SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  KENYA

BARLAMAANKU MA SHARCIYEYN-DOONAA GELISTA ITOOBIYA EE SOMAALIYA?

Xildhibaan Cabdi Cabdulle Siciid “ Jinni Boqor”

Kaqayb-galkii shirkii Berlin 1884 ee laguqaybsadey Africa. Xorriyo raadinti ( S.Y.L) 1945-1960, dagaalki Ethiopia iyo Soomaaliya ee 1964 ee duqayntii ciirka, dagaalki 1977, iyo burburki qarankii Soomaaliyeed. Waxaa intaas dheer  hagardamadii shirarkii dib uheshisiinta Somalida ee 2002 Eldoret, ilaa 2004 Mbagathi Nairobi, oo ku dhamaaday doorashadii Abdullahi Yusuf iyo xukumada Cali Maxamed Geeddi ee ay Ethiopia lugaha kulajirto.

Haliilidda iyo hanqaltaaga joogtada ah ee dawlada Ethiopia intaas oo dhan markeynu eegno waxaa inoo soobexaya Ethiopia waa Ethiopia, Soomaaliyana waa Soomaalya,

Cadawadii iyo dagalkii soo jireenka ahaydna waa halkeedii waxbana iskamabedilin.

Dagalkii Soomaaliya iyo Ethiopia ee socday qarnigii 1414- ilaa 1530 oo ah dhimashadi Immam Ahmed Guray, boogihi iyo deegaamadii layskuhaysteyna wali waa sidoodi. Ruuqansigii Ethiopia iyo qabsashadii geyiga Soomaaliya iyo xaalada aynu maanta kusuganahay oo ah wax lagaxumaado.

Xoog sheegashada Ethiopia iyo joogista ciidamada Ethiopia ee xuduudaha Soomaaliya iyo codka Ethiopia kuleedahay ururuda caalamka oo ay kumaytaleyso Soomaalida maanta iyo xiriirka ey la leedahay qaybo kamida gobolloda dalkeenna, waxay muujineysaa fikradii ahayd (Qaybi oo xukun).

Dhamaan waxyaabaha aan kor ku soo sheegnay markeynu dhab udhadhansano waxaynu ogaaneyna in Ethiopia ay weli danayneso, raadineysona faragelinta Soomaalida diciifka ah ee aan lahayn dawlad shaqaysa.

:::COD BIXIN:::

Hadaynu dhinac kale ka eegno Ethiopia waa dalweyn markii loo eego Soomaaliya, dadkeeduna waa 78. Milyan. Soomaaliyana  waa 8. Milyan, qiyaas ahan. Ethiopia waxaa utaliya xukuumad gaalo ah. Ethiopia waa dal eerigo’an ah (Landlocked Country) oo aan bad lahayn, Soomaaliyana waa dalka ugu xeebta dheer Africa (3336 Km), marka lagareebo konfur Africa. Ethiopia dekedo malahan ( Has no ports), Soomaaliya waa wada dekedo sida: Kismayo, Mogadisho, Boosaaso, Berbera, iyo xeebo aan kadhicin dekedohaas, sida Marka, Ceelmacaan, B/Beyla, Xaafun, Hobyo, Garacad, Eyl, Caluula, Baargaal, Qandala, Ceelayo, Lasqoray, Seylac, iyo kuwa kele oo badan, oo wax lagala soo degi karo, waana marsooyin dabeeciya (Natural Ports).

Hadaba markeynu qaymeyno baahida Ethiopia uqabto dekedo iyo xukumada hada ladhisay oo aynu ognahay tayadeeda iyo xiriirka soo jirenka ah ee Ethiopia iyo madax-waynaha cusub Abdullahi Yusuf,  xukuun jecelkiisa askarinimo + horornimada Melezanawi waa = Soomaaliya Qatar baa ku soo fool-leh.

Hadaba si waxaas oo dhan looga-hortago waa in si iskuduubni ah, loo wajahaa damaca Ethiopia iyo udebecsananta Abdullahi Yusuf oo aan marna la oggolaan ciidamada Ethiopia in ey soo galan geyiga Soomaaliya, sida badaha, dekedaha, gegida diyaradaha.

Xilkaas waxaa lagula xissabtamidoonaa Barlamaanka Federalka ah ee Soomaaliya.

Waxaa kale oo eedaas qaadi doona Prime Minister Cli Moxammed Geeddi iyo golihiisa Wasiirada sida ku qoran axdiga qodobkiisa 52, F2 oo oranaya golaha (wasiradu wuxuu u xilsaran yahay, diyaarinta iyo u soo bandhigida shurucda dawlada golaha shacabka). Faqradda C. iyadana waxay leedahay. (Meelmarinta iyo maamulida shurucda qodobka 48 wajibaaadka wasiirka koowaad. Wuxuu masuul ka yahay horumarinta, isuduwida iyo koormeerida siyaasada xukuumaada iyo maamulka guud).

Soomaalidu waxay tiraahdaa (Side xeego loo xagta, ilkona kunabad galan). Dalkeennu dagaal danbe uma baahna, Xabashi halakeeno waa haladagalamo, heshiiskii eynu soo wadney labo sano iyo bar, iyo wixii ladhisay halugu kalatagona talo maaha.

Hadaba labada arrimoodba dawadoodu waa Xabashida oo lareebo, cidaamo isku dhaf ahna lakeeno dalka. Muqadisho oo degdeg loo tago si xukuumadda iyo golaha shacabkuba degdeg u tagaan, Madax-waynuhuna uu muddo bil ah siijoogo Nairobi, kana danbeeyo tegitaanka labada gole. 

Firo Gaar ah:

Wixii xumaada waaxaa tosinaya Baarlaamaka, diido iyo oggolansho ciidan ajnebi waxaa go’aaminkara Barlaamaanka, dabagal iyo illaalin waxaa lagarabaa Golaha Shacabka, masuuliyada dalka oo dhan wexey dusha kasarantahay Barlaamaanka.

Sidaas awgeed waa in eynu diidnaa ciidamada Ethiopia, oo u hiilinaa caruurtena iyo taariikhda dame ee dalkeenna qaaliga ah. Dib u eega halgankii dheeraa ee Immam Ahmed Gurey, Seyid Mohammed Abdulle Xassan, halgankii SYL, xusuusta warqaddi u aduunka u qaybiye Mudane C/Risaaq Xaji Xuseenn 2002, oo ahaa R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya, ee u kaga hadlaayey tariikhda labada dal ee Ethiopia iyo Soomaaliya, iyo gacan kuhaynta, faragelinta Ethiopia ee shirka dib heshinta Soomaaliyeed oo uu kutilmaamay arrin qalad iyo nasibdaro kudacday ummada Somaliyeed.

Firo Gar ah:

Sahal looma illawi karo dana gaar ahna laguma bedelankaro tariikhda labada dal iyo labada umaadood ee dariska ah, lagamana heshiinin cadaawadii sojireenka ahayd ee  dhextiilay labada dal ee jiraanka ah, lamana dafirikaro damaca Ethiopia ey kaledahay geysga Africa iyo tariikhda danbe oo ey doonayso inay gacanta kuhayso Siyasadda umaada Soomaaliyeed si muqaal ah iyo dadbanba.    

Soomaalidu waxey tiraada “Waxaa yaab ah dundumada abboor baa dhisay, waxaa yaabka yabkiis ah habbenkii buu dhisaa, waxaa kasi yaab badan candhuuftiisuu kudhisa. Soomaalida iyo xabashidu waxaa kadhaxayn jirey colaad qoto dheer oo salka kuhaysa dhul, dagal lagu hoobtay, iyo diin, waxaa yaab ah arrimaha soomaalida waxaa wakiil ka ah oo maamuleysa xabashi, waxaa kasii yaab badan xabashibaa ragga Soomaaliyeed hubka kadhigeysa, waxaase  yaabka yaabkiisa ah Barlaamaanka oo usharciyeeya qabsashada Itoobiya ee dakadaha iyo Garroomada Soomaaliya,  waxaase kayaab badan goor ey kabaxeyso dhulka lama oga, oo wax shurud ah laguma xirin.

DOOD LABA ODAY DHEXMARTAY.

Ba’ah: oo waa Lubnaan iyo Suuriya oo kale’e maya waa Afgaanistaan iyo Xamid Karazay.

ba’ah: taakeliya mahee dib u eeg tariikhdii Eritrea iyo Haile Sellase ee 1950, cidamo gacan siya ayuu direy dalkaas, 1952, wuxuu kadhigey xiriir ah confideration, 1954.tiina wuxuu ku magacaabay gobolka Casmara oo katirsan dawlada Ethiopia. Halkaas waxaa kadhashay dagalkii 31 sano socday ee jabhadda Eritrea iyo Ethiopia u dhaxeeyey. Boowe aan runtaa oo ma’ogtahay marhadday dhul qabsadaan kama kacaanee. Boowe aan runtaa. 

Xaalka Soomaalida iyo Itobiya waxay u egtahay qisadii caanka ahayd ee Boqorkii Beesha Bartire Wiil-waal oo lagu yiri  ( Wiil-Waal Labada cad leg laguugudar)    

Waxaa qoray.

Xildhibaan Cabdi Cabdulle Saciid.
(Jinni Boqor)
Nairbi, Kenya

Faafin: SomaliTalk.com | March 1, 2005

Warqad Furan: Guddoomiyaha Golaha Midaynta Beesha Sade

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
Link email tuugada

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD