
Xafiisyada
Muslim Aid ee Soomaaliya ayaa markii abaaruhu soo if bexeen dad gaaraya
7,500 oo qof oo koonfurta Soomaliya ku nool u bilaabay inay u qaybiyaan
bariis, bur, sonkor, buskud, biyo, hoy ku mel-gaar ah iyo daawooyin. Dad
badan oo abaartaasi saamaysay ayaa guryohoodii ka soo tegay iyagoo cunto
iyo biyo raadinaya. Muslim Aid waxay dadkaas u samaysay hoy ku meel-gaar
ah oo ay qorraxda iyo dhaxanta ka galaan.
Muslim Aid waxay la shaqaysaa hay’adaha
qarammada Midoobay (UN agencies) sida WFP iyo WHO si dadkaas abaaruhu ay
saameeyaan loogu gurmado.
Dhibaatada ugu wayn oo dadka hadda
haysataayi waa biyo la’aan. Meelaha qaarkood dadku waxay u le’anayaan
harraad iyo gaajo, (sdida aad masawirka ka arki kartaan) Muslim Aid
waxay biyo u dhaamisaa meelaha ay biyo la’aantu ka jirto. Boqolkiiba
siddeetan ceelashu waa gureen, wabiyada Jubba iyo Shabeellana biyohoodu
aad bay hoos ugu dhaceen oo ma dabooli karaan baahida waraabinta beeraha
iyo midda kale ee dadka ku ag nool.
Wixii faahfaahin ah oo ku saabsan sida ay Muslim Aid ugu
gurmatay abaaraha Geeska Afrikas iyo sidii aad uga qaybqaadan lahaydba
booqo
www.muslimaid.org
Mahadsanidin.
ali@muslimaid.org
Daawo Sawirada




Faafin: SomaliTalk.com | March 14, 2006