SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA SOOMAALIYA


Agaasimihii Guud ee Range Resources oo is Casiley iyo Shirkaddaas oo Warqaddii Geeddi ku tilmaantay Wax aan la hubin....

Tarjumadii SomaliTalk.com | May 25, 2006

Warqad ay maanta (Khamiis May 25, 2006) shirkadda Range Resources u dirtay suuqa Ganacsiga ee Australia (ASX) ayey ku cadaysay in uu guddiga shirkaddaas iska casiley agaasimihii guud, Mr. Jim Marinis. Faahfaahin dheeraad ah lagama bixin sababta keentay is casilaadaas.

Mr. Jim Marinis waxaa lagu xusuustaa in uu bishii October ee 2005 uu shaaca ka qaaday in Agaasimayaasha Shirkada "Consort" ay ka mid yihiin wasiiro ka tirsan dowlad goboleedka Puntland, sidaasna waxa uu u sheegay jariidada The-Age ee ka soo baxda Australia.

Qoraalkii xilliggaas laga qoray ee waxa uu tibaaxay: ......in agaasimaha guud ee "shirkadan Range" oo magaciisa la yiraahdo Mr Marinis (oo ah kan hadda is casiley) uu sheegay in uu wax yar ka ogyahay "Consort", laakiin waxa uu si cad u sheegay "in agaasimayaasheeda ay ka mid yihiin wasiiro ka mid ah dawlada" (Puntland), arrintaas waxa uu October 7, 2005 u sheegay jariidad ka soo baxda dalka Australia, waxana uu ka gaabsaday in uu madaxdaas magacaabo, taas isagoo ka hadlayana waxa uu yiri "ma aqaan kuwa ay yihiin agaasimayaashu".

Waxa qoraalka Range Resources ee maanta lagu xusay in guddiga shirkaddaasi lagu daray Liibaan Muuse Boqor iyo nin kale oo magaciisa lagu sheegay Mr. Toufic Rahi. Waxa qoraalkaas ku xusan in Liibaan Boqor uu yahay Soomaali-Canadian, halka aan la xusin dhalashada Mr. Rahi (aan ka ahan in Mr. Rahi ku hadlo luqadaha Carabiga, Ingriisiga iyo Faransiiska uuna yahay Qareen). Waxaase jira warar SomaliTalk.com heshay ayaa tilmaamaya in Mr. Rahi uu ka soo jeedo ama xiriir la leeyahay jasiiradda Maldives oo ah meesha ay ka diiwaan gashan tahay "Consort ltd" oo ah shirkadda uu asaasay Terry Donnelly oo markii hore Puntland u yimid samafalka carruurta (Kids in Need).

Warqadda ay Range Resources u dirtay suuqa ASX waxa aad u cajaa'ib badnayd in ay shaki geliyeen xaqiiqnimada warqaddii uu Ra'iisul wasaaraha Dowladda Federaalka Kumeelgaarka ee Soomaaliya (DFKMG), Prof. Cali Maxamed Geeddi, u diray Madaxweynaha DGPL, Gen. Maxamuud Muuse Xirsi Boqor ee ku saabsanayd in sharci loo samaynayo khayradka dalka.

Warqadda Range Resources oo u hadleysa sidii qaab dowladeed ayaa tiri: "Warqadda ka soo baxday xafiiska Ra'iisul wasaaruhu ma aysan gaarin madaxweynaha Puntland, mudane madaxweyne Xirsi, markii lala xiriiray madaxweynaha DFKMG ahna ma uusan caddayn xaqiiqnimada warqaddaas. Dhawr wasiir oo ka tirsan DFKMG ahna kama aysan war qabin warqaddaas", waa sida ku qoran warqadda Range Resources.  Waxana ay hadalka ku xoojisey in inta uu Geedi uu ra'iisul wasaare yahay aan madaxweynaha Puntland ku taageerayn in la gaaro Soomaaliya oo midaysan. - waxaa halkaas ka soo shaac baxay sida ay Range resources u dooneyso in Puntland aysan ka shaqayn nabada Soomaaliya iyo isku soo dhowaanshaha dalka oo dhan si waxa ay doonayaan ay uga fushadaan dal kala qoqoban.

Ayagoo soo xiganaya hadalkii Madaxweyne Cadde Muuse Xirsi Boqor waxa ay yiraahdeen: Warqaddaas waxaa lagu dabacay dhawr website"

Halkaas waxaa ka muuqda sida ay shirkadani isaga indha saabayaan xaqiiqada iyo sida loo majara hababiyo arrinta rasmiga ah ee meesha taal - Arrinta meesha taal ma ahan "warqaddii waa la helay iyo lama helin", ee  waxay tahay yaa leh maamulidda iyo sharci u samaynta khayraadka dabiiciga ah ee qaranka Soomaaliyeed, shirkad aan cidna kula tartmin ma qaadan kartaa dhammaan xuquuqda khayraadka dalka, maxaa laga yeelayaa shikradihii hore loola galay heshiiska, lacagta ay shirkadaasi bixisay xaggee ayey ku dhacday, mashruucee lagu hor gelinayaa, yaase la xisaabtamaya.......



Garaafka oo weyn ka eeg halkan... Guji...

Taariikh

 Saami (Share)

 Isbedel%

19 May 2006 0.037 -5.13%
12 Apr 2006 0.038 -5%
Isbedelka Saamiyada April 12-May 19, 2006 ka eeg halkan.

Warqaddan ay maanta (May 25, 2006) Range Resources u dirtay suuqa ganacsiga Australia waxa ay ka dambeysey ka dib markii uu Ra'iisul wasaare Geeddi uu May 18, 2006 warqad u diray madaxweynaha Puntland uu ku muujinayo in sharci loo samaynayo khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya, iyo in dowaladda dhexe ay mas'uul ka tahay khayradka dabiiciga ah ee dalka oo dhan, arrintaas oo sababtay in ay hoos u dhaceen saamiyadii shirkadda Range Resources ay ku lahayd suuqada ganacsiga Australia, waxana dhacday in ay shirkaddaasi isla maalintii Xigtey (May 19) ay suuqa ganacsiga u sheegeen in ay joojiyeen iibsiga saamiyada, waxaana xigtey in May 22, 2006 uu suuqa ASX si rasmi ah uga saaray liiska sayladaha ilaa ay jawaab keeneyso Renge Resources.

Jawaabtaas ayaa noqotay warqadda ay maanta (May 25, 2006) u direen suuqa ASX, sidaasna uu suuqa ASX markale ugu ogaaladay in suuqa lagu kala iibsan karo saamiyadii shirkadaas.

Warqaddii range Resource u dirtay ASX May 25, 2006 ka akhri halkan... GUJI...


Warqadii uu qoray ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geeddi, oo ku taariikhaysnayd May 18, 2006, markii ay gaartey dalka Australia waxaa durbadiiba dhulka galay saamiyadii shirkadda Range Resources. 19 May 2006 Waxa ay saamiyada Range Resources hoos u dhaceen -5.13%, taas oo kadhigtay saamiyadeeda in lagu kala iibsado sentiyaal (0.037) lacagta Australia. Arrintaasi markii ay dhacday ayaa isla markiiba (May 19, 2006) shirkada Range Resources waxay warqad u direen suuqa Ganacsiga ee Australia, warqadaas oo ay ku weydiisanayaan in gebi ahaanba la hakiyo kala iibsiga saamiyada shirkaddaasi, (TRADING HALT ama eeg halkan...), ilaa ay qoraal ka soo saarayaan ama Talaada May 23, 2006 - Xilligaas markii la garey oo aan jawaab laga helin shirkada ayaa suuqa ASX waxa uu si rasmi ah liiska uga saaray kala iibsiga saamiyada shirkadaas eeg May 22, 2006. May 25, 2006 ayey Range Resources warqad u qortay ASX ay ku muujineyso in DGPL ay taageersan tahay shirkadan, sidaasna markale loogu ogaaladay in saylada lagu kala iibsan karo saamiyadooda.).
Suuqa ganacsiga Australia waxaa lagala xiriiri karaa: Halkan....

Waxaa xusid mudan: Markii ay soo shaac bexeen iska hor imaadyada Puntland ka jirey ee la xiriirey macdanta, ayaa waxaa bishii April 12, 2006 ay saamiyada Range Resources hoos u dheceen -5%, taas ka dhigtay in lagu kala iibsado 0.038, maalintaas ayey shirkadaasi hakad gelisey saamiyadeeda (EEG HALKAN), waxana ay sheegeen in ay qoraal soo saari doonaan . Qoraalkaas waxa ay soo saareen April 19, 2006 (EEG HALKAN...) , waxana ay ku sheegeen in DGPL ay taageero dheeraad ah siiday ayaga. Waxa kale isla maalmahaas soo baxay qoraal lagu soo daabacay warbaahinta Australia ooay Range Resources ku sheegtay in aan "Qofna kuma Dhiman Hawlgalkii Puntland", waxa markaas kor u kacay saamiyadii shirkadaas waxana ay gaareen 0.050. Waxana ay markaas Range Resources oo Cadaysay in ay Puntland siiso $200,000 doolarka Maraykanka Bil kasta sida heshiisku ahaa... (EEG HALKAN... ).

Dadka arrimaha dhaqaalaha odorosa waxa ay nidaamkaas ku macneeyaan waxa afka Australia lagu yiraahdo "Market Manipulation"... (Akhir qeexidda uu arrintaas ka bixiyey suuqa Ganacsiga Australia... Akhri... ENGLISH....)

QAAR KAMID AH WARAAQAHA RANGE U DIRTAY SUUQA ASX:

Doc. date Headline #pgs. PDF
25/05/2006 Puntland Update 3 PDF
25/05/2006 Reinstatement to Official Quotation 1 PDF
22/05/2006 Suspension from Official Quotation 2 PDF
19/05/2006 Trading Halt 2 PDF
02/05/2006 Heads of Agreement with Contact Resources Ltd 1 PDF
28/04/2006 Third Quarter Activities & Cashflow Report 10 PDF
26/04/2006 Assay Results from Preliminary Sampling in Puntland 4 PDF
21/04/2006 Korea National Oil Corporation Letter of Intent 1 PDF
20/04/2006 Further Government Support for Range in Puntland 3 PDF

Faafin: SomaliTalk.com | May 25, 2006


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD