SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GAROOWE
Daabaco Boggan | Print


Gen. Cadde Muuse oo Ku Guulaystey Madaxweynaha DGPL
Madaxweyne kuxigeenkana waxaa ku guulaystey
Xasan Daahir Afqurac

Jeneral Cadde Muuse Xirsi
WAREEG Gen. Cadde Muuse Maxamed Cabdi
Xaashi
1aad 18 27
2aad 21 29
3aad 35 30

Garoowe | Sabti, Janaayo 8, 2005

Doorshadii Madaxweynaha DGPL ee maanta ka dhacday magaalaad Garoowe ayaa waxaa ku guulaystey Gen. Cadde Muuse.

Doorashada oo martay Saddex wareeg waxaa wareegii ugu dambeeyey isugu soo haray Gen. Cadde Muuse iyo Maxamed Cabdi Xaashi. Qaabkii codadka loo kala helay saddexda wareeg waa kuwa hoos ku qoran:

WAREEGII KOOWAAD:

Waxaa cododka loo kala helay:
Musharaxa Cod
Maxamed Cabdi Xaashi 27
Gen. Cadde Muuse Xirsi 18
Cabdiraxmaan Maxamed Faroole 15
Abshir Muuse Saciid 5

WAREEGII LABAAD:

Waxaa cododka loo kala helay:
Musharaxa Cod
Maxamed Cabdi Xaashi 29
Gen. Cadde Muuse Xirsi 21
Cabdiraxmaan Maxamed Faroole 15

WAREEGII SADDEXAAD:

Waxaa cododka loo kala helay:
Musharaxa Cod
Gen. Cadde Muuse Xirsi 35
Maxamed Cabdi Xaashi 30

Sidaas ayey guushii kuraacday Gen. Cadde Muuse Xirsi, uuna maanta (Jan 8, 2005) ku noqday Madaxweynaha DGPL. Waxana uu bedelayaa Maxamed Cabdi Xaashi oo bedeley Cabdullaahi Yuusuf Axmed kaddib markii uu noqday madaxweynaha DFKMG.

Madaxweyne kuxigeena waxaa ku guulaystey Xasan Daahir Afqurac. Warbixin faahfaahsan hoos ka akhri:


MADAXWAYNAHA DGPL Gen CADDE MUUSE XIRSI BOQOR.

XASSAN DAAHIR AFQURAC MADAXWAYNE XIGAHA PUNTLAND. 

Sabti, January, 8 2005 | Garoowe (Somalitalk)


Hoolka Baarlamaanka Dibadiisa | Garowe

Sanduuqa codaynta

Waxaa maanta si rasmi ah loo soo gabagabeeyey tartanka doorashada madaxwaynaha Punland iyadoo jagadaas uu ku guulaystay mudane Gen. Cadde Muuse iyadoo tartankaas ay ka qaybgaleen dhawr murashax madaxwaynihii hore ee maamul goboleedka PL Maxamed Cabdi Xaashi oo isagu soo gaaray wareegi u danbeeyey ayaa isla markiiba u hanbalyeyey guusha uu gaaray cade muuse xaga codadka hadii aan fiirino waxay kala ahaayeen sidatan  30, cod oo uu helay Maxamed Cabdi Xaashi halka uu Gen, Caddena helay 35, cod halkaas oo uu noqday madaxwaynaha PL oo lafilayo in uu horkaco shacabka iyo maamulka PL Sadexda sano ee  soo socota.

 

Sidoo kale waxaa lagalay qaybtii labaad ee tartanka oo lagu doortay madaxwayne kuxigeenka PL  ayna isu soo hareen labada musharax ee kala ah Xassan Dahir Afqurac iyo Xaabsade ayadoo uu ku nasiibsaday in uu noqdo madaxwayne kuxigeenka PL Mudane Xassan Dahir Afqurac oo helay 46 cod, waxaana goob joog ka ahaa halkaasi dhamaan xubnaha maamulka Pl hay,adaha dowliga, kuwa ajinabiga ahba.

 

Iyadoo aan wali lagu kala dareerin hoolkii ay doorashadu kadhacday ayaa isla maanta la dhaariyey madaxwaynihii cusbaa iyo kuxigeenkiisa iyadoo ay halkaas ku  dhaariyeen masuuliyiin ka socda maxkamada sare ee dawlad goboleedka Puntland, sidoo kale waxaa meelo kala duwan oo Puntland ah ka dhacay damaashaadyo loo sameynayey madaxwaynaha cusub mudane Ge. Cadde Muuse waxayna damashaadyadaas ka dhaceen Guud ahaan magaalooyinka Puntland sida Garoowe, Galkacyo, Boosaso Qardho, Laascaano, Baran, Burtinle iyo waliba kuwa kale oo aad u fara badan.

 

Sidoo kale dawladaan cusub ayaa waxaa horyaal hawlo aad u fara badan sida bixinta mushaarooyinka oo ilaa 9 bilood ay ciidamada iyo waliba qayba kamida shaqaalaha dawladu aysan wax mushaarooyina qaadan waxaa kale oo dawlada laga eegayaa sida ay u maarayn doonto muranka Sool iyo Sanaag ee  kala dhaxeeya mamulka Somaliland, intaas ayaa waxaa u siidheer mamulka cade muuse bal sida uu usoo xuli doono golihiisa wasiirada kuwaas oo laftooda uu muran ka imaandoono iyadoo beel walbaa ay rabto in ay hesho wax ka waafisan wixii ay horay u qaadan jirtay..  

sahrasiglan sahrosiglan@hotmail.com | SomaliTalk |  Dec 8, 2005


WAXAA MAANTA  BILAABATAY DOORASHADII MADAXWAYNAHA IYO MAAXWAYNE KU XIGEENKA MAAMUL GOBALEEDKA PUNTLAND.

Sabti, January, 8 2005 | Garoowe (Somalitalk)

Caasimada Puntland ee Garoowe ayaa manta waxaa si toosa uga bilowday codbixintii doorashada Puntland ayadoo ay bilaabatay saaka saacaddu markay ahayd 8:30, Subaxnimo masharaxiinta ayaa isugutagay hoolka shirarka , golaha baarlamaanka , iyo saxaafadda ee dhismaha baarlamaanka dawlad goboleedka Puntland.

Murashixiinta isku sharaxday jagada madaxtinimada Puntland ayaa bilaabay khudbadihii ay ka jeedinayeen golaha baarlamaanka oo ay uga waramayaan taariikh nololeedkooda iyo waxa ay qaban doonaan marka ay ku guulaystaan jagada madaxtinimada Puntland. 

xoghaynta doorashada Puntland ayaa u ogaaladay murashixiinta jagada madaxtinimada Puntland inay hadalladooda bilaabaaan ayadoo uu ugu horeeyay madaxwaynaha Puntland Maxamed Cabdi Xaashi oo halkaasi hadal kasoo jeediyay , wuxuuna kasoo qaybgalyaaasha doorashada uu u sheegay waxqbadka uu muujin doono marka uu ku soo baxo kursiga ugu sareeya Putland. 

Guud ahaan  murashixiinta u tartamaysa  jagada madaxtinimada maamul gobaleedka Puntaland oo tiradoodu gaarayso 7 ayaa soo gabo gabeeyay khudabadohoodii , waxaana sidoo kale hadalladoodii bilaabay murashixiinta u taagan jagada madaxwayne kuxigeenka Puntland oo ay u taaganyihiin 5 murashax oo uu ku jiro ninka ugu da'ada wayn murashixiinta u taagan labada jago ee madaxtinimada iyo madaxwayne kuxigenka oo lagu magacaabo Nuur Magan oo da'adiisa kusheegay 91 sano , wuxuu ballan qaaday inuu isbaddel samayn doono haddii laddoorto , haddii laddooran waayana uu lashaqayn doono qofkasta oo ku  guulaysta jagada uu haatan u sharaxan yahay. 

Waxaa gabi ahaanba lasoo gabo gabeeyay khudbadihii ay jeedinayeen murashixiinta u tartamaya labada jago ayadoo lafilayo in laguda galo codayntii. 

Marwo Caasho Geelle Diiriye oo u tartamaysay jagada madaxtinimada Puntland ayaa ku dhawaaqday inti ay khudbaddii bartanka uga jirtay inay ka tanaasushay sharaxaada madaxtinimda Puntland. 

sahrasiglan sahrosiglan@hotmail.com | SomaliTalk |  Dec 8, 2005

 

Barnaamijka siyaasadeed ee Gen. Cadde Muuse

1. Dib u habaynta iyo dib u sixida maamulka puntland si loo helo maamul wax ku ool ah oo nidaam iyo kala danbayn ku dhisan oo wasaarad iyo hay'ad kasta leedahay barnaamij shaqo,fulinta barnaamijkaasna lagula xisaabtamo oo lagu daba galo.

2. Dib u habaynta iyo dib u sixida  ciidanka amniga puntland (police,Daraawiish iyo asluub),si loo helo ciidan tiro ahaan iyo tayo ahaan ku filan sugida amniga dalka iyo ilaalinta shuruucda dalka ciidankaas oo xuquuqdiisa loo heli karo

3. Xalinta iyo wax ka qabadka colaada ka oogan deegaanada puntland ee sool iyo sanaag, anigoo mudnaanta koowaad siinaya in si nabadeed arinta lagu xaliyo lana kala badbaadiyo dhiiga dadka walaalaha ah,isla markaasna Somaliland dib ugala baxaan deegaanka puntland ciidamadooda.

4. In la hagaajiyo qorshaha dhaqaalaha puntland iyaado xil wayn la iska saarayo hormarinta wax soo saarka lagana faaidaysanayo khayraadka dhulka,xoolaha, badda iyo macdanta lana raadiyo maalgalin dibadeed iyo suuq.

5. in xil wayn la iska saaro horumarinta adeega bulshada, sida Caaafimaadka, waxbarashada, biyaha, tamarta , dawooyinka, garoomada diyaaradaha, dakadaha  deegaanka iyo nolasha reer guuraaga,hawlahaas oo lixdii sano ee puntland dhisnayd aan wax badan laga qaban.

6. In si wayn wax loola qabsado dawlada federaalka ee soomaaliya ee dhalatay Oct-2004 ayadoo laga faa'idaysanayo barnaamijyadeeda dib u heshiisiinta,hub ka dhigida,dhaqan celinta maleeshooyinka,dib u dhiska dalka iyo hormarinta arimaha bulshada, isla markaasna saldhig loo noqdo dawlada federalka ah maadaama ay ka dhalatay dadaalkii dheeraa oo ay dadka reer puntland u galeen. 

Barnaamijka oo Dhamaystiran.....

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 8, 2005

Liiska Xubnaha Cusub ee Baarlamaanka DGPL
Guddiga Ansxinta & Xallinta Khilaafaadka ayaa soo dhajiyay
Xubnihii Baarlamaanka DGPL ee 2005-2007 Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD