SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print
Silsiladdii Taariikhda Islaamka:
TAARIIKH
Casharadii Taariikhda Islaamka oo markale dib u bilowday,
Guji..

Qore:  Sh. C/risaq Macallim

Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah daawo: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir



Bal car ridaasi inta aan iibka u helaayo is-nuugista hadeyso. 

Abdulkarim H. Salad (AbuGaalaEri)
abduulkaariim@hotmail.com

Waxaa la sheegaa in ri aad u caano badnayd hase yeeshee is-nuugi jirtay uu nin lahaa. Ninkii waxaa uu damcay, in uu is dhaafiyo oo iska iibiyo isaga oo aan ceebteeda sheegin. 

Waxaa la yiri, tiiyoo ay u dhowdahay in laga iibsado ayaa ay is-nuugistii bilowday. Markaas ayuu yiri hal ku dhiggan aan kor ku sheegnay. 

Maamulka Gobollada “Puntland” beelaha ku dhaqani hadday ahaan lahayd Culimaa’Uddiin, Indheer-garad, Isimmo iyo dadweynaba ay ku baaqayeen sida ay u doonayaanin ay isku dhaqaan kitaabka Ilaahay iyo Sharciga Islaamka. 

Sidoo kalena, Culimaa’uddiinka gobolladaas oo ka duuley oo ka duulaya mas’uuliyaddooda diineed ee kaga beegan dhaqan galinta Sharciga Alle ee dhulkaasayaa cadaadis ku saaray maamulka gobolladaasi iyo in ay u dhega nuglaadaandoonitaanka Ummadda iyo isbaddalka ay doonayaa. 

Arrinkaan oo Gen. Cadde Muuse uu ugu dambayntii  garowsaday ayaa waxaa dhankooda ku gacan sayray kooxda dhab ahaantii go’aanka kama dambaysta ah ee nidaamkaasi uu ka go’o waa Gaagaab, Awaare, Carays iyo taliyaha Daraawiishta IWM. Oo iyagu ku sheegay wax aan waxba ka jirin hadalkii Cadde ee ahaa in gobollada Puntland hadda iyo wixii ka dambeeya ay ku dhaqmi doonaan shareecada Islaamka.

Hadalkaas oo si diirran ay u soo dhoweeyeen beelaha dhulkaasi ku nool ku waas oo dhaqan ahaa lagu yaqaan dad wanaag jecel. 

In kastoo ay jiraan dhawaaqyo fara badan oo taxadar looga muujinayey in lagu khatalmo go’aankan Cadde iyo in aan la isku aamini karin. Kuwaasoo ka kala imanayey in badan oo kamid ah dadka iyagu wax a qora siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaanna midda gobolladaas. 

Waxaa dadkaasna ka mid ahqoraaga C/waaxid C/hi Khaliif, isagoo isweydiiyey su’aashan:

“ Maxay culimada puntland hoosta u soo gashanayaan dagaal oogayaashooda? Waa dhici kartaa qof ama dhowr qof oo kamid ah maamulka puntland oo uu ku jiro Cadde Muuse? In ay yihiin dad macquul ah. Laakiin sow mar horeba mynaan maqlin taliyaha daraawiishta puntland oo diidan heshiiska culimada iyo cadde. Wuxuu yiri waxaan rabnaa  dastuurka puntland! micnuhu waa ma rabno shareecada Islaamka”!.................. 

Anigu kol hore waraaq furan oo ku wajahnayd culimaa’uddiinka iyo bulshadaba waxaan ku muujiyey wel-wlka aan ka qabo hadalkii Cadde ee dhaqan gelinta Shareecada  iyo sida aan Qab-qablayaashaba loo rumaysan karin. 

Nasiib xumo, ama nasiib wanaagba waxaa is nuugey Cadde qudhiisii intiiba aan culimadu iib u helin sheegashadiisii kaas oo uu kaga laabtay hadalkiisii hore sidii laga sii daayey British Broadcasting Corporation laanta Afka-Soomaaliga ee 22/11-06. Waxaaa dhici karta in dad fara badan oo u jeedooyin kala duwan lehi ay ka xumaadeen ka noqoshada Cadde Muuse ee hadflakiisii hore.  Dadkaas ayaa waxaa ka mid ah qayb iyagu shareeco doon ahayn, hase yeeshee ay la nootay in ay ku haboon tahay xilligan in shareeco si ku meel gaar ah waxaa lagu lagu hakin karo kacdoonka Shacabka, sidaasna ay suurtowdo in xoogaa cimri dheerays ahi uu ugu jiri karo qolyahan ka sii dambeeya qowlaysatadii shacabku inqilaabay.

Dhanka kale waxaa iyana meesha ku jirta in dad niyad wanaagsani oo aan aad aqoon ugu lahayn kooxahan 16kii sano waddanka waalayey iyo sida aanay ballan uga guntamini, sidaasna ay uga xumaadaan maraka ay aqlaan Cadde oo “go’aankiisii” kaga laabtay. 

Hadal iyo dhammaantii, way jirtaa baahidii keentay baadigoobka Ummaddu ugu jirto dahqan gelinta Shareecada Islaamka ee Dalkeenna. Waxaa wali jirta in ay sii joogaan geyigeenna qaybo ka mid ah kooxihii asha-haado la dirirka ee waddanka intiisa badan laga eryey. Sidoo kalena way jirtaa in maanta Ummadda Soomaaliyeed ay karto in ay inta ka harsanna ka daba geeyaan kuwii kale, gaar ahaanna kuwaa gobollada puntland, sidaasna ay Ummaddu ku soo wada ceshato gobannimadeedii iyo karaamadeedii kooxaas mudada faraha badan u af-duubnayd. 

FG. Waxaan ugu baaqaynaa in ummadda Soomaaliyeed gaar ahaanna culimadu ay ka fogaadaan in ay ka shaqeeyaan wax alla iyo wixii keeni kara sii joogista kooxahaas ee xukumka dalka. 

Tafiiqda Allaha ina waafajiyo.

Abdulkarim H. Salad (AbuGaalaEri)
abduulkaariim@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: Nov 28, 2006
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD