SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XAAFUUN
Daabaco Boggan | Print



Warqada ay HAFZA sheegtay in ay ka heleen Cabdullaahi Yuusuf


Warqada ay HAFZA sheegtay in ay ka heleen Maxamed Cabdi Xaashi


Heshiska ay HAFZA sheegtay in lakala saxiixday


Warqad uu wasiirka hawlaha guud u diray HAFZA

"Heshiis Saddex Geesoole ah oo Lagu Gatay Xaafuun Muddo 99 sanadood ah" sida ay shaaca ka qaaday HAFZA

Qoraal ay (Febraayo 18, 2005) faafisay shabakada Hafza ayaa shaaca ka qaaday waraaqihii lagu saxiixday heshiis la sheegay in la kiraystay magaalada xaafuun muddo 99 sanadood ah. Heshiiskaas oo Xaafuun ka dhigaysa mid si toos ah uga madax bananan sharciyada iyo qawaaniinta Soomaaliya iyo kan Puntland - waxaana halkaas lagu dhiqi qoona sharci iyo qaanuun u gooni ah oo ay u dejiso Hafza [Horn of Africa Free Zone Authority], taas oo looga gol leeyahay in laga dhigo meel u madax bannaan ganacsi ay tooska u maamusho HAFZA, waa sida ay Hafza sheeganeyso'e.

Qoraalka cusub ee ay Hafza faafisay ayaa shaaca ka qaaday warqad ay sheegeen in uu qoray madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kaddib markii loo doortay madaxweynaha, waxana warqadaas ku qoran in Cabdullaahi Yuusuf uu saxiixay lana qoray October 17keedii 2004, (doorashadii madaxweynaha ee uu C/laahi Yuusuf ku guulaystey waxaa la qabtay 10kii October 2004).

Qoraalka Hafza waxa uu ku bilowday sidan: "Daabacaad 18 February 2005"

"Markii la arkay akhbaar majara habaabin ah oo ay faafinaynaan qaybo ka soo hor jeeda dawladda Soomaaliya iyo/ama Puntland, ayaa HAFZA waxay ay soo daabacday ama soo bandhigeysaa dukumiinti caddaynaya sidii uu heshiiskaasi u dhacay"

Nuqul kamid ah warqad muujinaysa "qoraal rasmi ah" oo HAFZA sida ay shegtay kasoo gaarey madaxweynaha Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, markay taariikhdu ahayd 17 October 2004, (hoos ayaad ku arki doontaa linkiyada waraaqaha).

Nuqul (qayb) kamid ah heshiiskii ay 23 October 2004 la saxiixdeen Dawlad goboleedka Puntland, dawladda Federaalka Soomaaliya ayagoo sii maraya Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka iyo khayraadka dabiiciga ah, Axmed Maxamed Cigaal.

Qoraalkaas ay HAFZA shaaca ka qaaday ayaa waxaa ku qoran in heshiiska ay HAFZA la gashay Puntland uu ka kooban yahay 19 qaybood (32 bog), waxaana Puntland u saxiixay Axmed Maxamed Cigaal, sida ku saxiixan warqadahaas. Waxaana goobta lagu saxiixayey goob joog ka ahaa laba qof oo kale oo Soomaali ah oo warqadaas saxiixay ayagoo markhaanti ahaan ah, sida ay HAFZA faafisay, magacyadooduna uu warqadaas ku qoran yaha.

Waxa kale oo ay HAFZA shaaca ka qaaday Nuqul ku taariikhaysan December 23, 2004 oo muujinaysa "qoraal rasmi ah ama wareegto madaxweyne" oo kayimid Maxamed Cabdi Xaashi oo markaas ahaa madaxweynaha Puntland, oo HAFZA ay  sheegtay in email loogu soo diray. Waxana wareegtadaasi awood u siinaysaa in Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka iyo khayraadka dabiiciga ah uu hewshiiskaas la geli karo HAFZA, sida ku cad nuqulkaas. .

Waxa kale oo HAFZA ay shaaca ka qaaday email sida ay sheegeen uu u soo diray Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka iyo khayraadka dabiiciga ah, Axmed Maxamed Cigaal, taas oo ay ku qoran tahay in "Qaraarka" heshiiskaas la ogolaaday, sida warqadaas ku qoran, in kasta oo qaybo ka mid ah warqaddaas ay HAFZA qalin marisay ama qarisay.

Madaxweynaha hadda ee Puntland, Gen. Cadde Muuse, oo ay idaacada SBC su'aal ka weydiisey waxa uu ka ogyahay in qaybo kamid ah Puntland shirkado ajnabi ah lagu wareejiyey ama laga gaday ama laga ijaarey, waxa uu ku jawaabey "Internet-yada ayaan ku arkay in 99-sano dad laga ijaarey, anigu arrintaa lama socdo" ayuu yiri, waxana uu ku daray "madhaci karayso in aan niraahno (shirkad ajnabi ah) dhulka adigaa iska leh ". [Halkan dhegeyso].

Ilaa hadda dawladda Fedelkaaga Kumeel gaarka ee Soomaaliya war rasmi ah kama soo saarin sheegayshada  HAFZA ay sheeganeyso in ay qaybo ka mid ah dhulka Soomaaliyeed kiraysatay muddo 99 sannadood ah oo ay dhulkaas ku dhiqi doonto xeer iyo qaanuun u gaar ah shirkadaas. Sidoo kale DFKMG weli war sugan kama soo saarin qoraalada ugu dambeeyey ee ay shaaca ka qaaday HAFZA.

Madaxweynihii hore ee Puntland asagun weli arintaan war rasmi ah kama soo saarin.

Afeef: Ilaa hadda arinta ijaarashada ama gadashada Xaafuun waxaa laga maqlay HAFZA, xaqiijinta ama beeninta rasmi ah ee arintaas waxaa laga sugayaa Dawladda Soomaaliyeed iyo dawlad goboleedka Puntland.

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 19, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD