Shirka Hayb Sooca oo
Lagu soo Gabagabeeyey
Minneapolis
Axdii Dec 24, 2006:
waxaa magaalada Minneapolis lagu soo gabagabeeyey shirkii
habsooca oo socdey labada maalmoos.. Wixii shirkaas ka soo
baxay kala soco SomaliTalk.com, insha Allah.
Ogeysiis:
Shirka Hayb Sooca oo Maanta ka Furmaya
Minneapolis
Waxaa dadweynaha la
ogeysiinayaa in shirka Haybsooca oo maanta oo Sabti ah Dec
23, 2006 ka furmaya Minneapolis ay si toos ah ugala socon
karaan soomaali
Radio. Waxaana shirkaasi furmi doonaa 10ka subaxnimo ee
Sabtida, maanta.
Shir-weynahaas oo
Jaamacadda Minnesota (carlson
school) kasocon doona December 23-24 waxaa ka qayb geli
doona 40 qof oo casumaad ku imanaya oo ah Jaaliyadaha Soomaalida iyo Iimaamyada
Masaajida Minnesota iyo aqoonyahanno/waxgarad ka kala
imanaya meelo kala duwan oo caalamka ah. Waxaana toos looga
dhegeysan karaa Radiyaha, wixii ka soo baxana waxaa lagu soo
tebin doonaa warbaahinta.
Shir ay
Minneapolis ku yeesheen Guddiga La
Dagaalanka Hayb Sooca
- Warbixintii:
SomaliTalk.com | Minneapolis, MN | Dec 10, 2006
Kulan
Sabtidii (Dec 9, 2006) lagu qabtay magaalada Minneapolis
ayaa waxaa lagu gorfeeyey waxyaabihii ay ilaa hadda soo
qabteen ama u qabsoomay Guddiga la dagaalanka Hayb-sooca,
guddigaas oo dhawrkii sano ee ugu dambeeyey kusoo dhex jirey
sidii loo wajahi lahaa, talona looga bixin lahaa sidii
mujtamaca Soomaaliyeed looga suulin lahaa quursiga, takoorka
iyo hayb-sooca.
Guddigu waxa ay sheegeen in
dhawrkii sano ee ugu dambeeyey:
- La qabtay ilaa 15 shir
oo looga arrinsanayey suulinta quursiga/takoorka/hayb-sooca
- La soo jeediyey
muxaadarooyin iyo wacdi badan
- La qabtay
dood-cilmiyeedyo looga hadlayay takoorka iyo quursiga
- Laga qoray qoraallo
iyo buugaag badan, lagana tiriyey gabayo/maanso, iyo
- Laga sameeyey filimo
iyo barnaamijyo, iwm
Barnaamijyadaas iyo
shirarkaa oo dhammaan lagu wacyi gelinayey bulshada
Soomaaliyeed sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen suulinta
hayb sooca.
Kulankii Sabtidii waxa uu
ahaa kulankii 5aad ee loogu gogol dhigayey, laguna gorfaynayey shir-weyne
ay yeelan doonaan Guddiga Lafa-Gurka Hayb Sooca, shir-weynahaas oo
Minneapolis ka dhici doona December 23-24 waxaa ka qayb geli
doona 40 qof oo casumaad ku imanaya oo ah Jaaliyadaha Soomaalida iyo Iimaamyada
Masaajida Minnesota iyo aqoonyahanno/waxgarad ka kala
imanaya meelo kala duwan oo caalamka ah. Waxaana shirkaasi
lagu lafa-guri doonaa sidii loo midayn lagaa aragtida ku
jihaysan la dagaalanka hayb-sooca. 40-kaas qof ee ka soo
qaybgelaya shir-weynaha ee ah aqoonyahanka Soomaaliyeed
go'aanada ay soo saaraan warbaahinta ayaa dadweynaha loogu soo tebin doonaa.
Waxaana la qorshaynayaa in marka uu shirkaasi socdo si toos
ah looga dhegeysan karo radiyaha ama Internetka.
Wixii faahfaahin ah ee ku
saabsan guddiga la dagaalanka Hab Sooco waxaa lagala xiriiri
karaa:
- Siciid Saalax
(612-290-1521)
- Cusmaan Daahair
(612-227-8830) - Email:
Tayasir7198@yahoo.com
- Mubaarak Cali Xirsi
(612-275-0518)
- Maxamed Aadan
(303-523-5510)
Ka qayb galayaashii kulankii Sabtidii ee looga wada hadlay
la dagaalanka Hayb sooca.
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 10, 2006
|