SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XIJAAB

XIJAABKA DHIG IYO DHIGI MAYO!

La yaab ma lahan in dal gaalo ahi gabar muslimad ah ku yiraahdo waddankayaga xijaab kuma qaadan kartid! Ama iska dhig ama orod waddankayaga nooga tag, waxaase layaab ah in dowlad muslim sheeganaysaa soo rogto sharci mamnuucaya xidhashad xijaabka.

Arrintaasi waxay fajiciso ku noqotay dadka muslimka ah ee dalka Tuunis markii ay dawladdu soo rogtey sharci xaaraamaynaya in dumarku madaxooda qariyaan.

Waxay dawladdu sharcigaas u cuskatay in xijaabku yahay dib-u-socodnimo, dhar kooxi leedahay iyo mid dastuurka khilaafsan.

Waziirka Arrimaha diinta ee Tuunis Abubakar Akhzury ayaa warbixin uu sii daayey ku sheegay in xijaabku yahay “caado soo galooti ah” iyo weliba “wax qaynuunka khilaafsan”.

Haweeney barto ka ah jaamacadda Zeytuunah ee aadka loo yaqaan kuna taal dalka Tuunis, Manjia Sawaaixi, ayaa iyaduna waraysi uu la yeeshay kannaal laga leeyahay Lubnan (ANB) xijaabka ku tilmaantay “dhaxal laga soo gaadhay Giriigga iyo Romankii hore weligiisna aan ahayn dhaqan islaam” iyadoo carrabkeeda dheer aanu ammaan ka helin saxaabiga weyn ee Cumar bin Khaddaab (rc) oo ay ku tilmaantay “cadawga ugu weyn ee dumarku abidkoodba yeesheen.” Waxayna inkirtay in diintu xijaabka amartay.

Dawladda iyo kooxaha daba taagan ee “cilmaaniyiinta” ah ayaa gulufkan ay “ganbada” hablaha madaxooda saaran kula halgamayaan waxay u cuskanayaan sharci la soo saaray 1981 oo lagu xarrimayey in gabadhu madaxeeda masar ku xidhato. 

Fufka xijaabka:

Haddaba xijaabka ayaa sannadahan danbe si xoog leh ugu soo laabtay dumarka reer Tuunis, iyadoo aad si fiican waddooyinka ugu arkaysid gabdho asturan ama masarro qaba. Arrintan soo noqoshada xijaabka ayaa si aad ah uga xanaajisay dowladda iyo xooxaha cilmaaniyiinta. Mid ka mid ah kooxaha cilmaaniyiinta oo joornaalka “Xaqaa’iq” wax ku qora ayaa -isagoo aad uga xun- yidhi: “waxay naga qarinayaan timohoodii jilicsanaa iyo jidhkoodii macaanaa, waxayna noo diideen in aanu gacanta ku salaanno, hadde waa salaan”

Culumada Islaamka ee gudaha iyo dibedda Tuunis ayaa si xooggan u dhaleeceeyey dagaalkan lagula jiro xijaabka oo ah waajib diini ah oo Rabbi amray gabdhaha muslimka ah.

Sh. Waniis Mabruuk oo ah bare wax ka dhiga kulliyad Islaami ah oo ku taal dalka Ingiriiska ayaa ku yidhi wakaaladda Kudus Press: “warkan uu sheegay waziirka arrimaha diintu waa wax ay khatar tahay in uu ku hadlo waziir diineed ee Tuunisi ah” wuxuuna ku sii daray “waxay si toos ah uga hor imaanaysaa  aayad Qur’aan ah oo aan la nasakhin, oo ay Ummadda Islaamku ku soo dhaqmaysey tan iyo xilligii Nabiga (scw) ilaa maanta, firqo ahlu-qiblo ah oo arrintaas khilaaftayna ma jirin” waxuu sheekh Mabruuk intaas ku sii daray “arrintani waa ku tumasho aan geedna loogu soo gabban oo lagu tumanayo xaq muqaddas ah oo ka mid ah xuquuqda aadanaha oo ah in uu qofku doorto dharka uu isagu xidhanayo” wuxuu kaloo yidhi: “waa diidmo loo diidayo gudasho waajib faral ku ah”

Sidoo kale Sh Raashid Qannuushi ayaa isna ku tilmaamay wax aan ku cusbayn taliska madaxweyne Bin Cali oo isagu caado ka dhigtay in uu xayuubiyo xuquuqda muwaadinka isagoo sheeganaya horumar. Ma ahan in uu faragelinayo arrimaha siyaasadda oo uuba iyada macne tirtay, ee xataa wuxuu u soo dhigtay wixii ugu yaraa ee qofka khaaska u ahaa sida guurkiisa, dharkiisa iyo muuqaalkiisa. Culumo badan oo gudaha Tuunis jooga ayaa iyaguna sidaas oo kale tilmaamay.

Muftigii hore ee Tuunis, Muxamed Mukhtaar Sulaami, ayaa laba asbuuc ka hor caddeeyey in hadallada waziirku yihiin kuwo siyaasadeed, oo duruufaha taagani u yeedhiyeen aanay diinta saxda ah lug ku lahayn. Meesha uu ka sheegay in hadallada ka soo yeedhay haweeneyda jaamiciyadda ahi aanay mudnayn in laga jawaabo.

Ma ahan culumada kaliya ee waxaa iyaguna mowqifka dowladda si weyn u dhaleeceeyey xooxaha u dooda xuquuqda aadamaha iyo gar yaqaanada oo dhammaantood isku waafaqay in arrintani tahay ku tumasho iyo duudsi xuquuqda gabadha reer Tuunis oo lagu khasbayo in ay is qaawiso. 

Dhibaatada Haysata gabdhaha Tuunis ee xijaaban:

Dhammaan hay’adaha dowladda ayaa isku bahaystay falal waxshinimo oo dhinac ka ah gabdhaha xijaaban.

Booliska, jaamacadaha, iskuulada, isbitaalada iyo xafiisyada dowladda ayaan u kala harin qaawinta gabdhaha.

Wazaaradda caafimaadku waxay soo saartay go’aan isbitaalada ka mamnuucaya in ay qaabilaan dumarka khimaarka hagoogan. Waxay kaloo ka mamnuucday dhakhaatiirta iyo kalkaalisooyinkaba in ay xijaabka xidhaan.

Saciido Cikramii oo ah gabadh u dhaqdhaqaaqda xuquuqda aadanaha ayaa tidhi: “waxaa ila soo hadlay hablo farabadan oo ii sheegay in iskuulkii laga soo caydhiyey, xijaabka dartiis. Kuwo kalana shaqada ayaa isla sababtaas looga caydhiyaa”

Nisriin, waa ardayad dhigata kulliyadda xuquuqda. Waxay tilmaantay dhibaatada haysata hablaha hagoogan, iyadoo leh: “marnaba lama suuraysan karo silica haysta gabadha xijaaban oo mar walba dareemaysa in la caydhsanayo, xijaabkeeda dartiis. Qofna uma adkaysan karo in uu habeen iyo maalin cabsi ku jiro. Cabsi ay ka cabsanayso wixii ku dhacay gabdho badan oo jaamacadaha laga eryey. Tan waxaa loo diidey in ay soo gasho maalintii imtixaanka. Tanna waxaa dhegta laga soo qabtay qaacada imtixaanka. Kuwo kale waxaa laga googooyey masarkii ay hagoognaayeen iyadoo weliba lagu jeesjeesay”

Nisriin waxay layaab ka muujisay rafaadka la marsiinayo hablaha jidhkooda qarsaday iyadoo kuwa kale xorriyad loo siiyey in ay u labistaan sidii ay doonaan. Iyadoo ay ka muuqato caloolxumo ayay Nasriin ku soo khatintay: “Gabadhu –hadde waa gabadh walba- waxay xaq u leedahay in ay u labisato sidii ay iyadu doonto. Inay doorato labiskeedu waa xaq ay dammaanad qaadeen xeerarka oo dhan, waaba wax iska cad oo fudud”.

Tuunis waa dal muslim ah oo ku yaal waqooyiga Afrika.

Dhammaan gabdhaha muslimka ah waxaan ugu baaqayaa in ay xijaabka sharciga ah qaataan; sidaas baa u asturan Ilaahoodna uu ku jecelyahay.

W.Q: Cabdisamad Xoday | London UK
Email: Hoday30@hotmail.com
LINK: www.Somalitalk.com/xoday

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 19, 2006

Khimaarka Gabdhaha Muslimiinta iyo France

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD