SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CARRUURTA

Qore: Ilyas Mohamud Huseen
Ilyas_mh@hotmail.com


Sidee Kor loogu Qaadi karaa Waxbarashada Caruurta Soomaaliyeed ee Qurbaha ku Nool?

Dagaaladii sokeeye ee wadankeena ka dhacey wuxuu sababey in qoysas badan oo Soomaali ah in ay ku soo qaxaan wadamo dhaqan iyo diinba ka duwan , sida (Nord America,Yurub,Australia) taas oo keentey in Soomaali fara badan ku adkaato la qabsashada wadamadii ay ku soo qaxeeyn habka loogu noolyahay.Dhibaatooyin Soomaalida la soo deristey waxaa ka mid ah dib u dhaca ku yimid dhinaca waxbarashada caruurta.Tusaale hadaan u soo qaato waxbarashada caruurta wadanka aan ku noolahay ee Sweden,Soomaalida caruurtooda waxaa lagu tiriyaa ilmaha sida aadka ah ugu liita in ay la qabsadaan nidaamka waxbarashado ee wadanka Sweden.Dowlada Sweden waxyaabo badan ayey u nisbeeysey sababta caruurta Soomaalida ugu litaan waxbarashada ,sababaha waxaa ka mid ah

1-Caruurta Soomaalida ee wadanka la keeney oo waxbarasho hore ka sidan wadanka ay ka yimadeeyn amaba weligood u xaadirin goob wax lagu barto.Caruurtaas oo jira da`da u dhaxeysa 9 ilaa 14 jir,taasi waxay sababtey in ilmihii ay ku adkaato la qabsashada waxbarashada cusub.

2- Waaladiinta Soomaaliyeed oo aan fahamsaneyn qaabka waxbarasho ee jirta wadankan cusub oo ay yimaadeen.(Qaabka waxbarasho ee ka jira wadamadan galbeedka yurub waxa uu ku saleysanyahay isla shaqeeyn ka dhaxeysa waalidka iyo macalimiinta.Macalinkii casharada caruurta uu soo siiyo waa in waalidku ilmaha guriga ku caawiyaan,qaabkan isla shaqeeynta ah waalidiinta Soomaaliyeed way ku cusub tahay, in ay la qabsadaana waa ku adkaatey ).

3-Caruurtii Soomaalida oo guryahooda aan ka heli karin cawinaantii ay u baahnaayeen sababtoo ah waalidkii oo aan aqoon hore lahayn,iyo gurigii oo aan u qaabeeysneyn goob ilmihii wax ku baran karaan, sida ilmihii oo aan haysan qol iyo miis u gaar ah oo ay wax ku aqrisan karaan iyo bugaagtii ka caawin lahayd waxbarashadooda sida qaamuus iyo wax la mid ah oo aan gurigii oolin ama gurigii oo buuq badan ka jira.

Asbaabahan aan kor ku soo sheegay iyo kuwo la mid ah waxay sababeen in caruurtii Soomaaliyeed ay dhib uga gudbaan waxbarashadii dugsiga hoose/dhaxe. Waxbarashadii sarena in yar ayaa ka qaata shahaado buuxda.Ardeyda Soomaaliyeed oo dugsi sare ka qaata shahaadadii loogu tala galey(waxaan ula jedaa ku wada gudba imtixaanadii loogu tala galey aad bey u yaryihiin wadankan Sweden).

Warbixin ay soo saartey hay`ada waxbarashada sare u qaabilsan wadanka Sweden sanadkii 2002 waxy sheegeen in ardayda Soomaaliyeed ee ka baxa dugsiyada sare oo hela shahaado jaamacad wadankan looga dhigan karo in tiradooda ay yihiin 4%(boqolkiiba afar ardey). Runtii waa wax laga naxo tiradaa madaama Soomaalida inta badan wadankan ay degan yihiin in ka badan dhowr iyo toban sano.

Maxaa dhacaya hadii caruurta ka saaqido waxbarashada ?

Sida ku xusan baritaano badan wadankan Sweden laga sameeyey,caruurta waxbarashadooda dhaxda uga taga iyo kuwa dugsiga sare ka qaadan shahaado buuxda waxay badanaa noqdaan dhalinyaro ku dhacda denbiyo lagu mutaysto xabsi.

Sida aan ka soo xigtey hay`ada tirakoobka dadk ee Sweden(SCB). dadka xabsiyada wadankan Sweden ku jira oo tiradooda lagu qiyaaso 4000 (afar kun) ayaa kala bar(50%) danbiyadii ugu horeeyey galeeyn iyaga oo aan weli gaarin 16 sano iyo in dadka maanta xabsiyada Sweden fadhiya in todobadii qofoodba mid ka mid ah uusan haysan shahaadada dugsiga hoose/ dhaxe.

Baaritaano kale oo dalkan Sweden laga sameeyey ayaa waxaa lagu ogaadey in caruurta ka saaqida waxbarashada in ay badankood noqdaan danbilayaal.Waxaa arintaa u sabab ah dhalinyaradii oo ku soo baxa marka hore shaqo la´aan. Wadamada laysku yiraahdo Scandinavian (Sweden, Denmark,Norwey,Filand ) wey adagtahay in qofka shaqo fiican helaa haduusan sidan wax shahaado ah, xattaa shaqadii dhul xaqida ahayd ayaa shahaado ama waayo aragnimo lagu weydiinayaa mararka qaarkood.

Dhalinyaradaa halkaan ku barbaartey Shaqo la´aanta waxay sii saa waqti aad u badan oo firaaqo ah, firaaqadaas ayaa dhalinyaro badan oo xag maskax iyo mid aqoonba aanka dhisneeyn ku xanbaarta in ay bartaan mukhaadaraadyo kala duwan.

Qofkii dhalinyarada ahaa markuu mukhaadaraadkaa barto islamarkaana haysanin lacag ku filan oo uu ku iibsado balwadiisa waxay ku xanbaartaa in uu wax xado ama wax dhaco si uu u buuxiyo baahidiisa balwadeed, ficiladana waxey sababaan in dhalinyaradii isku rogaan danbiilayaal nolosha ka dhacey oo xabsiyada dhax taagan mar walba.

Hadaba sidee wax looga qaban karaa arimahan?

Si caruurta dariiqa looga fogeeyo islamarkaana loo dhiso mustaqbalkooda waxaa lagama maarmaan ah in la hagaajiyo qaabka waxbarasho ee caruurta.Waxbarashadu waa badbaadinta ilmaheena ,maxaa yeelay aqoonta waxay dhistaa garaadka qofka,waxayna toosisaa mustaqbalka caruurta.Waxay kaloo waxbarashada buuxisaa wakhtiga caruurta sida xun u dhumiyaan.

Baaritaano kala duwan oo ku saabsan sidii waxbarashada caruurta kor loogu qaado ayaa waxaa gedigood lagu cadeeyey in waalidku ka qayb qaadashadiisa in ay asaas u tahay in waxbarashada caruurta ay hagaagto.Baritaanadaa waxay soo jeediyeen in waalidiinta qataan talooyinka hoos ku qoran si ay u hagaagto waxbarashada caruurtooda.

  • 1-in waalidku fahmo qiimaha waxbarashada (motivation) la yimaado
  • 2-In macalimiinta xariir lala yeesho
  • 3-In laga qayb qaato kulamada waalidka loogu yeero dugsiyada
  • 4-In la xoojiyo waxbarashada caruurta ee guriga

1-In waalidku fahmo qiimaha waxbarashadu leedahay.

Waa muhiim in waalidku tixgelin qaas ah siiyaa sida ay ku hagaagi lahayd waxbarashada caruurtiisa .waxaa baritaano badan lagu ogaadey waalidka isku mashquuliya in uu la socdo waxbarashada caruurtiisa,in ay sare u kacda aqoonta ilmihiisa.. Waalid walba waa in uu is weydiyaan su`aalahan soo socda.Caruurteyda sidey bey ku yihiin dugsiga?. Waxbarashadooda ilaa iyo heerkee ayey gaarsiisantahay?.Maxaa ka dhiman?. Su`aalahani waa in waalid walba jawaab u helaa.Si su`aalahani jawaab fiican loogu helaana waa in waalidku xariir la yeshaa dugsiga ilmihiisa dhigtaan.

Badanaa waxaa dhacda in ardaygu aqoontiisa ku harto heerkii bilowga aheyd hadaan lala socon.Ardeyga waxbarashada ku liita goorta uu dugsiga hoose dhiganayo sidiisa ayuu ahadaa ilaa iyo waxbarashadiisa dugsiga sare ka dhameysto arintan waxaa lagu ogadey baritaan lagu sameeyey jaamacad ku taal Chicago(University of Chicago).

Goorta waalidku ogaado in waxbarashada caruurtiisa ay liidato waa in waalidku talaabo qadaa si uu ilmihii waxbarashadooda u hagaajin lahaa.Talaabada ugu fiican waa in caruurtiisa macalin guriga loogu qabtaa, hadii waalidka aqoon ku filan lahayn.

Baritaan uu sameeyey Professor Benjamin Bloom oo macalin ka ahaan jirey (University of Chicago) iyo kalkaalayaashiisa ayaa lagu ogaadey in ardeyga guriga loogu qabto macalin in heerkiisa waxbarasho korodho maalinba maalinta ka danbysa:Bloom waxuu xaqiijiyey in ardey kasta wax baran karo hadii caawinaad ku filan helo.Ogsoonowna Macalin keliya ilmaha aqoontooda ma hagaajin karo hadii adiga waalidka ah lagaa helin cawinaad iyo isla shaqeyn.

2-In lala xiriiro macalimiinta caruurtaada waxbarta.

Waalidku waa in uu xiriir joogta ah la yeshaa macalimiinta caruurtiisa waxbarta.Sanad dugsiyeedka bilawgiisa la kulan macalimiinta ama sida ugu dhaqsaha badan, tusna macalimiinta in aad rabtid in aad la socoto waxbarashada caruurtaada.Hadii aad ogtahay waxyaabo ilmahaada ay ku litaan u sheeg macalinka.Xooji xiriirka adiga (waalidka) iyo macalimiinta idiinka dhaxeeyo, kana dhig mid joogta ah si aad ula socotid heerka waxbarashada caruurtaada markaa joogto.Xariirka waalidka iyo macalimiinta oo la xoojiyo waxay kor u qadaa dadaalka ilmaha iyo waxbarashadooda .

3-Ka qayb qaata kulamada waalidka iyo macalimiinta dhaxmaro.

Waa in laga qayb qataa kulamada waalidka iyo macalimiinta loogu yeero lagana faa`ideeystaa.Waalidku waa in uu u sii diyaar garowaa kulankaa,inta kulanka dhicin waa in uu sii diyaarsadaan su`aalaha ay rabaan in ay weydiyaan macalimiinta,habka ugu fiicana waa in qofka inta guriga joogo su`aalihiisa liis ku sii qortaa.Waxaa kaloo muhiim ah in si fiican looga qayb qaato doodaha meesha ka socda (hadii waalidku ku adagtahay luqada lagu doodayo,waa in uu turjubaan ka codsadaa maamulka dugsiga ).

Waxaa kaloo muhiim ah in si fiican loo dhageysto macalimiinta goorta ay soo jeedinayaa warbixintooda,qofku waa in uu qalin hore u sii qataa, si uu u qorto waxa macalimiinta ay ka hadlayaan,hadaadan fahmin waxa laga hadlayo weydii macalimka ama maamulka in si fiican laguugu faahfaahiyo.Waalidku waa in uu kulamadaa weydiyaa macalimiinta maadada ilmihiisa ku litaan iyo sida lagu hagaajin karo iyo maadada ilmaha ku fiican yihiin si caruurtii loogu sii dhiiro geliyo.Hadii ay kula tahay ama macalinka la tahay in ilmahaada u baahanyihiin cawinaad dheraad ah weydii macalinka sida lagu heli karo caawinaada qaaska ah.

Guriga goorta aad timaadid si fiican ugu feker waxyaabihii macalimiinta kuu soo shegeen, hadii ay jiraan maadooyin laguu soo sheegey in ilmahaaga ku liitaan dhaqso ugu dhaqaaq wax ka qabashadooda.Hadii adiga aad ku filantahay caawi ilmihaaga hadaadan ku filneyna u qabo macalin caruurtaada,ogsoonowna in aynaan jirin qarash ka muhiimsan kan ilmahaaga waxbarashadooda aad gelisid.Guri aad wadankii ugu dhistaa waxaa ka muhiimsan in caruurta aqoontooda la dhiso iyagaa goorta ay waxbartaan dhisan doona guriga ay rabaan.

4-Waxbarashada Guriga

Ardeygu meesha ugu fiican ee uu wax ku baran karo waa guriga sida ay isku raceen aqoonyahano badan oo arintan baritaan ku sameeyey.Waalidku waa in ilmaha la socdaa habka uu wax u qoro,habka uu wax u akhriyo, heerka naxwaha luqada uu wax kubaranayo garsiisantahay,fahamka xaga xisaabta iwm.Hadii uu waalidka arko in ay jiraan maado ilmihii ku adag tahay waa in dhaqsihiiba wax ka qabtaa.

Caruurta casharo badan ayaa laga soo siiyaa dugsiga si ay guriga ugu soo shaqeeyaan,hadaba waalidku waa in caruurta weydiiyaa hadii wax casharo ah loo soo dhiibey iyo inkale,ilmahana u yelaa wakhti ay ku sameyaan casharadooda.Waxaa kaloo muhiim ah in ilmihii loo soo iibshaa waxyaabaha u fududeyn kara waxbarashadooda sida Qaamuus, Qalimo iyo Buugaag ku filan.Wakhtiga ilmaha waxbaranayaan waa in guriga buuqa laga yareeyaa ,caruurta laga demiyaa Talefishinka iyo waxa la mid ka ah si ay ilmaha foojignaantooda u hagaagto.

Ilmahaada ku amaan mar walba sifaha aad adiga la jeceshahay in uu ahaado, niyadana u dhis, Ogsoonowna in ilmaha amaanta saameeyn weyn ku yeelato dhaqankooda.Arinta kale ee muhiimka ah waa in caruurta la abaal mariyo hadii ay dadaal la yimaadaan..

Macalimiinta goorta ay arkaan in caruurtii wixii loo direy soo qabanayaa,gurigana laga caawinayo,waxay macalimiintii ku dhalisaa dhiiragelin iyo dadaal dheeraad ah.Hadiise ay arkaan in casharadii caruurta guriga loogu direy oo sidooda lagu soo celiyo waxay macalimiinta ku dhalisaa niyad jab iyo in uu shaqadooda u fulin sidii loogu tala galey.

Gunaanad:

Caruurta waxbarashadooda oo hagaagta waxay inta badan ku xiran tahay dadaalka waalidka muujiyo iyo sida uu u qiimeeyo aqoonta,sidaa darteed waalid walba waxaa saaran mas`uuliyad qaas ah si uu kaalintiisa uga soo baxo una dhiso mustaqbalka caruurtiisa.

Waxaa kale oo jira arimo anaga Soomaali ahaan inoo gaar ah,taas oo ah in ilmaha haduu madax adeygo la iska garaaco ama mararka qaarkood la aflagadeeyo,arintaa waa dhaqan xun oo in la bedelo u baahan ilmaha waa in si daganaasho ku dheehan wax looga dhaadhiciyaa, loona shegaa in uu waxbarashadu asaga u fiican tahay.Waana in caruurta kalsooni lagu beraa,lana dhiiro geliyaa,caruurta waa in xiriir fiican lala yeshaa ,dilka iyo qeeylada badana laga joojiyaa, ilayn dil iyo qeeylo abaab ma noqoto caqli saafi ahna ma soo saarto.Ilmaha haloo saxo hana loo barbaariyo si deganaansho iyo xikmad ku dhisan.

Wabilaahi Towfiiq

Qore: Ilyas Mohamud Huseen
Ilyas_mh@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 4, 2004

FG: ilaha (Source) .

SCB: (Statistic Sweden`s services)
Högskoleverket(National Agency for higher Aducation) Sweden.
Benjamin Bloom:All Our Children Learning.
Reginald Clark: Family Life and School Achievement.
James Coleman: Parental Involvement in Education.

<><><>

Maxaa Xal u ah Ubadka Soomaalida Qurbaha?

Muslimiinta Minneapolis oo Talo u baahan

<><><>

 Nolosha Dhabta ah ee Muqdisho
iyo sida maalinba maalinta ka dambeysa Bulshadu u soo saareyso nolol cusub.. [Qormadii Amiin] April 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
MADHOODHOW
Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...
 
FILIMADA ANSHAXA XUN
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
 
GALCAARKA
Fulinta Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka HIV/AIDS-ka:
Ka digtoonaansho qorshaha shisheeye oo ah mindi laba-afle ah...
Guji
 
CAAFIMAADKA
AIDS | CHOLERA | SOKOROW | JABTADA | SHIFO
Faarax Axmed Muuse | Karachi
 
QISO NAXDIN LEH
Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....
 
SAWIRRO XAMAR
XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO
 
XIJAABKA
»Maxamed DHeere oo Indh shareerka mamnuucay

»
Faransiiska oo iskuulada ka mamnuucay Xijaabka...

»Yusuf Shabac II oo Raali Geliyay Jaaliyadda Guji...
 
DAROOGADA QAADKA
KHASAARAHA DHAQAN-DHAQAALE EE QAADKU KU HAYO SOOMAALIYA:
Waxaa lagu qiyaasay in garoonka Deyniile oo keliya laga dejiyo qaadka nooca Miirowga loo yaqaan oo qiimihiisu dhan yahay $170,000/bishiiba, taas oo sannadkii ka dhigeysa $2,040,000. Eeg halkan... Qiyaas akhristow inta ardayga Soomaaliyeed uu ku dhigan karo Jaamacad kutaal Soomaaliya..
Guji.. 

BOSASO: Kasoo horjeedka Cisbitaalka Boosaaso waxaa kuyaal suuqa daroogada Qaadka oo ay  kasoo baxdo miisaaniyad lagu qiyaasay $US50,000 maalintiiba, laakiin lacagta halkaas ka soo baxda iyo cashuurteedu toona ma gaaraan cisbitaalka, sidaas waxaa qoray...
 ABC Australia...
 
MUSLIMIINTA CUSUB
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..

Dhakhtar Ajnabi ah oo ka tirsan dhakhaatiirta Isbitaalka SOMRUS oo Islaamay: Dr. Maxamed Cali oo horeyna loo oron jiray Dr. Nikiforov Pavel ayaa islaamay Muqdisho Guji

Singapore: 500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka.. Guji
 
QISO XIISA LEH
“Sawirkan Lama Ogala. Waxan Rabna Sawir Midab ah oo wajiga, timaha iyo qoorta wada muuqato”, Guji.. ..

Sheekadii Kiishka... Guji/
 
XAMAR 2004

Nolosha Dhabta ah ee Muqdisho
iyo sida maalinba maalinta ka dambeysa Bulshadu u soo saareyso nolol cusub.. Guji... [Qormadii Amiin]
 

AFRIKA

AFRIKA: DUNI DAHAB AH IYO MALAB DAMEER SAARAN!! Wax ka baro Qaaraddaada