SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
DURUUSTA - WAAYAHA

"Inay na'anfacaan ayaan udhalney mise inay nadhibaan!"


Inkastoo aanu cimrigeyga dhaafin 47 sano hadana cidii i'aragta waxan ula muuqda inaan dhaafey 70kii. Waxaa sidaas ii galey waa dhibaatada lasoo gudboonaatey noolasheyda.

Harjadka noolasha!
Waxaan xooga(saarney aniga iyo ninkeyga) sidii aan utarbiyeylaheyn wiilka yar ee aan 'kaligiis' caruur kaleenahey. Waxan siiney dhamaan wixii uu ubaahna anagoo naftanada kaxarimney wax raaxo layirahdo.

Waxan juhdi kubixiney sidii aan  uxaqiijin laheyn najaaxiisa, iyo sidii uu ugu noolaanlaha xayaato kafiican taan kunoolnahey iminka.

Sidas ayey maalmuhu iyo sanadaha kudhamadeen ilaa uu  kabaxey jamacad kutaal wadamada reer galbeedka, isagoo kubaasay darajo aad iyo aad usareysa. Waxa loo dhiibay jago(shaqo) aad iyo aad usareysa oo laxariirta takhasuskiisa naadirka ee uu soo bartey!

Abaal gud!

Ninkeyga wuxuu ahaan jirey shaqaale (hoose) oo qaata mishaar aad uliita. Mishaarkiisa naguma filneyn sidaasi darteed ayaan kushaqeyn jirey khadaamad(housemaid) ahaan, guryo aay leedahey shirkad iyo sidii aan ukabilahaa biilka reerka gaar ahaan noolasha iyo mustaqbalka wiilka  kali ee aan dhalney!

 Goor ay noolashii nagu adkaatey ayuu ninkeyga wuxuu bilaabey shaqo kale oo galab ah. Dhowr sano kadib, noolashanadii waay soo yara fiicnaatey.
Wiilka da'diisa waxay aheyd 7jir, waxaan go'aansaney inaan kudadaalno waxbarida wiilka anagoo geyney  iskuulka ugu fiican ee magalada kuyeela.
Ayadoo ay arintu sidaas tahey,ayaa waxaa kusoo boodey ninkeyga cudur kadhigey gogal jiif(bed-ridden)! Dhowr bilood ayuu xanuunkas lajiifey.Shirkadii uu kashaqeynayey ayaa waxay go'aansatey inaay keensado qofkale badalkiisa ayagoo usoo reebey lacag yar.
Arintaas ayaa kureebtey tiiraanyo iyo walwal horleh isagooba markiisii hore sii liitey.

Marka ay arin halkaas mareyso ayaan go'aansadey inaan daboola booskii ninka anigoo kudhaqaaqey wixii aan qabankarey.Waxan xooga saarey inuu wiilka waxbarashada ka kala go'in.

Waxan  bilaabey inan dharka tolo, markaasna kula  wareego schoolada iyo wasaaradaha bal inay iga iibsadaan iyo inkale.
Markii uu ninkeyga soo yara ladnaadey ayuu shaqo yar kaheley shirkad kale.
Waxay arin sidaas ahaataba, waxaa dhab noqdey riyooyinkii iyo wixii aan kutaameyney.Wiilkanagii wuu soo qalinjabiyey, wuxuuna shaqo kaheley laan kamid ah laama dowlada. Waxaa loo dhiibey jago aad iyo aad usareyso oo udhiganta waxbarashadiisa, wuxuu kamid noqdey shaqaalaha sare (senior staff). Waxaan ugu faraxney si Allah ogyahey maadama udhaboobey waxaan hiigsaneyney.


Hada iyo abaal marintii wiilka!

 Wuxuu keeney inuu iska kaayo weyneysiyo oo na'inkaraba! Inuu is aruuriyo oo aanu noo sheegan arimihiisa hoose!

Maalin ayaan maqalney inuu guursadey gabar kasoo jeeda qoys taajir ah. Markii hore ma'anan rumeysan, markii aan iskudayney inaan laxariirno oo aan kasoo hubsano,wuxu noogu jawaabey: "Haa waan guursadey anigoon idin sheegin, mana idiin sheegi doona waayo madoonayo inay xaaskeyga ogaato arintiina. Waxan usheegey inan ahey  Yatiin oo ay labadeyda waalidba dhinteen!"

Markii aan weydiiney waxa kuqasbey inuu sidas yirahdo,waxaay noqotay jawaabtii mid sababtey geerida aabihii, anigana aan kaqaadey cudurada qalbiga kudhaca; wuxu yiri:
"Waayo iima qalantaan shaqada aan hayo iyo mastawaha cilmigeyga awgiis. Madoonayo inaan idinku arko xaaskeyga sharafta iyo qoyska wacan ee ay kasoo jeedo "
Jawaabtaas awgeed,aabihiis waxaa kusoo booday xanuun uu waxyar kadib ugeeriyooday. Aniga waxaa igu dhacey xanuuna dhowr ah. xanuunka iigu darana waa anigoo waayey ninkeygii noolasha ila qeybsanjirey ee darbiga ii ahaa.
Musiibadaas waxay nagu dhacday kadib markii aan soo kool-kooliney.. markii aan har iyo habeyn usoo jeedney sidii aan wax kubarilaheyn si'uu ugu noolaado noolal fiican.
Jawaabta wiilkeyga waxay igu reebtey dhibaato saameysey noolasheyda oo dhan.Waxan dareemaya qoomamo iyo niyad jab aan kaqaadey noolasha oo dhan. Sababtana waxaa weeye qofka sidaas ii galey waa beerkeygii!!!

Waa kuwaas ciyaalka aan korsanayno!

Sheekadan waxaa nooga muuqata haddii caruurt cunta siintooda oo kali ah  xooga lasaaro aanse  lagu barbaarin Diinta Allah inaay bahal noqdaan sida wiilkan oo kale.
Waa arin muhiim ah in lakala saaro waxbarida iyo tarbiyeyta diin ahaan! Caruur badan oo wax lasoo barey ayaa jirta laakinse aan lagu soo barbaarin diinta!
 Qisadan waxay haysata dad badan oo caruurtooda korintooda kali xooga saara, gaar ahaan dadka maal qabeenada ah ee caruurtooda geeyo schoolo qaali ah ayagoo ugu darayo dhaman waxa ay ubaahdan ee gaari, dhar iyo wixii lamid ah isagoo hilmaamo xaga tarbiyada.

Waalidka waa inuu kudadaalo tarbiyada ciyaalka in kabadan sida ay ugu dadaalan korintooda iyo  quudintooda.

Amaa  wiilkan soo ma'aha, ciqaabta Allah aduunyada ayey kuhaleysa haddii uusan katoobadkeenin. Allah ayaana uweydineyna inuu soo hanuuno.

Al-Hassani
abuzuhri1@hotmail.com

Daabacaad: SomaliTalk.com | Mar 1, 2004

Afeef: Aragtida Qoraalkan waxa aleh qoraaga ku saxiixan

. “Warhoy Dadow aniga Madilin Ninkan Laakiinse Waxaan Dilay Nafkale!”
.
Sideed u seexataa anagoo xaaladan kujirna

. Sawirkan Lama Ogala, Waxan Rabna Sawir Midab ah

. Cajalad Video ah ayaa burburisey noolasheyda

QAYBTA 6aad QAYBTA 1aad

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
SHEEKADII KIISHKA... GUJI
 



HTML CD