa ku jirtaan ku dhaartaye waxaan arkay kuwii uu Rasuulka Alle (scw) magacaabayay ayagoo bakhtigoodii lagu jiidayo god xabaal bilaash ah oo Badar ku yaal.

Sidoo kale Umaya Ibn Khalaf markii uu arko Nabiga (scw) intuu huruufo oo saaxiibadiis qandhuufto amase u iljabiyo ayuu si muuqata u cayn jiray, markii uu maqan yahayna si qarsoon u xaman jiray, isaga ayaan darradiisa ayaanna Alla kusoo dajiyay ((Wayl –waadi naareed—ayaa sugnaaday midkasta oo xan badane ceebeeya ah)) 104:kulligeed

 Walaalkiis Ubaya Ibn Khalaf wuxuu xumaatada kula tartami jiray Cuqbata Ibn Abimucayd, marka maalin ayaa Cuqba Nabiga (scw) la fariistay oo wax ka dhagaystay, markii warkaani Ubaya gaaray wuu ku colaadiyay, oo ku canaantay Cuqbana waa cudurdaartay, markaas ayuu yiri “haddaad run sheegaysid Candhuuf Rasuulka (scw) wajigiisa ku tuf waan kaaga qancayaaye” isna waa sameeyay, Ubaya Ibn Khalaf waa ninkii inta laf duugoowday dhulka ka qaaday oo farihiisa ku burburiyay oo hawada ku afuufay dhinaca Rasuulku (scw) ka xigay yiri, yaa taas soo noolaynaya. 

Akhnas Ibn Shariiq Athaqafi ayaa isna safka hore kaga jiray hawl galka xumaatada Nabiga (scw) loo gaystay, sidaa darteed Qur’aanka ayaa ku tilmaamay sagaal sifo oo muujinaya khayr darrada ku jirtay, ((Ha yeelin dhaar badane –hadalkiis- dulloobay: Xan badane u wareeg badan Isku dir: Diidma badane khayrka –xoolaha- xad guduble dambiile ah: Ku madax adag –xumaanta- kadibna zino ku yimid –wacal ah-)) 68:10—13. 

Sidoo kale Abujahal waqtiyada qaarkood ayuu Rasuulka (scw) u imaan jiray oo qur’aan ka dhagaysan jiray, kadibna waa ka tagayaa ma rumaynayo mana yeelayo, kumana edeb qaadanayo, mana cabsanayo, dhinaca kale wuxuu sii laba jibbaaray xumaatadiisa iyo afxumadiisa Rasuulka (scw) ka dhanka ah iyo inuu dadka ka horjoogsado jidka Alle amase Islamka, markuu soconayo si islawyni iyo kibir ku jiro ayuu isqaadqaadi jiray isagoo ku faanaya sharka iyo xumaanta uu gurada saartay sidii inuu wax fiican sameeyay, isaga ayayna ku soo dagtay ((Falaa saddaqa wallaa Sallaa)) Ma uusan rumayn Mana uusan Tukan” ilaa aayadaha ka dambeeya. 

Wuxuu kaloo ku hawllanaa inuu Nabiga (scw) salaadda u diido lagasoo bilaabo maalintii ugu horreysay oo uu arkay isagoo ku tukanaya Xaramka, maalin ayuu soo maray isagoo ku tukanaya Maqaamka agtiisa markaas ayuu yiri, Muxamedoow miyaanan ku oran waxaan jooji waana u caga jugleeyay, markaas ayuu Nabigu (scw) hadal kulul ugu jawaabay oo u dhaartay, markaas ayuu yiri, maxaad Muxamedoow aniga iigu dhaaranaysaa, wallaahay waadigaan dadka ku nool anigaa ugu naadi –qabiil- ballaarane? Markaas ayaa Alle soo dajiyay ((Falyadcu Naadiyah)) Ha u yeerto Naadigiisa, qisadaan dacalkeeda kale wuxuu sheegayaa, in Nabigu (scw) kulleetiga qabtay oo gilgilay isagoo akhrinaya ((Owlaa Laka Fa owlaa)) Naar ayaa kuu xaqle oo janno kaaga xaqleh, markaas ayuu yiri, ma anigaad I haddadaysaa Muxamedoow Wallaahay adiga iyo Rabbigaa midna wax ima yeeli karo, anigaana ugu qabiil wayn Makko dhexdeeda. 

Abujahal kama uusan baraarugin axmaqnimadiisa gilgilidaan kadib, wuxuuba xilligaas kadib sii kororsaday ayaandarri iyo qallafsanaan, maalin ayuu wuxuu yiri, wali Muxamed ma wajigiisuu booraynayaa dhexdiina? Markaas ayaa layiri, haa! Markaas ayuu yiri Laate iyo Cuzaan ku dhaartaye haddaan ku arko inaan qoorta kaga istaagayaa, inaan wajigiisana ciidaynayaa, marka Rasuulka (scw) oo tukanaya ayuu soo aaday, isagoo sida uu sheegay qoorta kaga istaagaya –dadkiina waa fiirsanayaan—waxaase lama filaan ku noqotay inay arkeen isagii oo jeego jeego u ordaya gacmahana isaga dhigaya –wax aan lala arkayn-markaas ayay inta kusoo yaaceen yiraahdeen maxaa kugu dhacay Abalxakamoow? Markaas ayuu yiri, aniga iyo isaga dhexdayada waxaa ka qodan haadaan naar ah, waxaasina waa garbo, marka Rasuulku (scw) wuxuu yiri, haddii uu iisoo dhawaan lahaa malaa'ikta ayaa xubin xubin u kala dafi lahayd. 

Jirdilkii Saxaabada

Xadgudubyadaan oo dhani waa marka la fiiriyo Nabiga (scw) isagoo sida la ogsoon yahay ahaa shakhsiyad aad u xurma wayn oo ay qadariyaan bulshadu caamo iyo waxgaradba, sidoo kale isagoo ku jira ilaalinta adeerkiis Abutalib, nin la ixtiraamo kan ugu wayn Makka dhexdeeda, maxaa hadaba loo malayn karaa muslimiinta kale gaar ahaan kuwooda tabarta daran, run ahaantii ciqaabka dadkaas loo gaystayi aad ayuu uga kululaa ugana shido badnaa kaas Nabiga (scw) loo gaystay, bilowgii hawl galkaanba qabiilo waliba waxay gacan xadiid ah ku qabatay ciddii ayada kasoo jeeda oo islaamka qaadatay, ayagoo aan u aabayeelayn jirdilka iyo noocyada ciqaabka ee ay marsiinayaan, ciddii aan ayadu qabiilo ku lahaynna waxaa si gaara loogu xilsaaray doqomada iyo wax iskuma falayaasha sidoo kale waxaa hawlaha u qaybinaya madaxda iyo mudanayaasha, ayagoo ku jirrabaya waxyaalo uu caqliga fayoobi ka didayo maqalkooda.

 Abujahal iyo ragga badan oo la garaadka ahi waxay caadaysteen ninkii ay ku maqlaan inuu Islamka qaatay, hadduu yahay nin madax ah ama adag oo aan gacan loola tagi karin waa inay shiddeeyaan oo dullinimo badaan, sidoo kale inay ugu dhaartaan inay dhaawac iyo khasaare fool xun u gaysanayaan hantidiisa iyo sumcaddiisa labadaba, hadduuse yahay nimaan isdifaaci karin inay gacan ula tagaan oo u adeegsadaan qaballuusyada iyo wax iskuma falayaasha. 

Cuthmaan Ibn Cafaan adeerkiis intuu xirxiro ayuu darin caw ah ku duubi jiray, markaas ayuu ku gubayaa, Muscab Ibn Cumayr hooyadiis markay ogaatay inuu Islaamay waa dayrisay oo gaajaysiisay gurigeedana ka cayrisay, markaas kahorna wuxuu ahaa dadka ugu nolol qabow reer Makko, ilaa oogada qolof ka fuushay sida abeesa cagalaydii, Bilaal wuxuu ahaa addoon uu leeyahay Umaya Ibn Khalaf Aljumaxi, Umaya markuu maqlay islaamiddiisa xarig yeel ah ayuu qoorta u suri jiray markaas ayuu dhallinta u gacan galin jiray, markaas ayay maalintii oo dhan buuuraha Makko la dawaafi jireen, ilaa summaddii xariggaasi Bilaal ku reebay ay qoortiisa ku taallay, Umaya intuu xariga ku adkeeyo ayuu qaar la dhici jiray ilaa gacmihiisu ka daalaan, marar kale wuxuu ku xiri jiray qorraxda markaasuu biyaha u diidi jiray ilaa indhuhu salladmaan gaajo iyo oon dartiis, waxaase kasii darraa, markii qorraxdu kululaato ayuu beerbeer u seexin jiray raranka bacaadka Makko, markaas ayuu dhagax wayn dhabarka ka saari jiray, markaas ayuu oran jiray, sidaas ayaad ku jiraysaa ilaa aad dhimato ama aad Muxamed ku gaalowdo oo aad Laate iyo Cuza caabudo, markaas ayuu Bilaal isagoo xaaladdaas ku sugan oran jiray “axad axad axad” Alle waa kaligiis, sidaas ayuuna ku jiray ilaa maalintii dambe uu Abubakar soo maray ayagoo sidaa u mayd garaacaya, markaasuu kaga iibsaday wiil madow, waxaa kaloo la sheegay todobo ama shan dirham oo fido ah waana xoreeyay. 

Cammaar Ibn Yaasir Ibn Caamir, wuxuu ahaa nin addoon u ah qabiilka Bani-Makhzum, isaga iyo aabihiis Yaasir iyo Hooyadiis Sumaya Bint Khayaad waxay dhamaantood ahaayeen dadkii hore u islaamay, sidaa darteed mushrikiintu –ayadoo Abujahal ugu horreeyo- intay xargo ku xirxiraan ayay ula bixi jireen raranka caga gubyada markay qorraxdu kululaato, halkaasaa maalin walba sidaas loogu cadaabi jiray ilaa qorraxdu dhacdo, maalin ayadoo sidaas loo jirdilayo ayuu Nabigu (scw) soo maray markaas ayuu yiri, “Aala Yaasiroow sabar kaalmaysta, ballantiinu waa jannee” marka odaygii Yaasir xaaladaas ayuu ku dhintay, Sumayana Abujahal –kaafirka ma xishoodaha ah- ayaa waran caaradiis ku muday xubinkeeda, sidaas ayay iyana ku shahiidday (Alla haka raali noqdee), waxayna sidaas ku noqotay shahiidaddii ugu horreysay ee Islamka dartiis loo dilay, waxay marka jirdilka kusii wadeen Cammaar inay mar dhagax kulul laabta u saaraan marna biyo moolkood muquursiiyaan markalana qaareeyaan, ilaa maalin ay ku dheheen ku dayn mayno ilaa aad Muxamed caydo ama aad Laate iyo Cuza ammaan ku sheegto, marka isagoo aan miyirkiisu saani u joogin ayuu wixii ay u laqinayeen kadaba yiri, markii uu ogaaday hadalka uu yiri ayuu isagoo oynaya oo cudurdaaranaya Nabiga (scw) u yimid, arrintaan ayaana Alla kusoo dajiyay (( Qofkii ku kufriyay Alle, iimaankiisii kadib –kuwaasaa cadaab mudan—qofkii lagu khasbay isagoo qalbigiisu iimaanka ku xasilloon yahay mooyee)) 16:106.

 Sidoo kale Abufukayha magaciisuna waa Aflaxe wuxuu addoon u ahaa lafta Bani-cabdidaar, marka intay xarig lugta ugu xiraan ayay maalintii oo dhan jiidi jireen, Khabaab Ibn Arath wuxuu isna addoon u ahaa haweenay lagu magacaabo Umu Anmaar Alkhuzaciya, hadaba mushrikiintu intay timaha qabtaan ayay jiidi jireen ama dhagaxaanta kulul ayaa la dul saari jiray amase qoorta ayaa la isdaba marin jiray ilaa uusan istaagi karin, sidoo kale Zanniira, Nahdiya iyo gabadheeda Umu Cabiis, waxay ahaayeen gabdho addoomo ah oo islaamay, waxay hadaba mushrikiintu marsiin jireen noocyo jirdil ah oo la mida kuwii aan soo sheegnay, gabar kale oo islaamtay oo lafta bani-cidiyi ka tirsan, iyadana Cumar Ibn Khataab –oo markaas mushrik ah- ayaa garaaci jiray markii gacantu daasho ayuu inta ka tago oran jiray, wallaahay ugama aanan tagin wax aan daal ahayn, gabdhahaan kulligood Abubakar ayaa lacagtiisa kula soo wareegay oo markaa xoreeyay, sidii Bilaal iyo Caamir Ibn Fuhayra. 

Saxiifadda dadka la jirdilay amase qaababka xun ee dadkaas loo silicdilyeeyay aad ayay u dherar badan tahay, qof walba oo ay xilligaas ku ogaadeen inuu islaamayna qayb wayn ayaa laga marsiiyay jirdilkaan iyo mayd garaacaan, waxaanna kusii arki doonnaa hadduu Alle idmo casharada dhexdooda, laakiin markaan bal aan fiirino sidii arrimahaan Nabigu (scw) u maamulay, oo qaabab kala horreeya ahayd. 

DAARTA AL-ARQAM 

Si looga fududeeyo muslimiinta mushkiladaan cadaadiska ee ku habsatay, waxaa xigmaddu ku tusinaysay inuu Rasuulku (scw) u diido saxaabada muujinta islaamkooda hadal ha ahaato amase ficil la sameeyee, sidoo kale in uusan ula kulmin si qarsoodi mooyee marka uu barayo kitaabka Alle iyo xikmadda sunnada, sababtoo ah haddii uu si muuqata ula kulmo shaki kuma jiro in mushrikiintu isku dayi doonaan inay ka hor istaagaan farriinta cilmiga ah ee uu doonayo inuu dadkaas u gudbiyo, waxaaba suurowda inay taasi keento isku dhac dagaal oo labada kooxood dhex mara, ficlan taasi wayba dhacday sannadkii afraad ee nabinnimada, markii saxaabada oo meel kayn cidla ah salaaddooda kula dhuumanaya ay soo mareen koox mushrikiin ah, markaasna ay caayeen oo la dagaalameen, marka Sacad Ibn Abiwaqaas uu nin kamida daqray ilaa dhiiggiisu dhulka daatay, dhiiggaasina waa dhiiggii ugu horreeyay ee ay gaal ka daadiyeen. 

Sida la ogsoon yahayna haddii isku dhacyada noocaas ahi sii bataan oo iska daba yimaadaan, waxay keenayaan in la burburiyo muslimiinta oo la dabar gooyo, sidaa darteed xigmadu waxay tusinaysay in la isqariyo waana sida Nabigu (scw) saxaabadiisa ku amray, sidaa darteed saxaabada intooda badani way qarsan jireen islaamkooda cibaadadooda iyo kulamadooda intaba, Rasuulka Alle (scw) isagu diintiisa waa muujin jiray cibaadadiisana wuxuu ku samayn jiray mushrikiinta dhexdooda isagoo aysan jirin wax ka horjoogsan kara ujeeddadiisaas, laakiinse saxaabada si qarsoodi ah ayuu ula kulmi jiray isagoo fiirinaya sida dantoodu ku jirto amase danta Islamka guud ahaan, daarta Al-arqam Ibn Abil Al-arqam Almakhzumi waxay ku taallay buurta Safa dhabarkeeda, waxayna ahayd meel ka qarsoon aragtida madaxya waynta gaalada iyo fadhiyadoodaba, halkaas ayuu Nabigu (scw) saldhig uga dhigtay dacwadiisa iyo kulamadiisa uu muslimiinta la yeelanayo laga bilaabo sanadkii shanaad ee nabinimada, daartaas waxaa lagu kala qaadan jiray tacliinta waxyiga samada ka imaanaya iyo hufidda ruuxda, sidoo kale in figradaha lagu kala guddoonsado sidii marxalladaas muslimiinta looga gudbin lahaa amase Islamka loogu heli lahaa barrin aamin ah oo uu ka ambaqaado.
___________________

1-Xidiga sheeggu waa nin sheegta inuu qaybka qarsoon wax ka yaqaan, sida uu sheeganayo xidigaha isbadalladooda ayuu macluumaad ka helaa, qaarkood waxay sheegtaan inuu jiro jinni wax u sheega.
2-Nuhnuh ama hunnuhunnu waa hadal aad maqlayso, laakiinse aadan fahmi karin
3-Dadka waalan mararka qaarkood waxaa ku xirma neefta hadal badnidiisa darteed
4-Laan hareeri ah waa geed laantiis waxaana lagu mataalaa waxa quruxda badan gaar ahaan hadday dheer yihiin
5- Geeraarka waxaa mariyay Abdirizak Musanaf 

Daabacaad: SomaliTalk.com |December 3, 2004

QAYBTA 6aad QAYBTA 8aad   


URL: www.SomaliTalk.com/taariikh

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
 



HTML CD