SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
IIMAAM - BUKHAARI

Taariikhdii Imaamul Bukhaari
(raxima hu laah
)

Dadka inta cilmiga Axaadiista wax ka taqaan, Imaamul Bukhari waxay u aqoonsan yihiin inuu ka mid yahay shaq siyaadka ugu muhiisan taariikhda umadda Islaaamka. Bukhaari wuxuu ku soo biiriyey dhaxal tooyada umadda Islaamka kitaab kiisa loo yaqaan Saxiix-ul-Bukhaari laakiin isagu uu u bixiyey Saxiixul Jaamic oo ah midka ugu saxiixsan kutubta qoran, Qur’aanka ka dib kaas oo Culimdu isku waafaqsantahay inuu yahay Bukhaari Imaamu ahlul Xadiis iyo ninka ugu xifdin badan sunada Nabiga (scw) waana kitaabka loogu kalsoon yahay agtooda Kutubta lixda ah ee waa wayn ee loo yaqaan Situ Umuhaat kuwaas oo kala ah Saxiixul Bukhaari, Saxiixul Muslim, Sunan Abii Daa’uud, Sunan At-tarmethey, Sunan Ibnu Maajah iyo Sunan An-Nisaa’i .

 Inta uu jiro qof muslim ah oo baranaya sunnada Nabiga (scw), baalka uu Imaamku kaga dhigan yahay taariikhda Islaamka waxa uusan ka engegeyn carabka inta wanaaga ku xusaysa. Bukhaari wuxuu halyey u yahay inta sunnada Nabiga (scw) barashadeeda uheelan had iyo goor, fahamkeedana u oomman, waana Amiirul muslimiin fil Xadiis.

 Dhalashadii Imaam Bukhaari (raxima hu laah)

 Magaciisu waa: Abu-Cabdullahi, Maxamed Ibnu Ismaaciil ibnu Ibraahiim, ibnu muqiirah, ibnu Burdazbah Al-Jacfi Al-Bukhaari wuxuu ku dhashay magaalada Bukhaara, oo ku taal dalka Ruushka maanta loo yaqaan Uzbekistan, sanadku markuu ahaa 194H 13-ka bisha Shawwaal habeen jimceed, waxuu ahaa asalkiisu Faarisi laakiin ku magacaabida (Aljacfi) Aabihiis baa wuxuu ku Islaamay Gacanta Al-yamaani Aljacfi uuna u ahaan jiray Mowle sidaas baa loogu magac daray Al-jacfi.

 Bukhaari Aabihii, Ismaaciil ibnu Ibraahiim ibnu Mughiirah al-Jacfi, wuxuu ka mid ahaa Muxaddisiintii waa weynaa ee reer Bukhaara wuxuuna caan ku ahaa uruurinta iyo xifdinta Axaadiista Nabiga (scw). Bukhaari Aabihi wuxuu geeriyooday isagoon garaadsan oo dhabtii hooyadii ku jira. Wuxuuse uga tagey hanti fara badan. oo xalaal ah wuxuu oran jiray Aabihiis  Maalkayga oo dhan ma garanyo hal Dirham oo xaaraana oo ku jira, Korintiisa iyo bar baarintiisa waxaa la wareegtay hooyadiis.

 Barashadii sii Cilmiga  Xadiiska

 Imaam Bukhari markuu gu’ tobnaad gaarey ilaahey wuxuu laabtiisa ka buux shey xiisaha barashada Axaadiista Nabiga (scw). Wuxuu galay dugsiga Axaadiista lagu barto ee Bukhaara, sanad kadibna wuxuu marjac iyo tixraac u noqday macallimiintiisa oo mararka qaarkood ka saxan jirey Matniga (Lafdiga) iyo Asaaniida (Sil silada lagu kala wariyo Axaadista).Imaam Bukhaari  Markuu lix-iyo-toban jirsadey, wuxuu dusha ka qeybey kutub tay qoreen Ibnu Mubaarak iyo Wakiic,  Imaam Bukhaari Sareynta xifdigiisa iyo sugnaanta fahamka uu u leeyahay Axaadiista Nabiga (scw) waxaa la yaabay culumadii Xiligiisa  nooleydey.

 Imaam Bukhaari Sideed-iyo-tobon markuu jiray  wuxuu la xajiyey hooyadii iyo walaal kii Axmed, Xajka ka  dib, Bukhaari wuxuu cilmi dalab ugu haray Xaramka, ka dibna wuxuu qoray kitaauu ugu magac daray “Qadaayaa as-Saxaabah wa-Taabiciyyiin”. Wax yar ka dib wuxuu aadey magaaladii Nabiga (scw) Madiina Anabawiyah , intuu joogeyna wuxuu qoray kittaabkiisii caanka ahaa ee “At-Taariikh al_Kabiir.”

 Imaamku wuxuu meel fog iyo meel dhaw u aaday barashada axaadiista Nabiga (scw). Raadinta iyo la kulanka culumadii Axaadiista ku xeeldheerayd xilligiisii, waxay ka fogeysey dalkiisii hooyyo. Asagoo taa xusayana wuxuu yiri, Cilmi dalabka waxaan u aaday Masar iyo Suuriya laba goor, Basrana afar goor, lix sanaan    Xijjaaz u joogey,inta goor oon Kuufa iyo Baqdaadna muxadisiin u raacayna maba koobi karo.

 Arrimihii dadka cajab geliyey ee Imaamku lahaa waxaa ugu weynaa xifdigiisa, Xaashid Ibnu Ismaaciil ooy Bukhari isku xer ahaayeen, wuxuu yiri:

 Bukhaari wuxuu axaadiista nagala baran jirey culumada Basra. Axaadiista waa qoran   jirney isaguse ma qoran jirin. Arrintaa waa ku canaanannay, ka dib Bukhari wuxuu codsay innaan waxaan qoranney u keenno wuxuuna ku kordhiyey shan-iyo-toban-kun oo Xadiis oo xifdigiisa uu ka sheegay. Waxaan kutubteenna ka sixi jirney xifdiga Bukhaari.

Bukhaari wuxuu xifdiyey oo dusha ka qeybey 300.000- kun oo Xadiis(Sadex-boqol-oo kun oo xadiis) 100.000-kun (Boqol-kun) oo ka mida ay saxiix wada tahay,  iyo 200.000-ku (laba boqol oo kun) oo aan saxiix ahayn.

 Waxaa xifdiga u dheera fahamka iyo garashada Axaadiista. Wuxuu ku xeel-dheeraa lifaaqida iyo tifa tirida Axaadiista marnana ma suuroobi jirin in Imaamka hadalka Nabiga (scw) laysku daba mariyo. Muxudisiintii reer Baqdaad ayaa isugu qasay muttuun (Lafdi) iyo asaaniiddii (Silsiladii) Axaadiista bal si ay u hub sadaan qotoda iyo gunta garashada Bukhaari u leeyahay Cilmiga Axaadiista markey maqleen innuu Baqdaad ku soo socdo.

 Imaam Bukhaari Markuu magaalada soo galay, waxaa loo qabtey xaflad balaaran oo lagu soo dhawey nayey ooy ka soo qeybgalleen culumaddii Axaadiista ee reer Baqdaad, sidii qorshuhu ahaanna waxaa Bukhaari loo soo bandhigay boqol xadiis oo kas loo marooriyey ula kacna leys ku daba mariyey, Sidii lagu yaqaaney Imaamka, Intuu miyir u dhegeystey buu mid-mid u dhiraan-dhiriyey Asnaadoodii saxda aheyd maroorkii ku jireyna ka saaray (marlabaad buu ugu celiyey boqol kiiba isagoo sidii saxda ahayd ee Nabiga (scw) looga wariyey u qaadaa dhigaya ilaahow ku xifdi sidaad u xifdisay warka Nabiga (scw).

 Dhacdadaasi waxay muu jisay xeel dheeraanta aqoontiisa xifdiga iyo garashadiisa Cilmiga Xadiiska Nabiga (scw), Bukhaari wuxuu u adeegsaday inuu ku uruuriyo inta ugu saxan uguna hubsan Axaadiista nabiga (scw) kuna qoro hal kitaab. Bukhaari wuxuu yiri “Xadiis kasta oon ku qoray Kitaabkeyga labo rakco baan u tukadey, Allaah baan kala tashaday (Istikhaara), sixadiisana waan hubsaday.” Waxey ku qaadatay 16-sano (lix-iyo-toban-sano) inuu ku dhameeyo qorista kitaabka Caanka ah ee uu garanayo Qofkasta oo Muslima oo wuxuun diina garanaya amase maqlay Nabigaa (scw) sidaa yiri  A-Saxiix-ul-Bukhaari. “ Waa Xujjo aniga iyo Allaah noo dhexa” buu Imaamku yiri. Markuu dhammeys tirayna wuxuu u bandhigay  Axmed Inbu Xanbal, Yaxyaa Ibnu Maciin, Cali Inbu Madiini, iyo Rag kale kuligoodna waxay u qireen kitaabkiisa sixid iyo sugnaan. Arrintaasi waxey noqotey ficil aad loo mahadiyey nacfigiisa iyo wax tar kiisana maanta la qirsanyahay oo qofkii Xadiis soo daliiliya ama sheega haduu yiraahdo Rawaahul Bukhaari aan laga daba hadlayn Muslimiintuna ku qanacsan yihiin inuu yahay warkii Nabiga (scw) ilaahow qabriga kuu nuuri sidaad sunada u nuurisay.

 Qofnimadiisii Imaamul Bukhaari

 Imaamka waxaa lagu yaqaaney deeq, zaahidnimo iyo Alle ka cabsi. Wuxuu ahaa nin Adduunku uusan agtiisa wax ka aheyn. Imaamku, Sidii culumaddii la xilli ahaa lagu yaqaaneyba, Allaah nin ka baqa buu ahaa. Nin cibaado badan buu ahaa. Waxaa la wariyey inuu maalin walba oo bisha Ramadaan ka mid ah uu Qur’aan-ka dhamayn jiray.

 Imaamku waxuu ahaa Nin dadka xaqooda iska ilaaliya, hadaladiisii waxaa kamid ahaa “Waxaan rajeynayaa innaan Allaah la kulmo, Annoon la iga xisaabin qof aan xantay.” Welligiis qof xummeeyey uma caroon baa la wariyey xagga zaahidnimada.

 Bukhaari waxuu ahaa nin caato ahoo cuno yar oo meel dhexaad ah aan dheerayn gaabnayna, wuxuu ahaa nin timo jilic san, waxuu ahaa nin ahsaan badan aadna deeqsi u ah, xataa waxaa la wariyaa inuu halmaalin sadaqaystay 3000 oo dirham, wuxuu ahaa nin warax xalaal quudato ah, waxuu ahaa nin taqi ah oo cibaado badan wuxuu kaloo ahaa marakay soo gasho bisha Ramadaan Quraanka wuxuu dhamayn jiray maalin kasta.

   Kheyr kuu lahaa Bukhaari qoraal kan yar laguma soo koobi karo. Hadaad fadaa’ishiisa rabto bal aqri tarjumada Imaam Ibnu Xajar Al casqalaani kaqoray Imaamka ee ku taal  hordhaca kitaabka uu ku sharxay  Saxiix-al-Bukhari  oo lagu magaacabo Fatxul Baari oo runtii isna u baahan in mar gooni ah laga sheekeeyo, waxaase kusoo koobaynaa waa kitaabka ugu qaalisan kutubta lagu sharxay Saxiix Albukhaari dhinac walbaba.

 Geesimadii Imaamka

 Markuu muddo ka maqnaa Bukhaara ayuu bukhaari go’aansaday inuu ku laabto dad kiisii iyo magaaladiisii. Markey maqleen reer Bukhaara safarka bukhaari ee xagooda ah, farax iyo ray-reyn baa ka buuxsamay. Waxay diyaariyeen qaabilaad aan hore loo arag, xatataa magaalada duleedkeeda bey Teendhooyin ka dhiseen. Markuu Bukhaari magaalada yimid, wuxuu durbadiiba guda galay baarista Axaadiista Nabiga (scw) . Hase yeeshee waxaa damcay inuu handado,qash-qashaadna ka deyn waayey ninkii Bukhaara xilligaa waalli-ga (amiirka)  ka haa ee la oran jiray Khaalid Binu Axmed Ad-duhaley  ugana ahaa Khuraasaan dowladii Cabbaasiyyiinta.

  Wuxuu Imaamka ku yiri amiirkaas sida lagu yaqaan raga madaxda ah inay amar taag leeyaan, gurigeyga caruurta wax iigu bar, Bukhaari wuxuu si geesinimo leh ugu jawaabey, “Ma rabo inaan ku xadgudbo sharafta cilmiga oo la meeraysto iridaha guryaha madaxda, ee haddii cidi rabto iney aqoon kororsato ha timaado dugsigeyga.” Waalli-gii Bukhaara baa hadalka sheekha ku celiyey oo yiri “ Haddii wiilkeygu dugsigaaga yimaado, ha la fariisin ardada kale ee gooni wax ugu dhig.” Bukhaari baa yiri, “Qofna kama mancin karo xadiis dhegeysigi.” Oo macnaheedu yahay wiilkaaga gooni wax ugu dhigi mayo Imaamku Gacanta ayuu ku dhuftay dalabaadkii ka imaanayey Madaxtooyda taas oo ay ku guul daraysteen Culimo Badan oo joogta xili kasta, kuwaas oo ku mutaystay magaca meel walba looga yaqaan ee Culumaa’u Dowlah (culimada dowlada).

 Khaalid Ibnu Axmed, Waalli-gii Bukhara, wuxuu Imaamul Bukhaari ka eryey magaaladii uu ku dhashay ee uu ugu soo noqday inuu dadkeeda u faa’ideeyo waxuuna aaday magaalo kale oo ka tirsan Samarqandi oo dad qaraabadiis ah ay daganaayeen, laakiin  dul migaas kama faa iidin Amiirkii Khaalid ee Bukhaari wuu habaaray ilaahayna waa ka aqbalay oo Ninkii kasareeyey ee haystay Khuraasaan ayaa amray in xoolahana laga qaado xabsigana loo taxaabo Amiirkii isagoo Dameer saraan baa Jeelka ladhigay halkaas buuna ku dhintay Aakhirtaankii. (ilaahay waa caadil ee dulmi iska ilaali walibana midka culimada).

Waxaa kaloo Geesinimada kamida inuu ku haray Maka mudo badana uu u wareegayey dhulal badan inuu Cilmiga xadiiska kasoo horka laabto ilaahay na waa ku guuleeyey oo waxuu kasiiyey Qayb wayn. 

Geeridiisii

  Imaam ku waa ka xumaaday Tarxiilkaa lagu sameeyey  wuxuuna go,aansday  inuu xagaa iyo Samarqandi, aado markuuse muddo usoo jiro ayuu maqlay in dadku asaga isku khilaafeen, aaraa kala duwanna ka qabaan. Ka dib Imaam Bukhaari wuxuu goostay inuusan magaalada gelin ee uu tuulo u dhow dego. Waxaa la wariyey inuu markuu tuulada degey Allaah baryey oo uu yiri “ Allow dhulkii Ballaarnaa wa ila yaraaday ee I oofso”  ka dibna wuu xanuunsaday.

 Imaamku Asagoo xannuunsan ayaa ergo ka socota Samarqandi codsaneysana inuu magaalada soo galo u timid. Markuu ajjiibeyna xanuunkii baa ku sii kordhay. Imaamku wuxuu geeriyooday habbeenkii Ciidu-al-Fidri-ga ee bisha Shawwal kawda aheyd, 256H. Cumrigiisu wuxuu ahaa Imaamka 62 sano oo laba-iyo-toban habeen dhimman  markii la oof-saday Imaam Bukhaari. Waxaa hubaal ah in sanadkaas qoraxdii aqoonta cilmiga xadiiska dhacday. Waxaa damay oo shiiqay ilayskii aqoonta ee u ifayey shucuubtii degeneyd Samarqand, Bukhara, Baqdaad, iyo Nisaabuur. Imaam Bukhaari, Allaha u naxariistee, si weyn baa loo tabey, Ragii xiligaa joogey ee gabayaaga ahaa waxay mariyyeen gabayo  boroordiiq ah ooy ku cabbireen siday Imaam-ka u tabeen. 

Gabagabadii

 Ugu danbayntii waxaa halkaan inoogu sugan ku waana qaadasho iyo ku dayasho wanaagsan sida culimada Islaamku ugu dadaali jireen Barashada Sunada Nabiga ayna u gali jireen safaro dhaadheer oo aan dhulkooda ahayn iyagoo dalbaya khayr,waxaan kaloo ka faa iidaysanaynaa inuu cilmigu yahay midka la xifdiyo oo qalbigaaga ku jira ee uusan ahayn oo kaliya midka waraaqaha ku qoran, waxaan kaloo ka faa’iidaysanaynaa in ay muhiim tahay inaan ku camal falo waxaan baranay ayna noo kordhiso alle ka cabsi, dhowr sanaan, xalaal miirad iyo Cibaado.

 Waxaan kafaa iidaysanaynaa sida culimadu ay uga run sheegayaan cilmigooda ayna ugu adag yihiin diintooda dhib kasta oo ay kala kulmaan iyo inaysan isu dulayn qof ay bidayaan Mansab ama meeqaan dheeri ah, waxaa kaloo muhiim ah oo ogaanay in dadka ahlu xaqa ah la dhibi jiray xataa xili hore, ilaa Saacadu kadhacdona waa jirayaa dhibkaas marka waxaa nalooga baahan yahay Sabir dheeraad ah. 

Waxaa iyana la oran karaa waa Mucjiso Shiikh dhintay 1200 oo sano kahor oo hadana caan ka ah Caalamka Muslimiinta  oo dhan, taasna waxuu ku mutays tay, wuxuu jeclaaday Illaahay iyo Nabigiisa iyo Sunada Rasuulka oo uu xifdiyey oo ilaaliyey Illaahayna wuxuu ku abaal mariyey inuu magiciisu waaro loona duceeyo ilaa uu jiro qof Jecel Nabi Maxamed warkiisa (scw).

 Gabagabdii Imaamul Bukhaari waa bashar inagoo kale ah wuu gafaa wuuna asiibaa ma’han macsuum sida Malaa’igata ama Nabiyaasha (cs) wuxuu asiibay waan qaadan wuxuu ku gafayna waynu katagi sidaa waxaa ahaa hadalkii Imaamul Maalik ilaahay ha u naxariistee “qof kasta hadalkiisa waa laqaadan waana latuuri ilaa qabrigaan saaxiib kiisa ma’ahane” wuxuuna ula jeedaa Rasuulka (scw), Bukhaari ilaahay baan jano iyo wanaag uga rajaynaynaa Ilaahow Firdowsa kugu abaal mari, inagana ilaahay hanagu anfaco Cilmigiisa.

 Fg: Kitaabkaan waa dhaxal uu nooga tagay imaamku cidnana aan laga lahayn aadna u fudud oo labaran karo  ee yeynaan ka qadin dhaxalkaas wanaagsan, intaan kuma dhama Taariikhdii Imaamka waa qayb kamida wuxuu ka raadsan karaa qofkii siyaado raba kutub taan iyo kuwa kaloo fara badan.  

Muqadama Fatxul baariga          Xaafid ibnu xajar
Siyaru aclaamu Nubalaa   Imaamu Thahabi

Waxaa diyaariyey: Liibaan Beddel Shiikh Maxamuud

Kala xiriir: E-mail: risaala@msn.com --- Webmaster@risaala.com

Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

SU'AALO IYO JAWAABO:::: QUIZ

Daabacaad: SomaliTalk.com | 2004

  TAARIIKHDA ISLAAMKA

URL: www.SomaliTalk.com/taariikh

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
 



HTML CD