WAHAABINIMO MISE ISLAAMNIMO?
Qaybta 2aad::::
Anigoo tixraacaya qoraalkii hore ee isla
moduucan, ayaan waxaan qormadan kaga hadlayaa laba qodob oo kala ah:
· Mabaadi’dii dacwadii sheekha ? Mase jiraan wax cusub oo uu la yimid?
· Yaa ka horyimid maxaase looga horyimid?
Waxaanse jeclaan lahaa, inta aynaan ka hadlin mabaadi’dii ay ku dhisnayd
dacwadii uu sheekh Muxammed bin Cabdulwahaab ku baaqay, in aan waxyar
tilmaamo mashaakilkii uu la halgamayey iyo buktooyinkii bulshada markaasi
haystey.
Waxaynu qormadii hore kusoo qeexnay xaladdii ay ummadda Islaamku ku sugnayd
markii uu sheekhu halgankiisa bilaabay.
Waxaynu odhankarraa ma jirin cudur ku dhaca bulsho oo aan ummadda
maalintaasi haysanin. Waxay ahayd waqti uu qarsoomay wajigii bilicda samaa
ee Islaamku.
Haddaba isagoo sheekhu taas ka duulaya, doonayana inuu dadka kusoo celiyo
waddadii toosnayd ee uu Ilaahay u falay, ayuu wuxuu sheedda sare ka eegay
cudurradii bulshada haystey, waxayna ugu muuqatay in ay khasabtahay in
duulaan lagu qaado xanuunada ay ka midka yihiin:
Shirkiga: oo si weyn u xidideystey, iyadoo awliyada iyo saalixiinta wax la
biday, qubuurihiina ay isku beddeleen goobo cibaado. Waxaa qubuuraha lalasoo
beegsan jirey cibaadooyinka ay ka mid yihiin: baryada, dawaafka, gawraca,
shardiga ama nadarka, waxaana isku khaldamay masaajiddii iyo qubuurtii.
Iyadoo masjidwalba wadaad lagu dhex aasay, qabri walbana masjid laga dul
taagey.
Bidcada: Waxaa dadka isaga gedmaday sunnadii iyo bidcadii. Waxaa iyana la
illoobey ilihii [masaadirtii] diinta laga qaadanjirey. Iyadoo aan wax aqoon
ah loo lahayn culuumta kitaabka iyo sunnada.
Suufinimo: Waxaa si aan caadi ahayn u faafay dariiqooyinka suufiyada oo
iyagu dhibaatooyinkaas ummadda ku habsadey ka ahaa garwadeenno. Iyadoo ka
baddalan suufiyadii qarniyadii hore oo runtii lahayd dhinacyo wanaagsan oo
loo tiriyo; ayay dariiqooyinkii xilligaasi waxay isu rogeen kuwo u dhexeeya
aadamaha iyo Ilaahii uumay. Ama saasay dooneen.
Tacasubka: U tacasubidda iyo ku mintididda madaahibta ayaa waxay gaartey
heer aan horay loo arkin. Tafaraaruq iyo kala fogaansho ayayna bulshada dhex
dhigtay, waxaana dhacday in aanay is guursanjirin Xanafiyada iyo
Shaaficiyadu. Waxay gaartey in masjidka Xaramka afarta mad-habood mid
walibaa markeeda ku tukato.
Jahliga ayaa isna gaarey heer la kala garan waayey saxdii iyo khaladkii,
sunnadii iyo bidcadii, munkarkii iyo macruufkii. Waxaa aad u faafay
curraafaysiga iyo kooxaha cilmiga waxyaabaha dahsoon sheegta. Culimadii iyo
xerihii markaas cilmiga raacanjirey ayaa badankoodu iska daayeen culuumtii
labada waxyi, wuxuuna dadaalkoodu kusoo uruuray in ay daraaseeyaan kutubtii
madaahibtooda. Kitaab “mudawwal” ah[fidsan] soo gaabintiisa, mid “mukhtasar”
ah [gaaban] sharixiddiisa ama gabay u baddiliddiisa, mid horay loo
sharxay sii faahfaahintiisa ama "xawaashi" saaristiisa ayaa shuqul u noqotay,
halkii ay ka daraasayn lahaayeen cilmiyada Quraanka iyo Sunnada. Waxaa yaraa
caalim oranaya: "anigu toos ayaan waxyiga wax ugasoo qaadanayaa"
MABAADI'DII DACWADA SHEEKHA, MASE JIRAAN WAX CUSUB OO UU KEENAY?
Isagoo haddaba xal u raadinaya mashaakilkaas ayuu sheekhu ku dhawaaqay
dacwadiisii islaaxa iyo sixitaanka ahayd. Wuxuuna ku saleeyey afar qodob ama
mabda' oo ay dacwadiisu ku qotontey:
1. Mabda'a 1-aad: In Tawxiidka la barax tiro, cibaadadana
dhammaanteed Rabbi lala beegsado. Dhammaan dadkii markaas joogey waxay ku
dhawaaqayeen "kalimadda tawxiidka" haddana sidaasoo ay tahay qaar badan
ayaan macnaheeda fahmayn, oo falayey waxyaabo burinaya kalmaddaas.
Waxaa caadi noqotay in "tawxiidka" lagu fasiro: "Qiritaanka
jiritaanka Rabbi" iyadoo cibaadooyinkii uu Rabbi gaarka u lahaa loo
weecinayo "awliyada" iyo "saalixiinta". Wuxuu sheekhu dadka u sheegay in
tawxiidka macnihisu aanu ku koobnayn in la ogaado Khaaliqnimada Rabbi ama
jiritaankiisa. wuxuu yidhi: Tawxiidka waxaa soo hoos galaya saddex arrimood
oo kala ah:
1 In la qiro midnimada khaaliqa uunka oo
idil abuuray, lana ogaado in isaga oo kali ahi uu leeyahay maamulka iyo
maaraynta. Wax walba oo adduunka ka dhacana sida abuuridda iyo
ahaysiinta, irsaaqadda, noolaynta, dilista, maamulka iyo mulkigaba in uu
isagu leeyahay. Kaasi waa qiritaanka rabbinimada Ilaahay.
2 In ilaahay loo qiro dhammaan "magacyada"
iyo "tilmaamaha" uu leeyahay ee ku sugnaaday Quraanka iyo Sunnada. Wuxuu
yidhi: waa in Ilaahay lagu tilmaamo wixii uu isagu isku tilmaamay, sida
sarrayntiisa, gacnihiisa, wajigiisa iwm. Waxaa reebban in loo raadiyo macne
aan ahayn kan ay kalmadahaasi leeyihiin. Tacttiilka, ta'wiilka, takyiifka
iyo in Ilaah cid kale lagu shabbaho ayaa iyana reebban.
3 Tawxiidka qaybtiisa saddexaad
ayaa iyana ah: In cibaadada ka imaanaysa xagga aadamaha lagu gaar yeelo
Ilaahay . Cid aan Ilaahay ahayn wax cibaadada ka mid ah, haba yaraatee, lama
siin karo. Baryo, gawrac, cabsi iyo rajeyn toona Ilaahay lalama wadaago.
Kala caddayntaas iyo qeexitaankaas hufan ee tawxiidku waa kan ay ilaa hadda
fahmi la'yihiin kooxaha sida gurracan u fakara ee dariiqooyinku.
2. Mabda'a 2-aad: In fahamka diinta laga qaato Salafkii [saxaabadii iyo
taabiciintii] islaamkana loo qaato sidii ay iyagu u qaateen, Quraanka iyo
Xaddiiskuna ay noqdaan meesha daliilka loo raadsanayo.
Taasi waxay ahayd muhiim, maxaayeelay waxaa yaraaday aqoontii loo lahaa
kitaabka iyo sunnada, waxaana dadka ka qaalib noqotay barashada waxyaabo
kale oo aan muhiim ahayn, ama aanba bannaanayn. "Falsafadda" iyo "mandiqa"
ayaa noqday kuwo caqiidada lagu saleeyo. Xagga "fiqhiga" ayaa wuxuu kusoo
ururay kutub "hadal miiran" ah oo aan wax daliil ah la cuskinayn. Waxaa la
illaawey caqiidadii Ahlu-sunnaha, waxaa in badan laga inxiraafay fahamkii
Rasuulka (sallallaahu caleyhi wasallam) iyo saxaabada. Xagga xadiiska waxaa
is dhex galay "saxiixii iyo daciifkii". Haddaba waxay ahayd muhiim in diinta
la saafi yeelo, dadkana loo celiyo "kitaabka iyo sunnada" oo sidii ay "salafku"
u fahmeen ah.
3. Mabda'a 3-aad: In la tuuro oo laga tago "bidcooyinka" siday u
dhanyihiinba. Qodobkani wuxuu ahaa midkii ugu adkaa xagga dhaqan gelinta.
Waxaana arrintaasi sii bari taarayey jahliga iyo faafitaanka bidcooyinka oo
aad u xoogganaa. Waxaa ugu darnaa bidcooyinka xagga caqiidada oo iyagu
shirki dabada ku haya. Kuwa la xiriira qubuuruhu waxay ahaayeen kuwo aad u
baahsan isla markaana khatar ah. Mawliidyada ayaa tiro dhaafay oo sheekh
walba oo wali la moodo wuxuu iska lahaa mawliid isaga lagu xuso. Waxaa jirey
qaar fiqiga wax ka bartay oo dadka u jideynjirey ama u sharciyeynjirey
bidcooyinkaas iyagoo ugu sheegaya "Bidcah xasanah" ama bidco wanaagsan.
Haddaba sheekhu wuxuu soo jeediyey "in bidco oo dhami ay tahay baadinimo",
sideedana aanay jirin bidco wanaagsan. Wuxuuna arrintaas u daliishaday
axaadiista Rasuulka (s.c.w.)
4. Mabda'a 4-aad: In ijtihaadka albaabada loo furo. Taasna wuxuu uga
gollahaa in laga tago tacasubka madaahibta sida miyir la'aanta ah loogu
tacasubayo. Waxaa la xooray culuumtii labada waxyi oo waxaa lagu beddeshey
hadallo wadaaddo yiraahdeen. Wuxuu dadka ku yidhi: Kitaabka Allah iyo
sunnada suubanaha (s.c.w.) toos u aada, axkaamtana kasoo qaata. Taasina
khayr aan la filayn baa ka dhashay oo ah in dadkii u jeesteen barashada
cilmiga dhabta ah. Waxaana soo baxay culimmo mujtahidiin ah.
WAX CUSUB MIYUU LA YIMID SHEEKHU?
Waxaa mabaadi'daas ay ku dhisnayd dacwada sheekhu inoo muujinayaan in
baaqiisu uu ahaa "cusboonayn" ee aanu ahayn wax "cusub" oo hor leh. Wuxuu
baaqaasi cusboonaysiinayey mabaadi'dii islaamka ee asliga ahaa, ee uu
rasuulkeennu (s.c.w.) awalba horay u caddeeyey. Wuxuu dadka u celinaysey
fahamkii saxaabada iyo salafka. Mana aanay jirin haba yaraatee wax
dacwadiisa ku cusbaa.
Awal buu Rasuulku (s.c.w.) horay usii sheegay in Ilaahay qarni walba
ummaddan usoo bixinayo cid diinteeda boorka uga jafta.
Bal haddaba intaad dib ugu laabatid mabaadi'da aynu kor kusoo xusnay waxaad
ka raadisaa wax diinta ku cusub. Heli maysid.
Sheekh Zuxeyli (caalimka reer Suuriya) wuxuu yidhi: "Waxaan shaki lahayn in
dacwada sheekhu ay ahayd mid cusboonaysiinaysey nolosha muslimka, kana
xayuubinaysey wixii ay caamadu dul saareen ee khilaaf, khuraafo, bidco iyo
qallooc ahaa. sidaas darteed sheekhu wuxuu ahaa: Halyeygii kacdoonka islaaxa
ee la sugayey, kaasoo soo ban dhigay miisaankii caqiidada oo sax ah, iyo
dhabtii tawxiidkii khaaliska ahaa, iyo in cibaadadu ay tahay tawxiidka.
Wuxuuna doontii u jeediyey halkii ay ka timid iyo ku dhaqanka quraanka iyo
sunnada"
Isagoo sii caddaynaya inaan dacwadan wax cusubi ku jirin wuxuu (Zuxeyli)
yidhi: "Haba yaraatee wax cusubi kuma aanay jirin dacwadaan, wixii uu dadka
ugu baaqayna ma ahayn wax cusub, Islaamkana wax cusubi maba soo geli karaan,
oo waa waxyi iyo axkaam xag Alle Nabiga (s.c.w.) loogasoo dhiibey. Markii uu
geeriyoodayna ummaddiisa waxaa u furnaa inay raadkiisii raacaan oo kaliya,
sunnadiisiina ay ku dhagaan".
Markii laga yimaado Rasuulka (s.c.w.) wuxuu sheekhu ka dab qaadanayey
mujaddidiintii hore ee soo maray taariikhda Islaamka. Wuxuu si gaar ah
kutubtooda u daraaseeyey: culimadii Salafka, Imaam Axmed, Sheikhul Islaam
Ibnu Taymiyah, Al- Xaafid Al-Muzzii, Ibnu Kathiir, Addahabii, Ibu Qayimul
Jawziyah, Ibnu Cabdil Haadii, Ibnu Rajab Al-xanbalii iyo kuwo kale oo fara
badan.
YAA KA HOR YIMID, MAXAYSE UGA HOR YIMAADEEN?
Maqaalkii hore ayaynu kusoo qaadnay in dadku ay dhawr qaybood u qayb sameen
markii uu sheekhu dacwadiisa ku dhawaaqay. Qaar ayaa soo dhaweeyey kooxana
waa ay ka joogsadeen.
Kooxahaasi si aan naxariis lahayn ayay uga hor yimaadeen dacwada sheekha,
waxayna isku dayeen in ay xididada u siibaan inta aanay qaan gaarin.
Kooxahaas oo dhan waxay ahaayeen kuwo danahooda ilaashanaya.
Tusaale ahaan kooxaha suufiyada oo iyagu ka qaraabanjirey qubuuraha iyo u
adeeggooda waxay u arkeen in haddii ay dacwadani faafto, ay waayi doonaan
nacfigii ay qubuuraha ku haysteen, dadkuna uu ka dul dareeri doono.
Waxay kaloo qoladaas danwadaag ahaayeen kuwii amiirrada ka ahaa gobollada
kala duwan e Jaziiradda, oo u arkay in dacwadani maja-xaabinayso xukunkii ay
haysteen. Turkiga oo dunida Islaamka markaasi xukumey, ayaa iyaguna u arkay
in dacwadani ay baraarujinayso dadka carbeed oo markaas ay habbiso saarnayd.
Dawladda Ingiriiska ayaa iyaduna si ula kac ah ugu qaadday dagaal dicaayad
iyo dira-diraale ah. Waxa la yaab leh sida ay u kala yaqaaniin cidda diinta
sida saxda ah u haysata oo ay duullaan ku qaadaan, iyo kooxaha
bidcoolayaasha ah. Waxaan marnaba la hilmaami karin sidii diirranayd ee
Ingiriisku u abuuray una soo dhaweeyey kooxaha sida "Qaadiyaaniyah" iyo "Baabiyah"
oo iyagu ah kooxo gaalo ah, islaamkase ku gabbada.
Waxaynu maqaalka ugu danbeeya kaga hadli doonnaa:
o Culumadii taageerada iyo bogaadinta siisay dacwadii sheekha.
o Saamaynta dacwadiisa Dunida Islaamka iyo Soomaaliya, oo aynu soo
gudbinayno caalim soomaaliyeed oo waagaas joogay kana hadlay dacwadaas, iyo
raadkii ay dacwadaasi ku reebtay boqortooyadii Bariga Soomaaliya.
o Gabagabo
Waase haddii Allah idmo.
Wixii sixitaan ama dhaliil ah iigusoo dir e-mailkayga:
Cabdisamad Xoday
Email:
Hoday30@hotmail.com
LINK: www.Somalitalk.com/xoday
Qaybtii hore ee qormadan:
Xaggee buu ka yimid magaca wahaabiyo
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 18, 2005
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|