Xalinta
khilaafaadka iyo wadooyinka loo maro?
“ From Management prespective”
Waxaa
hareeyay dhamaan warbaahinta soomaliya qaybaheeda kala duwan
haba ugu horeeyeen website-yaduye wararka ku saabsan “
khilaafka soo dhexgalay” dowladii lagu soo dhisey kal hore
wadanka Kenya, iyadoo aay noqotey arin qalimada iyo codadku
ka daaleen qaadaa dhigeeda, ma doonayo inaan ka faaloodo
khilaafkas iyo guntiisa siyaasadeed, waxaase qormadaani aay
isku dayaysaa inay inay iftiimiso khilaafka, iyo qaababka
loo xaliyo, iyadoo la tixraacayo aragtiyada khubarada
cilmiga Management oo uu ugu horeeyo Peter drucker,
rug-cadaaga boqol jirka ee la aaminsan yahay inuu yahay
aabaha cilmiga management ee waqtiyadan danbe.
“Conflict” waa xaalad u dhaxaysa laba qof ama kooxood oo mid
walba u arko Kan kale inuu si khaldan u saamayn karo, arin
isaga ku wayn. Is-maandhaaf marka la doonayo in lagu
tilmaamo “ Khilaaf “ waa inuu kulansadaa sadex
astaamood oo lagu yaqaano khilaafka mida hore waa in afkaar
kala duwan la qabaa (sax iyo khalad mideey doonto ha ahaato),
in la kala qabo dareen qaloocan (negative) oo qoloba mida
kale u aragto inay inay ku kacayaan falal raad xun ku
yeelanaya danahooda,si toos ama si dadbanba. Iyo mida
sadexaad oo ah In waxa la isku hayaa uu yahay arin labada
dhinacba ku wayn oo aay danaynayaan, hadii labada qof ama
koox midkood uusan xiiso badan u hayn arinta markaas khilaaf
lama oran karo waayo waxaa sahlan inuu dhib yari ku
tanaasulo, kaliya afkaarta oo lagu kala gadisnaadaa ma
keenayso in lagu tilmaamo khilaaf, inta aay meesha imaanayso
in sutida la isku qabto oo qolo walba aay ku dadaasho inaan
laga riixin mowqifkooda.
Conflict
ama khilaaf waxaa loo qaybiyaa labo nooc. Kuwaas oo kala ah:
1- functional conflict-
khilaaf shaqayn kara, ama socon kara, Functional Conflict –waa
khilaafka dhiirigaliya gaarista goolasha aay koox, hay’ad,
shirkad ama dowladi higsato, waa khilaaf caafimaad qaba
(positive), dadka khilaafkaani u dhaxeeyo waa kuwo si niyad
ah u doonaya inay xal u helaan arin taagan, iyagoo isku
dhegaysana si mug leh, mid walbana uu xeerinayo in la helo
xal faa, iido u leh dhamaan dhinacyada kala afkaarta ah.,
khilaafka astaamahaan lihi waxuu soo kordhiyaa talooyin
cusub,iyo qaabab casri ah, isagoo organisationka u
suurtagaliya xalal farabadan in la keeno,islamarkaana laga
doorto mida ugu doorsan ama la isku dhafo afkaaro badan
aakhirkana aay ka dhalato xal sal-baaran. Soo bandhida
afkaaraha badan ee kala duwani waxay meesha ka saaraysaa in
dadku u fekeraan hal nooc, ama il-keliya wax ku wada arkaan,
taasoo ka dhigaysa xubnaha hay’ada in miskaxdodu madhalays
noqoto, islamarkaana aay ku fekeraan miskax toobal-caaro ah
oo aan ahayn tiisa.
2-Dysfunctional conflict
–khilaaf wax curyaamiya, ama aan socon Karin.
Khilaafkaan waxaa lagu qeexaa inuu yahay “ is-qabad, khilaaf,
iyo kala maan kaasoo caqabad ku noqda howl gudashada hay’ad,
koox, shirkad ama dowlad iwm”. Noocaani (nasiib daro
khilaafyada dhacaa noocaan ayay u badan yihiin) waxuu dhex
maraa dad aan doonayn inay ka wada shaqeeyaan sidii loo
gaari lahaa xal labada dhinacba faa, iido u leh, iyadoo
dadkaani aay ka duulaan xal ku qotoma guul iyo guuldaro
(win-lose solution).
Dr.Stephen
Covey
oo ah khabiir looga
danbeeyo cilmi-baarisyada ku saabsan hab-dhaqanka dadka iyo
hogaaminta (behaverial science and leadership) waxuu qabaa
in aragtidaan win-lose solution-ku aay salka ku hayso
caqliyad uu ku magacaabay Scarcity Mentality- oo ah
in wax walba aay gabaabsi yihiin, oo qof ku uu mar walba uu
ku dadaalo inuu isagu noqda midka guushu raacdo, waxuu ku
dooday in aragtidaas lagu badalo abundance mentality- oo ah
in fursadahu waasac yihiin qof walbana nasiibkiisa iyo
qaybtiisa uu helayo, guushaaduna aaysan jab u keenayn qof
kale.
Marar
badan khilaafka noocaan ahi waxuu isku badalaa mid
shakhsiyadeed oo qab salka ku haya (ego centric)
iyadoo aay dhacdo in khilaaf bilowgiisii aad u yaraa laga
dhigo mid weyn ama loo ekeysiiyo mid culus, oo xalintiisu
adkaato.
Sidaas
dareedadeed ayaay qabaan khubarada maamulku in khilaafka mar
allaale iyo markeey muuqdaan astaamihiisu in wax laga qabto,
oo aan laga gaban, lagana fogaado in la asturo, ama la
inkiro in khilaaf jiro.
Khilaafka
curyaamiyaha ahi – Dystfunctional conflict -waxuu
dhaxalsiiyaa ururada, bulshooyinka, dowladaha, shirkadaha
iyo hay’adahaba natiijooyin xun-xun kuwasoo aay ka mid tahay
hoos u dhac weyn oo ku yimaada qiimaha xiriirka, qanaaco
yaraan,is-aaminida oo meesha ka baxda,iyo xiriirka
shaqaalaha oo cakirma. Taasoo dhaxalsiisa aakhirka hoos u
dhac weyn oo ku yimaada heerka wax soo-saar ama waxqabad ee
hey’ada, shirkada, and dowlada iwm.
Waxay
kaloo keentaa isku duubnidii iyo is-kaashigii kooxda oo hoos
u dhacda taasoo meesha ka saareysa gaarista ama higsashada
goolashii loo igmaday urur, hay’ada, shirkad ama dowladi
inaay gaaraan.
Maareynta
khilaafyadu (conflict Management) waa nadaam isku xiran
(systematic process) kaasoo higsanaya sidii loo heli halaa
natiijo aay ku wada qanacsan yihiin dhinacyada khilaafku ku
dhexjiro, natiijo ku gacan siisa hey, ada, bulshada, dowlada,
ama shirkada inay u howlgalaan si firfircoon islamarkaana
aay gaaraan goolashii loo aasaasey.
Ujeedada
xalinta khilaafyadu waxay ka bilaabataa in hoos loo dhigo
dhicida khilaafyada curyaamiyayaasha ah(dysfunctional
conflicts) islamarkaana la faafiyo falsafada ah in khilaaf
walba oo dhaca loo xalin karo si hufan oo turxaan la,a,
islamarkaana aan dhinacna ku ahayn jab iyo guuldaro.
Mid ka
mid ah dhinacyada ugu muhiimsan xalinta khilaafyadu waa
dabeecada ka hor-taga (proactive nature) tani waa mid laga
rabo in hogaamiyayaashu aay mar walba u taagan yihiin inay
abuuraan jawi aan dhiirigalin khilaafyada curmaayiyaasha ah.
Islamarkaana kor u qaada xalal wada-guuleysi(Win-Win
solutions) iyadoo aan dhinacna dareemayn in laga badiyay ama
uusan uurka ku hayn ciilqab kaasoo uu la sugayo fursado
danbe oo uu ku ciilbaxo, hadii dhinac ka mid ah khilaafku
aamino in natiijadu aay ku jiifsatay islamarkana uu muujiyo
qanaaco daro isagoo aaminsan in aan waxba laga qaban ama la
iska indho-tiray doodiisii ma noqonayso midaasi xal soo
af-jara khilaafka,balse waxay ahaanaysaa qunbulad aasan oo
qarxi karta xili walba.
Waxaa ah
arin ka fog xirfada maamul-wanaaga in hogaamiyahu noqdo
fal-celiye ama (reactionary) taasoo macnaheedu noqonayo dab-damiye
markii dhibku ama khilaafku qarxo isku daya inuu xal
raadiyo,adigoo aan hore meel ugu diyaarsan
qaabab(mechanisms)aad uga hor-tagto khilaafka dhicidiisa,
ama kuwo haduu dhacoba si degdeg ah loogu afmeero.
Hadaba
hadaad ogaatey khilaaf waxuu yahay,noocyadiisa, iyo qaababka
looga fogaan karo. waxaa maangal ah inaad isweydiiso
qaababka lagu xalin karo khilaafka hadiiba uu dhaco ,Talaabooyinka
loo maro xalinta khilaafku waa badan yihiin waxaase kuwa ugu
muhiimsan ka mid ah:
1)Understanding
the cause of the conflict: waa in la fahmaa sababta ka
danbeysa khilaafka, sababaha dhaliya khilaafka badiyaa
waxay ku soo ururayaan sadex sababood midkood:
a)
Information: dadku inta badan
waxaa dhacda in hadal ama arin kaliya in qofba si u fahmo
u gaar ah isaga ,waana taay somalidu hore ugu maahmaahdey
hadal waa margi, ama hadal nin si u yiri nina si u qaadey.
b)
Process:
waxaa dhacda in la isku qabto qaabka howl loo qabanayo,
iyadoo hadafka aan la isku diideyn
c)
Objectives: marar badan waxaa
dhacaysa in ujeedooyinkaba la isku diidan yahay oo qof walba
uu higsanayo gool iyo ajendayaal u gaar ah
d)
Values:
mabaadi,ada iyo hab-dhaqanka oo kala duwanina waxay sababaan
khilaafyo oogma.
e)
Styles:
qaabka qofnimo iyo shakhsiyada qofeed ayaa waxay keentaa
in dadku ku kala duwanaadaan qaab-hadalka, dabeecadaha iyo
qaab shaqeedkaba taasoo marar badan sababta khilaaf.
2)
Understand the intensity of the conflict: in la qiimeeyo
heerka khilaafku gaarsiisan yahay, waa in fikrad fiican laga
helaa heerka afkaarahu kala durugsan yihiin, ilaa xadkee
qolo walba diyaar u tahay in xal la helo,iyo heerka qolo
walba ku dhegan tahay mowqifkeeda,ama inta aay tanaasul
samayn karaan
3)
Select A strategy for solving the conflict: waa inaad
dejisaa qorshe fog ama istiratiijiyad aad ku xalinayso
khilaafka, waxaa jira afar istiraajiyadood oo lagu maareeyo
khilaafyada, mid walbana waxay leedahay duruufo u gaar ah oo
aay ku haboon tahay:
a)
Collaboration: waa istiraatiijiyad
ku dhisan in kooxaha ama shakhsiyaadka is-khilaafsani aay ku
heshiiyaan inay wada shaqeeyaan islamarkaana la gaaro xal
dhamaantood qanciya(win-win solution). Istiraatiijiyadaan
waxaa badiyaa la raacaa marka aadan ka maarmin wada
shaqaynta dhinaca aad is haysaan, ama aad ogaato in dhinacna
uusan ka tanaasuleyn aragtidiisa ,waxaa markaa muhiim ah in
qoloda kale aad garwaaqsato xubinta aay ka
duulayaan,islamarkaana meel dhexe oo la isla ogol yahay la
iskugu imaan lahaa. Waxaadna ogaanaysaa in xaalad walba aay
leedahay duruufo u gaar ah.
b)
Domination: marar badan ayaay
khasab noqonaysaa in dhinac ka mid ah dhinacyada is hayaa uu
maquuniyo dhinaca kale , taladiisuna socoto. Xalkaani
waxuu imaanayaa marka aragtidaadu aay kaaga muhiimsan tahay
mida qolada kale, xalkaani waxuu dhici karaa marka xiriirku
uusan ahayn halbeeg muhiim ah, islamarkaana aadan u baahnayn
wada shaqaynta qolada kale,wax u curyaamayaana aaysan jirin.
c)
Accommodation: tanaasul iyo xero
gelin waa xal la isticmaalo marka loo baahan yahay xal
degdeg ah, islamarkaana aad gar-waaqsato in qofka kale
mowqifkiisu uu aad u durugsan yahay oo aay muhiim kuula
muuqato inaad adigu tiisa u raacdo, iyadoo aad xeerinayso
muhiimada xiriirka shaqo ee idiin dhaxeeya islamarkaana
aadan ka maarmin gacanta iyo xiriir-shaqo wanaag oo idin
dhexmara dhinaca kale, adigoo og-in mowqifkaaga aad ka
tanaasuli karto, dhib weyniga uusan kaa soo gaareyn.
d)
Avoidance: istiraatiijiyadaani
waa mid ku dhisan in la micno tiro khilaafka islamarkaana
aadan waqti ku dhumin xalintiisa, waxayna siyaasadaani
imaanaysaa marka xalku aanu degdeg ahayn, la iskuna
jaakiri karo ama aamusi karo. islamarkaana khilaafku uusan
ahayn mid macno badan samayn kara(ka digtoonood in khilaafyo
yaryar kugu kaydsamaan waxay isku noqon karaan mashaqo weyn
oo aan la sal gaari karin) ama dhinacyada is-hayaa gartaan
inay gacan sadexaad soo dhexgasho oo markaas culeyska
xal-raadinta waxaa dhabarka u ridanaya qoladaas
dhexdhexaadiyayaasha ah adigana walwal badan kuguma hayso
xalinteedu,ama khasaaraha ka dhalan kara in fooda la is-daro(direct
confrontation) ayaa kaaga fudud xal raadin aad ogtahay inaan
daawo fiican laga gaareyn ,ama aad ogaado in gunta khilaafku
aaysan ahayn mid ku dhisan qodobo(principles) ee aay tahay
mid ka dhalatay kaliya shakhsiyaad is-diiday(personality
clash) xal raadinteeduna yahay gacmo daalin.
Waxaan rajaynayaa in qormadaan koobani aay il-u furto dadka
iskugu yimid shaqooyinka sida kuwa ganacsiga, bulshada iyo
dowladeedba, sidii aay uga fogaan lahaayeen khilaafyada wax
curyaamiya islamarkaana hadiiba khilaaf dhaco loo xalin
lahaa…. waa inoo balan kale warsan iyo nabad.
Siciid Xuseen Ciid
Faafin: SomaliTalk.com |
Aug 5, 2005
MAQAALADA MAANTA:::
»Geeri aan Lagu Cibro
Qaadaneynin Cabsiba Ha Joogtee | Dayax
»JAHO
XUMIDA XISBIGA UDUB JAANGOYNTA XISBIYADA | Diridhaba
»Jawaab
: Somaliland ictiraaf ka fog??? | M.A.Ismacil
»Cudurka
Qabiilka Oo Aan Daawada Lahayn Iyo Dadka dhaliya | Bashi
»Ku-meel-gaar::
Maqaaalkii C/Waaxid Khaliif
»Bani`aadamka:
Qaabiil iyo Haabiil is-qoonsi-goodii | Bile
»GABAY:
Horta soo deg laba
Deel midbaa diirku ka caddaane | Dhuuraq
»Madaxwayne balaayo
sheeg ah, Prime Minister beenloow ah | Saida
»Ciidanka Somaliland
noqon maayo sidii ciidamadii Rwanda | Janale
»WasiiradaHubeeysan ee
Muqdisho Awood Gaar ah la siiyo | X.Carab
»Maqaal Ku Saabsan
Isboortiga (Ciyaaraha) | Muuse Abees
»MAQAALADA
KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..
|