Waa su aal da' weyne
dalka yaa iska leh ?? !!!
11 kii bishii December ee
aan soo dhaafnay waxaa barlamaanka ka dhacay arin aan
horay loofileeyn oo runtii aheeyd talaabo xaga horumarka
iyo dimuquraadiyada loo qaaday markii eey barlamaanka
somaaliya muujiyeen talaabo aad muhiim u aheeyd oo eey
uga hortagayeen liiska masuuliyiinta xabashidu soo
magacaabatay oo aan sida muuqata ku sinaaneeyn heer
wasiiro iyo ku xigeeno oo kaliya laakiin xitaa ilaa
qofka biitooniga ah iyo sekreteerka (Secretary ) yada
ah eey tahay ineey ka timaado xaga xabashida.
Arinta baarlamaanku ka
dhiidhiyey oo aheeyd runtii qorshe fog oo qoto dheer oo
dowladii loogu tala galay dib u heshiisiinta loogu
bedelay dib isugu dirka kadib markii hogaamiye
kooxeedyada iyo shaqsiyaadkii xirirka dhow la lahaa
itoobiya si weeeyn loo abaal mariyey qabaailka qaar laga
tegey kuwana sed bursi loo sameeyey ayey ujeedada
itoobiya aheeydba in aan waxba hagaagin welina waa eey
wadaa oo kama tanaasulin oo si kasii baaxad weeyn sidii
hore ayeyba ugu dhex jirtaa oo ilaa heer wasiir ayey
gaartay ergada u joogta Nairobi sidii danaheeda oo
kaliya u hagaagi lahaayeen .
Faragelinta qaawan oo
iyada oo kale aan dunida lagu arag dowlad dhan oo dowlad
kale soo dhisaneeyso min madaxweeynaha ilaa shaqaalaha
wadooyinka ayaa in badan oo barlamaanka ka mid ah ka
hortageen kuwaas oo qaar badan oo kamida eey ku
muteeysteen in loo hanjabo qaarna dhaawacyo iyo
dhibaatooyin ka soo gaareen weeraro lagu qaaday oo
afkaartooda loo dilayo aawgeed
Waxaa jiray cadeeymo aan
muran ka taagneeyn oo muujinaya in wiilal yar yar oo
alifleyaal iyo dableey ah oo Kenya u jooga xabashida eey
bedeleen saacadihii ugu danbeeyey liiskii somalida xitaa
eey iyagu soo magacaawdeen eey soo sameeyn lahaayeen
taasoo ku tusineeysa gacan ku heeyntu inta eey la
egtahay
Xildhibaan Seeraar ayaa
marar badan ka hadlay arimo badan oo ka baxsan qaanuunka
iyo wada shaqeeyn ta oo eey ku dhaqaaqeen qar ka mid ah
masuuliyiinta somaliyeed ee la shaqeeya xabashida taasoo
keentay in leysugu hanjabo telefoono iyo si toosaba gaar
ahaan rag lagu tuhmayo ineey u ololeeyaan rididii
dowladaas dhacday qaar xildhibaanada ka mid ahna lagu dhibaateeyey
tasoo ku muujineeysa sida nidaam wada shaqeeyn eey uga
fogyihiin inta meesha isugu tagtay oo aan gebi
ahaantoodba kor xor ka aheeyn hadana in yar oo damiir
leh waloow eey joogaan meel cadaadis badan ku
saaranyahay cid walba oo soomaali ah oo halkaas joogtana
eey dareemeeyso laheeystenimo siyaasadeed iyo mid amni
Xildhibaan zakariye xaaji
cabdi ayaa yiri "Waxaanu haynaa rag kamid ahaa
Wasiirradaas Mooshinka lagu riday oo niman odayaal ah,
in lagu yiri hebel ayaa idinku dhagan oon ku rabinee
iska soo maslax, waxa loo dirayana waa wiilal yar yar oo
Sadax aliflayaal ah oo Tigree ah, oo waliba ninkii
weynaa intuu u tagay iska soo baryey. Xog ogaal baanu
nahay, dadka-yaga inaan xaqiiqada u sheegno waajib weeye,
qarnigii 21.naad ayaa lagu jiraa umaddu hadaysan wax
kale haysan waa iney xaqiiqada ogaataa. Waana danahoodi
iyo mustaqbalkoodii", "xiriirku waa inuu noqdaa mid
isku dheelitiran, oo wax siman lakala helayo, xiriir hal
dhinac faa'iidayo oo kan kale khaasir yahay xiriir
ma'ahan kaas, xiriirku waa in adigana wax laguu
ogol-yahay adna aad wax ogoshahay, anagu mahayno cid
Soomaali ah oo wax loo ogolyahay. 14.sano ayaan
silcaynaa, oo markii wax la dhisana la laadayaa, dowlad
markey dhisatana jabhado iyo mooryaan loo adeegsanayaa.
Hade miyaan is dhiibnaa oo iska aamusnaa aan baaba'nee?
Maya ayey ila tahay ".
Waxaa ka hadlay isna
dhowaan siyaasiga Maxamed faarax jimcaale oo sheegay in
shirka keenya eey iska wataan dowlado ajnabi ah gaar
ahaan kuwa igad (Itoobiya iyo Kenya ) oo aaneey somalidu
wax talo ah ku laheeyn wixii kasoo baxana aaneey miro
dhaba dhaleeynin waayo soomaalidu xor uma aha arimahooda
gudaha
C/shakuur mire aadan oo
wasiir ka ahaan jiray puntland ayaa si kulul ugu
eedeeyey in madaxweeynaha iyo raisul wazaaruhuba eey
gacanta ugu jiraan dowlada xabashida oo aaneey awood
ulaheeyn ineey xaliyaan maamulaana arimaha soomaalida ee
murugsan oo eey la heeyste u yihiin tigteega
"Itoobiya waxay Godey ku
Diyaarisay Ciidamo gaaraya 4000 oo isugu jira Puntland
iyo Itoobiyan kuwaas oo la doonayo in la keeno meelo ka
mid ah Gobolada Koonfurta Soomaaliya” ayuu yiri Aadan
Saransoor oo sheegay in ay ka hortagi doonan howsha ay
wadaan Saraakiisha Itoobiya dowlada itoobiya soo
dhoodhoobtayna aaneey imaan Karin Baydhabo .
Ciidankan Ethiopian-ka ah oo
la sheegayo inay u badan yihiin Soomaalida degta Kililka
5-aad ee Ethiopia ayaa lagu
soo waramayaa inuu hogaaminayo sarkaal sare oo ka tirsan
ciidamada dowlada dhexe Federalka ee Ethiopia oo
dhalashadiisu tahay Soomaalida Ethiopia oo lagu
magacaabo Col: Daa’uud Axmaar
Waxaa hadal
diblomaasiyadeed oo aad u culus isla markaana qayaxan (qaawan)
si kulul ugu weeraray xabashida iyo faragelinta indha la
' aanta ah eey kula jirto arimaha soomaalida Siyaasiga
reer Kenya Soomaalina ah Faarax macalin oo ah Xoghayaha
xisbiga Ford ee ku jira dowlada wadaaga ah ee dalka
Kenya oo wareeysi xasaasi ah siiyey idaacada BBC da
laanteeda afka soomaaliga kaas oo uu ku celceliyey inuu
ka damqaday kana aamusi waayey waxa eey xabashidu
dadkiisa soomaliya ku heeyso taas oo uu ku tilmaamay wax
aan indhah a laga qarsan Karin madaxweeynaha iyo raisul
wasaarahana madaxa qori looga hayo oo aaneey xor u
aheeyn dhisida iyo maamulka dowlada soomaaliyeed taas o
soomaaliya ka dhigeeysa sida Zone ka 5aad oo kale oo loo
sameeynayo madaxweeyne iyo maamul hoosaad ka hoos
shaqeeya kan Mile Zenaawi.
Sidoo kale waxaa biloowgii
shirka Kenya qarin waayey cadowtinimada lo ohayo umada
soomaaliyeed madaxweeynihii hore ee Kenya oo sheegay mar
uu ka hadlayey jaamacad ku taala mareeykanka in aaneey
wadamada Kenya iyo itoobiya aaneey dooneeyn ineey u
dhisanto soomaliya dowlad
Dhinaca kale waxaa ka
hadlay heyado iyo dhinacyo caalami ah faragelinta iyo
dhibaatada xabashidu ku heeyso dhulka iyo dadka
soomaaliyeed sida eey qoreen website yo badan iyo qaar
idaacadaha ka mid ah waxaana ka mid ah :
Internatiol Crisis Group (ICG)
oo ah Hay’ada Caalamia ah oo fadhigeedu yahay Brussels
si weyna loo dhagaysto ayaa Soomaaliiya kasoo soo
saartay qoraal looga cinwaan dhigay
“Soomaliya Dagaalkiiyoo Siyaabo Kale U Sii Socda?”
Qoraalka oo talooyin iyo digniin isugu jira ayaa lagu
sheegay in Maraykanka iyo EU ayey warbixintu kula
talisay in ay soomaaliya u magacawdan ergooyin gaar ah,
Soomaaliyana laga qabto faragelinta dawladaha safka hore
iyo khatarta ay arrinkaasi keeni kartana la yareeyo.
Hadaba waxaa aqristoow is
weeydiin leh marka laga reebo raga yar ee fara kutiriska
ah ee aan soo sheegay maahee aaway intii kale umadii
soomaaliyeed ee laheeyd aqoon yahano dad wadaniyiin ah
siyaasiyiin nadiif ah culumaa udiin haween dhalinyaro
saraakiil ciidan indheer garad iyo cid kasta oo u
damqaneeysa ayaaha ubadka soomaaliyeed .
Inagoo og in weliba
shirkii carte ee jabuuti in eey aheeyd 50% faragelinta
itoobiya ee soomaaliya maantana eey gaartay 80% waayo
xitaa hada ma jirto cid si caalami ah u canbaareeysa oo
laga maqlo caalamka , dhowaan aya la weydiyey raisul
wasaare geedi in eey jirto faragelin itoobiya ku heeyso
soomaaliya wuxuuna si adag u diiday oo taariikhda u
gashay in eey jirto faragelin itoobiya ku heeyso
soomaaliya
Guntii iyo geba gebadii
waxaan usoo jeedinayaa aqoon yahanka soomaaliyeed inta
wax qorta, cid kasta wax ku biirin karta iyo intii ka
damqaneeysa dhibaatadaa baaxada weeyn oo mustaqbalka iyo
aayaha dadka iyo dalka soomaaliyeed ineey qeeylo dhaan
gaarsiiyaan dadka soomaaliyeed meel kasta o o eey
joogaan iyo weliba caalamka oo manta warbaahintu eey
doorka ugu weeyn ka ciyaarto waayo waa halka leeyska
maqlo wax kastana lagala socdo in codka umada
soomaaliyeed dhibaatadeeda xanbaarsan meel kasta aad
gaarsiisaan waayo arinteenu hadii aan ilaahey bixin
waxeey u egtahay dhibaatada reer falastiin eee cid walba
eey wax ka xaliso darafna ka tahay
Waxaa wax iska caadi ah
noqotay in la maqlo xabashidaa yeeshay iyagaa keensaday
iyagaa sidaas yiri xabashidaa diiday tiiyoo aan wax
kasta oo eey noo keento ka sugeeyno soomaaliduna waxeey
tiraahdaa geed ayaa masaar(faas) lagu gooyey markaasu
yir "MASAARYAHAY HADII AAN QAAR(qeeyb)ANIGA IGA MID AH
KUGU JIRI LAHEEYN IMA AADAN GOOYSEEN " hadii eeysan jir
laheeyn in badan oo iyaga u adeega oo la soo adeegsado
xabashidu heerka eey joogto ma gaarteen umada
soomaaliyeedna sidaan looma ihaaneeysteen
Rag ka mid ah hogaamiye
kooxeedyada soomaalida sida shaati guduud oo kale ayaa
laga hayaa "Gacantii isoo saartay ayaa I riday " muuse
ayaa yiri waa leeygu shaqeeysanaayey mudo dheer oo
hadaayaan wax fahmay isagoo hadlayey biloowgii shirka
keenya kasoconaayey.
W/Q:Eng: A.Hashi
Email:
hashi1960@hotmail.com