HUGUNKA MADAAFIICDA GOOBTA IYO DHAWAAQA
RASAASTA OO AY MUQDISHO KU WAABARIISATAY
Muqdisho Maarso 22, 2006: Iska horimad
hubeysan ayaa saakay waaberigii ka dhacay degaanka Galgalato ee duleedka
magaalada muqdisho kaas oo u dhaxeeyo maleshiyo kala taabacsan labada
ganacsade ee hubka xoogan ku heysto magaalada oo kala ah Bashiir Raage
Shiiraar iyo abukar cumar cadaan, Kuwaas oo dhamadkii bishii janayo ku
dagaalamay deegaankaas, dadka deegaanka ayaa sheegay in iska horimaadkaan
soo noqnoqday uu halis weyn ku yahay.

Dagaalkaan oo socoda ilaahaatan, markii aan
warkan qoreyney, ayaan weli laxaqiijin khasaaraha dhabta ah oo uu geeystay
waloo isbitaalada qaarkood oo aan xariir lasameeynay sida cisbitaalka
keysaneey ayaa waxaa uu xaqiijiyay in lasoo gaar siiyay ilaa 11-qof oo
dhaawac ah oo ay kujiraan qaar dhaawacooda uu culusyahaya. Markuu ka
jawaadaayay shaawacyada lakeenay ma rayadbaa mise, waxaa uu ku jawaabay
waxaa ay yihii maleeshiyooninkii dagaalamaayay.
Dagaalkaan oo gaaray magaalada muqdisho
qaarkeed, madaafiicda waaweeyn ee goobta taasoo soogaaraysa sida badan dadka
rayidka ah ee ku sugan guryahooda, dagaalkaan oo aan lamid ahayn kii
kadhacay agagaarka kuliyada jaale siyaad iyo dayniile waayo dhimashada iyo
dhaawaca waxaa ay u badanyihiin maleeshiyooyinka ku dagaalamaayo halkaaasi.
Dagaalkii waaberigi hore ee saaka ayaa
wararka qaar sheegayaan in khasaare xoogleh uu geystey iyada oo dadka
deegaanku cabsi weyn ka muujiyeen dhawaaqa hubka nocyadiisa kala duwan
kaasoo aan loo meel dayeyn oo si liishaan la,aan ah la iskugu ridayo.
Dagaaladaan ayaa waxaa ay ku soo beegbeen
xili dadaal uu ka soconayey magaalada muqdisho kuwaas oo la xiriirey sidii
nabad loogu soo dabaali lahaa magaalada muqdisho ayna wadaan odoyaal wax
garad iyo culumaa'u diin.

Qeybo ka mid ah dadka magaalada muqdisho
ayaa bilaabey in ay ka qaxaan guryahoodii ka dib markii ay soo gaadhay
risaas habow ihi, waxaan ka soo cararnay risaasta wiiftada ah ayuu yiri nin
sii cararayey meel wado ah goobaha dagaaladu ay ka socdaan ee duleedka
waqooyi ee magaalada muqdisho.
Xaafadaha ay ka midka yihiin huriwaa ,suuqa
xoolaha ,xaafada jamhuuriya dhinaca barri ee deegaanka arjantiin iyo qeybaha
waqooyi ee suuqa kaaraan ayaa saaka si aad ah waxaa looga dareemaayey
dhawaaqa risaasta noocyadeeda kala duwan iyo madaafiicda aan loo meel dayin
taasoo ay isku ridayaan kooxaha iska soo horjeedo taasoo sababtey in ay
guryahoooda ka barakacaan iyaga oo caruurtooda gacmaha ku jiidayo.

Qaar ka mid ah wadooyinka magaalada
muqdisho ayaa weli u xiran dagaaladii dhexmarey isbaheysiga la dagaalanka
argagixisada iyo maxaakiimta islaamiga ah.
waxaa si aad ah u soo badaneyso cabsida
laga qabo in markale ay dagaal fooda isdaraan dhinacyadi ku dagaalay dhawaan
kuliyadii jaale siyaad waxaana la arkayaa raadadkii ay reebeen oo ka mid
tahay in laga qaxey deegaanadii dagaaladu ay ku dhex mareen xoogaga
sheeganayo mid walbo in uu umada u daneynayo.
weli midna ma qaadan in uu gardaran yahay
isla markaane midkood ma muujin in uu ka tanaasulay ujeedadii iyo hadafkii
uu xabadaha kula dhacay walaalkiis fikirka ay ku kala duwan yihiin, waxaa
socoto isu goodin iyo soosaarida warsaxaafadeed ka dhan ah midka kale ee ka
soo horjeedo ,runtii waxey labada dhinac iska indhatirayaan waxa jira oo ah
in la barakacay in la qaxey in dad dhintey iyo in ay xiran yihiin wadooyinka
qaarkoodna laga argagaxayo marka aad soo gaadho sida wadooyinkaan sawirka ka
muuqdo oo lagu dejiyey dhowr kaariko oo caro kaawo ah wadadii laamiga aheyd
dhexdeeda waana nasiib daro in shaqsi ama kooxo iscolaadinayo in ay heerkaa
isla gaaraan.

Arintu waxey mareysaa hada umaddii ay
noqotey kuwo ku tashanayo dagaal mar uu dhacaba waxaadna arkeysaa kuwo leh
barri waa dagaal iyo caawa ayaa la filayaa in la isku bilaabo iyada oo aan
la garaneyn sababta dhabta ah ee ka danbeysa iyo waxa lagu dagaalayo waxaana
igu maqaalo ah in dagaalkaan gebi ahaantiis uu ka bilowday laba maleshiyo oo
qoryo laga qaatay taasoo sababtey in intaa oo qof ay ku nafwaayeen ,hanti
waayaan, hoy waayaa, caruurwaayaan ,waxbarasho waayeen,w ado waayaan. intaa
iyo in kabadan waayaan waxaa la yaableh kuwii ka qeyb qaatey weli waa soo
jeedaan waxeyna ku dhexdhaaranayaan in ay sii wadi doonaan inta ay ka
gaarayaan hadafkooda kursi jaceeylka ku dhisan hadaba dan ma noo tahay
markii waxwalba la cuney inaga oo arkeyna hadane in wadooyinkii sidaa loo
galo.

Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho somaliya
Faafin: SomaliTalk.com | March 22, 2006
Max’ed
Dheere “C/llaahi waxaa la gudboon in uu si deg deg ah isu casilo..
»Buubaa: Ciidamada ka yimdi xerada
kongo waa ciidamo qaran
»Xildhibaan libaax “ciidamada laga keeney maaha kuwo qaran
»C/llaahi Yuusuf oo dib ugu soo laabtay Baydhabo..
»Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah oo Gargaar gaarsiiyey
»Hay’adda CDHR oo qabtay wejigii saddexad ee siminaar..
»Bandow xalay lagu soo rogey magaalada Baydhabo...
»Dagaallo cadowga lagu naafeeyay...
Wararka
oo dhan ka akhri halkan... Guji.... Mar 22