SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA SOOMAALIYA


 Ururada Siyaasadda Puntland siday u arkeen Wareegtadii Madaxweynaha: Waraysi Guddomiyaha Ururka RAMAAS.

  • "...dalka khayraadkiisa waxaa la soo saari karaa marka nidaamka u degsan Dalka lagu dhaqmo, oo la ilaaliyo, haddiise aan la ilaalin Dastuurkii Dalka, Waxbaa la soo saarayaa waa waxba kama jiraan, waana hadaladii horey looga bartay oo ahaa iska dheh, oo ah qawda Maqashii oo qursiga ka cun...." Daahir Ciiro
     
  • In idaacadaha,wargeysyada iyo qalabka kale ee warbaahinta tallaabo sharci ah oo adag laga qaado,haddii ay si toos ah iyo si dadbanba u dhiirri-geliyaan kuwa maxaakimta sheegta. Waxaa sharci-darro ah sheegashada urur siyaasadeed ama diimeed, iyadoo ciddii lagu helo caddaaladda la marinayo loona cuskanayo shuruucda Puntland u degsan." Cadde Muuse
Ramaas Ciiro
Daahir ciiro

Xisbiga Ramaas oo si kulul uga jawaabey Wareegtidii Madaxweynaha DGPL

Madaxweynaha DGPL Cadde Muuse Xirsi ayaa soo saaray Wareegto ku saabsan amniga siyaasadeed ee DGPL (Wareegtada dhanka hoose ee qoraalkan ayaad ka daalacan kartaa.)

Wareegtadaas waxaa Madaxweynuhu ku xusan in wax Urur siyaasadeed ama diimeed midna uusan ka jiri karin Goboladda Puntland.

Haddaba, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee RAMAAS: Daahir Ciiro ayaan arrintaas ka waraysanay sida ay u arkaan, wuxuuna ku Jawaabay Guddoomiyuhu.

Mudane Daahir: Waxaa Nasiib daro ah, in Madaxweynuhu uu fagaareyaasha uu isla soo taago, hadalo ama Digreetooyin aan waafaqsanayn nidaamka iyo Dastuurka DGPL sida uu yiri Madaxweyne Cadde waxaa ka mamnuuc ah Axsaab siyaasadeed, hadalkaasi wuxuu cadaynayaa in uusan ku dhaqmin kuna dhaqmi doonin, nidaamka Dastuuriga ah ee Dalka maxaa yeelay Puntland Dastuurkeedu wuxuu dhigayaa in Puntland ay ku dhaqmayso nidaamka xisbiyada badan, qodobada kala ah 12,13,14 dhammaan qodobadaasi iyo kuwo kaleba waxay ka hadlayaan ku dhaqanka Nidaamka xisbiyada. Haddaba, hadalka Madaxweynuhu wuxuu u dhacayaa in uusan Doorasho ku imaan si sharci ah ee uu yahay Nin dalka xoog ku qabsaday, maxaa yeelay uma hadlin sidaas haduu og yahay in Golihii shalay doortay uu yahay mid kula xisaabtamaya gefefka sharci ee uu caadaystay.

SomaliTalk.com: Mudane Guddoomiye sida ka muuqata Digreetadda Madaxweynaha ma jirto wax urur ah oo horay uga sharciyeysnaa Puntland, marka sow lama oran karo Ururkiinu sharci daro ayuu ku shaqaynayey mudadii uu jiray?.

Mudane Daahir: Waad mahadsan tahay, Horta waxaa is weydiin leh, sideebuu ku sharciyoobayaa xisbigu, ma golaha xukuumadda ayaa laga rabaa Diiwaan gelinta mise Golaha Garsoorka, mise Golaha Wakiiladda, jawaabteedu waxay noqonaysaa, waxaa iska leh sharciyeynta, Golaha Garsoorka sharciyeyntaas oo ah Diiwaan gelin Maxkamadeed, xisbiguna waa leeyahay Diiwaan gelin Maxkamadeed, waxaana laga diiwaan geshay Maxkamada 2005 Bishii 6-aad. sidaas ayaana lagu oran karaa Xisbigu waa sharci.

Somalitalk.com: Mudane Guddoomiye, waxaa dhawaan lagu qabtay Hoolka Shirarka ee PDRC shir kaas oo la sheegay in Bulshada Reer Nugaleed isku raaceen in la fuliyo Barnaamijka Dawlada ee ku saabsan soo saaridda khayraadka Dalka waxaana jira dad arrintaas ka soo horjeeda, idinku ka urur ahaan sidee arrintaas u aragtaan?.

"...dalka khayraadkiisa waxaa la soo saari karaa marka nidaamka u degsan Dalka lagu dhaqmo, oo la ilaaliyo, haddiise aan la ilaalin, Dastuurkii Dalka, Waxbaa la soo saarayaa waa waxba kama jiraan, waana hadaladii horey looga bartay oo ahaa iska dheh, oo ah qawda Maqashii oo qursiga ka cun...."
Guddoomiyaha xisbiga Ramaas

Mudane Daahir: Waa su'aal aad u fiican, walaal dalka khayraadkiisa waxaa la soo saari karaa marka nidaamka u degsan Dalka lagu dhaqmo, oo la ilaaliyo, haddiise aan la ilaalin, Dastuurkii Dalka, Waxbaa la soo saarayaa waa waxba kama jiraan, waana hadaladii horey looga bartay oo ahaa iska dheh, oo ah qawda Maqashii oo qursiga ka cun. Haddii dalka wax laga soo saarayo, ama horumar la higsanayo oo maamulka Cadde uu ka shaqaynayo waxaa lagu arki lahaa iyagoo ka shaqaynaya adeegyada Bulshada, oo aysan jirin wax ay ka qabtaan, sida waxbarashada, Caafimaadka, wadooyinka iyo Nabadgalyada.

Somalitalk.com: Mudane Guddoomiye ugu dambeyntii, Waxaa dhawaan la furay Kalfadhigii Golaha Wakiiladda DGPL oo hadda socda, Madaxweynaha DGPL wuxuu ka akhriyey furitaankii kalfadhigaas khudbad aad u dheer oo dhinacyo badan taabanaysa, maxay kuula muuqataa Khudbadaa Madaxweynaha?.

Mudane Daahir: walaal waad mahad santahay, Khudbadaas Madaxweynaha sida wax loo qoro, ama hadal loo yiraahdo waa fududahay, sida aynu uga baranay Madaxweynaha DGPL ilaa iyo mudadii Doorashada ilaa iyo Maanta, sida aynu uga baranay Barnaamijkiisii siyaasadeed ee uu ku khaldayey Golaha Wakiiladda, iyo shacab weynaha Puntlandba.

Haddaba uma baahna Puntland hadal, iyo qoraal quruxbadan oo sida loo yiraahdaa ay fududahay laakiin waxay u baahan tahay ficil iyo waxqabad dhab ah, iyadoo laga bilaabayo adeegyada Bulshada, dalkii horumar ku soo socdana waxaa laga gartaa axdiga dalkaas oo la ilaaliyo iyo dadka oo u wada jeesta tacliinta. raadadkaas ayey leedahay horumarku lagumana hayo Madaxweynaha iyo Golihiisa xukuumadda toona, hadda ka dibna ma aha mid laga sugayo.

Somalitalk.com: Mudane Guddoomiye ugu dambeyntii, Maxaad u soo jeedin lahayd Bulshada Reer Puntland iyo Bulsho weynta soomaaliyeedba.

Mudane Daahir: Aad iyo aad ayaan kaaga mahad celinayaa Su'aashaas qiimaha badan leh, oo ah gebogebada waraysigan, waxaan u soo jeedinayaa, Bulshada Puntland, in ay ka tashato xukuumaddaas Cadde Muuse oo ku shaqaysa qursiga ka cun waxba hawqaban, kuna tashado sidii dalka iyo dadka lagu badbaadin lahaa.

Gen. Cadde oo sheegay in "Boosaaso ay tahay Magaalo Madaxdii...."... GUJI

Dhanka Bulshada Soomaaliyeed, waxaan ugu baaqayaa meelkasta oo ay joogaan in ay xabada dhigaan wixii u dhexeeyana ay ku dhamaystaan wadahadal, dhiig dambe oo soomaaliyeed oo daata waxaa laga dhaxlayaa burbur hor leh iyo isu soo hilow la'aan soo korodha, iyadoo hadda ay Soomaalidu ku soo jirtay in ay dib isugu soo hilowdo, hadaba walaalahayga Maxaakiimta waxaan u sheegaynaa waxa ay ugu baaqayaan Jahaadka in uusan ahayn Jahaad waayo waxaa is laynaya ee hubka isku qaadanaya waa Soomaalida Islaamka ahayd, waan ognahay waxa kaliya oo soomaali midayn kara waa Diinta islaamka ku dhaqankeeda, waxaana lagu heli karaa kacaan islaami ah oo ay dhammaan ka wada tashadaan bulshada Soomaaliyeed ee ku kala qoqoban Goboaldda Dalka. uuna kala qoqobay Dagaalka sokeeye oo wali maanta dalka ka muuqda.

Somalitalk.com kala soco wararka iyo waraysiyada xiisaha badan insha allaah. (Hoos ka akhri wareegtadii madaxweynaha DGPL).

Waxaa isku soo dubaridey:
C/Risaaq Koronto, SomaliTalk.com, Garoowe


Galkacyo: Wareegto uu soosaaray madaxwaynaha puntland ayaa lagu mamnuucay shirarka siyaasada iyo xisbiyada madaxbanaan.

Wareegto uu soo saaray madaxwaynaha DGPL Gen: Cade muuse ayaa waxaa lagu mamnuucay dhamaan shirarka siyaasada, xisbiyada sida ka muuqada qoraalka wareegtada oo ka kooban 5 qodab.

Inkastoo lasheegay in qoraalkan ku saxiixan yahay madaxwaynaha puntland hadana kamamuuqato astaanta madaxwaynaha DGPL si cadna qoraalkaan looguma baahin waaxyaha qaabilsan warfaafinta, saxaafadana si toos ah looma soo gaarsiin, waxaase lagu dhex arkay degaanka Puntland.

Qoraalka wareegtadan ayaa sidan u qornaa:

05-Nov 2006

Ku : Wasaaradda arr.gudaha,amniga & DDR,
Ku : Xeer Ilaaliyaha guud ee Puntland,
Ku : K/S Taliyaha ciidanka Booliska,
Ku : Agaasimaha guud ee hay’adda PSS,
Ku : Guddoomiyayaasha gobollada Puntland,
Ku : Guddoomiyayaasha degmooyinka Puntland,
Ku : Taliyayaasha qaybaha Booliska,
Ku : Taliyayaasha saldhigyada Booliska
Ku : Dhammaan xubnaha hay’adaha sharcifulinta

Iyadoo la tixgelinayo xaaladaha siyaasadeed iyo nabadgelyo ee qaybo Soomaaliya ka mid ah ka soo cusboonaaday,

Iyadoo maanka lagu hayo xaqiiqada ah in Puntland ay tahay geyi nabadeed,nidaam dimoqraaddi ahi ka taabba galay oo wax-soo-saar iyo horumar u gudubtey,

Iyadoo la meelmarinayo siyaasadda dowladda iyo mas’uuliyadda dastuuriga ah ee ka saaran kuna waajibineysa sugidda amniga dadweynaha iyo badbaadinta puntland dad iyo dalba,

Iyadoo la fulunayo go’aamadii golaha xukuumadda DGPL, shirkiisi November 02, 2006 laguna qabtay magaalo-madaxda gobolka Mudug ee Gaalkacyo,

Waxaan go’aamiyeya fulinta awaamirta soo socota :

1- In la qabqabto,caddaaladdana la hor geeyo koox ama qof kasta oo ku kaca abaabul, kicin, jahwareerin bulsho iyo fidin warar lagu taageerayo kuwa maxaakimta sheegta ee uu yoolkoodu yahay inay Soomaaliya shaar diimeed ku hantaan,iyadoo sida la ogsoon yahay ay falsafaddoodu tahay qabiil ay wax ku xukumaan iyo fowdo ay Soomaaliya ku fidiyaan.

2- In idaacadaha,wargeysyada iyo qalabka kale ee warbaahinta tallaabo sharci ah oo adag laga qaado,haddii ay si toos ah iyo si dadbanba u dhiirri-geliyaan kuwa maxaakimta sheegta.

3- Waxaa mamnuuc ah in shirar siyaasadeed lagu qabto hoteello,guryo iyo goob kastoo kale,iyadoo aan fasax laga haysan wasaaradda arr.gudaha,amniga & DDR.

4- Waxaa la qabanayaa, caddaaaladdana la hor geynayaa ruux ama koox kasta oo lagu ogaado inay Puntland ka dhex fulinayaan barnaamijka iyo ujeeddooyinka kuwa maxaakimta sheegta.

5- Waxaa sharci-darro ah sheegashada urur siyaasadeed ama diimeed, iyadoo ciddii lagu helo caddaaladda la marinayo loona cuskanayo shuruucda Puntland u degsan.

Haddaba,waxaa hay’adaha ay wareegtadani tooska ugu socoto iyo dhammaan mas’uuliinta dowladda la farayaa in si buuxda loo fuliyo qodobbada wareegtadaan,iyadoo gacan adag loo la tegeyo ruux kasta oo af iyo addinba iskugu daya inuu wax yeelo nabadda, xasiloonida iyo jiritaanka Puntland.

Waxaa Saiixay:Maxamuud Muuse Xirsi
Madaxweynaha dowladda Puntland

###

Waxaa isku soo dubaridey
C/Risaaq Koronto, Garoowe.

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 5, 2006

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD