Baaq: Qurbajooga Nuux Cumar oo ka jawaabaya
Waraysigii Suldaan Siciid Cabdisalaan
- Baaq ay soo saareen qurbajooga Nuux Cumar ee (Warsangeli) oo ka jawaabaya
Waraysigii Suldaan Siciid Cabdisalaan Maxamuud siiyey Idaacada BBC-da...
Waxaanu halkan ku soo bandhigaynaa moqifka beeshayadu ka taagan tahay
waraysigii uu siiyey Suldaan Siciid Cabdisalam uu siiyey idaacada BBC-da
1- Waxaanu Ummada Soomaliyeed ogaysiinaynaa inaanu Suldaan Siciid ahayn
Suldaanka beesha Warsangeli dhamaantood yahayna Suldaan jilibo ka mid ah
beesha Warsangeli. Tusaale ahaan Siciid wuxuu Suldaan u yahay jilibada
hoos ku xusan
A) Garaad Cabadale
B) Nuux Cumar
C) Jibriil Siciid
D) Axmed Cumar
E) Yeesif Cumar
F) Reer Xaji
G) Aadan Yaaquub
2- Waxaanu ummada Soomaaliyeed u sheegaynaa inaan Suldaan Siciid, Suldaan
u ahayn Jilibada hoos ku qoran oo mid waliba leeyahay Suldaan ama garaad u
gaar ah oo aanu afkooda ku hadli Karin,waxa jilibadaa ka mid ah.
A-Beesha Dubays oo leh laba Garaad.
B- Beesha Reer Saalax oo leh hal Garaad.
C- Beesha Aadan Siciid.
D- Beesha Warlabe oo leh hal Suldaan
3- Waxaanu ummada Soomaliyeed,iyo beesha Warsangeliba u sheegaynaa inaan
beesha Nuux Cumar la qabin fikrada uu Suldaan Siciid qabo ee ah in wadanka
Soomaliyeed la kala gooyo.
4- Beeshayadu wax talo ah oo ay Suldaan Siciid kula midoobeen oo ku
saabsan kuraasida uu ka baryayo maamulka Hargaysa haba yaraatee ma jirto.
Waxaanuna aaminsanahay midnimada ummada Soomaliyeed
5- Waxaanu u aragnaa in Suldaan Siciid ku talax tegey talada jilibada uu
Suldaanka u yahay. Masuuliyada uu ummada u hayo ee soo jireenka ah ee
mudan sharafta wuxuu u qaatay iney tahay shaqo risiq maalmeedka lagula
soo baxo
tahay
6- Haddanu nahay beesha Nuux Cumar waxaanu qadarinaa deris wanaaga iyo
wada noolaashaha beelaha degaanka ku wada dhaqan. Beeshaydu marna uma
dulqaan karto wixii khalkhal gelinaya degenaashaha iyo nabada gobolka
Sanaag. Haday noqon lahay Suldaan Siciid ama Maamulka Haragysaba.
7- Waxaanu xusuusinaynaa Suldaan Siciid iney ahayd 1920 markii illaahay
haw naxariitee Geesigii weynaa ee taariikhda ku lahaa wadanka Soomaaliyeed
Suldaan Maxamuud Cali Shire Ingriisku ka qafaashay magaalada Laasqorey.
Suldaanka markii la qafaashay waxaa Ingiriisku saaray markab ka dibna
waxaa lagu xidhay Seychelles halkaas oo uu ku xidhanaa ilaa 1928. Hadaanu
iska idha tirayn taariikhda Suldaan Siciid waa garanayaa cidii ka
dambaysay xidhitaanka Awawgii iyo sababihii loo xidhayba. Suldaan Siciid
hadaanu ka waantoobin wadada uu ku socdo isagana dabinkii Awwihii loo
qoolay ayuu ku dambayn doonaa.
8- Waxaanu kaloo xusuusinaynaa Suldaan Siciid inuu caleemasaarkiisu hor
dhac u ahaa burbur ku yimi saldanadii qarniyada soo jirey ee isagu ku
noqday Suldaan 26 ee beesha Warsangeli. Markii isaga la ceelamasaarayna
ay jilibo badan oo Warsangeli ah ay samaysteen Garaado iyo Saladiin u gaar
ah. Hadii Suldaan Siciid sidaa ku sii socdo jilibo kale ayay ku
kelifaysaa iney iyaguna ka baxaan Suldaanimadiisa. Waxa kaloo laga yaabaa
in beelaha uu Suldaanka u yahay ay boqradaan Suldaan kale oo isaga meesha
ka saaraan.
9- Waxaanu ka codsanaynaa jilibada Warsangeli ha noqdeen kuwa aan Suldaan
Siciid,Suldaanka u ahayn iyo kuwa uu yahayba iney baaqyo kan la mid ah ka
soo saaraan. Hadii layka aamuso waxay bixinaysaa sawir ah in beesha
Warsangeli iyo Garaadadeeda iyo Salaadiinteeduba ay qabaan fikirada kana
raali yihiin mawqifka Suldaan Siciid.
10- Waxaanu kaloo ka codsanynaa Salaadiinta iyo Garaadada Warsangeli iney
ilaaliyaan sharaf ummadooda oo ay ka waantoobaan wixii ceeb iyo taariikh
xumo u soo jiidaya dadkooda. Hadii mid ka mid ahi ku kaco arin aan u
cuntamin dadkooda waa iney mowqif midaysan ka qaataan iyagoo eegaya
cawaaqib xumada ka iman karta arintaas. Garaadada iyo Salaadiintu waa
iney baraarujin iyo wacyi geli shacabkooda siiyaan. Waa inaanay noqon
ninkii geela reer raaci jirey ee geelii ka tegey oo markuu ka tegey hadana
reer kale geel u raacay,looguna duur xulay wuxuu korodhsaday “Hashaa
magaceed”. Waxaanu ula jeednaa hadaydinaan qabanayn waajibaadkii idinka
saaraa ummada idin xaleemo saaratay waxaad magaca Garaad ama Suldaan ayaad
korodhsateen.
Waxa soo saaray baaqan dadka hoos ku qoran
1-Axmed Dhaaye Cashuur (Abudhabi)
2- Maxamuud Maxamed Xasan (Abu dhabi)
3- Ciise Xasan Gurey (Abudhabi)
4- Xasan Cumar Axmed (Abudhabi)
5- Axmed Cali-dheere (abudhabi)
6-Maxamuud dhaaye Cashuur (Abudhabi)
7-Maxamed Maxamuud Cashuur (Abudhabi)
8- Maxamed Cabdi Gury (Abudhabi)
9-Maxamed ACbdillahi Nuur (Abu-dhabi)
10- Axmed Maxamuud Xasan (Abudhabi)
11- Cabdulqaadir Maxamed Saalax (Abudhabi)
12- Siciid Warsame Maxamed (Abudhabi)
13- Ismaaciil Maxamed Saalax (Abudhabi)
14 Cabdulwqaadir Maxamuud Cashuur (Abudhabi)
15- Cabdirashiid Shiikh Maxamed (Abu dhabi)
16- Siciid Shiikh Maxamed (Abudhabi)
17 Cige Xaaji Cali Muuse
18- Najiib Maxamuud Cashuur (Abudhabi)
19- Cabdulqaadir Maxamed Xasan
20- Cumar Maxamed Maxamud (Alcayn)UAE
21- Maxamed Cumar Maxamed (Alcayn)UAE
22- Maxamed Xuseen Bidinaal (Alcayn)UAE
23 Maxamed Maxamuud Nuur (Abudhabi)
24 Cabdiraxmaan Saalax Muuse (Abudhabi)
25- Axmed Geelle Muuse (Abu dhabi)
27- axmed Cusmaan Daanjab (Abu dhabi)
28 Saalax Xaaji Nuur (USA)
29- Maxamed Jaamac Jibriil (USA)
30- Nuur Maxamed Jaamac Jibriil (USA)
31 Xidig AadanCcadhaysane (USA)
32 Maxamed Abokor Aadan (USA)
32- Maxamuud Maxamed Xaaji Nuur (USA)
33- Cabdiraxmaan Nuur Cali (USA)
34- Yaasiin yuusuf Ibrahim (USA)
35 Aadan Hiraabgale (USA)
36- Ibrahim Maxamed Xasan (USA)
37- Cumar Axmed Siciid (USA)
38- Axmed Siciid Ducaale (USA)
39 Maxamuud Jaamac Xaamud (USA)
40- Fawsi Aadan Cadhaysane (USA)
41- Muuse Aadan Cadhaysane (USA)
42- Cabdillahi Yaaquub (USA)
43-Maxamed Axmed Bashiir Ducaale (USA)
44- Kamaal Maxamuud Cabdi Xaamud (USA)
45- Ibrahim Maxamed Xaaji Huruuse (USA)
46- Xasan Xaaji Maxamuud Maxamed (USA)
47- Cabdi Maxamed C/laahi Cali Naxar (USA)
48- Khaalid Xasan Yusuf (USA)
49- Sharamarke Xasan Yusuf (USA)
50- Guuleed Xasan Yusuf (USA)
51- Cabdi Maxamuud Cabdi Xaamud (USA)
52- Axmed Jaamac Xaamud (Canada)
53- Maxamed Xasan Cumar (Canada)
54- Bile Axmed Jaamac Xaamud (Canada)
55- Liibaan Axmed Jaamac Xaamud (Canada)
56- Faysal Maxamed Jaamac (Canada)
57-Siciid Ducaale Maxamed (Canada)
58-Cabdicasiis Maxamed Xasan (Canada)
59- Jamaal Maxamed Xasan (Canada)
60- Xaaji Maxamuud Maxamed Maxamuud (Canada)
61- Cabdilaahi Xaaji Maxamuud Maxamed (Canada)
62- Axmed Abokor Ducaale (Canada)
63- Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Canada)
64- Cabdulqaadir Suaal (UK)
65- Maxamuud Suaal (UK)
66-Ismaaciil Suaal (UK)
67- Cabdirashiid Siciid Cabdalle (UK)
68- Axmed yuusuf Cabddale (USA)
69-Xuseen Cumar Axmed (UK)
70 Cabdi Maxamed Xasan Khaalid (USA)
71- Cali Warsame Saalax (UK)
72 Maxamed Aadan (UK)
72-Nasaradin Xaaji Maxamuud
73- Kamaladiin Xaaji Maxamuud
74- Cali Xaaji Maxamuud (UK)
75-Salaaxadiin Xaaji MAxamuud
76-Cabdirashiid xaaji Maxamuud (UK)
77- Xuseen Cabdillahi Nuur (UK
78- Cabdilaahi Dafle (UK)
79- Mukhtaar Cabdillahi Dafle (UK)
80- Mustafe Cabdilaahi Dafle (UK)
81 Cadil Cumar Maxamed Maxamuud
82- Cadnaan Cuamr Maxamed Maxamuud
83-Aadan Yusuf Jaamac (UK)
84-Maxamed Jaamac (Ismargaagshe) (UK)
85- Xasan Maxamed Jaamac (UK)
86-Ismaaciil Jaamac Yuusuf (UK)
87- Maxamed Jaamac xaaji Ismaaciil (UK)
88- Maxamed Ciise Xasan yuusuf (UK)
89- Maxamed Siciid Cabdalle (Denmark)
90- Maxamed Bulshaale (Denmark)
91 Siciid Ismaaciil Cabdalle
92-Cabdiladif Maxamed Xasan (Germany)
93- Ali Axmed Cali (Holland)
94- Aadan Saalax (USA)
95- Axmed Maxamuud Dhahar (USA)
96- Maxamed Xasan Shaqasho (USA)
97- Faatax Cali Ibrahim (USA)
98- Axmed Cali Ibrahim (USA)
99- Siciid Khaalid Dhahar (UK)
100- Maxamuud Cuamr Axmed (Saudi Arabia)
101 Maxamed Ali Muuse Ibrahim (Saudi Arabia)
102 Ali Muuuse Ibrahim (Saudi Arabia)
103-Maxamuud Cali Muuse (Saudi Arabi)
104 –Sahra Xaaji Maxamuud Maxamed (Canada)
105-Aasiya Cumar Maxamed Maxamuud (Canada)
106- Maryan Jaamac Jibriil (Canada)
107- Aniisa Cabdalle Dheere (Canada)
108-Tamara Xasan Yuusuf (USA)
109- Ayaan Dhaqasho (Denmark)
110- Sahra Cabdi Gurey (UK)
111- Khadra Cabdi Gurey (UK)
112-Muna Cabdi Gurey (Canada)
113-Saynab Nuur Jibriil (USA)
114-Afrah CAbdi ISmaaciil Cabadalle (USA)
115-Amal Maxamuud Cabdi Xaamud (USA)
116-Yaasmiin Maxamuud Cabdi Xaamud (USA)
117-Fowsiya Maxamud Cabdi Xaamud (USA)
118- Caasha Cabdi Xaamud (Canada)
119- Sahra Askar Xidig (UK)
120-Afraax Xuseen Cuamr (UK)
121- Ayaan Xuseen Cuamr (UK)
122-Xaliimo Axmed Ducaale Findhe (UK)
123- Faadumo Maxmaed Jaamac Jibriil (USA)
124- Sucaad Maxamed Jaamac Jibriil (USA)
125- Xaawo Cabdi Xaamud (USA)
126- Mohamud Haji Musse (USA)
Wixii faahfaahin ah oo ku saabsan Waxaad ka kala soo xidhiidhi kartaan
Mohamed Hassan Omar
omarm@execulink.com ama
m.omar@bellnet.ca
Afeef: Afkaarta Qoraalkan
waxaa leh magacyada ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com |
Aug 20, 2005
Shirka Caux
oo laga hadlay arrimaha Afrika Gaar ahaan Dalka Soomaaliya
Wasiiru dowlaha
kalluumeysiga & kheyraadka badda ee DFKMG, Xildhiban Cali maxamed Faqi
oo ka hadlay kulanka ayaa
Guji
Maxaad kala
socotaa Dastuurka la isku heysto Wadanka Ciraaq?
Waxaa dhibka taagan yahay
sidii loo saxiixi lahaa Dastuurka Ciraaq, hadaba maxaa la isku hayaa?
...Guji...
Aug 19
Gabar
Soomaaliyeed oo Norway Ku Dishey Wiil Soomaliyeed
Wiilka waxaa saakay meydkiisa laga helay.
Guji....
Xisbiyada mucaaradka
Itoobiya oo diiday natiijada doorashada
iyo Suxufi loo
xidhay warar uu maxkamadda Itoobiya ka sheegay ...
Guji... Aug 12
Soomaalida
Maraykanka oo Loo Ogolaaday In ay dib u Xerayn karaan Sharciga TPS
Dowladda Maraykanka ayaan bishan August
waxay dib u ogolaatay in dadka Soomaalida loo siyaadiyo..
Guji... Aug 12
|