- Salaaddiinta iyo
Aqoonyahannada Digil oo Ku Baaqey In Kaalmo Lala Soo Gaaro:
- Golaha
Samafalka iyo Horumarinta Soomaaliyeed oo
kaalmooyin Gaarsiiyay Dad ay waxyeello u
Geysteen Fatahaadaha Webiyada.
Golaha
Samafalka iyo Horumarinta Soomaaliyeed oo
kaalmooyin Gaarsiiyay Dad ay waxyeello u
Geysteen Fatahaadaha Webiyada.
Muuse maxmauud Jiisow |
Somali39@hotmail.com
Muqdisaho somaliya | 0025215576666/002521653623
Guddoomiyaha Golaha
Samafalka iyo horumarinta Soomaaliyeed Sheekh Axmed Maxamed
Suleymaan oo maanta ka warbixiyay fatahaadaha iyo
dhibaatooyinka ay ka geysteen Gobolka Shabeellada dhexe iyo
Shabeellada Hoose ayaa sheegay in golahoodu uu gargaar
gaarsiiyay dadka ay waxyeelleeyeen fatahaadaha.
Sheekh Axmed ayaa ka dhawaajiyay in ku dhawaan 1030-Qoys oo
dhibaato ba’an ay u geysteen fatahaadaha webiyada ay
gaarsiiiyeen kaalmooyin kala duwan oo isugu jira Timir, Baco
iyo Alaabo kale, wuxuuna xusay in goobahaas ay geeyeen
gargaarkaas ay yihiin Shabeellada Dhexe, gaar ahaan Balcad
iyo tuulooyinka ku hareeraysan.
Sidoo kale; wuxuu sheegay Guddoomiyuhu inay dhanka
Shabeellada Hoose ay maalinta berri ah u ambabaxayaan isla
markaana ay gaarsiin doonaan raashin iyo gargaar kala duwan,
wuxuuna sheegay in gargaarka ay gaarsiinayaan Shabeellada
hoose ay bixinayaan guddiga fatahaadaha iyo gargaarka deg-degga
ah oo ay Maxkamaduhu dhawaan ku dhawaaqeen.

Sawirada oo Weyn halkan ka daawo.....
Warbixinta Golaha uu soo saaray:
Golaha Samafalka iyo Horumarinta Soomaaliyeed ayaa
gaarsiiyay deeq timir ah oo dhan 10-Tan meelo ka mid ah
gobollada Sh/Dhexe iyo Sh/Hoose, Tuulooyinka la gaarsiiyay
deeqdan ee gobolka Sh/Hoose waxaa ka mid ah: Habawshe &
Garawlaay, Tuulooyinkan oo raacsan Kurtunwaarey ayaa la
gaarsiiyey 6-tan oo timir ah, waxaana ka faa’iideystay ilaa
800-boqol Qoys.
Dhinaca Balcad ee gobolka Sh/Dhexe waxaa laga qaybiyey 4-Tan
oo timir ah Tuulooyinka ay ka mid yihiin Mukay-dheere,
Kooreebe, Mareereey, Xanley, Wargaabo, waxaana ka
faa’iideystay 1030 Qoys.
Deeqdan timirta ah oo uu Goluhu ka qaybiyay goobaha aan kor
ku sheegnay waxaa ku tabarrucay Hay’adda BISHA CAS EE U.A.E,
Xafiiskeeda Muqdisho, sidaas darteed Goluhu wuxuu uga mahad
celinayaa Hay’adda BISHA CAS EE U.A.E deeqdaas wax ku oolka
ah ee ay bixiyeen.
Wixii Tabarucaad ah ee fatahaadaha ku saabsan iyo wixii kale
oo kaalmooyin ah ku soo hagaaji.
Accounada, G.S.H.S
Qaran Express ..... 117
Dahabshiil Bank: 2283
Amal Bank: 11073
Global Money Transfer : 21042
Mustaqbal Bank: 22315
Tawakal Bank: 309
Muuse maxmauud Jiisow |
Somali39@hotmail.com
Muqdisaho somaliya | 0025215576666/002521653623
Salaaddiinta iyo
Aqoonyahannada Digil oo Ku Baaqey In Kaalmo Lala Soo Gaaro:
Qaar ka tirsan Salaaddiinta ,Aqoonyahannada iyo
Culumaa’uddiinka Beelaha Koonfurta Soomaaliya ayaa maanta
shir ballaadhan ku yeeshey, magaalada Muqdisho waxayna ka
arrinsanayeen Dhibaatooyinka Fatahaadda labada webi iyo
daadaka Roobabku u geysteen deegaannada Koonfurta Soomaaliya
Gaar ahaan gobolka Shabeellada Hoose .Masuuliyiinta ayaa
caddeeyey inay gobolkaas ka jirto masiibo bani’aadanimo oo
ay sabaabeen fatahaadda webiga shabeelle,waxayna
waxgaradkani ku doodeen inaan wax gurmad ah oo dadkaas la
gaadhsiiyey aysan jirin hay’ad ama shaqsi iyo maamul intaba.

Salaaddiinta qaarkood oo shirka kaga qaybgaley qaab
taleefoon ah ayaa codkooda waxay ku biiriyeen baaqyada
qayllo dhaanta ah ee ay sida wadajirka u soo saareen
Aqoonyahananada iyo Culumaa’uddiinak Beelaha Digil.Waxayna
Codsi u direen Hayadaha Calamka ,NGOyada iyo dhammaan
shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dadka ka soo jeeda Gobolka
shabeellada Hoose ee qurbaha ku nool iyo kuwa wax haysta ee
gudaha ku nool inay dadkaas dhibaateysan la soo gaaraan
kaalmo degdeg ah .
Waxaana shirkaas lagu magacaabey guddiyo iskugu jira
salaaddiin iyo aqoonyahahnno iyo culumaa’uddiin ,kuwaas oo
la socon doona soona qiimeyn doona Baaxadda Dhibaatada ee
soo gaadhey shacabka Gobolka shabeellada Hoose ku
dhaqan.Masuuliyiinta ayaa waxay codsigooda ku sheegeen in
wixii gurmad ah ee loo fidinaayo shacabka gobolka loo soo
marsiiyo Jamciyadda Suuban Alkheyriyah “Suuban Chartiballe
Cosity” oo ah jamciayd ka howlgasha Gobolka Shabeellada
Hoose ,islamarkaasna mashaariic fara badan ka fulisey
gobolka Shabeellada Hoose.
Dadka Baaqa Soo saarey waxay Magacyadooda kala Yihiin:
1- Sulddaan Buuwe C/lle Buuwe
2- Sulddaan Siideey Maxamednuur
3- Jeylaani Maxamed Oofoow
4- Sheekh C/khaaliq C/llaahi Xamza
5- Sheekh Xasan Siid Cali
6- Sheekh C/llaahi Sheekh Ibraahi
7- Maxamed Yuusuf Max’ed
Shabakadda Warqabadka
DMC Muqdisho
Aadan Cusmaan
Bokoola@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 29, 2006
DADKA REER AFGOOYE OO CABSI KA MUUJIYEY IN
WABIGA SHABEELE UU KU FATAHO.
Nov 22, 2006

Walaac xoogan oo isasoo tarayo ayaa ka soo baxaya in wabiga Shabeele uu ku fataho deegaamo ka tirsan degmadaasi.
Tuulooyin fara badan ayaa waqti xaadirkaan
go'doonsan kadib markii fatahaado wabiga Shabeele uu qasaarooyin u geystay,
iyadoo dadka ku dhaqan deegaamadaasi ay haatan heysato dhibaatooyinka ay u
geysteen biyaha ku soo fatahay dhulalkaasi, waxaana intaa u sii dheer in
wadooyin fara badan oo gali jiray tuulooyin hoos yimaado Afgooye ay xiran
yihiin sida ay dadka degmada Afgooye u xaqiijiyeen Talaadadii.
Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan degmada Afgooye
ayaa sheegay inay cabsi lixaad leh ka heysato in wabiga Shabeele uu ku soo
fataho degmadaasi kadib markii biyaha wabiga uu soo gaaray qarka wabiga, waxayna
taasi kor u sii qaaday cabsida la xiriirta in wabiga soo fataho, iyadoo
fatahaadu ay bur burisay dhul beereed baaxad leh oo ku yaalay degmada Afgooye.
Qaar ka mid ah goobaha ganacsi ee u dhow wabiga
ayaa durbadiiba waxaa soo gaaray biyaha wabiga, taasoo muujineysa inay macquul
tahay in wabigu uu ku soo fataho deegaamo hor leh, iyadoo guryaha ku yaalo
agagaarka wabiga ay soo galeen biyuhu, laakiin dadka qaar ayaa rajo wanaagsan ka
muujinaya in ay adag tahay sida ay biyuhu u soo galan degmada Afgooye, iyagoo
sabab uga dhigaya in degmadu ay ku taalo meel sare juqraafi ahaan.
Hadaba walaaca iyo cabsida laga qabo in biyuhu
ay soo gaaraan degmada Afgooye iyo deegaamada la xiriira ayaa ku soo beegmeysa
xili ay dadka soomaaliyeed bilaabeen inay isu gurmadaan, iyagoo horaanba iska
ururiyay deeqo kala duwan oo loogu yaboohayo dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay
fatahaada wabiga Jubba iyo Shabeele.




 
Muuse Maxamuud Jiisow
Somali39@hotmail.com
Muqdisaho somaliya
0025215576666/002521653623
Magaalada
B/weyne ee xarunta gobolka Hiiran ayaa waxaa ka jira fatahaad aad u balaaran
taaso geysatay Khasaaro naf iyo maalba leh.
Waabarigii (Nov 12) ayaa magaalada B/weyne
waxaa hal mar is qabsaday sawaxanka dadka magaalada oo guryahooda ka qaxayo
dhibaatada fatahaada awgeed, dadkani ayaa waxay durbaba bilaabeen in ay
adeegsadaan gaari dameero iyadoo ay adkeed in ay galaan gawaaradia inta badan
xaafadaha magaalada B/weyne.
Xaafada sida aadka ah ay fatahaayadu u
waxyeeleeyeen ayaa waxa ka mid ah xafadaha Irid Aamin, Xaawa taako, Kutiimbo,
Buundaweyn, Duunsubagle iyo xaafado kale.
Dadka qaxaya aya waxay u qaxayeen banaanka
magalada B/weyne iyo buuraha sare ee aysan biyu gari Karin iyadoo Xaafada
Howlwadaag ee Dhanka Galbeed magaalada B/weyne ay noqotay xafada kaliya ee
Fatahaada ka bad baaday marka looo eego xaafadaha kale ee Fatahaadu
waxyeelaysay.

Intabadan ganacsatada magaalada B/weyne ayay
waxyeelo ka so gaartay Fatahaadahani kuwasoo sida ay sheegen bakhaaradoodii ay
biyaha ugu soo galeen.
Waxaa adkeyd sakaay magaalada B/weyne in aad
hesho baabur kuu qaado alaabto iyadoo ay circa isku shareereen kirada
Gaaridameerada kuwaasoo ah kuwa kaliya ee sida tooska saakay ay dadku ugu
qaxayee.
Muuqaal ahaan ayaa sakay waxaad dareemaysaa in
uu qax balaaran ka jiro magaalda iyadoo sida caadada ka ah gudaha Soomaaliya ay
dadku ka qaxi jireen dagaalo sokeeye ayaa saakay waxaa si aad ay dadka reer B/weyne
ka qaxayeen Fatahaada webiga.
Xarunta dhexe ee gobolka magaalada B/weyne aya
saakay waxaa galay biyaha wabiga uu soo tufay, xaruntani ayaa waxay saldhiga
maamul u aheyd Maxkamadda Islaamiga ee B/weyne balse saakay ayay halkaasi isaga
huleeleen dhamaan dadkii ka shaqeynayay, goobtaasi oo aheyd goo ay subax kastaa
ka socon jireen dhamaan dacwadaha ay isu qabaan dadka iyagu is daceynayay sidoo
kale waxay goob maamul u aheed maamulka maxkamada B/weyne.
Waxaa saakay sidoo kale magaalada ay dadku ka
cabsi qabeen in ay Go’do Buundada Liiqliiqato oo ah Buundada isku xirta Dhanka
Bari iyo kan Galbeed ee magaalada sidoo kale mid taas le’eg ayaa ka jirtay
dhanka Buundada lagu magacaabo Buundoweyno oo labaduba ah kuwa kuwa ku dhexyaala
gudaha magaalada halbowlana u ah isku xirka dadweynaha magaalada B/weyne.

Dadka sida weyn ula socda taariikhda magalada
B/weyne aya waxya sheegeen in dhibaato tan oo kale ah ay magaalda ugu dambeysay
sanadkii 1997-kii balse waxay qiyas ka bixiyen sababta keenta in markastaa oo uu
webigu buuxsamo ay halis gasho deganaanshaha magaalada in ay tahay wabiga oo
magalada B/weyne u mara qabka xarafka S-(ES).
C/naasir Sheekh Axmed (Cawaale)
B/weyne Somalia
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 22, 2006


|