SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA SOOMAALIYA


Range Resources oo Markale Dooxada Nugaal iyo Cal-Madow ka iibineysa Shirkad reer Sweden ah....


Lukas Lundin

Sawirka oo weyn.. ka eeg halkan

Maalmahan waxaa soo shaac baxay warar tibaaxaya in madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed uu si qarsoodi ah ugu ogolaaday shirkadda Range Resources in ay heshiis la geli karto shirkad laga leeyahay dalka Sweden, laakiin ka diiwaan gashan magaalada Vancouver ee galbeedka dalka Canada, shirkaddaas oo lagu magacaabo Canmex (Minerals Corporation), taas oo ka hawl geli-jirtay dalka Mexico (CANADA + MEXICO= CANMEX), waxaana shirkadaas madaxweyne u ah Lukas H. Lundin oo sannadkii 1958 ku dhashay, kuna barbaaray magaalada Stockholm, Sweden.

Range Resources warqad ay u dirtay suuqa ganacsiga Australia ayey ku sheegtay in Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf uu si rasmi ah u aqbalay hawlaha ay wadaan Range Resources iyo Canmex (Minerals Corporation). Heshiiskaan cusub oo ah qabyo aan weli si rasmi ah u dhex marin Range iyo Canmex ayaa CANMEX siinaya 80% xuquuqda rajada laga qabo macdan/shidaal laga qodo dooxada Nugaal iyo buuraha Cal-madow /Darin.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowlada Federaalka oo arrintaas cadaynaya ama sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya uu heshiiskaas ogolaaday iyadoo weli la sugayo xeerkii uu Ra'iisul wasaaraha DFKMG sheegay in loo samayn doono macdanta iyo shidaalka Soomaaliya inta aan shirkadna heshiis lala gelin.. (Waxaase jira in afhayeen u hadlay Puntland uu sheegay in madaxweynaha DFKMG iyo madaxweynaha DGPL ay si rasmi ah u ogolaadeen heshiiskaas).


Cal Madow, Soomaaliya (Sawirka: www.nationalgeographic.com

Buuraha Calmadow | Isha sawirka: Laasqoraynet

Ma aha markii ugu horeysey ee shirkadda Range Resources (iyo Consort - Kids in need) ay  shirkado kale heshiis kula gorgor-tamaan dhulka Soomaaliyeed, heshiisyadaas oo ilaa hadda aan wax natiijo ah ka soo bixin, sida  heshiiskii ay Range Resources la gashay shirkada reer Kooriya ee KNOC. Waxaa taas ka sii horeysey heshiiskii burburay ee Range iyo MEPS oo ahayd shirkad laga leeyahay Bariga Dhexe.

Waxaa jira warar sheegaya in shirkada CANMEX ay tagto goobo ay ka socdaan rabshadaha ama dagaalada sokeeye si ay macdan uga baaraan, meelaha la xusayna waxaa ka mid ah dalka Congo (Democratic Republic of Congo) oo ah dal uu dagaal ka socdey muddo 10 sano ah.

Dowlada Federaalka waxaa in dhoweyd laga sugayey in ay xeer u dejiso guud ahaan macdanta iyo shidaalka dalka inta aan wax heshiis ah lala gelin shirkado shisheey. Ilaa hadana lama oga xilliga uu soo bixi doono xeerkaasi, kaas oo haddii la sameeyo noqonaya mid hubinaya shirkadaha imanaya dalka, lana xisaabtamaya, si qoto dheerna loo baarayo waxa dadka Soomaaliyeed ay ka faa'iidayaan heshiisyada lala gelayo shirkadahaas - umase muuqato Dowladda Federaalku mid ahmiyad weyn siinaysa soo dedejinta samaynta xeerkaas macdanta Soomaaliya.

Tarjumadii: SomaliTalk.com | Oct 14, 2006


Garowe:Heshiis Cusub oo ku saabsan baarista khayraadka Puntland oo dhexmaray Shirkadaha Ranges iyo Canmex.

Sida uu Jimcadii shaaca ka qaaday  Agaasimaha Macdanta iyo shidaalbaarista DGPL  Hassan Osman Mohamud(Allore) ayaa shegay in uu heshiis dhexmaray   shiradha Range resource iyo conmex, Conmex ayaa ka soo jeeda wadanka Canada waana shirkad si wayn looga yaqaano dunida, waa sida uu warka u dhigay'e.

Range resources oo in muda ah ka shaqaynaysey sidii loo soo saari lahaa khayraadka puntland isla mar ahaantaana ay intii ay kugu dajirtay hawlaha baarista macdanta ay kaga baxday lacag badan oo ay gacanta u galisay madaxda Puntland lacagtaasoo aan ilaa iyo iminka lahayn halka ay ku danbaysay  aay ku guulaysatay inay heshiis bilow ah la gasho shirkad Canadian ah oo lagu magacaabo Canmex, waa sida warku u dhigay'e.

Shirkada Range Resources ayaa ah shirkad sanadihi ugu danbaysay ku hawlanayd sii ay mar u soosaari lahayd khayraadka shidaaliyo macdan ee puntland taasoo ay intii ay kugudairtay hawlaahas ay dadbadani ku geriyoodee bilowga markii ay timid deegaanka Majiyahan dadkaas lalaayaya ayaan ilaa iyo hada wali la isaga xaalin iyada oo ay taasi taagan tahay ayaa hadan Shirkada Range Resource waxay heshiis cusub lagashay shirad kale oo lagu magacaabo Canmex oo ah canadian waxayna shiradani cusub shidaal iyo macdan ka baaraysaa deegaanka Gobalka Nugaal  sida ku cad Heshiika labda shirkadood wuxuu tibaaxayaa in shirkada Comex ay ka howlgayso Nugaal iyo Darin, Waxayna labdaa goobood ka qodaysaa afar ceel oo shidaal baaris ah, kuwaas oo ay gelinayso dhaqaale dhan $50Million Xiliga baaritaanku socdo lamana saadaalin karo sida lagu helayo lacagtaas maadaama horay masuuliyiinta Puntland inta loogu gacan galiyay lacago badan aan waxba lagahayn, waxaadna moodaa in madaxda Puntland ay daneeyaa oo qura sida ay hanti u tabcan lahaayeen balse aaney kuba jirin waxqabad daacad loo yahay.

Labada shirkadood waxay mudo 4 asbuuc ah ku soo diyaarinayaa xeerka iyo qaabka faa’iido wadaaga waxsoo-saarka, Markaas oo ay DGPL iyo shirkadaha maal gelinta samaynaya ay kawada xaajoonayaan saamiyada iyo xeerarka wada shaqaynta, xeerkan aya waxaa qayb ka ah dawlada somalia  oo iyaduna dhankeeda ansixisay sada lawada cadaynayo. 

Isafgaradka labada shirkadood waxaa taageero buuxda siiyey, Madaxwaynaha Dowlada Federalka Somalia Abdullahi Yusuf Ahmed iyo Madaxwaynaha DGPL Gen: cade muusei.

Heshiiskan ayaa waxaa la  xaqiijinayaa in uu  taageero buuxda ka heley Dowlada Federaalka Somalia iyo Dowlad Goboleedka Puntland lamana garan karo sida uu u meel mari karo maadaama ay horay Range Resource ugu fashilmatay sidii wadanka khayraadkiisa u soo saari lahayd waxaana jira oo durba soo baxaya tuhun cusub oo ka imaanaya mudhtamaca reer Nugaaleed  kaaso ku saabsan halka ay martay lacagtii loogu talagalay dhismaha garoonka Garowe.

Sidoo kalena waxaa wax la iska waydiinayaa lacagtan faraha badan leh ee loogu talagalay baaritaanka  inta uu socdo sida uu u noqon lahaa mid aan gacanta u galin kooxo danaystayaal ah sidii ku wii hore oo kale, wali dadku shaki ayay ka qabaan heshiisyo cusub iyo ku wii hore oo ay dadbadan ku dhinteen hanti badana oo la balanqaadayna lagu. 

A/rizak koronto
Garowe Puntland
SomaliTalk.com

Range oo Nugal ka iibisatay shirakad kale...
12 Oct 12, 2006, 21:45

Shirkada la magac baxdey Range Resources ayaa aduun lagu qiyaasay $67.50 million Dooxada Nugaal kaga gadatay shirkad Canadian ah oo lagu magacaabo Canmex.

Afhayeen u hadley shirkada Canmex Minerals ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay weli mid qabyo ah "Non-binding Memorandum of Understanding""  kaas oo siinaya 80% xuquuqada rajada laga qabo in shidaal laga soo saaro Dooxada Nugaal.

Taj-Palce: Hotelka Cade iyo Gagaab ka daganyihiin Dubai

Sarkaalkan ayaa sheegay in shidaalka lagu malaynayo in uu ku jira Nugal Valey uu la mid yahay midka Yamen.

Shirkada Range Resources ayaa horay u guuldaraysatey in heshiis kan la mid ah la gasho shirkada Korean ah oo lagu magcaabo KNOC.

KNOC ayaa dib ugu noqotay heshiiskan kadib markii ay shaki ka muujisay in ay Range Resources sharci u leedahay in ay iibsato xuquuqda goobaha lagu maleynayo shidaalka PL kaas oo horay ay baaritaano ugu sameeyn jireen shirkado Maraykanka ah intii aysan bur-burin dowladii Maxamad Siyaad Barre.

Heshiisyada noocaan ah ayaan  noqonkarin mid taabagal tan iyo inta xal loo helayo khilaafka siyaasdeed ee ka jira guud ahaan dalka Somaliya.

Range Reasoources ayaa tan iyo intii ay ku guuldaraysatay in ay wax howl ah ka qabato degamada Puntland ayaa waxa ay dadaal ugu jirtay iibinta heshiiska ay la gashey Madaxwayne Cade.

Isha: Garowe Online, Dubai


  • Consort waxaa asalkii laga diiwaan geliyey dalka Maldives. Si aad wax uga ogaatid waxaad la xiriiri kartaa Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershedaha ee Maldives [Ministry of Trade and Industries] www.trademin.gov.mv

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD