- Yemen: Dhibaatooyin ku soo Fool
leh Qaxootiga Soomaaliyeed
- Pakistan: Hay’ada PEDO oo ka
qayb qaadatay Dood Cilmiyeed Looga hadlayey dhibatoyinka daroogada…
Dhibaatooyin ku soo Fool leh Qaxootiga
Soomaaliyeed ee Dalka Yemen:
Qaxootiga Soomaaliyeed ee Dalka Yemen
oo ka dhacaysa Teestirahooda Aqoonsiga (Dal ku joog)
Kadib dagaaladii sokeeye ee dalka
soomaaliya ku habsadey,ummadda soomaaliyeed waxay u horseeday in loo
aqoonsado qaxooti. Taasoo ay tageen wadamo badan oo adduunka ka mid ah,
si ay uga badbaadaan waxyeelada dagaalada Naf iyo Maalba, wixii ay
markaa ka badbaadin karayeen.
Dalka Yemen oo ka mid ah wadamada aan jaarka nahay(gacanka cadmeed),
ayaa waxaa ku nool qaxooti soomaaliyeed kan ugu tirada badan adduunka oo
dhan. Marka aan sidaasi leeyahay waxaan ula jeedaa tirada qaxootiga ka
diiwaan gashan hay'ada UNHCR, waxaa ka badan kuwa aan diiwaan gashaneyn.
Waayo ilaa iminka ayey yimaadaan, ayagoo rabo inay kaga sii gudbaan,
wadamada gacanka carbeed(khaliijul carab), qaar badan oo kamid ah
dadkaan(transit)ka ah,ayaa safarkooda cakirmaya oo dalkaan isaga nagaada.
Qaxootiga ku dhaqan dalka yemen ayaa
waxay u qeybsamaan laba qaybood:
Kuwo degan xero qaxooti iyo kuwo haysta
Aqoonsi dal kujoog(Teesaro aqoonsi) oo ay ku nool yihiin gobolada dalka
oo dhan kagana shaqeystaan, shaqo kastaa oo markaasi ay qaban karaan ama
ay heli karaan, sida muwaadiniinta oo kale.
Dadkaasi lahaa aqoonsiga dal ku joog
ayaa waxaa kusoo fool leh baqdin badan , oo kaga imaaneyso aqoonsigooda
oo ku eg 30 bishaan diseembar, 2004. Taasoo ay sababi karto , tiro badan
oo ayaga ka mid ah iney waayaan shaqooyinkooda, ama ay kadaneysan
waayaan magaalooyinka, ayagoo ka baqaya in xabsiyada loo tahaabo.
Taasoo loo aaneynayo waxaa mudooyinkaan
danbe soo kordhayey, baarista dalku jooga ajaaniibta.
Waxaad wadooyinka magaalooyinka oo dhan
ku arkeysaa ciidanka socdaalka(immigration) iyo weliba booliis koox-koox
uwada socda oo ugaarsanaya dadka aan sharciga laheyn, ayagoo xabsiyada u
tahaabaya.
Wel-Welkaan(cabsi) waxaa Soomaalida ku soo
kor dhiyey, waxaa suurta gal ah inay ka daahdo cusbooneysiinta
aqoonsigooda,ayadoo hay'ada UNHCR,ka wardhowreyso DFK Soomaaliyeed, waxa
ay ka qaban doonto arintaan. Sidaas darteed ayaa dadbadani kasugayaan in
DFKM Soomaaliyeed ay xiriir deg-deg ah kala soo sameysaa DowladaYemen
iyo hay'ada UNHCR, si ay uga badbaadaan dhibaatooyinka kor ku xusan,
qaxootiga Soomaaliyeed.
waxaa qorey:Cabdi Cali Siidow.c/o Sanca-Yemen.
sidow_a@hotmail.com
Hay’ada
PEDO oo ka qayb qaadatay Dood Cilmiyeed Lagu qabtey dalka Pakistan
lagana hadlayey dhibatoyinka daroogada…
Xubno sarsare oo ka tirsan Hay’ada
waxbarshada ee PEDO ayaa waxay xiriir dhinaca wad shaqaynta ah la
yeesheen hay’ad aan dawli ahayn (NGO) oo la dhaho Pak Progressive Social
Welfare Society, hay’adan wadaniga ah oo ku hawlan wacyigelinta bulshada
ayaa u muujisey Ha’ada PEDO wadashaqayn iyo iskaashi taas oo ugu
dameentii ay kulan arintaas lagu xoojinayo yeesheen Gudoomiyaha Golaha
Dhexe ee Ha’ada PEDO Mr. Maxamed C/risaaq Dayib iyo Gudoomiyaha Gudiga
Fulinta ee Hay’ada PPSWS Mr.Ch Mohamoud Aslam, kulnakasi oo la iskula
soo qaadey arrimo badan ayaa lagu heshiiyey in wada shaqyn ay dhexmarto
labada hay’adood.
 
Masuliyiinta labada hay’adood oo fadhiya hoolka Doodu ka socotey
Dood Cilmiyeed
Xiriirka labada hay’adood ayaa
toddobaadkan dhaliyey in si wada jir ah ay u abaabulaan dood cilmiyeed
lagaga doodaya Masuuliyada Bulshada ka saaaran dhibaatooyinka daraagiska,
doodani waxay ka dhacdey hoolka shiraraka ee Jaamacada Bahria taariikhdu
markay ahayd 23/Dec/2004, dooda waxaa ka soo qayb galey Masuuliyiinta
labada Ha’adood, ardayda ka socda jaamacadaha kala duwan ee Islamabad,
saraakiil ka socda dawlada Pakistan iyo Marti sharaf kale.

Hoolka lagu qabtey dood cilmiyeedka
ayaa loo agasimey si heer sare ah, iyadoo loo qaybiyey dooda laba dhinac
oo iska soo hor jeeda, mawduuca laga doodayo oo ahaa Bulshada miyaa
masuul ka ah in daraagiska la isticmaalo?, arday iyo masuuliyiin kala
duwan ayaa ka qayb qaadatey dooda iyoo kooxna ku doodaysey in Bulshadu
masuul ka tahay kuwa kalena masuuliyada dusha uga tuurey kuwa iyagu
isticmaala daraagiska.

Qof kasta waxuu soo bandhigey cadymihisa ku aadan doodiisa, iyadoo kuwa
aaminsan in bulshadu masuul ka tahay isticmaalka daraagisku ku eedeeyeen
wershadaha soo saara daraagiska ayba masuul ka yihiin in qofku
siticmaalo daroogada, doodahan oo dhaadheeraa waxaa la bilaabey
abaarihii 11:45am, iyadoo ay soo gabagaboobeen 1:00pm duhrnimo.
Abaal Gud
Gunaanadkii dooda waxay guddiga
qiimaynayey doodaha soo gudbiyeen magacyada ardaydii galey buundooyinka
koobaad, labaad iyo saddexaad, iyagoo kala ahaa laba arday oo ka socda
Jamaacada Islaamka ee magalada Islamabad, iyo arday ka socda isna
jaamcada Bahria ee Islamabad.
 
Xoghayaha waxbarashada hay’ada
Pedo Mr.Qalonbi iyo Mrs.Asmo oo gudomeysa balmarinti kowaad.
Hay’ada PEDO waxaa dooda uga qayb galey
Gudoomiye ku xigeenka gudiga fulinta ee hay’ada PEDO Mr. A/hakin
Mohammed Saleban iyo xoogahayha dhaqaalaha Mr.Mohamoud Moahmmed Qahiye,
iyadoo xubno kale oo ay ka mid yihiin Xooghayaha waxbarshada, Mr.Ahmed
Said Qalonbi, Xiriiryaha guud ee ururka Mr.Ahmed Osman Haji farah iyo
Gudoomiyaha golaha dhexe Mr.Moahmmed A/risaaq Dayib ay goob jog ka
ahaayeen.
Gabagabo
Dood cilmiyeedkan oo ku soo
gabagaboobey si heer sare ah ayaa waxaa lagu casumey gudoomiyaha PPSWS
Mudane Maxamed Aslam inuu u qaybiyo shahaadada ka qaybqaatayaasha dooda,
isagoo mahad balaaran u celiyey dhamaan intii isku hawshay hirgelinta
doodan oo uu ku timaamey mid ka doodad mudan, gudoomiyuhu waxuu mahad
gaar ah u celiyey Ha’ada PEDO oo uu ku tilmaamey hay’ad u taagan kor u
qaaida waxbarshada iyo wacyigelinta bulshada, waxuuna tilmaamey inu
wadashaqaynta labada Hay’adood ay horey loo sii xoojin doono.
Madaxa hay’ada PEDO
Waxaa diyaariyey:
Ahmed Osman Haji Farah (Zahid)
PEDO Coordinator
Islamabad Pakistan
Mohamed AbdiNUr Ahmed (Zeki)
PEDO Information Officer
Tel# +923003567173
E-mail:
Mohamed_zeki@hotmail.com
Info@pedonet.com
Website:
http://www.pedonet.com
Karadhi Pakistan
Tacsi:::
Ururka
ardayda Puntland ee Qaahira wuxu
tacsi u dirayaa isagoo ka
tiiraayeysen geeriddii naxdinta
lahayd ee ku timi allaha ha u
naxariistee PROF. MAHAMUD ISMAACIIL
ABDI RAXMAAN oo ku geeriyooday
Boosaaso taariikhu markay ahayd
23/12/2004. waxaan ilaah uga
baryeynaa inuu ka waraabiyo janaddii
fardowsa intuu u ka tegayna samir
iyo iimaan ka siiyo gar ahaan waxaan
tacsidan u diraynaa Saamiiyo Mahamud
Ismaaciil oo qaahira ardayad ka ah.
waxaa
mar labaad leenahay ilaah samir iyo
iimaan ha ka siiyo isagana janatul
fardowsa maqaamkiisa ha ka yeelo.
Siciid
Macalin Mahamud
Gud.Ardayad PL
Mahamed Siciid Xasan
Ku xigeen PL
Abdiladiif Xuseen
arimaha dibada Pl
Yusuf
Mahamud
Xoghayn Pl
Abdi
Qani Mahamed
arimaha bulshada Pl
sharmarke walacwalac xubin
Raage
Cismaan =
Asad
Abdigufurre. =
sharmarke Xusen Barre
=
Cali Xuseen Bare
=
C.raxman Jamac
=
Siciid
Geelxoor.
=
Mahamed Warsame
=
Mahamed Qahar
=
Ibrahim Abdilah Khalid
=
Yusuf
Khalid
=
Abdi
Raxman Gurey
=
Mahamed Abdi
shire =
C.raxman Sheikh Xasan.
=
Hodon
Ali Abdi
=
Muno
Siciid Xasan
=
Muno
Muuse Nuux
=
Saciido Mahamed
=
Misk
Siciid
Deeqo
Ibrahim
Ismahan Khaliif
Ubax
Dankeli
Sagal
Cismaan
Nasro
Abdi xaliim.
Shukri
Calli Guure.
Xaawo
Mahamed Camir.
Busayna.
Dhamaan aryda Puntland ee Qaaira oo
an halakan lagu so wada koobi karin
waxay tacsi u dirayaan eheladdi iyo
qaraabaddii u ka geeriyooday PRO,
Mahamud ISmaacil AbdiRaxman.
Ardayda Puntland Ee Qaaira
|
|
|
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 29, 2004
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|