Doofaarta
Raacdiyo Amxaar

Qore: Dr. Cabdullaahi Xasan
Maxamuud
(Abdullahi Spanish)
Email:
indhagube@yahoo.es
Waxa maalmahan muuqda in dad badan oo Soomaaliyeed
ay ka murugaysanyihiin waxa ka socda dhulkeenii iyo
duulaanka qaawan oo laynagu soo qaaday. Qof
fikirkiisa qoraal ku muujiya iyo mid gabay ku
muujiyaba waxa badankooda ka dhadhamaysa in Soomaali
oo dhami waxan ka masuul tahay. Waa idinku
raacsanahay in cadurka Soomaalidu qabto oo la
yiraahdo qabyaalad uu jabkeenna aabe u yahay. Tix
yar oo aan beri tiriyey bay ka mid ahaayeen
ereyadani, waxaana u arkaa in ay qabyaaladu ka mid
tahay cudurada lakala dhaxlo ama la kala firsado:
- Nin
qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge
- Ina fagatay
cadowgeenna waa, faas u hawl galaye
- Ka fogaada
waa cudur waqii, noo fidhsada gaare
Waxaan jeclaan
lahaa, in aynu xasuusnaano in waxa maanta ina haysta
ay ka masuul yihiin, dad tirsan oo isugu jira: tuug,
munaafiqiin, calooshooda u shaqaystayaal, jiri,
mooryaan, dabadhilif iyo khaaimiin oo
ah kuwa u daran iwm. Waxaana ii muuqata markii
qabyaaladu ina dishey oo aynu dhimanay in dugaagaasi
maydkii Soomaalida sida geeltoosiyaha kala
jiidanayaan. Habardugaag marka uu raq isugu yimaado
waxa inta kale didiya libaaxa, bakhtiyahiigyadan aan
soo tiriyeyna libaaxoodu waa dhabadhilif iyo khaain.
Laakiin, yaana la
ilaawin in dadka Soomaaliyeed inta fayow iyo inta
bugta inta fayoobi badantahay, bohol hadimo nin
qodayna isagu ku dhici doono insha allaah. Waxaan ku
darsanayaa maanta dagaalka qalinka gabaygan gaaban:
- Duq
gaboobey goor ay hurdado, soo degdegiweydey
- Dirirkiyo
haddii uu xidkaha, daawasho u aado
- Ama
diillin-caanood saqdhexe, dawga socoteeyo
- Inkastuu
yaraan door ahaa, diiq bidhaansiguye
- Hadba
meesha uu dayo haddii, ciiro yare daahdo
- Doobnimo la
dhaafuu hammiga, dib u xasuustaaye
- Aniguna
sidii daran horweyn, waayo laga daahshey
- Ay
dalawadii jeel murkaha, daafta marinweydey
- Oo dibir
jidhaanliyo xareed, dooni aragooda
- Axmed gurey
raguu duuliyiyo, duubcad baan jamane
- Dabkii
gurey xuseen iyo mataan, baygu soo duxiye
- Sayid iyo
darwiish iyo sengaa, dookhu tebayaaye
- Danabtii
lahayd calangubiyo, faarax baan deyiye
- Digrigii
bashiir iyo xarbaa, daahir ii noqone
- Xornimada
kuwii loo deldeley, yaygu soo degiye
- Sida hooyo
door ay dhashiyo, saygi laga dooxay
- Oo digasho
waartiyo xumaan, lagu dambaysiiyey
- Aan
duudsigaa helay arkayn, cid u dadaalaysa
- Dalkayagu
ka oy labada gelin, diifta uu qabo e
- Waa kaa
ilmada duugayoo, diilalyuu dhimane
- Darar iyo
hadduu xoodh lahaa, waa dacgudhayaaye
- Maatadan
sidii kayn dab galay, ololku diiraayo
- Oo dawladay
dhawrayeen, maanta dabar goysey
- Oo kii
jidhkiisu u danqado, daalin lagu sheegi
- Waa waxan
damiirkiyo caqliga, nooga daadegine
- Ninka
shalay adoogaa dilee, adi ku soo doontay
- U dulqaado
waa ceeb hadaad, daawo leedahaye
- Waa iga
digniin ereyadaan, soo dawinayaaye
- Dakhar iyo
intii uumiyaha, doog la kiciweydey
- Ama qolo
dufowdoo xiskii, laga dabayl-raacshey
- Ama calan
la duuboo sidii, derinta loo laabay
- Ama dunida
reer door ahaa, dabin ku aynfaadey
- Nin
shisheeye soo daadahshaa, loogu dawgalay e
- Qofka
khaain daaniyo dhibkii, laga dahsooneeyey
- Oo waa
danaystee u fili, diric walaalkiis ah
- Daabgudin
ha fiirsado siduu, damal u naafeeyey
- Onkod wuxu
daryaamana afeef, diillin baw xigiye
- Dabka
dhibicda soo raacayaa, daray la qiiqaaye
- Anna ararta
waxan daaliyoba, dulucdu waa meele
- Soomaali
duugeed intuu, meel dayacan yaalo
- Ama dalow
afkii lagu wadiyo, daaman gudohooda
- Uu doqon
cadaawe u tashaa, dabarka qoolaayo
- Marna toosa
kama deynayiyo, weerka haw dagane
- Kol hadday
daruurtii cusbayd, darab biyaynweydey
- Oo kaan
cadaawe u dabnayn, duurka lagu toogtey
- Oo
diricyadeenii hawada, laga duqaynaayo
- Oo
duunyadii laga meteley, ururo duulaan ah
- Aan degel
fayow lagu ogayn, wabiyo daantooda
- Inkastoo
allaa daaimee, diifi nagu raagtey
- Aan xeer na
deeqiyo samaan, cidina diidaynin
- Oo nabad
duqodiyo wanaag, uunku wada dooni
- Mar hadday
dugaag keensadeen, duban carruurteena
- Oo diinta
eebbiyo salliga, la isu diidaayo
- Oo talo
intii door ahayd, xabashi loo daayey
- Xaq la
duugey feedhaa dambaa, laga dilaacshaaye
- Haadkii
abraha loo dalbaday, yaa ku soo degiye
- Doofaarta
raacdiyo amxaar, sow ka durug maaha?
Dr. Abdullahi
Hassan Mohamud
(Abdullahi
Spanish).
Email:
indhagube@yahoo.es
________________________________________________________
Dr. Cabdullaahi Spanish Qoraaladiisa kale
waxaa ka mid ah:
AW JAAMAC CUMAR CIISE: DHINBIIL DIB U NOOLAYSAY
HALGANKII DARAAWIISHTA
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | Jan 13, 2007


|