SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


Dawladda FKMG ee Soomaaliyeed, oo shacabkeedii dil ku bilawday!

Bile Jaamac (Gaagaale )

Oslo, Norwey

 sharmarke10@hotmail.com

Dawladda Federalka kmg ah ee Soomaaliyeed, ee dalka Kenya lagu soo unkay oo dib-u-heshii-siin Soomaaliyeed aheeyd ayaa Baydhabo, magaalo madaxda Gobolka Bay; dilkeedii u horeeyey ayaa shacabkii Soomaaliyeed ee mas`uulka looga soo dhigay ku bilowday. Dawladd shacabkeeda leeysay ama dishay waxaa noogu danbeeysay tii Siyaad Barre ee inqilaabka wadanka ku qabsatey oo cidna aan soo dooran marka horeba.

Dawladii federalka oo loogu talo galay in dib-u-heshiisiin iyo nabad-galyo dalka u keento, ayaaba waxeey maanta oo taariikhdu tahay 30kii Maajo 2005 shacabkii rayadka ahaa ee deganaa Baydhabo-Janaay, tiro aad u badan ku dishay oo rayid ahaa, caruurna ku jirto; maalmaha iyo bilaha soo socdana xaaladd colaadeed magaalada Baydhabo dhex-dhigtey oo dhimasho danbe keeni doonta iyo dhaawacyo waaweyn.

Dawladdaan federalka ah xubnaha ku jira oo mus`uulka ka noqday talo iyo tawfiiq shacabka Soomaaliyeed kuwo u soo wado ma ahan.

Madax-weyne dal iyo gudoomiye baarlamaan oo is-caaynaayo ama is-liidaayo oo xaqiraad qayaxan in eey isku hayaan dadka dhan u muuqato.

Xil-dhibaano baarlamaan, oo qof qalin iyo warqad intuu qaadatey oo arimahaan hoos ku qoran run ka sheegi karo ma jirto:

¤ tiro sax ah oo kal-fadhi yeelatey "run" lagama sheegaayo;

¤ dhawr go`aan oo baarlamaani ah oo is-wada burinaayo iyo

¤ xataa cid ilaa hadda sheegi karto ma jirto inta xil-dhibaanada baarlamaanka federalka -meeqaa joogta Kenya, meeqaa joogta Soomaaliya iyo meeqaa joogta meelo kale ee aduunka ah.

François Lonseny Fall, ergaga wakiilka qaaska uga noqon doona Kofi Anan ee Qaramada Midoowbay arimaha Soomaaliya oo "magac sare" ku leh dalka uu ka soo jeedo ee "Guinea Conakry" iyo Galbeedka Afrika; warbixinta u horeeysa ee maanta markuu la kulmo madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf waxeey noqon doontaa dilka iyo dagaalka ka dhacay magaalada Baydhabo; taas oo fadeexad weyn ku noqon doonta mas`uuliyiinta dawladda federalka Soomaaliyeed gaar ahaan madax-weynaha dalka; gudoomiyaha baarlamaanka iyo ra`iisal wasaaraha marka uu wakiilkaan ogaado; dadka dilka geeystey in eey yihiin ama ku dagaalamay magaaladda Baydhabo dad xil-dhibaano iyo wasiiro ka tirsan DFKMG ee Soomaaliyeed ee aan aheeyn jabhad ama burcad ee eey yihiin rag mas`uul ah oo berri la kulmi kara asaga Qaramadda Midoobay wakiilka uga ah dalka Soomaaliya.

Fikrad siyaasadeedka kala duwan ee dawladda federalka Soomaaliyeed ka dhex-jirta waxaa kala saaraaya Axdiga federalka ee ku meel gaarka ah iyo dastuurkii 1960-1969 kii ee Soomaaliya ka jiray; sidaa darteed wax weyn uma arko aniga qof ahaan in uu  khilaafka iyo aaraada kala duwan ee mas`uuliyiinta xil-dhibaanadda dawladda ka mid noqday ka dhex-dhacdo. Laakiin, shacabka rayidka ah, in dil- dhaawac iyo dagaal hor leh la galiyo daw ma ahan caqliga wanaagsanna ee bani-aadamkana ma qaadan karo.

Gaba-gabo iyo gunaadkeeyka, hadal iyo dhamaantiis waxaa shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatada ku raagey ee rayidka ah, qalbi jab weyn ugu filan.

Dawladii federalka aheeyd ee nabadda iyo amaanka dalka ku soo celin laheeyd loogu talo- galay in eey xubnaheedii dawladda ku jiray eey maanta dil iyo dhaawacyo u geeystaan dadkeedii shacabka ahaa ee iska hurday guryahooda waa arin xanuun leh.

Caruurta yar yar ee aan wali kala ogaanin; in eey Soomaali-yihiin iyo in kale dalka eey u dhasheen; in madfac lagu dilo ayagoo hooyadood la hurudo waa ayaan daro dadka Soomaaliyeed ku dhacday inta xumaha iyo samaha u kala saaran-yihiin.

Gabdhihii, wiilashii, odayaashii iyo islaamihii doraad ku soo dhaweeyey dawladda federalka Soomaaliyeed magaaladda Baydhabo-Janaay oo caalamka dhan ogaaday soo dhaweyntaas fiican iyo sideey u dhacday.

In sitimaano ama usbuuc-yo ka dib, isla dawladaas federalka Soomaaliyeed ah, xubnihii eey soo dhaweeyeen, oo xabad iyo madfac maatidooda ku dilay maanta, ayagoo iska hurdo guryahoodii; waa arin murug leh iyo rajo beel dawlad Soomaaliyeed oo wax dadka u qabato.

Labadii sanno dalka Kenya heshiiskii loo fadhiyey, oo dawlad federal ah lagu soo dhisay xubnihii maamulkaa dawladeed ka galay in eey dadkoodii Soomaaliyeed ku dilaan maanta -Alif wax ma leh iyo Alif wax buu leeyahay- ama hadaan si kale u dhahno: "Xubnaha dawladda federalka magaaladda Baydhabo ma imaanaayaan iyo waa  imaaneeysaa"; taas waa nasiib daro dadka Soomaaliyeed ku dhacday.

Waxaana noo cadaatey ama noo soo if-baxday in aan guraneeyno mirihii dagaalka sokeeye ee muddada dheer aan ku jirnay walina ku dhex jirno. 


Soomaaliya, Agoosto 2009 sideey u ektahay xaaladeeda dawladeed iyo maamuleed-ba!

Agoosto 2009 xubnaha baarlamaanka iyo xukuumadda Soomaaliya ee dawladda federaalka ee ku meel gaarka ah, waa in la kala diraa, oo Xil-dhibaano cusub iyo xukuumadd cusub la helaa, sida Axdiga ku meel gaarka ah ku qoran,waa hadii eey ilaaliyaan sharciga.

Marka la kala diro xubnaha baarlamaanka ka tirsan waqtigaas, waa in uu diyaarsan-yahay "dastuur" dadweynaha Soomaaliyeed eey isku soo raaceen oo cod loo qaaday.

Qofkii nolol ku gaaro waqtigaas, isla-markaasna rajo ka qabo waxqabad laga sugo dawladaan federaalka lagu magacaabay, walaahi dhib weyn waa haaystaa. Maahmaah ciyaal darbeegana aa waxeey aheeyd sidaan: "Cashadaan cuni-doono caawa; saan-saanta casarkii aan ka gartaa".

Qab-qablayaashaan deegaanka Banaadir jooga oo ugu yaraan 10-ka Mooryaanta-manaxayaasha ah  iyo odaygaan madaxweynaha noqday ee Cabdulaahi Yuusuf ee ku dhawaad 30 sanno Mooryaan soo ahaa; wadanka Soomaaliya in eey wax ka qabtaan qofkii ka sugo, maskaxdoo la`yahay oo qofkaas asagaa u baahaan in uu u tago ditoor-caafimaad ee ku takhasusay dadka maskaxda laga hayo;hadaadan awoodinna ditoor caafimaad waa in aad u tagtaa "habraha alleelaha tuura" ee wax saadaaliya ee khuraafaadka soo socda ka warama, ayagiiba xataa rajo xun ka qaba dawladaan aayaheeda oo sheeeydaankii wax u sheegi-jiray, war fiican uma soo warin "federalka Soomaaliya iyo aayaheeda danbe".

Soomaaliya, Agoosto 2009 marka eey u dhamaato 5-tii sanno ee la siiyey-xubnaha baarlamaan iyo xukuumadaan federaalka ah- in eey dalka iyo dadka Soomaaliyeed wax ka badalaan oo u badalaan fiicnaan; sida eey ila muuqato waxeey uga tagi doonaan, meel xun oo sida hadda lagu jiro ka sii liidato.

Sababta waxaa uga dhiganaayaa, siyaasadda-qabiileed oo baryaahaan laga nastey oo dib u soo laba-kacleeyneeyso iyo lacagaha dawladaha Carabta iyo EU-da, laga heli doona oo dil iyo dagaal badan keeni doonta.

Qofkii la socday hadaladii isku dhiib-dhiibka ahaa ee dhexmaraayey intii dawladaan la dhisay: Maxamed Dheere;Qanyare;Indho-cadde; Prof Geedi; Cabdulaahi Yuusuf; Aden Madoobe; Deero Isaaq iyo Xaabsade...siyaasad -qabiileed oo fool-xun oo dhimasho hor-leh keeni karta, qofkaan ka fakarin waa iga niyad fiican-yahay oo hooyadiisaa u soo duceeysay; aniga-se, shar baan arkaa oo soo socota...

Dawladii "Carta" -Jabuuti lagu soo dhisay, lacagihii dawladaha Carabta laga helay si hoos-hoos ah ayeey ku qeeybsadeen; laakiin qab-qablayaashaan hadda dawladda ku jira waxeey u muuqataa kuwo isku dili doona, dhaqaalaha laga soo helo dawladaha Carabta iyo EU-daba.

Dhaqaalaha ilaa hadda dawladda federalaaka la siiyey waa lacag aad iyo aad u tiro badan, maxeey ku qabteen waa waxba; aan diyaarad-ijaarasho iyo hoteel-raaxo leh jiifashadiisa, tamash-leen iyo tumasho.

Dawladaan federaaalka ah marka eey dhameeysato 5 -sanno, waxaa qiyaas ahaan, magaca dadka Soomaaliyeed eey ku heli doontaa ilaa 500 malyan ilaa hal bilyan oo doolarka mareeykan ah, lacagahaas ayaana sabab xun u noqon-doonta in dagaal-hor leh, uu dalka ka dilaaciyo, oo dad badan eey ku dhamaadaan.

Aqoon-yahano waxeey ku qiyaaseen in baahida Soomaaliya ugu yaraan looga khafiifin karo dhinaca dhaqaalaha 8 ilaa 10 bilyan ee doolarka mareeykanka, cadadaan lacageed iyo mid u dhaw-ba cid noo soo wado oo na siineeysa ma jirto; annaga ilaaheey baa-faqri naga dhigay oo wax ma haaysanno oo dalka kaligeen ma dhisan karno, dhinaca dhaqaalaha.

Gaba-gabo, xaaladda dawladeed iyo maamuleed ee dawladaan federalka ah ee baarla-maanteeri-yaanka ku saleeysan; in eey qatar ku noqon doonta shacabka Soomaaliyeed oo dagaal sokeeyo oo hor leh in eey madax-u galin doonto, aniga sidaas ayaa ii soo if-baxeeysa laakiin waxaan rajeeynaayaan in aan khaldanahay oo "federalka ka fiicnaan doono sida aan u fakaray".

Alloow waxa soo socda adiga kaliya ayaa og, Allow naga xijaab dhib; hadaan Soomaali-nahay...musiibo inta na haaysato ama nagu soo dhacday nagu filan ee markaan raaxo iyo nabad noogu badal dhibka na haaystana mid kale ha noogu darin intaan nagu filan.

Allow  "Gaalada"  Oslo aan la joogo hadda, nabad iyo dharag eey "daac-sadaan" oo weey ka bad-badatey Allow Soomaaliyana sidaas iyo si fiican oo nabad iyo dhereg la "daac-sado" ah nooga dhig

Bile Jaamac

Oslo, Norwey

sharmarke10@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 30, 2005


Kulamo Ka Dhici Doona Holland iyo Minneapolis
»June 4 & Holland: Waxa laga ogyahay sunta ku duugan som.
»June 5 & Minneapolis: Tsunami ka dib iyo degaanka Somaliya
Goobaha lagu qaban doono kulamadaas ka akhri halkan... Guji

Dagaal Xooggan oo Xalay ka Dhacay Baydhabo
»Baydhabo: 15 qof ayaa dhintay & dhaawac 40 ah..
»Kismaayo: Saldhigii Booliska oo dadkii deganaa laga saarayo
Wararka oo dhan ka akhri halkan..... May 30

Jen. Cadde Muuse: Hay'adaha shisheeye waxay rabaan in Dalka Maamulaan
Waraysi dheer oo uu Madaxweynaha DGPL siiyey Telefishanka ETN ayuu shaaca kaga qaaday in... Guji.. May 29

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD