SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  WARAR
Daabaco Boggan | Print


  • Warbixin ku saabsan Natiijadii Codbixintii lagu Qabtay Dalka Masar taas oo loogu Codeynayey in wax laga bedelo Qodobka 76aad ee Dastuurka Dalka Masar.. 

  • Magaalada baydhabo oo ay ka jiraan xiisado siyaasadeed

Warbixin ku saabsan Natiijadii Codbixintii lagu Qabtay Dalka Masar taas oo loogu Codeynayey in wax laga bedelo Qodobka 76aad ee Dastuurka Dalka Masar..

W/D Mahad carabow cali dheere
Qaahira Xarunta wadanka masar
mailmahad554@hotmail.com

waxaa Maantay lagaga dhawaaqay Dalka Masar Natiijadii Codbixintii Shalay lagu Qabtay Dalka
Masar taas oo loogu Codeynayey in wax laga bedelo Qodobka 76aad ee Dastuurka Dalka Masar, kaas oo sheegaya in Madaxweynaha Masar laga soo dhex doorto Tiro hal ka badan iyadoo qof kastana uu u Codeynayo Qaabka Qarsoodiga ah oo si Xur ah uu dooranayo Ruuxa uu markaas raboin uu noqdo Madaxweynaha Mustaqbalka Dalka Masar.

Codbixintan ayaa waxay ku bilaabatay Jawi Caadi ah iyadoo ay ka qayb galeen Tiro dhan 32 Malyan
oo Ruux oo ka tirsan Shacabka Dalka Masar,waxaana la arkayey in inta badan Dadweynaha ay aad ugu faraxsanaayeen ka qaybgalka Codbixintan,waayo waa markii ugu horeysay ee Wadanka Masar ay ka dhacdo Codbixin noocaan oo kale ah.

Hadaba  Natiijadii Codbixintan ayaa Maantay waxaa ku dhawaaqday Wasaarada Arimaha Gudaha Dalka Masar,iyadoo Wasiirka Arimaha Gudaha Dalka Masar Mr,Xabib Al-lCadli uu ka sheegay Talifishinka layska arko ee Dalka Masar in %82 Dadkii Codbixiyay ay aad u taageereen in la badalo Qodobka 76aad kaas oo hada ka dib noqanaya in Madaxweynaha Dalka Masar laga soo dhex doorto Tiro hal ka badan halka markii hore uu ka ahaay in Hal Shaqsi uu is sharaxo.

Codbixintan ayaa waxaa Qaadacay inta badan Xisbiyada Mucaaradka ee Dalka Masar iyagoo ku sheegay badalaada  Qodobkan uu wax ka badaleynin Hawlaha is badalka ee la doonayo in lagu soo dabaalo Dalka Masar iyagoo sheegay in Is badalka lagu sameynayo Qodobka 76aad ee Dastuurka Dalka Masar uu u Daneynayo kaliya Xisbiga Wadniga ee Dimuqraadiga ee Dalka Masar kaas oo u suuro galinaya in Ruuxa ay soo Sharaxdaan uu ku guuleysan karo Talada Dalka Wadanka Masar,Sababtuna waxa weeyaan iyaga oo u badan Xubnaha Baarlamaanka oo 15 Ruux kaliya marka laga reebo inta kale ay yihiin Taageerayaasha Xisbiga Talada Wadanka Haaya ee Xisbiga Wadaniga ee Dimuqraadiga ah.

Hadaba Arimahaas ku saabsan Codbixintaas iyo Fikradaha kala duwan ee ay qabaan axsaabta kala
Gadisan ee ka jira dalka Masar waxaanu ka wareysanay Siyaasi Soomaliyeed oo ku sugan Magaalada
Qaahira oo la yiraahdo Maxamed Abuukar Sh/Xasan(M.Deeq) isla markaana ah Gudoomiyaha Xisbiga
Mideynta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee (S.Y.U.P)waxaana ugu horeyntii uu ka warbixinayaa Sababta keentay in Codbixin loo Qaado in is badal lagu sameeyo Qodobka 76aad ee Dastuurka Dalka  Masar.

Maxamed Deeq waxa uu sheegay in Cod loo Qaado Qodobkaas in ay ka danbeysay ka dib Markii dawladda Mareykanka  gaar ahaan Madaxweyne Bush uu ka codsaday Wadamo badan oo ku yaalo Gobolka bariga dhexe oo ay Dawladda masar ka mid tahay in lagu sameeyo Hagaajin guud Qaabka Siyaasadooda,ka dibna iyada oo uu arintaas ka amba qaadayo uu Madxweynaha Dalka Masar Mr.Mubaarak uu soo jeediyay in Madaxweyna nimada Masar ay isku soo sharaxaan tiro ka badan hal Ruux,arintaas oo marki loo soo bandhigay Golaha Shacabka Masar oo intiisa badan u badan Taageerayaasha Xisbiga Talada Wadan haya ay ansaxiyeen in Cod loo qaado arintaas.iyadoo ay Isla markiiba ay timiday Mucaarado ka imaaneysay  xaga Xisbiyada Mucaaradka ah ee ka jira Dalka Masar,taas oo ay ku sheegeen in badalaada kaliya aysan ku imaaneynin Hagaajin iyada oo aan waxyaabo kale laga badalin dastuurka Masar oo ay ka mid tahay in Ruuxa isku soo Sharaxaya madaxweynanimada Masar uu Taageero ka haysto %5 shan Xubnaha Golaha Shacbka Masaarida taas oo Miiska u baneeneysa Madaxweyna Mubaarak in uu kaligiis dib isku soo sharaxo,Sababtoo ah aqlabiayada ama badi Golaha Shacabka Masaarida waa Taageerayaasha Xisbiga Talada wadanka Haya ee uu Hogaamiyo Madaxweyne Mubaarak.

Mr.Maxamed Deeq mar uu ka hadlayey sida ay u kala Qaybsanyhiin Xisbiyada Siyaasada Dalka Masar
waxa uu sheegay in Xisbiyada Mucaaradka ee ka jira Dalka Masar ay u kala Qaybsamaan sidan.
(Xisbiyada ugu waa weyn Dalka Masar ayaa waxaa ka mid ah Xisbiga Al-wafdi iyo Al-nasiriya,
Al-gadi oo Lebral ah iyo Xisbiga Al-Tagamuc oo Garabka Bidix ah iyo Xisbiga Aqwan Al-Muslimun
oo isagu Qaanuun ahaan Mamnuuc ka ah Dalka Masar intaas ayaa ugu Muhiimsan Xisbiyada Siyaasada ee Masar waxayna kuligood ka mideysnaayeen in aysan ka qaybgalin Codbixintii Dhacday)ayuu YiriM.Deeq.

sidoo kale sida ay ula muuqato Ra,yi ahaan Mustaqbalka Masar ayuu Maxamed Deeq sheegay in Dhawaan Xisbiga Talada Wadanka Haya ee Xisbiga Wadaniga ee Dimurqraadiga uu damacsanyahay in Dib ay u soo sharaxdaan Madaxweyne Mubaarak kaas oo Tirada badan ee Taageerayaasha uu ka haysto Golaha Shacabka Masar u suuro galinaysa in ay Dib u doortaan Taagerayaashiisa in uu Noqdo Madaxweynaha Dalka Masar Mudada 6da Sano ah ee soo socota ee ku eg Sanada 2010ka,Jaaniska u banaana Axaabta Mucaaradkana uu yahay in ay si fiican ugu diyaargaroobaan Xiligaas oo Doorashada tan ku xigta ay dhaceyso.

mar uu ka hadlayey M.deeq sida ay u arkaan aduunka gaar ahaan Dawlada Mareykanka Hawlaha is
badalka iyo Hagaajinta lagu sameynayo Dalka Masar ayuu sheegay,in madaxweynaha Mareykanka uu soo dhaweyay arinkan si taxadar leh balse  uu  ku eedeeyay Xukuumadda Masaarida in aysan siinin wax Xuquuq ah kuwa ka soo horjeeda ee Mucaaradka ah oo ay kula kacday falal ay ka mid tahay Xarig iyo Handadaad wuxuuna Sheegay Bush  in loo baahanyahay Hagaajinta uu dalbaday in ay  tahay in Dadka Masar la siiyo Xuriyat Taam ah,taas oo Xisbiga Talada wadanka haya asaga oo adeegsanaya Dawlada uu Cadaadis badan Saaro Shaqsiyaadka Caanka ah iyo Xisbiyada Mucaaradka ah ee ka soo horjeeda Xukuumadooda .

Gabagabadii isku soo duuboo hada waa ay dhacday Codbixintii Natiijadiina waa la shaaciyay iyadoo
Rabshadaha dhacayna ay aad u yar yihiin marka laga reebo iska hor imaad Boliska Masaarida iyo
Taageerayaasha Xisbiga Al-kifaaya ku dhex maray Bartamaha Magaalada Qaahira,taas oo ay ku
dhaawacmeen Tiro Dad ah iyadoo ku dhawaad 50 kalena halkaas lagu xiray.Maalmahii la soo dhaafayna  waxaa socday Olole lagu qab qabanayey Taageerayaasha Axsaabta Mucaaradka haba ugu badnaadeen Taageerayaasha Xisbiga Aqwaan Al-Muslimun oo isagu Qaanuun ahaan Mamnuuc ka ah Dalka Masar,lase arki doonee halka uu ku danbeeyo Masiirka Dalka Masar iyo
Cidda isu soo taagi doonto Doorashada Dalka Masar oo la tartami doonto Madaxweynaha Masar Mr.
Mubaarak oo isagu ka talinayey tan iyo Sanadkii 1981di.

W/D Mahad carabow cali dheere
Qaahira Xarunta wadanka masar
mailmahad554@hotmail.com


Magaalada baydhabo oo ay ka jiraan xiisado siyaasadeed.

Magaalada baydhabo oo xarun u ah gobolka Bay waayadan dambe waxaa ka jiray xiisado siyaasadeed oo mararka qaar keenayay dagaalo ka dhalanayay gacan ku haynta magaaladaas oo u dhaxaysa siyaasiyiin ku jira laba Golle ee dowlada iyo Baarlamaanka FKMG ah kana wada tirsanaa ururkii RRA ee laga dhisay magaaladaas sagaashameeyadii xili uu ka jiray dagaal beeleed,si ururkaas uu maamul ahaan uu u hanto magaalada amaankeeda iyo iska caabinta xiisadaha siyaasadeed ee wax u dhimi kara kala fogaynta dadka reer baydhabo.
 
Rabshadaha hadda ka jira magaalada  waxaa kiciyay Banaanbax lagu taageerayay Go'aankii wasiirada ee ahaa in dowladu dagayso Baydhabo oo ay ka soo horjeesteen qaar ka mid siyaasiyiinta Baydhabo oo taageersanaa in labada Golle ay fariisin u noqoto xamar,iyo kuwo kale oo soo dhawaynayay in la fuliyo go'aanka dowladda ku dagayso Gobolka Bay.
 
Dagaalkii ka dhashay ayaa sababay in magaalada ay gacanta u gasho dhinac ka mid ah labadi garab ee magaalada baydhabo iskugu hayay,dhinaca laga saaray magaalada ayaa sheegay in magaalada ay qabsadeen dad banaanka ah dadka reer baydhabo
 
Maalmihii la soo dhaafay waxaa magaalada si wayn u gilgilayay dilal kala duwan oo ka dhacayay magaalada bartankeeda kuwaas oo lala beegsanayay dadka rayidka ah ee ku nool magaalada iyo kuwa ku ganacsadaba waxa ayna ku keentay dadka deegaanka walwal badan oo ay ka muujinayaan in xiisadahi ay abuuri karaan dagaalo mar kale ka qarxa gobolka.
 
Siyaasiyiinta iskaga soo horjeeda magaalada ayaa midba waxa uu kan kale ku eedaynayaa in uu ka dambeeyo abuurista colaad soleeye oo ka qarxa baydhabo waxaana ka soo baxayay hadalo kala duwan oo midba uu kan kale ku eedaynayo in ay taageero ka helo dibada.
 
Odayaasha dhaqanka ayaa dirayay baaqyo nabadeed oo ay ku dalbanayaan in la iskugu yimaado meel dhexe,wadahalna la furo si aan dhib dambe u dhicin,waxaana ay ku guulaysteen in ay xabad joojin sameeyaan,laakiin waxaa aad u yar sidii ay u badali lahaayeen figraha ay kala qabaan siyaasiyiinta ee ku aadan dagista dowlada ee magaalada Baydhabo. 
 
Bishan aaqirkeeda ayaa la qorshaynayaa magaalada Baydhabo in ay fariisin u noqoto dowlada iyo baarlamaanka,kadib markii lagu ansaxiyay bishan bilowgeedi shir ay qabteen baarlamaanka badankiis ee ku sugan magaalada Nairobi,waxaana laga cabsi qabaa in xiisadaha ka jira ay sii kordhi karaan hadii dowladu ay dagto baydhabo sababo la xiriira weeraro ugu imaan kara dibada ama inta ka soo horjeeda in baydhabo fariisin ay u noqoto dowalada.

canab Mumtaz | SomaliTalk
canabmumtaz@yahoo.com

Qaabkii loo dilay Dr. Abiib iyo dad badan oo lagu xidhxidhay magaalada Garbo
iyo Guddiga doorashada ee Itoobiya oo taladu gacantoodii ka baxday... Guji.. May 27

 

Faafin: SomaliTalk.com | May 27, 2005

 

DENMARK: QAXOOTIGA SOOMAALIYEED CIDNA UMA MAQNA, CEELNA UMA QODNA
Xaaladda ay ku sugan yihiin Qaxootiga Soomaalida ee ku jira xeryaha ku kala baahsan dalka Denmark ayaa.. Guji

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD