SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA SOOMAALIYA


DFKMG oo Sharci u Samaynta Shidaalka Soomaaliya Kala Tashaneysa Qareeno reer Canada ah....
  • Tarjumadii SomaliTalk.com | June 3, 2006

Magaalada Jakarta oo ah meel aad uga fog Baydhabo oo ah xarunta kumeel gaarka ee DFKMG ayaa dabayaaqadii bishii April 2006 waxaa kulan ku yeeshay dersin lataliyayaal ah si ay u agaasimaan sharci loo sameeyo khayraadka faraha badan ee saliida ceeriin iyo gaaska aan weli laga faa'iidaysan ee dalka Afrika (Soomaaliya). Sidaas waxaa warka ku bilowday jariidada Globe and Mail qoraal ay daabacday May 10, 2006.

Lataliyayaal ka socdey madaxweyanaha Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed,  ayaa kulan ku yeeshay magaalaadaas aadka u durugsan ee Jakarta ee dalka Indoniisiya. 


Jay Park

Thomas Valentine


Calgary, Alberta, Canada

Isla xilligaas waxaa magaalada Calgary ee gobolka Alberta ee galbeedka Canada ka duulay qareenka reer Canada ah oo lagu magacaabo Jay Park, oo ka tirsan qareenada Macleod Dixon LLP, si uu u hoggaamiyo kulanka ka dhacayey magaalada Jakarta Indonesia.

Jay Park iyo qareenka kale ee jaalkiisa ah oo magaciisa la yiraahdo Thomas Valentine waxaa shaqaalaysiiyey (ama arrintaas sharci u samaynta shidaalka Soomaaliya iyo la tashiga u xilsaaray) Dowladda Soomaaliyeed si loo agaasimo xukuumad leh shidaal la rumaysan karo si loo soo jiito maal-gashadayaashu in ay maal-gashadaan geyiga uu burburiyey dagaalku, laakiin qaniga ku ah shidaalka (saliidda ceeriin).

Haddii wax kasta ay u dhacaan sidii loogu talo galay sharciga cusub (ee shidaalka Soomaaliya) waxa uu diyaar noqon doonaa xagaaga (2006).

"Kani (Soomaaliya) waxa uu ka mid yahay dalalka adduunka ugu saboolsan, laakiin waxaa dhici karta in uu ku fadhiyo qaar ka mid ah kaydka ugu weyn ee ah saliid ceeriin iyo gaas. Waxaan u baahanahay in aan xaqiijino in ay Soomaaliya ka faa'iidaysato khayraadkaas ayagoo uusan harayayn musuq-maasuq, iska-hor-imaad iyo rabshado," sidaas waxaa yiri  Jay Park (horraantii bishii May 2006) asagoo joogey xafiiskiisa oo ku yaal magaalada Calgary.

"Qiimaha shidaalka ama saliidda ceeriin oo is bedelaya ayaa waxa uu dowlado badan  ka dhigay kuwo su'aal ka keena in ay helayaan sedkooda. Arrinta hawsha badan u baahan waa sidii iyaga loogu caawin lahaa in ay helaan isu-dheelitir (ama isu-miisaamid) waxa ay tahay in ay helaan iyo waxa ay maal-gashadayaashu rabaan in ay  sabab uga dhigaan lacagta ay ku kharash garaynayaan mashaariicda," ayuu yiri  Mr. Park. (Ma ahan mid sahlan isu miisaamidaasi ayaa wargeysku faalladiisa ku daray.)

Waayadii hore, wadamada soo koraya ee hamuunta u qaba lacagta caddaanka ah (cash) waxa ay ku faraxsanaan jireen in ay aqbalaan lacag qararar (fixed payments/royalties) taas oo ay ku bedelan jireen in shisheeye uu maamulo lahaanshaha xuquuqda saliidda ceeriin iyo gaaska. Laakiin markii ay arkeen in lacagtu ay ku xerooneyso jeebka shisheeyaha oo ay shisheeyuhu ka faa'iideen qiimaha shidaalka oo si xawli ah kor ugu kacaya, ayaa dalal badani waxa ay ka guureen habkii loogu yeeri jirey nidaamka heshiiska ogolaanshaha (concession systems), waxana ay ku bedeleen nidaamyada loo yaqaan qaybsiga wax-soosaarka (production sharing), ama wadaagga (joint venture) ama qandaraaska shaqada (service contract), kuwaas oo xukuumadaha dalalkooda jooga siinaya awood dheeraad ah iyo faa'iido.
  • Dhowaan ayey ahayd markii uu ra'iisul wasaaraha DFKMG sheegay in sharci loo samaynayo khayraadka Soomaaliya, sidaas oo kale ayaa guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG uu arrintaas sharci u samaynta shidaalak xaqiijiyey markii uu booqashada ku tegey gobolada Woqooyi Bari ee Soomaaliya.

Isha Warka: http://www.theglobeandmail.com

Isha Sawirada: http://www.macleoddixon.com

Faafin: SomaliTalk.com |  June 3, 2006


  • Madaxweynaha DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo bishii September 2005 ayaa wax laga weydiiyey arimaha ku saabsan shidaalka laga baarayo Puntland ee DGPL ay tiri anagaa xaq u leh in aan saxiixano heshiis caalami ah, halka Cali Maxamed Geedi oo ah Ra'iisul wasaaraha DFKMG uu heshiiska Puntland iyo shirkadaha Australia uu ku tilmaamay waxba kama jiraan, waxa uu Cabdullahi Yusuuf ku jawaabey: "Fikradayda haddaad dooneyso waxa weeye sida sharciga, nidaamka iyo dastuurku qorayaan baan aaminsanahay anigu." ... "Sharci ahaan marka maanta in Puntland laga gar leeyahay anaa maanta qiraya, weliba Puntland-na waa ka imid, waana ku dhashay, madaxweyne waa  u ahaa, ninkii dembi gelayaa yeelkiis anigu lama wadaago, ninkii khalad gelayaa yeelkiis." (Eeg halkan..).

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD