Madax
Hawiye Sahansan; Magaalooyinkuse ma
Muqdisho Keliyaa

C/Waaxid C/hi Khaliif
Lonodn, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo
naxariis nabi Muxamed korkiisa ha
ahaato.
Ramaddaan Kariim.
“Tiintiin siib oo tiintiin kale
beer” waa caqliga
hogaamiye-kooxeedyada Xamar. Caydiid
bey dileen waxayna keeneen C/hi.
Waxay ku fiicnayd inaan inta gambar
qaato aan iskaga fariisto oon iska
fiirsado silica iyo saxariirta
haysata hogaamiye-kooxeedyada
Muqdisho laakiin waan is-hayn
waayey.
Horta ma fahanteen waxaan odayga
keliya uga hadli jiray? Waxaan ogaa
in hogaamiye-kooxeedyada Muqdisho
xumbo yihiin; waxaan qiyaasayey
inaysan kornaylka keliya iska celin
karin marka waxaan islahaa sidii
gabyaagu u lahaa:
-
Afku wuxuu la xoogyahay Magliga
xawda kaa jare’e.
Kornaylku intuu Caydiid noolaa wuu
ka biqi jiray Xamar laakiin sidii uu
Itoobiya ugu casuumay
dagaal-oogayaal badan waxaad mooddaa
inay u sahansanaayeen. Aniga waxay
arrintaas ii caddaatay markii C/hi
iyo dhowr hogaamiye-kooxeed oo ka
socda Xamar ay warqad kuwada
saxiixeen Aqalka Madaxtooyada Kenya.
Yeey ahaayeen?
1.
C/Qaasim
2.
Maxamed Dheere
3.
Maxamed Qanyare
4.
Muuse
Suudi.
Miyaadan
u jeedin inuusan C/hi debo ka
dedanayn? Waxaa waxaas oo dhan isku
fuuqsaday labo arrimood oo uu
kornaylku sameeyey intii loo doortay
madaxweynaha.
Waxaa
la sheegaa in wiil iyo gabar qaxooti
ku ahaa Kenya ay is dooneen; markii
wiilkii loo meherinayey baa sheekhii
wuxuu gabadha weligeedii weydiiyey
inta uu meherkeedii yahay. Weligii
wuxuu yiri hala i sugo bal aan
haddana soo hubsadee dabadeedna wuu
soo noqday isagoo leh: gabadha
meherkeedu waa kiilo dahab ah!
Dadkii oo dhan baa madaxa gacanta
saaray. Qaxooti baa lagu jiraa;
dahabna waa laga hadlayaa! Halkaas
marka la joogo, rag badan waxaysan
heli karin kiilo timir ah iska daa
wax kalee. Arrintaas mid la mid ah
ayaa kornaylku ula tegay Ururka
Midowga Afrika isagoo leh 20,000 oo
ciidan ah baan rabnaa! Ururku wuxuu
yiri: Daarfuur baan u la’nahay wax
ka badan 300 oo askari ee xaggee ka
keenaynaa 20,000 oo askari? Ogaada
arrinta khatarteedu ma dhammaan. Waa
Zenawi ninka raba inuu usoo diro
ciidamo Itoobiyaan ah oo badan ee
tan kale waa boor isku qarin.
Arrinta kale waa iyadoo kornaylka
laga sheegay hadal ah: Magaalooyinka
Soomaaliya ma Xamar keliyaa?
Magaalooyinka Soomaaliya Xamar
keliya maaha laakiin maxaa laga
wadaa?
Waxaa
la yiraahdaa mindida neefka lagu
gowracayo lama tuso. Maaddaama
ra’iisul wasaare loo wado Hawiye
ayaa C/hi goostay inuu labadaas
arrimood oo dowladda muhiim u ah uu
kala degdego isagoon dooran wasiir
kowaad; ileyn waxa mindiyaha loo
lisanayaa waa iyagee.
Ceebta
ka sii daran waa iyadoo horay loogu
diiday in C/Qaasim ka baxo Kenya
ilaa uu aqbalay caleemo-saarkii C/hi
dabadeedna C/hi u fasaxay inuu Xamar
aado. waxaa hadda dabar lagu xiray
hogaamiye-kooxeedyadii Muqdisho oo
loo sheegay inaysan bixi karin ilaa
wasiir koowaad la magacaabayo.
“JAZAA’AN WIFAAQAN” ama dheh
“Al-Jazaa-u min jinsi camal” oo ah
abaalmarintu waxay noqotaa waxaad
shaqaysatay. Marka haddii
dagaal-oogayaasha Xamar isbaaro
loogu dhigtay Kenya waxay ila tahay
wax la yaab ah ma leh ilayn iyaguba
14 sano bay jidgooyo shacab
masaakiin ah u dhiganayeenne.
Kornaylku hadda jeebabka wuxuu ku
wataa nacnac (jago wasiir) oo loo
daadinayo dagaal-oogayaasha Xamar.
Rag baa yiri kabaha Soomaaliya cid
walba ma gashan karto laakiin anigu
waxaan maqaal ahaan mar hore u
qoray:
Kursiga Soomaalidu ma kabahii cagba
cagta ahaa baa? Anoo ula jeeday in
qof kasta gashan karo.
Marka
maqaalkii hore waa taan ku lahaa
hala adkeysto ee maxaa
dagaal-oogayaasha Xamari haddeer u
qeylinayaan?
C/Waaxid C/hi Khaliif
Afeef:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan