SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - UK

Xaaladda Magaalada Qudus oo Cakiran.

Masjid Al-Aqsa...  | Sawirka www.moonsighting.com

Xaaladda magaalada Qudus ayaa maanta cakiran. Kumanaan iyo kumanaan Yuhuud ah ayaa kusoo qulqulaya agagaarka masjidka Al aqsaa ee magaalada Qudus ee barakaysan kuwaasoo doonaya in ay dumiyaan masjidkaas. Tobanaan kun oo kale oo Falastiiniyiin ah ayaa iyaguna ku soo xerooday gudaha dhismayaasha Al aqsaa kuwaas oo iyaguna doonaya inay masjidka barakaysan ka difaacaan Yuhuuda weerarka ku soo ah.

Waxay arrintani ka danbeysey markii ilaa 30 urur oo ka tirsan yuhuuda argagixisada ah ay asbuucyadanba ku baaqayeen in ay maanta oo Axad ah soo gelidoonaan duminna doonaan masjidka Al aqsaa oo ay iyagu aaminsanyihiin in dhulka uu masjidkaasi ka dhisanyahayi yahay halkii laga burburiyey Heykalkii uu Nabi Daauud (caleyhi salaam) ka talin jirey. Kooxaha mintidka ah ee xagga midigta u janjeera ayaa iyagu sannadaah danbe si aad ah ugu soo badanayey dadka Israeliyiinta ah, kuwaas oo ku baaqay in sannadka 2005 uu yahay sannadkii duminta Al aqsaa iyo dhisidda Heykalka.

Kooxahan argagixisada ah ee ku hanjabay in ay sannadkan 2005ta duminayaan Al aqsaha barakaysan ayaa waxay isku lug darsadeen xooxo kale oo iyagu ka caraysan qorshe uu Raysal wasaarahoodu ku doonayo inuu kaga boxo gobolka Qassah ee carrada Falastiin. 

Maamulka Falastiiniyiinta, kooxaha kala duwan ee Falastiiniyiinta iyo Ururada islaamka ee daafaha dunida islaamka ayaa Yuhuudda uga digey in ay waxyeello u geystaan Masjidka Al aqsaa, iyagoo sheegay in haddii ay Yuhuudu ku tallaabsadaan arrintaas uu gobolka oo dhami qarxi doono, Muslimiinta oo dhanna usoo dilaami doonaan gargaarka Al aqsaa, iyagoo waliba caddeeyey in ay dhammaan dadka muslimiinta ah meel ay joogaanba waajib ku noqonayso jihaad ay la galaan Yuhuuda. Masuuliinta muslimiinta ayaa iyagu u arka in hanjabaadani ay tahay mid “khatar” ah oo ay yuhuudu doonayaan in ay dumiyaan masjidka barakaysan, iyadoo weliba sida muuqata aanay xukuumadda Shaaroon arrintaasi ka qaban wax la taaban karo. Madaxda xukuumadaha dunida Islaamka iyo kuwa carbeed ayaan iyagu arrintaasi si buuxda isaga dhaga mariyey, iyagoon sooba qaadin.

Koox magaceeda la yiraahdo “Rivava” oo ka tirsan kuwa xag jirka ah ee Israel ayaa horay taageerayaasheeda ugu baaqday inay 7:30 subaxnimo maanta oo Axad ah isugu soo ururaan barxadaha Al aqsaa si ay uga qayb qaataan burburintiisa.

Police-ka Israel ayaa sheegaya inay ka cabsi qabaan kooxahan mintidka ahi aanay ku gaabsanayn weerar dhulka ah oo ay kusoo qaadaan Al aqsaa, ee ay doonayaan in ay adeegsadaan “diyaarad” yar ama in ay waxyaabaha qarxa ku qariyeenba masjidka gudihiisa. 

Ilaa 20,000 (labaatan kun) oo dhallinyarada reer Falastiin oo uu ka mid yahay sheekh Xasan Yuusuf oo ka tirsan hoggaanka sare Xammaas, ayaa saaka subaxnimadii horaba isugu soo ururay gudaha masjidka si ay uga difaacaan dhibaatada lala maagganyahay. Sheekh Xasan iyo dhammaan Falastiiniyiinta Daanta galbeed iyo Qassah ayaa loo diidey inay soo galaan Masjidka iyo magaalada Quddusba, iyadoo loo ogolaaday Filastiinyiinta deggen gudaha “Israel”. Waxaa kale oo maanta loo diidey inay Masjidka soo galaan dadka aan muslimka ahayn oo dhan.

Ilaahay ma qaddaree, haddii ay dhacdo in ay Yuhuudu ku guulaystaan hanjabaadoodan, oo ay dhacdo, maba dhacdee, in ay dumiyaan ama waxyeello gaarsiiyaan masjidka barakaysan ee Al aqsaa, ayaa waxaa la is weydiinayaa waxa ay muslimiinta dunida ku dhaqani samayn doonaan. Ma waxay ku gaabsanayaan canbaarayn iyo mudaaharaadyo? Mise tallaabooyin wax ku ool ah ayay u qaadi doonaan sidii ay usoo badbaadin lahaayeen Al aqsaa oo muddo tobannaan sannadood ah ku maqan gacanta Yuhuuda?

Cabdisamad Xoday | London UK
Email: Hoday30@hotmail.com
LINK: www.Somalitalk.com/xoday

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Apr 11, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD