SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
DURUUSTA - WAAYAHA

"Jabkeygii iyo kii Walaashey"

Qaybta 4aad:

Al-Hassani
abuzuhri1@hotmail.com

Mudo haddii aan maqna ayaa waxa iga dhamaadey samirkii, aniga dhibka waan ku adkeysan lahaye walaashey ayaa iga baryeyso inan ukeeno daroogadii, anigana mahayo lacag aan kusoo iibiyo, wadada kali ah ee ii furan waa inan nimankii dib ugu laabto oo waydiisto ‘inay’ gacan ii fidiyan!

Xaaladii walaashey ayaa kasii dareysa maalinba maalinta kadanbaysa, waxay iga baryeysa inan si’aan dhahabo aan wax un ukeeno!

Sheydan baa igu yiri: Horta hore, weydi Sarrah arinta uu ninka dalbaday, haddii ay waafaqdo, wax ay khasaarayso ayaaba iska yar, cid ogaanayso oo aan adiga, ayada iyo ninka aheyn majirto!

Tankale, waa inaad ku adkeysa saaxibka inuusan cidkale usheegin oo ay arintu sir ahaato! 

Taladii uu sheydanka ii sheegey ayan usoo bandhigay Sarrah anigoo kuleh, “Ninka daroogadan haya, adiga ayuu kuraba marka uhoreysa, wuxu doonaya inuu kaa helo waxa uu codsado, kadib ayuu nasiinaya wax alle iyo waxan ubaahano! Wax dhib majiro oo  waan iska soo noqonayna, cidkale oo aan wax ugu baahanahey majirto mar danbe!

Waxay iigu jawaabtey ayadoon kalabo labayneyn “ Diyaar ban aheye nakeen!”

Miskiin, waxan kutalaleyba laliidata, isma xukunto oo xararada daroogada ayaa hogaamineyso! 

Waxan dajinay sidii aan guriga ugu bixilaheyn anigoon nala arag!

Sidan usoconay ayaan albabka ugu galney ninkii shaydanka ahaa. Wuxu iga codsadey inan soo yara wareego inta uu kadhameysano howshiisa! Ha ila yaabin, damiir majiro, darooga umba noo daran!

Ilaa iyo saacad haddii aan kamaqna ayan usoo galay ayagoo wada fadhiyo oo ay walaashey qaar qaawantahey!! Marka aan albabka kasoo galay, urka Horeineka aya madaxa igu dhuftey ilaa aan miir daboolmay oo ay afka iigu qabteen!

Bartii ayan fadhiisanay Duhurka kabacdi ilaa Salaada Cishaha anagoo marna cabayna, marna cunayna daroogadii!!

Halaageygow, maan iska dhinto intanan fasahadin… ilaahayow iska key dil! 

Sarrah oo xariir toos layeelatey ninkii! 

Gurigii ayan ku soo noqonay, waxadba mooda inan nalatabin! Walaashey ayaan ku iri: Naaya dhagayso, waa markii kugu horeysay, kuguna danbaysay oo aad ninkas utagto!

Show, nacaladi hakudhacdee, wuxu siiyey telephonadiisa iyo cinwaankiisa oo waaba balansanyihiin! Mar alle iyo marka ay ubaahato iimaba baahno oo toos ayey ula xariireysa!

Waxan arka walaashey oo uu batey bixitaankeeda, ayada iyo walaashey naga yar oo marwaliba ubaxaya suuqa bilaa sabab la’an!

Waxay sheegeysa inay isbitaalka aado, waxay muujisay inay rajo kaqabto inay kunoqoto mac’hadkii ay dhigan jirtey! Aabahey ayaa xoogiisa iyo macrifadiisa adeegsadey inuu kuceliyo; qoyskii oo dhan ayaa kufarxay arintas! 

Maalin, mid kamid ah saaxibaday ayaa soo jeediyey inan booqasho ugu tagno midkale oo groupka kamid ah! Yaa waylii, waxan utagay walaashey oo lajoogta oo dhabtiisa kufadhido!! Xanaag ayan laqarxay; Walaashey ayaa inta istaagtey igu tiri: Maxa ikaa dabo dhigay, sow xur ma’ahi oo waxan rabo masameynkaro?

Ninkii saaxibkey ayaa iqabtey isagoo isiiyey suntu dilaaga ah ee hilmaansiiso qofka wax kasta oo kudheer oo ugu dhigto waxa ugu liito ee aan laqaymeyn!

Anigii iyo saaxibkey ayaa dib ugu soo noqonay gurigii, walashey ayey ugu ciyaarayan sida ay doonan anigana, sidii xayawankii ayaan halkan soo fadhiya oo damiir majiro!

Salaada casar markii lagaarey ayaan guriga kusoo noqonay anigoo kuwareersan wixii aan sameynlahaa!  

Ceeb nooma yaro, caqli nooma badbaadin, sharafna hasheegin, mustaqbal iyo noolal waan katakhalusnay, waxkasta oo noolasha suurta galinlahaa gacan kuma hayno!!! 

Waxa kunoolahey xaalado kala duwan, marka aan kasoo miirsado daroogada calol xumo ayaa iqabato, marka aan cabsanaheyna waxan kujira qosol iyo … walaahi waa noolasha xoolaha oo kale balse mid kaliidato ayaan kujira! 

Geeridii Sarrah  iyo burburkii qoyskanaga! 

Maalin sidii loo joogay, goor ay saacadu mareyso sagaalka subaxnimo, Aabahey ayaa telephoneka qabtey “Hello..Hellow” Waa policeka,waxay leeyihiin “Si deg deg ah kusoo gal saldhiga…!” 

Odeygii, markii uu sii istaagey saldhiga, waxa loo sheegey Qiyaamihiisa, arin uu  xamili waayey… maalmo kadib naxdintii ayuu udhintey,

Arintan darteed, hooyadey waxay weydey labadeeda indhood, magaranaysan waxa dhacay?

Walaashey iyo mid kamid ah asxaabtey aya waxay aadeen meelaha lagu nasto ee magalada kabaxsan, ayagoo cabsan ayuu gaari lagadoomay, isla goobtii ayey kudhintey! Geeri.. Ceeb…Cadaab! 

Walaahi waa musiibo uu dhagaxa la’ooyo, buuraha ladhawaaqan! Waa dhamaasho…! Sarrah, adiga gacmahaada kuma keensan balse kuma aadan fikirin maalin…!

Sarradii wanaagsaneyd ayaa dhilo noqotey, qoftii dhowrsanayd ayaa kubiirtey daroogaystayaasha… ilaa ay sidas kudhimatey!

Yaa Allah, maxa igu dhacay oo aan walaashey ugu xayuubiyey wanaagas! Gacanteyda ayan kugeeyey jahanamo… aniga ayaa dhaxalsiiyey sumcad xumidada ay kudanbaysay! Yaa Rabbi, maxan sameeya? Ilahayow badalkeeda aniga icadaab! Yaa Rabbi, waad ogtahey in ladulmiyey… aniga ayuu ahaa kii dulmiyey, aniga ayuu ahaa kii kafogeeyey jidka toosan ayadoon warmoga ah! Ayadoo wanaageyga doonayso ayaan fasahaadiyey, Ilahey hanacalado daroogada iyo dadkeeda! 

Aabahey wuxu dhintey maalmo kadib, hooyadey dib danbe uma hadlin wixii maalintaas kadanbeyey, aniga waxan wali kujira jidkii madooba, caruurta iga yarna waxay saaran yihiin Jaxiimo qarkeeda haddii uusan Allah badbadin! 

Al-Hassani
abuzuhri1@hotmail.com

Daabacaad: SomaliTalk.com | Dec 21, 2004

Afeef: Aragtida Qoraalkan waxa aleh qoraaga ku saxiixan

. “Warhoy Dadow aniga Madilin Ninkan Laakiinse Waxaan Dilay Nafkale!”
.
Sideed u seexataa anagoo xaaladan kujirna

. Sawirkan Lama Ogala, Waxan Rabna Sawir Midab ah

. Cajalad Video ah ayaa burburisey noolasheyda

QAYBTA 3aad QAYBTA 5aad

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
SHEEKADII KIISHKA... GUJI
 



HTML CD