- Nairobi: Baarlamaanka oo
ansaxiyay in dowladu dagto baydhabo iyo jowhar
- Kenya: ciidamo ka socda
Midawga afrika oo Mogadishu ka bilaaba howlgalkoda ugu horeeya.
- PUNTLAND OO BEENISAY IN
CIIDAMO AY LEEDAHAY AY UDIRTAY GOBOLO KATIRSAN SOOMAALIYA
- SHILGAARI
OO AY KU DHINTEEN SADEX RUUX.
- Kismaayo:
Colaado ka socdey tuulada kaanjiroon oo lagu guuleystey in la
joojiyo
Baarlamaanka oo ansaxiyay in
dowladu dagto baydhabo iyo jowhar iyo ciidamo ka socda Midawga
afrika oo Mogadishu ka bilaabaya howlgalkoda ugu horeeya.
C.llaahi Yusuf: waxaan iskugu kiin yeeray maanta markaan taag u
waayay Gudoomiyihiini.
C/llaahi Yuusuf: Sharci yaqaano
ayaa ii xaqiijiyay in Shariifku ku qaldanaa ku dhawaaqidii go'aankii
17-kii maarso ee dagaalka ka dhex abuuray BFKMG, dhibkaasna waxa uu
isaga soo xiray Qol.
Cali Geddi: Ciidamada IGAD waxa ay
ka howlgalayaan Mogadishu oo ah meel culus xagga amaanka ka dibna
gobolada dalka ayay ku faafi doonaan.
Cali Geddi: Labaatan casho ayaan
sii joogi doonaa Nairobi waan soconaa ogaada.
Prof Dhalxa:Talo:Baarlamaanku waa
inuu ogaado halka uu ku bixinayo codkiisa ka hor inta aanan ku dhawaaqin
natiijada faataxadda noo mara in Alle umaddeena badbaadiyo.(maxaa lagu
diiday faataxadi Dalxa.)
  Kadib
Shir xalay saacado badan qaatay, oo ka dhacay halka uu dagan yahay
Gudoomiyaha baarlamaanka shariif Xasan Sheikh Aden magaalada Nairobi
(Grand Regency) oo ay la yeesheen Madaxweynaha, Ra'iisul wasaaraha iyo
Xubno ka socday IGAD ujeedadiisuna ay ahayd in shariifku aqbalo inuu
shir iskugu yeero Golaha baarlamanka FKMG ah kuna dhamaaday natiijo
la'aan ayaa keentay in maanta galinkii dambe Xildhibaanada baarlamaanka
intooda ku sugan Nairobi uu Madaxweynuhu iskugu yeero Shir aan caadi
ahayn dag dagna ahaa.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmad oo caro
badani ay ka muuqatay maanta intii aan arkayay ayaa baarlamaanka
kulankan maanta kala hadlay sidii ay ugu codayn lahaayeen barnaamij ay
dowladdu wadatay oo ahaa in loo codeeyo magaalooyinkii ay horay
wasiiradu ansaxiyeen in dowladdu dagto ee BAYDHABO iyo JOWHAR iyo
ciidamada ka socda Midawga afrika(suudaan iyo ugandha oo ay ku jiraan
kuwo jaamacada carabta iyo AU.da.)
Kulankan aan caadiga ahayn waxaa maanta uu
ka dhacay Aqalka Kenyatta International Conference, Shirkan waxaa
ka soo qayb galay diblomaasiyiin kala duwan, xubno ka socday IGAD,
Jaamacada Carabta, AU iyo wadamo kale iyo warbaahinta dalka Kenya iyo
caalamkaba.
Xildhibaanada soo xaadiray oo u badnaa
Golaha wasiiradda Dowladda FKMG ah ayaa gaarayay 152 xildhibaan, waxaana
wajiyadooda ka muuqday farxad iyo caro la isku daray, laakiin isku
miisaaman, dhinac waxa ay ahaayeen xilidhibaanadii mowshinka ula yimid
Gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan balse uu ka aqbali waayay, dhinac
kalena waxa ay ka xumaayeen sababta uu Gudoomiyahoodu u imaan waayay
waxay ku faraxsanaan lahaayeen in shariifka maqashiiyaan mowshiinkoodi
oo loo ogolaaday.
Shir gudoomiyuhu waxa uu ahaa Prof Maxamad
Cumar dhalxa oo ah gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka, waxaa
loogu doortay kadib markii gudoomiyaha baarlamaanku uu sheegay in maanta
uusan iskugu yeeri karin baarlamaanka ee shirka uu qaban doona 17/05/05
(kuna beegan arbacada soo socota) waxaana loo arkayay dhica dowladda
marka aan ka hadlayno inuu diidan yahay sinaba inuu qabto shir
baarlamaan oo looga soo horjeedo kii uu ku dhawaaqay bishii Maarso
17-keedii.
Si kastaba ha ahaado xaalkuye, waxaa ugu
horeyn furay shirka Madaxweynaha Dowladda FKMG ah C/llaahi Yuusuf oo
isagu lahaa dalabka la iskugu keenay baarlamaanka, waxa uuna u sheegay
isagoo yiri "waxaan iskugu kiin yeeray maanta kadib markaan u taag
waayay gudoomiyiinii oo muddo aan ka dalbanayay in uu shirkan qabto,
isagoo waliba ka dhaga adaygan xildhibaano gaaraya 100 mowshin xal
raadis ahaa oo ay ula yimaadeen, laakiin qol isku soo qafilay kadib
markii uu baarlamaanka dhib iyo kala gayn ka dhex sameeyey" waadna ku
mahadsan tihiin sida aad iiga aqbasheen dalabkayga ayuu intaas ku daray
Mr.yusuf.

Prof. Dalxa
|
Intaas kadib waxa uu C/llaahi Yuusuf ku
wareejiyay makrafoonka Shir gudoomiye Dalxa oo sheegay in maanta loo
codaynayo dalbaka dowladda ay la timid iyadoo loo qaadi doono cod
fartaag ah, balse ka hor codayntaas waxaa khudbad jeediyay
Ra'iisulwasaare Cali Geeddi oo ka waramay safarkii uu dhawaan u tagay
Mogadishu, isagoo xusay in safarkaasi uu ahaa mid jawi wanaagsan ku
dhamaaday, si wayna looga soo dhaweeyay xamar, caalamka in lagu qaldi
jiray ayaan ogaaday ayuu yiri caasimada Dowladda lagama rabo warkaas waa
mid aysan waxba ka jirin ayuu yiri.
Waxaa kadib la guda galay codayntii
waxaana baarlamaanka horyaalay labada mowshin oo kala ahaa in labada
gole dagaan Baydhabo iyo Jowhar, xamarna laga furo xafiis, iyo in
ciidamada Ugandha iyo suudaan in ay ka howlgalaan caasimadda markooda
ugu horaysa kadibna ku fidaan qaybaha dalka Soomaaliya (gobolada dalka)
in loo codeeyo labadaas qodob.

Xuseen Caydiid
|
Ugu horeyn waxaa u akhriyay xildhibanada
barnaamijka dowladda W/arrimaha guddaha ahna Ra'iisul wasare ku xigeen
Xuseen Maxamad Caydiid, kadibna waxaa loo codeeyay kii ahaa in ciidamadu
ay galaan xamar,ciidamaas loo coddeeyya maahan kaliya Sudan iyo Ugandha
ee waxaa ku jira Jaamacada Carabta,Iyo midawga afrika sidaasna waxaa cod
ugu ogolaaday 145 ka mid ah 152 dii joogtay goobta shirka.
Qodobkii labaad oo dhib badan ka yimid
ahaana in loo codeeyo halka dowladdu dagayso baydhabo ama jowhar,waa
iska cadayd in loo codaynayo sababtuna ahayd in baarlamaanka shirayaa ay
yihiin ama u badnaayeen gollaha wasiiraddi horay ugu codeeyay
Go'aankan,laakiin waxaa tala ahaan u soo jeediyay wasiirka koowad in
lakala qaado oo midba mar loo codeeyo.
Dood dheer kadib waxaa la isku raacay in
kan kalena loo codeeyo,si hal mar la isku dhaafiyo hadii kale la waayi
doono tiro wax ansaxisa oo hadda lagu soo helay dhib,waxaana codkooda ku
ansaxiyay in dowladda dagto baydhabo iyo jowhar iyo jowhar xamarna ka
furato xafiis siyaasadeed.
Ku dhawaaqidda natiijadda qodobkan intii
aan la gaarin ayaa hadal kooban soo jeediyay shir gudoomiyihii shirka
Dalxa oo sheegay in maslaxadda soomaaliya ay ka wayn tahay mucaaradnimo
wax lagu ansaxiyo mar kalena ay macquul noqon karto in xildhibaanku uu
ka shalaayo,waxa uuna intaas raaciyay in uusan isaga ku ahayn shariifka
mucaarad laakiin uu u yimid shirka tixgalin uu siinayo xildhibaanada iyo
dowladda,waxa uuna tala ahaan usoo jeediyay in Madaxweynuhu uusan ku
dagdagin hadaladiisa ee uu ka fiirsado isagoo keenayo waddo isku soo
dhawaansho,shariifkuna maahan ayuu yiri malaa'ik waa qaldmi karaa ee kii
saxayay waa inaad ahaato.waxa uuna ka dalbaday baarlamaanka in ay
faataxadda maraan ka hor inta uusan ku dhawaaqin laakiin waxaa ka hor
yimid qaar badan iyagoo sheegay in uu ka xun yahay dalxa ahaan waxa la
go'aaminayo.
Ugu dambayn kulankan waxaa soo xiray
Madaxweynaha oo sheegay in uu ku faraxsan yahay go'aanka ay
qaateen,"waxaan ogaaday inaad tihiin kuwo daacad ah oo wadankooda nabad
la raba,uma fadhin doono shariifka haduu qaldmay qaran dhisidiisna qalad
shaqsi ku socdo u joogin mayn,xamarna xafiiska aan ka furayno waxaan u
diri doonaa ragg aan dabacsanayn ee ad adag ayuu ku soo xiray Madaxweyne
C/llaahi yuusuf Shirkii uu maanta iskugu yeeray baarlamaanka,sidaas aya
aqriste lagu ansaxiyay maanta jowhar iyo baydhabo la dajiyo labada Golle
muddo ay naga xigto 20 casho,iyo ciidamado la geeyo todobaad ka dib
xamar oo laga sheegayo dhib badan iyo amaan xumo xafiisna laga furayo
kadiba ciidamaas ay kaga sii gudbi doonaan gobolada dalka sida uu
sheegay.
MINNESOTA:
Taageero
go'aankii xubanha baarlamaanka ee ay ku ansixiyeen labada qodob ee
taariikhiga noqday.
Is-faham daro
ka dhex taagan mas'uuliyiinta ugu saraysa labada Gole
Warbixintii Canab Mumtaz | SomaliTalk |
Kenya Email: canabmumtaz@yahoo.com
PUNTLAND OO BEENISAY IN CIIDAMO AY
LEEDAHAY AY UDIRTAY GOBOLO KATIRSAN SOOMAALIYA
Garoowe (Somalitalk). |
Sahro Sheikh |
sahrosiglan@hotmail.com
Wednesday, May 11, 2005.
Waxaa maalmahanba la isla dhexmarayay
in ciidamo ka tirsan DGSPL, ay gaareen gobolada bay, ayadoo la sheegayo
in ciidamadan looga golleeyahay in ay weerar ku qabsadaan magaalada
Baydhabo, isla markaana ay ka saaraan ciidamada Shaati Gaduud iyo Sh,
Aadan Madoobe.
Wararkan ayaa maalmahanba waxaa laga
helayay Idaacadaha iyo qaybaha kale ee warbahinta waxaana hadalhaynteeda
ay ku badatay shacbka Soomaaliyeed, hadaba waxaa arintan ah in ciidamo
katirsan DGSPL, ay ku suganyihiin magaalada Baydhabo beeniyay Wasiirka
Warfaafinta DGSPL, C/Saaq Yaasiin Geesood' waxa uuna sheegay in
taasi ay tahay mid aan loo dulqaadankarin ayna gaf ku tahay cidii ay ka
soo yeertay in ciidamo Putlandar ah ay gaareen ama dagaal ku qaadayaan
meelo katirsan koofurta Soomaaliya' balse PL, ay tahay dad lagu yaqaan
Nabad jacayl, dariswanaag ayna wali ku jirto kana qayb qaadanayso xal
uraadinta Nabadaynta Soomaaliya.
Wasiirka ayaa maanta mar uu la hadlayay
saxaafadda U sheegay in ay diyaar u yihiin waxwalba oo ka soo yeera DFKS
oo codsi ah in ay diyaar uyihiin hadii ciidamo looga baahdana ay sidoo
kale ku taageerayaan codsiga iyo wadashaqaynta DFKS.
Arintan ku saabsan in Baydhabo ay
joogaan ciidamo Pl ka tirsan oo doonaya in ay qabsadaan, ayaa la
sheegayaa in ay ka soo yeertay qaar kamida xubnaha DFKS, balse aan si
toosa loo carabbaabin magacooda iyo Muqdisho ama Nayrobi goobta ay
warkaasi ka soo saareen' walow aan warar xansi ah ku helayno in ay
qaarkood ka midyihiin kuwa kusugan Magaalada Muqdisho.
SHILGAARI OO AY KU DHINTEEN SADEX RUUX.
Gaari noociisuyahay kuwa xamuulka
qaadka ayaa ku rogmaday wadada dheer ee u dhexaysa Qardho iyo Boosaao ,
Gaarigan ayaa waxaa markiiba ku dhintay Sadex ruux oo kala ahaa
darawalkii gaariga iyo labo kale oo iyana saaraa gaarigaasi.
Gaarigan ayaa la sheegay in marka
shilku dhacayo in uusan saarayn qaad-badan uuna badi kusoo kala qaybiyay
deegaanadii uu soo dhaafay, sidoo kale waxaa la shaacinayaa in gaariga
xiliga uu gadoomayay uu xowli kusocday meelgoolad ahna ay ku timid
kabibna shilku uu sidaa udhacay.
Gaarigan ayaa ka anbabaxay subaxnimadii
magaalada Galkacyo, oo ah goobta jaadku sida tooska ah ay diyaaradda
ukeento kadibna ay gawaarida ugudbiyaan Gobolada kale, waxaana
maalinwalba kabaxa magaalada illaa 4'gaari oo ah nooca qaadka usafriya
magaalooyinka Garoowe, Qardho, Laascaano iyo Boosaaso, waxayna marwalba
ama bishiiba ugu yaraan sadex goor shil ku galaan wadooyinka gaar
ahaanna inta isku xirta Garoowe iyo Boosaaso.
Sidoo kale gawaaridan ayaa badanaa
noqda kuwo bada lagu daro xiliga ay rogmadaan maadaama aysan
farsamadooda iyo badalka biraha noocooda aan badi lagahelin Soomaaliya,
kadibna ay noqdaan kuwo wax kuma ool ah, isla markiiba dadka leh
gawaarida ayaa waxay soodagsadaan isla noocii oo kale waxayna dib u
qabsadaan una shaqaaleeyaan inta dhimatay in le,eg oo dhooban oogta ama
waqda jaadka 'Nin dhintay waxa uu booska u baneeyaa Nin nool'
Gawaaridan ayaa waxaa mulki ahaan uleh
haween, waana kuwa jaadka sida tooska ah ay diyaaradaha qaadka ugu
kiraysanyihiin, waxaana lagu magacaabaa diyaaradahan oo loogu magacdaraa
haweenka uu jaadku u soodago, ayadoo lagu dhawaaqo, Maanta madiyaaradii
ina Heblaa mise waatii ina Hebla, Waxaana ku xisaabtama haweenka kale ee
iyagu jaadka lafariista suuqa.
Badi darawalada PL ayaa u badan kuwo
aan lahayn xirfad darawalnimo oo sidaa usiifog waxayna kubartaan wadida
baabuurta mudo gaaban gudahood, waxaana kamid ah darawaladaas caruur ay
da,doodu tahay 13-15-18, waxaana ceeb dadka dhalay caruurtaa ay kutahay
in ay kadhigaan gawaarida, halka qaarkoodna aysan lahayn ehelo kawacyi
galisa in ay sifiican isugu taxalujiyaan wadida iyo daganaanshaha in uu
yahay midka ugu wanaagsan.
Sahro Sheikh |
sahrosiglan@hotmail.com
Colaado ka socdey tuulada kaanjiroon oo
75 KM kaga begankoonfur galbeed kismayo oo lagu guuleystey in la joojiyo
colaadaan ayaa waxa ay udhaxeysey labo
belood oo ood wadaag ah oo halkaasi wada dago iyadoo ay ku dhinteen dad
gaarayo 5 qof tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeyn. Hase yeeshee
taliyaha ciidamada isbahaysiga dooxada jubba maxamed rooble jimcaale
goobaale ayaa halkaasi tagey maalinimadi taladada ahayed si uu
dhaxdhaxaadiyo maleeshiyooyinka halkaasi ku dagaalmaya isla markaana ka
tirsan ciidamada ka arimiya gobolada jubbooyinka.
Dagaalkaan ayaa salka ku hayo aargoosi
qabiil sida wararka ay xaqiijinayaan, bale habeenimadii xaley ayaa
taliyaha ciidamada isbaheysiga dooxada juba waxa uu isugu yeerey
odayaasha labada beelood ee halkaasi isku hayey. kulan dheer kadib ayaa
waxaa la isku raacey shan qodob oo ah:
- in lasameeyo xabad joojin
- in lakala qaado ciidamada labada
dhinac
- in maatadii lagu soo celiyo
goobahoodii
- in lookala qaado wixii dhibaato
ahaa ee halkaasi ka dhacey
- in ay shirweyne isugu yimaadaan
labada beelood waxgaradkooda islamarkaan isbaheysiga dooxada juba ay
goob joog ka ahaan doonaan
Sikastaba ha ahaataba waxaa si rasmi ah
la isku raacey shantaan qodob lana filayaa in ay dhaqan galiyaan wax
garadka beelaha halkaas ay dirirtu ku dhex martay , ayadoo uu halkaa ka
si anba bixi doono taliyaha ciidamada isbahaysiga dooxada jubba mudane
goobaale.
cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismaayo soomaaliya
cabdiqadar84@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | May 11, 2005
Rayaale oo
Kabadbaaday Maamuus kaxayuubin
Shir gudoonka golaha wakiilada Somaliland
ayaa kudhawaaqay in goluhu galayo fasax mudo 45 cisho ah, kaas oo..
Guji..
Nin Jarmal ah
oo Diley Xaaskiisii oo Soomaali ah, Laba Carruur ah iyo Labadiisii
waalid.
|