SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

GABOOYAHA iyo GYPSY

Waxaa mahad leh Allaha maamulka koonkani gacantiisa ku jirto, waxaan rabaa inaan xoogaa ka qoro Qowmiyada Gypsiga markii aan akhriyey qoraalo badan oo dadkan laga qoray aana garowsaday inay qabaan mid la mid ah ka ay qabaan qowmiyada Midgaha Soomaaliya.

Bugga
THE GYPSIES ee uu qoray Angus Fraser

Sida ku xusan buugga uu qoray ninka la yiraahdo (Angus Fraser) 1992, buugaas oo la yiraahdo (THE GYPSIES)  waxuu sheegayaa in dadka aan ka hadlaynaa uu asalkoodu yahay dad ka yimi Hindiya ka dibna dunida dacaladeeda aad ugu faafay, waxuu qoraagu xusay in dadkan qarnigii  16aad lagu arkay England iyagoo loo malaynaayo inay ka soo haajireen wadanka Masar.

Dadkani markii ay yurub soo galeen waxay ka muteen dulmi la mid ah kii ay qabeen dadka madow ee maraykanka markii uu socday ganacsigii dadka ,dadkan looma ogolayn inay galaan meelaha qaarkood ,meelahaa waxaa la suri jiray astaan ay ku aqoonsadaan inaan loo ogolay oo ah looma ogola gypsi (NO GYPSIES) waa astaan takoor, dadkani waa dad xirfadlayaal ah sida gabooyaha Soomaaliya, waxaana quursaday dadkii ay wadamadooda u soo qaxeen ,ka waran ka lagu  quursaday dalkii uu lahaa?!!.

Qoraagu waxuu xusay inay dadkan ka dhinteen dad badan waqtiyadii dagaaladii dunida halka gabooyahu ay maalin walba u dhintaan cida ay yahiin darteed, ila xasuuso jariimada ka dhacday sanadkan Hargeysa markii wiil gabooye ah lagu gubay gurigiisii goor habeen ah isagoo hurda uuna sidaas ku qur baxay iyo waxa ay ka qabatay xukuumada riyaale dembiilayaashii..

Dadka Gypsigu waxay mar walba qaataan diimaha looga dhaqmo meelaha ay joogaan,waxaa jira Gypsy Catholic, kuwo Protestans ah,kuwo Orthodox ah , iyo kuwo muslim ah oo ku nool dunida Islaamka  siiba koonfur bari yurub.

Bal ila akhri qisadan  oo ah ta igu khasabtay inaan dadkan wax iska weydiiyo.

Akhristow aan su,aal ku weydiiyee sidee noqdaa dareenka koox Aji ah marka qof midgaan ahi la soo istaago?, hadii aad ka warwareegtid jawaabta anaa ku baraaya ee ila soco:

Waxay ahayd goob shaqo waxaa yimi nin da'adiisu dhexdhexaad tahay oo ah Boosniyaanka dadka la yiraaahdo, waxaa i soo jeedisay gabar aan isla shaqayno intay ninkii daymo yasmo ku jirto ku fiirisay ayey tiri waa Gypsi waa dad xun, waxay ii raacisay magacaas waa ka xanaaqaan ha ku dhihin iimana sheegin sabab aan ku qanco. Maalin ka dib ayaan arkay wiil dadkan ah oo ku faanaayaa cida uu yahay, arintani waxay i soo xasuusisay sheeko ku qoran buuga la yiraahdo (African Warrior) oo sidan oo kale nin turjumaan ahi ku yiri midgahu magacooda ma jecla in lagala hadlo, ana waa igu sharaf dhac haddii aan midgaan kula raadiyo waxaa midgaan in la tuso  codsaday qoraaga buuga waxaana arin loogu soo gebagebeeyey inaan midgaan la tusi kari, ugu dambayntii qoraagii ayaa iskii u raadsay waxuu la kulmay nin ganacsade ah oo ku dadka ah kuna faanaaya, taasi waxay kuu cadanaysaa in dadka la dulmo mar walba laga been sheego.

Gebagebadii labadan qowmiyadood waxaa loo diiday in loola dhaqmo sida bini,aadanku u dhaqmo, ka waran sheekada soomaaliya caanka ka ah ee( 4.5) afar qayboob iyo qayb barkeed,yaa qadi lahaa haddii la dhihi lahaa (5 )shan qaybood.

Baro gypsigu waa dad aad isku dhibaato tihiine, Gypsiga ugu badani waxuu ku nool yahay yurub, gaar ahaan Yogoslaafiya, Romaaniya ,Spain iyo Bulgaariya.

 
Waxaa soo ururiyey Hussein Dualeh Dahir
Email: daahirjama@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 29, 2006

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD